sábado, 24 de marzo de 2012

Qaddarta Maansoolaha

Maansoole: Octavio Paz
Dal: Meksiko
Tarjamay: Samantar Maxamad Siciid


Erayo? Xaashaa, ee hawo,
ee dhaxda hawada ku lunsan.

Ii dhaaf inaan isaga dhaxlumo bartame erayeed,
ii dhaaf inaan naqdo hawada ee bushimooyin uun,
neef sarjiyo la’an sagsaagta
hawadu faafiso.

Isaguna iftiinku waa isku libraa.



 Destino del Poeta

¿Palabras? Sí, de aire,
y en el aire perdidas.

Déjame que me pierda entre palabras,
déjame ser el aire en unos labios,
un soplo vagabundo sin contornos
que el aire desvanece.

También la luz en sí misma se pierde.

sábado, 17 de marzo de 2012

Luuqda Habeenka

Maansoole: Edith Södergran
Dal: Fin (Suomi)
Af: Iswiid (Sveniska)
Tarjamay: Samantar Maxamad Siciid



Fiid cado ah ee midab qalineed,
Habeenka buluuggiisu la qulqulaa,
birbir hirar ah ee shibsan,
ee is dabosacoda.
Jidkaa harar ku soo duldhacaa,
xeebtay aashaa dhirgaabtu ugu ooyaan:
yahaaburo madmadaw ilaaliya seereha midabka qalineed.
Shib moolsan ee bartamaha xagaaga waaye,
seexo ee riyaw, –
baddaa dayaxu dulmaraa,
cadaan iyo nugul ah.


Nocturne

Silverskira månskenskväll,
nattens blåa bölja,
glittervågor utan tal
på varandra följa.
Skuggor falla över vägen,
strandens buskar gråta sakta,
svarta jättar strandens silver vakta.
Tystnad djup i sommarens mitt,
sömn och dröm, —
månen glider över havet
vit och öm.

sábado, 10 de marzo de 2012

Anaa diiday, kii yiri.


Qarnigii sagaal iyo tobanaad sannooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo ay mugdi tahay, oo gayiga Soomaaliyeed hurdo lagaga jiro, dadkuna ay garan la’ yahiin dulucda shishe ee ay cadaanku xeebaha uga soo dagayn, ayuu xidig iftiin badani, markii loogu baahi waynaa, dhulka gees iyo ka gees kaahiisa wada gaarsiiyay. Xidiggaas, oo ahaa Sayid Maxamad Cabdille Xasan, wuxuu sabab u naqoday dad kumanyaal qof gaaraya oo Soomaali ahi inay, markii ugu horeeyay, ul iyo diirkeeda naqodaan oo, intay tol-isu-sheegadkii sanka ka qabsadaan, ay dan guud iyo gumeeysi nacayb isku dhaarsadaan.

Sayid Maxamad wuxuu ahaa madaxdii dalkayna ka soo baxday kii ugu horeeyay, oo gartay inuu tol-isu-sheegadku yahay sababta uu gumeeysigu ugu soo dhiiraday goor barqo ah inuu Barbaro ka soo dago, kuna guuleeysto, isagoon qori lagu tuurin, inuu shiddo yari dalka, dadka iyo diintaba ku weeraro. Runtaas iyada ah ayaa u horseedday inuu abuuro bulsho uu tol-isu-sheegadku ka xaaraan yahay, oo “Daraawiish” lagu magacaabo, markii la rabana “Dariiqo” lagu naanayso. Dadku wuxuu u ahaa Sayidku: Daraawiish, gaalo iyo gaalo-raac. Labadaa qolo ee danbe uma kala soocnayn, wuuna ku hagaagsanaa; nin walboo kalena sidaas bay ula ekaan lehayd.  

Wuxuu ahaa xidiggii suuragaliyay in magaca “Soomaaliya” xarumaha Yurub lagaga haasaawo; oo Ingiriis, oo adduunka balaaran ugu xoog waynaa, xasil iyo hoyasho sanba geed dheer uga laalay ayuu ummaddiina dawladdoodii ka soo horjeediyay ilaa ay wargeeysyadii af buuxa ku yiraahdayn, «”Waa inuu Ingiriisku dalka Soomaaliya ka baxaa!” “Gacanta ha kala baxo dagaalka wadaadka ee geerida saraakiisha iyo baaba’a hantida mooyaanee aan guushu ka soo dhawayn!”».

