lunes, 18 de octubre de 2010

Soomaaliyadeena

Maansoole: Saafi Cabdi
Dal: Dubay, Midowga Imaaraadka Carbeed / Soomaaliya
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Meel ayaa ka jirta halkan wadnahayga,
lagu nafaqeeyo gudahayga meelwalba aan aado.
Qabowga ciidda ee Xamar ayaa qutqutteeynaya
farahayga muusanaw ama taah kasta dartooda.
Ilayska qoraxda ayaa ku soo labolaabma
muraayadda ee wabiga Shabeele.
Buuraha dhaadheer ee Sheekh iyo Bari…
maxay sooryo u yahiin gaajada…!, laakiinse...
muxuu muuqaal ka fiican Dhulka waasacan soo bandhigaa?

Waxaan gudahayga ku nafaqeeyaa aragtiyadan ee arligayga
caruur ugu dhaxciyaarta daneeyn la’aan arligooda
Waxaan u allebaryaa dhamaan jirka:
Birri, Bad, Wabi, Haro, Buur
Dhir iyo Xoolo.

"Anaga”na dadka, Muslin, wadajirsan,
ahaynin jajabyada lagu tuuray halkan iyo halkaas.
Magaca Alle waxaan ugaga baryaa midowsan,
barakeeysan dhamaan jirka
una haynin rajo waxna ee doolsho jiran, kala daadsan,
gacanta loogu soo taagay in lakala qaybiyo, sharafjaban.
Kasha waxaan ku hayaa erayga “anaga” kooxeed
ahaynin “aniga” ama “ayaga”.

Waxaan ku riyoodaa Ariga midab-caaneedka cad ee “kaayaga” arliyeed
hadalka birbira ee “kaayaga” dayax
Waqooyi iyo koonfur, Bari iyo Galbeed,
xadka waa cirka
daaqo geelkaaya, hab quman, boqarnimo leh
hormo xor ah
joogta guriga meelwalba ay eegaan:
Laascaanood iyo Hargeeyso
Bandar Qaasim iyo Laas Qoray
Baraawa iyo Boorame
Marka, Jawhar, iyo Kismaayo
udgoon macaan ee uunsi iyo canbar, meelwalba aan aadno.

Nabadgalyo, wiilal! Nabadgalyo!
Qalin haystow, Midnimo!
Qalimada ha ahaadaan in lagu daaray Isha Baydhabo.


Our Somalia

There is a place right here in my heart,
Nourished within me everywhere I go.
The cool sands of Hamar tickling
My toes out of every cry or moan.
Sunshine replicated
In the mirrors of the river Shabelle.
The grand mountains of Sheikh and Bari…
What a feast for the hungry…but then...
What better panorama has Mother Earth on offer?

I nourish within me these scenes of my land
Children at play carefree in their land
I pray for the whole body:
Land, Sea, River, Lake, Mountain
Flora and fauna.

And "us" the people, Muslim, wholesome,
Not the pieces thrown here and there.
I pray for the whole body blessed,
In the name of Allah unified
Having no wish for any sickly pie, dispersed,
Handed down to divide, disgraced.
I cherish the term “we” the collective “us”
Not “i” or “they”.

I dream of the milky white Ari of "our" land
The dazzling speech of “our” moon
North and South, East and West,
Sky is the limit
Our geel to graze, proud, majestic
A free herd
Coming home everywhere they gaze:
Lascanood and Hargeisa
Bandar Qaasim and Las Qorey
Barava and Borame
Marca, Jowhar, and Kismayo
Sweet scents of uunsi and anbar, everywhere we go.

Farewel, boys! Farewel!
O you with the Pen, Unity!
May the pens be dipped in the Springs of Baidabo.

(By: Safi Abdi)

sábado, 9 de octubre de 2010

Walaalkay Aadane

Maansoole: Nezahualcóyotl (1402 – 1472)
Dal: Meksiko
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Waxaan jaclehay heesta Sinsonte
shinbir ee cod afarboqalaal,
waxaan jaclehay midabka Yashm
iyo carafta dareenkaciyeha ee ubaxyada,
waxaanse ka sii jaclehay walaalkay: Aadane.



Mi hermano el hombre

Amo el canto de zenzontle
pájaro de cuatrocientas voces,
amo el color del jade
y el enervante perfume de las flores,
pero más amo a mi hermano: el hombre.


Maanso lagu tiriyay afka Naahwatl (Náhuatl) ee dadka Meksiko (Meeshihkah) ee ilbaxnimadii Asteka (Azteca). Sinsonte (Zenzontle) waa shinbir cod macaan dhaanjisa codad kala jaadsan ku jiro kan banii’aadanka oo laga helo waqooyiga qaaradda Maraykanka. Yashm (يشم), waa dhagaxmacdaneed ay Asteka ku aaminsanaayayn inuu leeyahay awood abuureed.

domingo, 3 de octubre de 2010

Bishaaro Alan Turing

Maansoole: Matt Harvey
Dal: Ingiriiska
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


waatan bishaaro ku socodta Alan Turing
ku dhaxdhashay ayaamo ka gasariirsan, ka gudcursan
ku soo fikro gaaray xerada dibadeeda
jaclaana oodda dibadeeda
sootay deedto xeerxiran-jabiyeha jabiyayn
waanuna ka xunnahay
haa hadda erayga «X» waa lagu dhawaaqay
wacyiga rasmiyeed baa lagu kaciyay
- si aad u taxaddaran baa loo qoray ugu yaraanse looma haldahsoominin -
qisaduna waxay ka talobixisaa
qayb 2 ee Tijaabada Turing:
1. ma u dhaqmi karaan mashiino sidii banii’aadan?
2. ma karnaa anagu?


here´s a toast to Alan Turing
born in harsher, darker times
who thought outside the container
and loved outside the lines
and so the code-breaker was broken
and we´re sorry
yes now the s-word has been spoken
the official conscience woken
- very carefully scripted but at least it´s not encrypted -
and the story does suggest
a part 2 to the Turing Test:
1. can machines behave like humans?
2. can we?


Alan Mathison Turing wuxuu ku dhashay 23da Juuniyo 1912dii, Paddington, London. Xisaabyahan, fiiro-abuuryahan ee cilmiga kombuyuutarka, iyo haldahsoonyahan. Wuxuu kaloo ahaa isujinsigalmood. 31da Maarso 1952dii baa lagu xiray oo lagu saaray maxkamad xiriir galmood uu la yeeshay dhalinyar daganaa Manchester. Qirashada ahnaantiisa isujingalmood ayaa u naqodtay inuu ka doorto “daaweeyn” lehayd inuu qaadto sannad iistorojiin oo ka hortagta galmoqabkiisa. 8da Juuniyo 1954dii ayaa laga helay isagoo ku dhintay maalintii ka horeeysay saayanayd.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...