lunes, 21 de febrero de 2011

Waxaanu ku fikirnaa inaanu nahay daa’injir


Qoraa: Sónia Bettencourt
Sheeko: Gaaban
Dal: Baraasiil
Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid
“(…) Qoritaanku wuxuu u rogmaa xididmaskaxeedkac run ah.
Isagaa qaadtay kobta Eebe aanu kaga baxinay si uu abadba dib u soo laabanin (…)”

Jean-Paul Sartre (Tarjamid iyo fasiraad aan ku xadgudbin Islaamka)


Qalfoof iyo Harkiisa

Dadku waxay ka soo baxaan baska kuna kala firaraan jidka. Sadex saac. "Sadex saac had iyo jeer waa u daah ama u dagdag waxa aanu doonno inaanu sameeyno", waxaan ka aqriyay meel uun. Waa saacadda aanu dheefshiidno caloosha oo maran.
Qorax qabaw baa iga jarceeysa tan iyo lafaha. Iftiinka tabaryar baa igu kaciya madax-xanuun. Laqanyo, baan dhahi lehaa.
Waxaan kula abaaraa guriga talaabooyin dhaadheer, ee dhabe cariirsan oo maran, sidii anigoo qof i sugaya. Waan jacelaan lehaa haysasho qof i suga. Waan ka qaatiyaa markii ugu horeeyo naqosho kali.
Wadnaha baa jug igaga siiya mabsuudnimo markaan arko hooygayga yar: iska caadisan, iska dagan, ku dhax-xaseeysan miyiga. Muulku waa shibta. Waxay na siisaa habeeno si fiican loo seexday. Hase yeesho, hurdadaydu dib bay u dhacdaa. Habeen si fiican loo seexday baa ku filnaan lehaa inuu ka nadiifiyo madaxayga dhacdooyinkayga dhan. Dib uguma joogi karo kali dhaxda codadkaas faraxsan, uma arki karo shakhsiyo qoslaya, ku fikiraya wadajir kuna qiranaya raalli inay wada leeyahiin isla ra’yi. Caku, hilaac kala gooy!
Waxaan qoraa toban, shan iyo toban bog hal habeen oo marnaba ma aan sheego runta. Waan isku caroodaa. "Sidee u suurtawdaa inaad been sheegto runta oo ku jirta gacanta?", ayaan u sheegaa naftayda.
Waxaan eegaa galaas biir ee maalintii tagtay, saaran miis-qoraalka. Waxaan damacsadaa iraahid: "Ma aan qorayo inkale!".
Ma dhaci doontaa inaan ku hayn karo kalinimada xasiloon meeshayd?
Intaan sii gaboobayo waxaan dareemaa baahi marwalba sii xoogan ee buug qorid. Tani lama tijaabinin. Laakiin waa fiiro iigaga timaada si aan u mideeyo su’aalahayga, rajobeelkayga iyo walbahaarkayga.
Waxaan jacelahay dhabaqtirid-la’aan qorid, ee mar kaliya. Laakiin waxaan dheelitirka iskaga waayaa si fudud. Waxaan ka dareensadaa dangaraaro koridda kursiga, horjeedkayga oo dibmarsan, ku sakhraansan biirka iyo fikradahayga. Marar badan waxaan kaga soo joogsadaa caadifad-ahaanba anigoo daalan leh dareen kadis ah ee xornimo oo waxaan u cararaa god cad oo aan ku leeyahay darbiga. Muraayadda.
Wajigayga. Waan fiiriyaa. Ma aan fahmo. Wajiyada dadka saarnaa baska waxay lehaayayn macne, kayga maya. Waxaan rabaa go’aansashada haddii aan u arko qurux ama foolxun. Dabadeed baan sameeyaa waji-majuujis, ilig baan soo taagaa, maqaarka midabka fasakhan baan duubduubaa, indhaha baan u kala balaqaa si adag, isdhaafdhaafis baan kula marmaraa timaha midabka qaxweed… shakigayga ma kala cadeeysmo. Sodan jir, baan is iraahdaa. Maxaa lambar ahaaw aadba u kooban, aadba uga fog aadbana ugu dhaw dhamaadka.
Waxaan ka dhaxdaawadaa muraayadda wixii iga xiga gadaal: miisas, kuraas, buugaag, Cd-yo, galaasyo wasakheeysan, qarshooyin ee biirka, haashash ku hilan sigaarsaaryada, koobab qaxweed… (dareengalmeed-kaciyayaal oo hadda saameeys yarba igu leeyahiin), miis-qoraal rasan, waraaqo ku hilan… Kamadanbeeysba, guri ku wada daboolan bus iyo xididmaskaxeedkac.
Waxaan ka soo qaadaa muraayadda waji aan u ekaanin banii’aadan oo waxaan ku soo naqdaa kursiga ufooyinka maskaxeed, inta habeenku igu neefsanayo oo igu dhaxduubayo sirtiisa. Shaydaanka baa ku nool gees. Farma’ba waan hakadaa oo, isla waqtiga kabada biirka ugu danbeeysa ii qoyso gudahayga, waxaan arkaa weer ka timaada halkaas sare oo waan soo jilaabaa: "waxaanu ku fikirnaa inaanu nahay daa’injir".
Waxaan ku dhacadiidsaday kursiga oo waxaan ugu dhaxsiibtay si nugul badan salka fikirka, anigoo la buuxa oon iyo waswaasyo: Sidee ayaananin loogu sii gudogalin riyada? Sidee ayaananin laysaga mamnuucin jiritaanka? Sidee ayaananin loo qaadin balano? Sidee ayaananin loo aadin waa dhamaaday? Sidee ayaananin loogu dhaafin fadalo bacaadka?
Sidee ayaananin dib laysugu reebin bohalyaw? Sidee ayaananin laysugu abuurin meehaalo?
Sidee ayaananin loola sheekeeysanin magalootiyo hadla? Sidee ayaananin loogu baxnaanismarin dhabyaalka dunida dhan? Sidee ayaananin loogu dhacin khiyaano?
Sidee ayaananin looga qaadin kalsoonibeel dabeecadda bani’aadanka? Sidee ayaananin laysugu qasmin? Sidee ayaananin loogu dhaqaaqin buug qorid? Sidee ayaananin looga wabxin marnaanta? Sidee ayaananin laysugu kala daadanin sharqan la’aan? Sidee ayaananin loogu qaylinin shib-ahaan?
Biirka oo dhamaaday, baan arkaa. Waxaanna u baxaa soo iibsashaddiisa.
Qoraxdu waa qabaw. Maalin kale ee maalmaha.
Waxaan galay baska oo waxaan bilyeetiga ugu gooystay meelwalba iyo meelna, sahal-ahaanba raacayo nolasha banaanka, taariikhda sacodta, igu hareersan dad leh wajiyo ku iltiran macne, inkastoo qaar yahay camoole, inkastoo qaar kale yahay dhagoole, gadi kula baxnaanismaraya si hor leh muqaamarad. Wada xasiloon. Haddayto, waan karaahiyeeystaa iyaga, ma aqaani waayo.
Waxay u egtahay in waxna dhacin goorta la nool yahay. Dadku waxay kaga galoobaxaan amin la baxnaanismaray sidii isagoo ku saabsanaa bas – kuwo dadajisan, saaxi ah uu la jiro dheeldheeliga.
Sidii iyagoo ahaa daa’injir.

