sábado, 21 de julio de 2012

Ramadaan 1433H


Bisha ramadaan waa bisha gudahayda Qur’aanku loogu soo dajiyay dadka si hanuun ah iyo si cad-cad ee sameeyska Kitaabka Hanuunka iyo Kala-dhigga ah. Kiina arka bisha, ha soomo. Kiinana buka ama safar ku jira, ha u ahaadto maalmo caddadkoodu u dhigma. Wuxuu ilaahay idiin rabaa fudayd, ee ma idiin rabo cariiri. Oo dhameeystira caddadka, oo kula wayneeya (gudaha nolasha hoose) ilaahay wixii uu idinku hanuuniyay, oo mindhaa waydu mahdisaan.


Suuradda Sacda / Lo’da. Aayadda 185.

sábado, 14 de julio de 2012

Huuno (Malaa’ika)


Heesaada: miriam makeba
Afka: Sawaaxili
Dalka: Tansaaniya
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid



 
Huuno, waan ku jacelahay Huuno.
Huuno, Waan ku jacelahay Huuno.
Anna, maxaan qaban karaa, xabiibkaaga yar.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Lacagaa dhibta ruuxayga
Lacagaa dhibta ruuxayga
Anna, maxaan qaban karaa, xabiibkaaga yar.
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Shinbiryahay yar, waan kugu riyoodaa, shinbiryahay yar.
Anna, maxaan qaban karaa, xabiibkaaga yar.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.
Hadduunan i qabsan lehin maal la’aan,
Waan ku guursan lehaa Huuno.

 
Malaika, nakupenda Malaika.
Malaika, nakupenda Malaika.
Nami nifanyeje, kijana mwenzio,
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Pesa zasumbua roho yangu
Pesa zasumbua roho yangu
Nami nifanyeje, kijana mwenzio,
Ningekuoa Malaika.
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Kidege, hukuwaza kidege.
Kidege, hukuwaza kidege.
Nami nifanyeje, kijana mwenzio,
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.
Nashindwa na mali sina, we,
Ningekuoa Malaika.

miércoles, 4 de julio de 2012

Gad Cusub

[Soomaali waa kuma?] waa [Aadam waa kuma?]

Sheeko: Gaaban
Faalo: Wax xoogaa ka duwan tii asalka.


Wax ka badan sodan mirir ayaan taagnaa, oo aan sugayay baskii 93da oo farasmagaaleha Boston ku jeeda. Dhaxan baasi iyada oo ay i kojisay ayaan si kadis ah u jaleecay bar aan dhawr jeer hore ka quustay eegmadayd, mase waaba baskii oo soo lalaya! Ducoqabtaa waddoo, waa tan durbadiiba hortayda ku hojisay oo ilinkii hore ee baska iga furtay.

“Dhaxanta ka soo gal” ayay igu salaantay, anna: “Naa Muxubbo, maxaa idin baqtisiistay?” ayaan, aniga oo qadaadiic ku guraya sanduuqa agtayd ku rakiban, su’aalay. Warcelimaadyo waafi ah iyo kalkaan diirimaadka baska gudahiisa isla helay ayay qarqaryadu i daaysay. Hore uma gudbi karin, oo basku waa uu ciirciirayay. Lugtayda midig ayaa iiga baxsanayd xariiqda hurdiga ah inta Muxubbadu sheeko ii kala dhigdhigaysay, oo sida dirawalada kale, ee baskan dharaaraha kale wada, iguma aysan dhagobarjeeynaynin weerta ah: «Ha soo dhaafin xariiqda huruudda ah!».

