viernes, 16 de noviembre de 2012

Sanadahii



Waxaan ahaan jiray waagaasi, ma ka harin waxna: jir-ahaan nin qura, waxaan ahaa wali wiil cunuga. Waxaan ogaa ilaa iyo waqti, waxayse wada dhacayn kulli dhamaadkii diraacda, hal galab iyo hal foog. Waxaan ku noolayn wada jir, ku-dhawaadba si qarsan, qol xigay waddo. Silvia ayaa igu dhahday habeenkaas waxay ahayd inaan tago ama ay tagto iyadu - waxna maan isku lehaynin. Waxaan ka tuugay inaan isku dayno jeer kale; waan dhinac iil oo habsiisanaa.
Waxay igu dhahday:
- Waa maxay muraadku? - Waxaan mugdiga kula dhax hadlaynay cod hooseeya.
Deeto Silvia waa seexadtay, anina waxaan ilaa iyo foogta kula hayay jilibkayga kaydii. Waxay foogtu u soo baxday say u soo baxi jirtay, waxayna ahayd qabaw badan; Silvia timahaa ugu soo dul dhacsanaa indhaha, mayna dhaqdhaqaaqaynin. Gudcurkaan dhaxdiisa ka soo fiirsanayay aminka oo gudbaya, waan ogaa inuu gudbayay oo roorayay, iyo in banaanku ka jiray ciiryaamo. Inta dhan ee aan kula noolaa Silvia qolkaas waxay ahayd maalin iyo habeen qura, oo haddayr ku dhamaanaysay foogta. Dabadeed waan gartay inayan waligayda igula dhax sacon doonin ciiryaamada ugubsan.
Waxaa ka fiicanayd anoon soo kacinin inaan labbistay oo iska baxay. Waxaase haddayr madaxa iigu jiray wax inaan waydiiyo. Waan sugay, anoo iska doonaya hurdo.
Goortay soo kacday, Silvia waa ii muusaabtay. Waxaan sii wadanay wada hadalidda. Waxay dhahday:
- Way fiican tahay in daacad laysu naqodo, sayna oo kale.
- Oh, Silvia! - ayaan ku nuxnuxleeyay -, maxaan samayn doonaa jeerkaan ka tago halkan? Halkeen u kaci doonaa?
Kaasuu ahaa waxa ahaa inaan waydiiyo. Iyadoo ka qaadin jeegada barkinta ayay u muusaabtay jeer kale, si raallisan.
- Sawiryahaw - ayay dhahday -, waxaad u kaci doontaa halkaad doonto. Saw ma fiicano in la naqodo xor? Waxaad baran doontaa gabro badan, waxaad samayn doontaa waxyaabaha dhan ee aad jacashahay. Alle!, waan kaa masayrsanahay.
Haddayraa foogtu wada buuxinaysay qolka waxaana ku soo haray qura xoogaa kul sariirta. Silvia waxay kula sugaysay dulqaad.
- Waxaad adi tahay dhilo oo kale - ayaan ku dhahay - had iyo jeerna waad ahayd.
Silvia ma furin indhaha.
- Haddayr oo aad sheegtay ma ku fiicanaadtay? - ayay igu dhahday.
Dabadeed waxaan iskaga iil sidii iyadoo joogin, waxaana iska fiirinayay saqafka oo ku ooyayay shib. Ilimada waxay ii buuxinayayn indhaha oo ku dareerayayn barkinta. Ma ku jirin qiimo in laga warhelo.
Waqti badanaa ka soo gudbay, haddayrna waan ogahay in ilimadaas shibsan ay ahaayayn waxa kaliya ee ninnimo aan kula dhaqmay Silvia; waan ogahay inaan u ooynayay maahee iyada bal inaan ilsaaray qaddartaydii. Waxaan ani ahaa waagaas, ma ka harin waxna. Waxaa ka haray qura inaan gartay qofkaan ahaan lehaa timaadtada.
Deeto Silvia waxay igu dhahday:
- Bas waaye. Waa inaan kacaa.
Waan isla wada kacnay, labadaya. Maan arkin iyadoo labbisanaysa. Waxaan ku joogsaday dhaqso, deeto xagga dariishadda; waxaanna fiirinayay geedahii oo soo dhax muuqada. Gadaasha ciiryaamada waxaa tiil qoraxdii, qoraxda jeerar tahan diirin jirtay qolka. Xataa Silvia waxay ku labbisadtay dhaqso, waxayna i waydiisay haddaan soo sii urursan lehaa alaabadaydii. Waxaan ku dhahay horta hore waxaan doonayay inaan saaro qahweha, waxaanna shiday birjikada.
Silvia, iyadoo ku fadhiday hareeraha sariirta ayay bilawday inay habaysadto cidiyaha. Tagtadii waxay kula habaysan jirtay miiska. Waxay u ekayd qof maahsan timahaana ugu soo dul dhacdhacayay indhaha; dabadeed waxay kula ruxruxi jirtay madaxa oo iska xorayn jirtay. Waxaan ku dhax meermeertay qolka oo ka soo urursaday alaabadaydii. Waxaan ku hishay kursi dushiisa oo isla goortii Silvia ayaa bootin ku soo joogsadtay oo u roortay inay damiso jalammada qahweha ka soo qubanayay.
Dabadeed waxaan qaadtay sanduuqa oo ku ridtay alaabtii. Ku sii dhax jirka taas, waxaan gudahaygii kula xoojinayay inaan soo urursado xusuusaha xunxun ee aan ka haystay Silvia: macnadaridaydii, camalxumadaydii, erayadaydii dhibta lehaa, haryuubyadaydii. Taasaan ka soo sii qaadanayay qolkayda. Waxaan ka tagayay wuxuu ahaa ciiryaamada.
Goortaan dhameeyay, wuu diyaarsanaa qahwehu. Waxaan ku qaadanay anagoo kor istaagan birjikada. Silvia wax ayay dhahday, inay maalintaas u sacodtay inay soo aragto nin, si ay ugala soo hadasho arin. Waxyar kadib waxaan iska dhigay koobka oo la baxay sanduuqii. Dibada, ciiryaamadii iyo qoraxdaa indhobeelinayay.