***
Pensamos que somos eternos

“(…) Escrever torna-se uma verdadeira neurose.
Ela vem ocupar o lugar de Deus que partiu para nunca mais voltar (…)”

Jean-Paul Sartre


As pessoas saem do autocarro e espalham-se pela rua. Três horas. "Três horas é sempre tarde ou cedo para aquilo que queremos fazer", li em qualquer lado. É a hora em que fazemos a digestão com o estômago vazio.
Um sol frio arrepia-me até aos ossos. A luz anémica provoca-me dores de cabeça. Uma náusea, diria.
Dirijo-me para casa a passos largos, por um caminho estreito e vazio, como se alguém estivesse à minha espera. Gostaria de ter alguém à minha espera. Aborreço-me pela primeira vez de estar sozinho.
O coração dá-me um baque de contentamento quando avisto a minha pequena moradia: simples, pacata, sumida entre campos. O melhor é o silêncio. Dá-nos noites bem dormidas. No entanto, o meu sono está atrasado. Uma noite bem dormida seria o suficiente para me varrer da cabeça todas as minhas histórias. Já não consigo estar sozinho no meio daquelas vozes alegres, ver personagens a rir, a pensar todos juntos e a reconhecer satisfeitos que são da mesma opinião. Raios os partam!
Escrevo dez, quinze páginas numa noite e nunca digo a verdade. Zango-me comigo próprio. "Como é possível mentires com a verdade na mão?", digo de mim para mim.
Olho para um copo de cerveja do dia anterior, em cima da secretária. Tenho vontade de dizer: "Não escrevo mais!".
Será que posso manter a solidão quietinha no seu lugar?
Á medida que vou envelhecendo sinto uma necessidade cada vez mais forte de escrever um livro. Isto não está provado. Mas é uma hipótese que sai de mim próprio numa maneira de unificar as minhas perguntas, o meu desespero e a minha angústia.
Gosto de escrever sem emendas, de uma só vez. Mas perco o equilíbrio facilmente. Dou por mim estonteado, a cavalgar na cadeira, de frente para trás, embriagado pela cerveja e por meus pensamentos. Muitas vezes levanto-me emocionalmente exausto numa sensação brusca de libertação e corro para um buraco branco que tenho na parede. O espelho.
A minha cara. Fico a contemplá-la. Não a compreendo. As caras das pessoas que estavam no autocarro tinham um sentido, a minha não. Quero me decidir se a acho bonita ou feia. Então faço uma careta, destapo um dente, enrugo a pele descorada, arregalo os olhos avelã, emaranho o cabelo castanho… Nada esclarece a minha dúvida. Trinta anos, penso. Que número demasiado redondo, tão longe e tão perto do fim.
Observo através do espelho o que me está por detrás: mesas, cadeiras, livros, Cds, copos sujos, garrafas de cerveja, beatas amontoadas nos cinzeiros, chávenas de café… (afrodisíacos que já pouco efeito têm sobre mim), uma secretária amontoada de folhas de papel, desorganizada… Enfim, uma casa coberta de pó e de neuroses.
Retiro do espelho um rosto que não parece humano e regresso à cadeira das tempestades cerebrais, enquanto a noite respira-me e entrelaça-me em seu segredo. O diabo mora ao lado. De súbito paro e, ao mesmo tempo em que o último gole da cerveja me molha as entranhas, vejo uma frase vir lá de cima e pesco-a: "pensamos que somos eternos".
Recosto-me na cadeira e deslizo muito suavemente para o fundo do pensamento, cheio de sede e de dúvidas: Como não se afundar em sonhos? Como não se banir da existência? Como não fazer promessas? Como não caminhar para um tempo findo? Como não deixar pegadas na areia?
Como não deixar saudades? Como não cultivar devaneios?
Como não conversar com fantasmas falantes? Como não viver a realidade do mundo inteiro? Como não se deixar enganar?
Como não desconfiar da natureza humana? Como não se revoltar? Como não borrar um livro? Como não se atulhar do vazio? Como não desabar sem rumor? Como não gritar em silêncio?
A cerveja acabou, reparo. E saio para comprá-la.
O sol está frio. Mais um dia que se repete.
Entrei no autocarro e paguei o bilhete para todo o lado e para lado nenhum, simplesmente seguindo vida fora, história adiante, cercado de pessoas com caras cheias de sentido, ainda que umas cegas, ainda que outras surdas, todas vivendo uma aventura com violência. Acomodadas. Agora, eu as detesto, não sei por quê.
Parece que quando se vive nada sucede. As pessoas entram e saem de um momento vivido como se de um autocarro se tratasse – apressadas, sisudas e aos solavancos.
Como se fossem eternas.