Labo joogsiyaad kadib, baskii wuxuu horistaagay Dugsiga Sare ee Charlestown. Koox farowayn oo arday ah oo u jarmaadaysay dugsiga ayaa ilinka danbe ee baska iska shubtay. Faalal iyo firaaqo ayuu baskii ku soo baxay, intii dad ahayd ee taagtaagnaydna midba kursi ayuu isku balaarshay. Anna – lawyada ayaa i xanuuna, oo waa waxa i soo kalahiyayee –, kursi ayaan isha ku daydayday oo intaan salkii dhigtay ayaan wargeeyskii Metro, oo nin siransirqeeysani iigu keenay, la kala soo baxay. Markii uu baskii marayay Haymarket ayaan hareerahayga eeg-eegay mase kursi uu fadhiyay oday ayaa waxaa soo fariisadtay inan soomaaliyeed! Waxaan hoos iskula sheekeeystay: “Oo hadday ruuxdu Soomaali tahay, maxay kuu salaami waayday?” Isla markiibana anigaa isu warceliyay: “«Qof wargeeys ku foorara, war san lagama doonee», armay tiri: wareer jira yuun wadaanta kuu darin?” kalka, anigaa salaamay iyadii, hase yeeshee, sidii dhagaxii ayay iiga aamustay, wayna ilaba hadli waayday! Kaaga daranka, afka ayayba ii buurtay, sidii aabahayda aniga oo ka tashay aanodilkiisa. Shaki ayaa iga galay inay Soomaali ahayd. Haddana foolkaydii ayay ii ururisay. Markii aan kal kale qooraansaday ayuu igu soo laabtay dareenkii aan ka naqday. Wuxuuna baskii soo istaagay farasmagaalehii aniga oo isla hadlaya kuna hawshoon sababta ay ruuxdu iiga xirxiradtay – waaba Soomaaliyee!

Waan dagay. Waxaan dhaxqaaday farasmagaalehii aniga oo ku sii jeeda bartii aan ka halabsan lehaa baskii labaad. Mahadda Eebee, waaba baskii oo taagan. Waan koray. Aniga oo aan bidix iyo midig toona eegin, ayaan kursigii u soo horeeyay fariistay, wargeeyskiina la soo kala baxay.

“Iska waran, adeer” kalmad ah ayaa dhagtayda ku soo dhacday.

Waxaaba i agfadhiday inantii. Iskama soo tuurinee, intaan wargeeyska dhabta saartay ayaan u celiyay:

“Waa nabad, adeer. Maxaad iila hadli waayday kalkii hore?”

“Haddaan kuu sheego sababta aan kuula hadli waayay kalkii hore i fahmi maysid” ayay iigu adkeeysay.

Hadalkaas markuu ii yimid, waxaan u sacdaalay maskaxdayda. “Oo waxa ay bilistani sheegayso ee aanan fahmi karin muxuu yahay?” ayaan iswaydiiyay. Aniga oo su’aashaas ka salgaarin ayaan is-hordhigay da’dayda iyo waayo-aragnimadayda. Waxaan ku dhiiraday inaanan u dabcin hadal ka soo go’ay maskax tayda ka shaqo badan balse tayda ka waxsoosaar yar. In badan inaan maqnaado ayaan ka xumaaday, waxaan la soo booday:

“Waxaan islehaa, inantu waxay kaaga gaabsadtay afka ayaysan garanaynin; sawdigan sida quman ugu hadlaya afkaaga hooyo? Danbi aan kaa galay ma jiree, maxay iminka iyo markii isku dhaamaan, ee aad iminkanna iila hadlaysaa, markiina aad hadalkaaga iiga ceshadtay?”

“Mayaanan ku oran, i fahmi maysid?”

“Haddii aad tirina, ma Qadar oo kalaad tahay, oo i fahmi maysid ayaa xujo kuu ah”

Ma garanayo Qadarka aad sheegayso, balse hadalkaygu waa digniin ee xujo ma aho; kolay waad wadaysaa dooddan aadna meelna la gaaraynnee, aan kuu balbalaarsho sababta aanan kuu salaamin markii hore”

Intaa iyadu way hadlaysaa, anigase wax iiga duxa ma maqlo. Waxaan la maahsanahay sababta ay qoftu u kasaynin Qadar. Waxaan intaa iswaydiinayaa inay qoftu la nooshahay waalidkayd ama walaaladayd ama dad kale oo soomaaliyeed oo ay si uun uga maqli kari lehayd sheekada Qadar iyo in kale. Waxaan ku soo toosay iyada oo i leh:

“… hah, inaad af Carabi igu bariidiso ma haboonaynin, kuma lehi af Carabi ha ku hadlin balse waxaan ku leeyahay af Soomaaliga ama afka gayigan aan joogno dadka ku bariid”

“Waan gartay” ayaan ku soo gaabiyay hadal.