Qore: Cesare Pavese (1908 – 1950)
Sheeko: Gaaban (Recconti II, 1960)
Dal: Itaaliya
Tarjamay: Samantar Maxammad saciid
 

***


Gli anni


Di quel che ero allora non resta più niente: appena uomo, ero ancora

un ragazzo. Lo sapevo da un pezzo, ma tutto avvenne alla fine

dell'inverno, una sera e un mattino. Stavamo insieme, quasi nascosti, in

una stanza che dava su un viale. Silvia mi disse, quella notte, che dovevo

andarmene, o andarsene lei -non avevamo più niente da fare insieme. La

supplicai di lasciare che provassimo ancora; ero disteso al suo fianco e

l'abbracciavo. Lei mi disse: - A che scopo? - Parlavamo a voce bassa, nel

buio. Poi Silvia s'addormentò, e io tenni sino al mattino un ginocchio

contro il suo.

Comparve il mattino com'era sempre comparso, e faceva molto freddo;

Silvia aveva i capelli negli occhi e non si muoveva. Nella penombra io

guardavo il tempo passare, sapevo che passava e correva, e che fuori c'era

la nebbia. Tutto il tempo che ero stato con Silvia in quella stanza, era

come una sola giornata e una notte, che adesso finiva al mattino. Allora

capii che non sarebbe mai piu' uscita con me nella nebbia fresca.

Era meglio se mi vestivo e me ne andavo senza svegliarla. Ma adesso

avevo in mente ancora una cosa da chiederle. Aspettai, cercando di

assopirmi.

Quando fu sveglia, Silvia mi fece un sorriso. Riprendemmo a parlare.

Lei disse: - E' bello essere sinceri come noi. - Oh Silvia, - bisbigliai,

- che cosa farò uscendo di qui? dove andrò?- Era questo che avevo da

chiederle. Senza staccar la nuca dal cuscino, lei sorrise di nuovo,

beatamente. - Sciocco, -disse, - andrai dove vuoi. Non è bello esser

liberi? Conoscerai tante ragazze, farai tutte le cose che vuoi. Parola,

che t'invidio.

Adesso il mattino riempiva la stanza e non c'era un po' di calore che

nel letto. Silvia aspettava paziente. - Tu sei come una prostituta, -le

dissi, - e lo sei sempre stata.

Silvia non aprì gli occhi. - Ora che lo hai detto stai meglio? - mi

disse.