Maragga uu cadawgaagu kuu furo ayaa looga kalsooni badan yahay midka ay inta kula jirtaa kuu furto, Sayid Maxamadna waxaa marag u furay raggii ay tiirida ahaayayn ee ay is warmeeynayayn. Geesinimadii, tab-aqoontii, abaabulkii dadka iyo daljacelidii uu ku tilmaanaa ayaa ka xoog badtay beentii ay ka faafiyayn cadawyadii uu dibadda iyo gudaha ku lehaa; markaas bay marar badan ku qasabtay inay runta carabbaabaan oo ay qoraaladooda ku sheegaan wixii uu dhabtii ahaa, iyagoo waliba maamuusaya!

Soomaali aan tiro yarayn ayaa beentaas la faafiyay ku sirmay, oo wali laga dhaadhacin la’ yahay inuu Sayid Maxamad ahaa nin aan magacdoon iyo dan gaar ah u halgamayn, ee uu ku hammiyi jiray oo kaliya danta guud iyo gobeeynta gayiga uu ku abtirsado. Ha yeeshee, inta sida dhabta ah u fikirtaa way garan karaan sida fudud ee – hadduu rabo – uu Ingiriiska iyo Talyaaniga uga heli lehaa xiriir aan cid kale horay loo huwin. Haddii uu “Hawraarsan” ku oran lehaa gumeeysigii uu la dagaalamayay, wuxuu Ingiriis iyo Talyaaniba ka heli lehaa tixgalin ka wayn tii ay heli jirayn Garaad Maxamuud Cali Shire, Boqar Cismaan, Keenadiid, Cali Keenadiid, Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise, Muuse Igaare iyo cuqaashii badnayd ee gumeeysiga horsacodtay.

Boqaradii iyo suldaanadii Soomaalidu ma ahayn dadkii kaliya oo Sayid Maxamad colaadiyay amaba Daraawiish naafeeyay. Waxaa kuwaas uga halis badnaa aftahanadii: wixii Cali-dhuux lehaa, Cali Jaamac Haabiil lehaa, Yuusuf Ibraahim (Yuusuf-dheere) lehaa, oo in badan ku dadaalayn inay dhismaha daraawiisheed kala furfuraan, dadwaynaha taageersanna ka yaaciyaan. Markaad u dhabegashid maansooyinkii ay raggaasi Sayid Maxamad u tirin jirayn, ku arki maysid wax dareen ah oo ay taliskii shisheeyaha ka qabayn. Waxaad moodaysaa colaad qabyaaladeed inay shidaysay, isla markaasna ay u qaadan la’aayayn wadaad gabayaa ah, oo iyaga oo kale ahi, inuu intaas oo xarumood ka taliyo, boqalaal kun oo qofina ay ka talo dhawrto! Taas waxay ku qarin jirayn inay goor walba ku celceliyaan: dadkii soomaaliyeed ee gulufyadii daraawiisheed sababsan jiray ama xoolahooda ku waayi jiray. Waxaase loo baahnaa inaan dooddoodu taa ku ekaanee, ay si uun isugu dayaan inay fikirka Siyidka soo gaaraan, indhahoodana u furaan halistii uu dalku ku jiray iyo danta fog ee halganka laga lehaa.

In badan ayuu Ingiriisku raadiyay tab uu kaga hortago diyaacaddii balaarnayd ee Sayid Maxamad iyo guubaabadii badnayd ee uu Soomaalida ku dhaxfidin jiray. Taas kuma uu guuleeysan, wuxuuse helay cid u fulisa. Aftahanadii soomaaliyeed, qaar ka mid ah ayaa, iyagoo aan garanayn, gumeeystayaashii kaalmo wayn u geeystay, maxaa yeelay, maansadoodu waxay ahayd hub Sayidka lagu heeri karay, oo aan Ingiriis gacanta ugu jirin, Cali Jaamac iyo Cali-dhuuxse sahal u ahaa! Sayid Maxamad, isagoo aan cabsan oo aan u dabcin aftahanadaasi caybeeyntii ay u soo diri jirayn, ayuu gaashaanka u qabtay, oo gadigooda lugaha isugu duway;  mid mid ula hadal, wadarna wadarna wax u wada yiri. Kal walbana, carabkiisa sayfta ahaa ayuu kaga adkaan jiray. Mar, uu aftahanadaas wadar ahaan ula hadlayay, oo uu u sheegayay dandarada ay qaabiyayn, dulliga u danbeeyana uu dareenkooda galinayay, wuxuu ku maansooday: 

«Ha’» ii tiri horaa rag ugu lumay, himiladoodiiyee,
hawadooda beentaa ayaa, hebelo eedaynee.

Waxay hoosta gaal uga jiraan, inuu u hiishaayee,
isna inuu halaagguu rabaa, hogab ka tuuraayee,
uu u horkacaa naartiyo, holacyadeediiyee.

