lunes, 7 de junio de 2010

Dos Gardenias

http://www.youtube.com/watch?v=OPq2ye7hJQg

Heesaa: Antonio Lugo Machín
Miraha: Isolina Carillo
Nooca: Bolero
Dal: Kuuba
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid

Labo jaardiiniya u socda adiga
waxaan la iraahdaa
waan ku jacelahay, waan kuu jamiimacaa, nolashayda.
Saar dhugmadaada wada dhan
waayo waa wadnahaaga iyo kayga.

Labo jaardiiniya u socda adiga
kuu yeelan doona diiranaanta wada dhan ee dhunkad
ee noocaan ku siiyay
oo aadan abadkaa ka heli doonin
diiranaanta ee jacayl kale.

Dhankaaga ayay ku noolaan doonaan oo kuula hadli doonaan
sida markaad ila joogtid
xataana waxaad u maleeyn doontaa
inay ku dhihi doonaan waan ku jacelahay.

Laakiin haddii galabgaab uun
jaardiiniyada ee jacaylkayga ay dhintaan
waayo way gartayn
in jacaylkaagii engagay
waayo jacayl kale ayaa jira.

Labo jaardiiniya… u socda adiga.


Dos gardenias para ti
con ellas quiero decir
te quiero, te adoro, mi vida.
Ponles toda tu atención
porque son tu corazón y el mío.

Dos gardenias para ti
que tendrán todo el calor de un beso
de esos que te di
y que jamás encontraras
en el calor de otro querer.

A tu lado vivirán y te hablaran
como cuando estas conmigo
y hasta creerás
que te dirán te quiero.

Pero si un atardecer
las gardenias de mi amor se mueren
es porque han adivinado
que tu amor se ha marchitado
porque existe otro querer.

Dos gardenias… para ti.

domingo, 6 de junio de 2010

Tan waa Magaalada

Maansoole: João Mello
Dal: Angoola
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid








Tan waa magaalada. Yaa dhaxsocda
dhuuqayo udgoonyadeeda midabsan?

Dhawaaqyo baraashirixeed
baa u marqaamiya muruqyada
sida cirbado macaan

Yaa dareema kulka ee dhulka
if dhalo ah iyo biyo
lixaadsan oo u yeera sida
maraaciga?

Ilmaha baa dhaxroora magaalada
dabacarara tacshiiradaha
sida shinbiraha u qaaqleeya. Jabka
ee dagaalkan
iyagu had iyo jeer waa yaqiinayn

Waxaa ka jira dheelaas guluc walba
halka dafaf la cusbooneeyay
ka qarxiyaan dhamaan faraxii hore

Gobnimadu waa xariiq aragti leh
ee dab dhaxyaal dhaayaha aadane.


Esta é a Cidade

Esta é a cidade. Quem caminha
sorvendo seus odores coloridos?

Caleidóscopicos sons
inebriam os músculos
como doces agulhas

Quem sente o calor do chão
luz de vidro e água
intensa e rumorosa como
um afago?

As crianças percorrem a cidade
atrás do tiroteiro
como aves barulhentas. A rota
desta guerra
elas sempre a conheceram

Há uma farra em cada esquina
onde tambores renovados
fazem explodir toda alegria antiga

A liberdade é uma visível linha
de fogo nos olhos dos homens.

martes, 1 de junio de 2010

Soomaaliya

Maansoole: Andrea Nateri
Dal: Itaaliya
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Waan ku arkay,
adigoo kor
ugaga soo dhaca
baarashuud,
hoos
had iyo jeer hoos u sii dhaca

Waan kugu arkay adigoo qaylinaya
bowdaha oo kala furan

adigoo leefaya dhuunta
ee bunduqa

Waan kugu arkay
gacan dhimadtay
dulsaaran gacan kale!

Waan ku arkay,
wali
waan arkayaa.
Caruurta waawayn,
gabdhaha yaryar la iibiyay
eeyo
dadcun ah

San-dhuubis
lagu qariyo
cabsi
mawd
laguna dareemin
wadnaha boodbooda

Kadeedka!,
wuuba
jiifsanayaa
jiifsanayaa!

Kaligiisa buu ku haraa
Kaligiisa buu ooyaa
Kuma ayaa danbiga leh?
Kuma ayaa leh?



Somalia

Ti ho visto,
dall'alto
scendere
a paracadute
giù
sempre più giù

ti ho visto gridare
a cosce aperte

leccare la canna
di fucile

ti ho visto
morta
mano sulla mano!

Ti ho visto,
ancora
vedo.
Bambini anziani,
bambine vendute
cani
a sbranare

Cocca sul naso
a nascondere
paura
morte
a non sentire
il cuor che batte

Il tormento
ormai
dorme
dorme!

Solo resta
Solo piange
Di chi è la colpa?
Di chi?
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...