lunes, 14 de febrero de 2011

Labo Jacayl (Isujinsigalmood)


Waxaan ahay jacaylka runta, waxaan kula iltiraa
qalbiyada wiil iyo gabarba si isle’egba olal.
Dabadeed kan kale, taahayo, baa yiri, “Yeelkaaga,
waxaan ahay jacaylka aanan ku dhacin inuu sheego magaciisa”.

(I am true Love, I fill
The hearts of boy and girl with mutual flame.
Then sighing, said the other, ‘Have thy will,
I am the love that dare not speak its name.)
- Lord Alfred “Bosie” Douglas, (two loves)

Dal: Ingiriiska
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid

martes, 8 de febrero de 2011

Xorriyo


Maansoole: Gösta Ågren
Dal: Iswiidhan (Sverige)
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid




Ku dhaxdaban xorriyo
waxaanu si rajobeelan u raadinaa
albaab, gidise
waa yeelaan furitaan.


Frihet

Instängda i friheten
söker vi förtvivlat
en dörr, men alla
går att öppna.

martes, 1 de febrero de 2011

Cunugga Soomaaliga


Maansoole: Goloria Fuertes
Dal: Isbaanya
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Gaajada Adduunka
 Maanta hargab ayaan qabaa,

laakiin dhabarka ima xanuujiyo.

Maanta waxaa qura i xanuujiyo fiirada

ee cunuggaas soomaaliga.

Waa cunug aan haysanin waxna.

Cunug alaab-ciyaareed la’, cuno la’,

biyo la’.


Waxaan joogay halkaas

waxaanna ku dhahay cunugga soomaaliga:

- Xoogaa sheekooyin baan kuu keenaa.

Cunuggana baa fiirada igula dhahay:

- Ani ima hayaan sheekooyin

iyo waxyaabahaasba

Maanta anina ima hayaan tixyo

waayo waxaa i xanuujiyo fiirada

ee cunuggaas Dalka Soomaaliya.


Waa cunug u saaran uun duqsiyo

indhaha iyo bushimaha qalalan.

(waa ee duqsiyadaas

uun qaniina maydka)





El niño Somali


Hoy tengo la gripe,

pero no me duele la espalda.

Hoy sólo me duele la mirada

de ese niño somalí.

Es un niño que no tiene nada.

Niño sin juguetes, sin comida,

sin agua.


Estuve allí

y le dije al niño somalí:

-Te traigo unos cuentos.

Y el niño me dijo con la mirada:

-Yo no estoy para cuentos

ni para nada

Hoy yo tampoco estoy para versos

porque me duele la mirada

de ese niño de Somalia.


Es un niño que sólo tiene moscas

en los ojos y en los labios secos.

(son de esas moscas

que sólo pican a los muertos)

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...