Hunguraa u geeyayee anfaco, hooya muu oranee,
hantidooda inuu dhoofiyuu, haabka ku hayaayee.

Oo waliba uu ugu hanjabi, dhiifna ku hadlaayee,
ay hoos indhaha uga rogaan, sida haweenkiisee,
habaaraa ku biirisoo cuqubo, waalidooda horee,
inuu haystaa mooyee wax kale, saw umay harinee!

Waxaa hubaal ah taariikhdu inay Sayid Maxamad u xusuusan doonto aftahannimo iyo wadannimo; Cali Jaamac iyo raggii la midka ahaana ay ku xusuusan doonto aftahannimo kaliya iyo dhaqdhaqaaq wadani ah inay colaadin jirayn.

Qofkii raba, Sayid Maxamad wuxuu dhabtii ahaa inuu ogaado, ha aqriyo meerisyadan aan leexleexadka lehayn, ee uu ku leeyahay:

Dagaalkii Nasaarada anaa, daalib ku ahaayee,
dalka ma lehid anaa, ku iri doorwayneha,
daliilkii Rasuulka anaa, doonayoo helayee,
anaa diiday maalintuu lehaa, deeqan iga hooyee,
diinkay anaan ku gadan, dabaqii naareedee,
anaan labada daarood, tan hore darajadeeynaynee!

Sayid Maxamad in lagu murmumaa gar waaye, maxaa yeelay, wax wayn buu ku dhaqaaqay, had iyo goorna ninkii wax wayn ku dhaqaaqaa, gaf buu ku dhacaa. Ninka aan gafinna waa midka meel iska fariista, oo danta uu leeyahay iyo midda xaaskiisa uun ka walwala; Sayid Maxamadna, nin jaadkaas ah ma ahayn, waana ka han waynaa. Taas markii maskaxda la galiyo, oo la isu miisaamo wanaaggii uu Soomaali u qabtay iyo dhibaadtadii ay Daraawiish qaarkeeda u geeysadtay, ayaa loo garaabi karaa, lana oran karaa, «Allaale, wanaaggii uu muujiyay iyo dabkii uu oogay ayaa ina hilmaansiin kara gafafkii uu ku dhacay iyo goldalooladii uu taliskiisu lehaa». Fikirka wacani, sidaas buu wax isu barbar dhigaa, mana aho inaynu waqtigayna qaaliga ah ku lumino wax-dhacsiinta ruuxa canbaareeynta qayaxan u jeeda ama aan xukunkiisa kala hari karin.

W.Qoray: Axmad F. Cali «Idaajaa»
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

jueves, 1 de marzo de 2012

Qaylada Qalbijabka


Waan hurdayay. Waxaan jirkayga ka dareemayay sidii isagoo saqafku igu caburinayay sariirta. 

Habeen ee caraf xafladeed oo magaalada u dhan. Baar aanan la aqoonin. Muusiko laatiin ah ee kuwa ii gala laabta baa fogaan ka soo yeeraysay. Gabar, ciyaar muusikeed, haasaawe fiican. Qalbi dhaqdhaqaaq leh, rugrugtiisu wadajir ila leh. Cinwaan shabakeed, kob xiriireed. Sabab uun. Rajo uun. Meehaal uun...

Soo naqnaqodka nolasha, adoonan aqoonin sida iyo sababta, buu kugu hadiyadeeyaa kansho. Kansho fiican. Adoonan rabin ee aqoonin, jacaylku wuxuu mar kale soo garaacaa albaabkaadii. Waa maxay waxa i siin doona neefqaadashadan cusub? Jacaylka waxaa la yimaada waxyeelo farakabaxsi leh.

Filin, casho, habeen xaflad ah, ka dabataagnaan. Sidee wax u jiraan? Halkee baan ku joogsan doonaa? Ceel kale. Jar kale, markan aad u dheer, kan ugu dheer. Kanshadan oo kale dibdanbe ma ugu soo naqodto isla sidii.

Kalsoonidarida baa ii soo kuurgasha, waxaa i soo gala dareen ka cabsiqaba qof jacelaansho. Dareengaabsiga baa u eg mar kale dhabeqaadka fiican.

Jardiino ubaxyo qurxoon, Jannadii adduunka baa soo garaacday albaabkaygii anoo u wacanin. Labo todabaad wacdaran, dhab-ahaanba aamindhaaf leh. Ma jiri karin dareen aad u qurxoon, aad u macaan, aad u daacadsan. Fogaan, duufaan baa ka soo jeedda; dhawaan, shib baa dhaxmarta labadaynii; xoogaa shakiyo, kanshadiid, dhamaadkii?