Allora me ne stetti come se lei non ci fosse, e guardavo il soffitto e

piangevo senza rumore. Le lacrime mi riempivano gli occhi e colavano sul

guanciale. Non valeva la pena di farmene accorgere. Tanto tempo è passato,

e adesso so che quelle lacrime mute furon l'unica cosa da uomo che feci

con Silvia; so che piangevo non per lei ma perchè avevo intravisto il mio

destino. Di quel che ero allora non resta piu' niente. Resta soltanto che

avevo capito chi sarei stato in avvenire.

Poi Silvia mi disse: - Adesso basta. Devo alzarmi.

Ci alzammo insieme, tutt'e due. Non la vidi vestirsi. Fui presto in

piedi, alla finestra, e guardavo le piante trasparire. Dietro la nebbia

c'era il sole, il sole che tante volte aveva intiepidito la stanza. Anche

Silvia fu presto vestita, e mi chiese se non portavo con me la mia roba.

Le dissi che prima volevo scaldarmi il caffè, e accesi il fornello.

Silvia, seduta alla sponda del letto, si mise a rifarsi le unghie. In

passato se l'era sempre rifatte al tavolino. Sembrava soprapensiero e i

capelli le cadevano continuamente negli occhi. Allora dava scosse con la

testa e si liberava. Io girai per la stanza e raccolsi la roba. Ne feci un

mucchio su una sedia e a un tratto Silvia saltò in piedi e corse a

spegnere il caffè che versava.

Poi tirai la valigia e ci misi la roba. Intanto, dentro mi sforzavo di

raccogliere tutti i ricordi spiacevoli che avevo di Silvia - le futilità,

i malumori, le parole irritanti, le rughe. Questo portavo via dalla sua

stanza. Quel che lasciavo era una nebbia.

Quande'ebbi finito era pronto il caffè. Lo prendemmo in piedi, accanto

al fornello. Silvia disse qualcosa, che quel giorno sarebbe andata da un

tale, a parlare di una faccenda. Poco dopo, deposi la tazza e me ne andai

con la valigia. Fuori la nebbia e il sole accecavano.

jueves, 4 de octubre de 2012

Dagaankayga

Shaabad boosto ee 1978kii



Dadka, qalbigoodu
lama ogsoon karo.
Dagaankayga baa ubaxawgiisu

wuxuu u carfaa sida waayahiisii.


 (ki no tsurayuki)

 

人はいさ
心も知らず
ふるさとは

花ぞむかしの
香に匂ひける


紀貫之
 

tarjamay: samantar maxammad saciid

miércoles, 26 de septiembre de 2012

Maya, waxnaba (Non, rien de rien)


Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Wanaagga lay soo galay, iyo xumaantaba
Dhamaan wayskula kay mid.
Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Waa la guday, waa la tirtiray, waa la ilaabay
Waxba igama galin tagtada.
Xusuusahayga
Waxaan la shiday dabka;
Murugahaygii, arwaaxyadaydii
Uma qabo baahi danbe;
Tirtiran jacayladaydii
Iyo balbaladoodii
Tirtiran ilaa iyo abadkooda
Waxaan ka soo bilaabaa kaw.
Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Wanaagga lay soo galay, iyo xumaantaba
Dhamaan wayskula kay mid.
Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Dee nolashaydii, dee farxadahaygii
Maantay adi kula bilaabmaan.
 
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
Ni le bien qu'on m'a fait, ni le mal
Tout ça m'est bien égal
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
C'est payé, balayé, oublié
Je me fous du passé
Avec mes souvenirs
J'ai allumé le feu
Mes chagrins, mes plaisirs
Je n'ai plus besoin d'eux
Balayés mes amours
Avec leurs trémolos
Balayés pour toujours
Je repars à zéro
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
Ni le bien qu'on m'a fait, ni le mal
Tout ça m'est bien égal
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
Car ma vie
Car mes joies
Aujourd'hui
Ça commence avec toi...
 
Heesaada: Édith Piaf
Dalka: Faransiiska
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid.

jueves, 13 de septiembre de 2012

Xadka hoosjoogga


Gobonimodoonka Xaajji Maalik Al-Shabaaz "Malcolm X"


Rag sabaan ka sabaan baan
samaantuun badshaa.

Hadduu saakimi waayo
sariiraan u dhigaa
iska seexo iraa.

Hadduu saakimi waayo
caanahii hasha Suub baan
sadex goor u lisaa
ku sariigo iraa.

Hadduu saakimi waayo
sumalkii rugta joogay iyo
sogabkaan u qalaa.