Qarax baa i gariiriyay, baa na gariiriyay. Xoogaa ilimo, xoogaa erayo, heshiis uun ay soo raacaan maalmo goonijoog ah, shib ciil leh, sugitaan qaraar leh.

Sabti uun, dhabaal cusub, jacayl la xoojiyay, bidhaan ku taal wajiyada. Waanwaan jacayl. Maalmo la moodo bilaw..., laakiin sida bilaw kasta waxaase jira dhamaad. Dhamaad shaki ku jiro, dhamaad aan tagin. Neefdhag, shibnaan.

Darxumada qalbijabka baa neeftii igu dhajisa. Waxaan kula sacodaa kun bakoorado jiiseed. Midna dhab-ahaan ma ii hayn karto. Kaliya uun qof baan jacelaaday, qof baan caashaqay. Ma naqon kartaa waxxun in tani qof loo dareemo? Laakiin waa wax aan dareensanahay.

Haddayto waxaan ku dhaxquusaa rajadarida, aanan baxsasho qabin, aanan dibunaqasho qabin. Waxaa ii cuntama cararka aanan su’aalo qabin, aanan jawaabo qabin, aanan toogo qabin. Eegmada dadku waxay iga gubtaa indhaha; siday ii gubaan, ayaamahan, ilimaha iigula eg inay iga baxsadaan. Laakiin ma doono inaan ka rajabeelo inaan qof jacelaado iyo in lay jacelaado. Gees walba iyo meel walba. Ma waydiisto waxbadan. Kaliya uun dadka inayan ka joogsanin qof jacelaansho. Inayan ka cabsanin qof jacelaansho. Waase wax dhaca in jeedalkii qalbijabku uunan meel ku dhaafin rabitin, uunan meel ku dhaafin maaro…


El Grito del Desamor

Dormía. Mi cuerpo se sentía como si el techo del cuarto me ahogase contra la cama.
Una noche, un olor a fiesta en toda la ciudad. Un bar desconocido. Una música latina de las que me llena el corazón sonaba a lo lejos. Una chica, un baile, una buena platicada. Un corazón que se mueve, un latido conjunto. Una dirección de internet, una morada. Un porqué. Una esperanza. Una ilusión...
Las vueltas de la vida, sin saber cómo y por qué, te brindan una oportunidad. Una maravillosa oportunidad. Sin quererlo, sin saberlo, el amor toca nuevamente a tu puerta. Qué irá a depararme este nuevo suspiro. El amor juega con adversidades incontrolables.
Una película, una cena, una noche de fiesta, una persecución. ¿Qué pasa? ¿A dónde voy a parar? Nuevamente a un pozo, a un precipicio. Esta vez demasiado alto, el más alto. Una oportunidad como esta nunca volverá de la misma manera.
La desconfianza me acecha, me invade un sentimiento de miedo a amar. La superficialidad vuelve a parecer la mejor salida.
Un jardín de bellas flores, el Paraíso terrenal ha llamado a mi puerta sin yo pedirlo. Dos semanas maravillosas, realmente increíbles. No podía existir un sentimiento tan bello, tan dulce, tan sincero. A lo lejos una tormenta, de cerca, un silencio que cubre a los dos, unas dudas, una falta de oportunidad, ¿un final?
Un estallido me estremece, nos estremece. Unas lágrimas, unas palabras, una cierta paz acompañada de unos días de soledad, de sufrimiento en silencio, de espera amarga.
Un sábado, una nueva realidad, un amor reforzado, un brillo en los rostros. Una tregua de amor. Unos días que parecen un principio..., pero como todo principio también tendría un final. Un final dudoso, un final sin terminar. Un ahogo, un silencio.
El malestar del desamor me ahoga. Ando con mil muletas de agua. Ninguna me puede sostener realmente. Sólo he querido. He amado. ¿Puede ser malo sentir esto por alguien? Pero lo siento.
Ahora me hundo en la desesperación, sin salida, sin retorno. Me apetece una huída sin preguntas, sin respuestas, sin destino. La mirada de la gente me quema los ojos; igual que me queman en estos momentos las lágrimas que me parece que las pierdo. Pero no quiero perder la esperanza de seguir amando y de ser correspondido. En cualquier esquina, en cualquier lugar. No pido mucho. Sólo que la gente quiera. Que no tema a amar. Pero es normal que los látigos del desamor no dejen ganas, no dejen fuerzas...
Qoreha: José Iván Velázquez Rodríguez
Dalka: Isbaanya
Sheekada: Gaaban
Tarjamay: Samantar Maxamad Siciid
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...