Hadduu saakimi waayo
sixnigii Cadameed baan
subagga uga badshaa.

Hadduu saakimi waayo
gabar suurad wanaagsan baan
suradda ugu dhisaa.

Hadduu saakimi waayo
xoolo gooni u soofi iyo
sadadkaan ku laraa.

Hadduu saakimi waayo
seedaw, mood iyo mood iyo
salaantaan badshaa.

Hadduu saakimi waayo
salaaddaan labolaabaa oo
maydal, seedo madaw iyo
salligaan cuskadaa oo
sulub eebo ku joogtaa;
sarartaan ku dhuftaa oo
sanbabka ka baxshaa
markaasuu sallimaa!

(Faarax Nuur)



The limits of submission

To the colonialist, time to time
I show only abundant goodness.

If he is not satisfied
I spread out bedding for him
And sleep, I say.

If he is still not satisfied
The milk of the camel whose name is Suub
I milk three times for him
And take comfort in it, I say 

If he is still not satisfied
The homestead’s ram
And the fat he-goat 
I kill for him.

If he is still not satisfied
The plate from Aden
I fill with ghee for him.

If he is still not satisfied
A beautiful girl
And her bridal house
I offer for him.

If he is still not satisfied
I select livestock also
And add them to the tribute.

If he is still not satisfied
Oh brother-in-law and cheer and salutation
I lavish upon him.

If he is still not satisfied
At a certain day I speed up
Morning Prayer and prepare
The dark grey horse with black tendons
And with the words “Praise to the Prophet” I seize
Smooth headed small spear by the shaft
And drive it through his ribs
So that his lungs spew out;
Then he is satisfied!  
 

Somali Poetry: An Introduction.
B. W. Andrzejewski and I. M. Lewis
Clarendon Press, 1964

lunes, 3 de septiembre de 2012

sábado, 25 de agosto de 2012

Miidaamada Galtinimo



Dalkay, gudaha gayi qalaad
ama gudaha gurigiisa,
wuu ku tiiraanyoodaa.

Xataana balaca dhulkiisa,
miidaamada galtinimo
buu kula dibiryoodaa.



بلادي في ديار الغير      

أو في دارها لهفى

وحتى في أراضيها 

تقاسي غربة المنفى


 
Maansooleha: Cabdullaahi Al-Baraduunii (عبد الله صالح حسن الشحف البردوني)
Dalka: Yaman
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid.
Tix ka mid ah Miidaamo ilaa miidaamo (من منفى الى منفى)

sábado, 21 de julio de 2012

Ramadaan 1433H


Bisha ramadaan waa bisha gudahayda Qur’aanku loogu soo dajiyay dadka si hanuun ah iyo si cad-cad ee sameeyska Kitaabka Hanuunka iyo Kala-dhigga ah. Kiina arka bisha, ha soomo. Kiinana buka ama safar ku jira, ha u ahaadto maalmo caddadkoodu u dhigma. Wuxuu ilaahay idiin rabaa fudayd, ee ma idiin rabo cariiri. Oo dhameeystira caddadka, oo kula wayneeya (gudaha nolasha hoose) ilaahay wixii uu idinku hanuuniyay, oo mindhaa waydu mahdisaan.


Suuradda Sacda / Lo’da. Aayadda 185.

sábado, 14 de julio de 2012

Huuno (Malaa’ika)


Heesaada: miriam makeba
Afka: Sawaaxili
Dalka: Tansaaniya
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid



 
Huuno, waan ku jacelahay Huuno.
Huuno, Waan ku jacelahay Huuno.
Anna, maxaan qaban karaa, xabiibkaaga yar.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Lacagaa dhibta ruuxayga
Lacagaa dhibta ruuxayga
Anna, maxaan qaban karaa, xabiibkaaga yar.
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Shinbiryahay yar, waan kugu riyoodaa, shinbiryahay yar.
Anna, maxaan qaban karaa, xabiibkaaga yar.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.

 
Malaika, nakupenda Malaika.
Malaika, nakupenda Malaika.
Nami nifanyeje, kijana mwenzio,
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Pesa zasumbua roho yangu
Pesa zasumbua roho yangu
Nami nifanyeje, kijana mwenzio,
Ningekuoa Malaika.
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Kidege, hukuwaza kidege.
Kidege, hukuwaza kidege.
Nami nifanyeje, kijana mwenzio,
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...