In kasta oo aanan wada dhuganin sida ay wax iigu faahfaahisay, haddana waxaa ii muuqday in dhiidhiga ay gabartani ku jirtaa, ka baxiddiisu ay aad u adagtahay. Hase yeeshee, waxaan is tusiyay inaanan hakinin wax iswaydaarsigan quruxda badan ee u dhaxeeya aniga iyo iyada. Waxaan u xaydxaydtay inaan dhiidhiga gabartan ka saaro, dhibba hayga gaartee.

“Meel fog ayaan ka arkaa mucda weertii u danbeeysay ee aad i tiri. Waxaan u fasirtay inaad ruuxa Soomaaliga ah u rabto inuu ku dhaganaado, sidii jirkiisa oo kale, Soomaalinimadiisa kalka hore, kalka labaadna uu gashto oo uu isku asturo huga gayiga uu kalkaas ku sugan yahay, si uu u kasbado qaddarinta dadyawga uu la soo darsay”

“Iminkaad i fahantay” ayay tiri.

“Balse wali kuma wada fahmin; ma waxaad i leedahay ruuxa Soomaaliga diin ma leho u dhaqan ah, oo uu gayi kastaba ku haysan karo?”

“Dhaqanka Carabta ayaan diidayaa, ee ma diidayo diinta”

“Yaa kuugu sheekeeyay salaantii aan kugu salaamay waa dhaqan carbeed oo kaliya, oo diinba shaqo kuma leho?”

“Cidina iiguma sheekeeynin ee aniga ayaa sidaas wax u arka”

Haddaba aragtidaada iftiin u yeel! Salaantii aan kugu salaamay waa salaanta ay Malaa’ikta Eebe ku soo dhaweeynayaan dadka Eebe jannadiisa daga, ee ay ku oranayaan: «Nabadi korkiina ha ahaadto, wixii aad u soo dhabaradkaydayn aawadood.» Waxaad ugu tagaysaa Suuradda: Ar-Racad, Aayadda 24d

“Qur’aanka ma aqristo” ayay si daacadnimo u tiri.

“Maya, waxaan rabaa inaan ku tuso waxa aad ka masuugayso ee aad leedahay waa af Carabi inuu ku qotamo toolmooni kalgacal ka dhaxbeeri karta Aadameha. Aan kuu balbalaarshee, «Nabadda dhabta ahi waa midda dhaxtaal Jannada. Nabadda aynu ifka ku haysanaana waa kalgacal ay tahay inaynu dhaqangalino.» Labadan nabadoodna salaanta aan kugu salaamay ayay wada xanbaarsan yahiin, oo diinta xaqqaad ayaa u sal ah. Middayd kale, dhaqanka ay diintu keento ama ay baneeyso waa mid if iyo aakhiroba jiraya oo aan Carabta qura u soocnaan karin”

Gabartii juuqba way ii celin waayday. Waxa ay ka fikiraysayna ma sanceeyn karo anigu. Goor uu baskii istaagay bartii aan kaga dagayayna, waxaan sii salaamadiyay gabartii. Waxaana dhab-ahaantii i farxad galisay gabarta salaanceliskaydii. Xataa waxay gaartay iiga barakeeyntayd Eebe.

Dhabadii Washington ayaan ka gudbay. Waxaan u dhaqaaqay dhankii Cusbitaalka Dhaxe ee Boston. Intaan sii tukubayay, waxaa maskaxdayda ka guuxayay waxyaalo tiro badan. Waxaa ii muuqday in cadaadis badan – oo ka saaqidinayay barashada waxa ay diintoodu ugu fadhido, isla markaana jajuubay – uu fuulay dhalintii. Qura ma qof af Carabiga uga dudaysa, oo waliba ku sii indhocad, inaanan gayigan lagaga hadlin ayaa Qur’aanka aqrinaysa? Bal maxay diintayna iyo dhaqankayda Carabta oo qura u siinaysaa? Carabta qaar baa diintaynaba aan la siininee. Waa gad cusub, sida ay ila tahay. Wargeeyska aan kilkisha bidix ku sidtaana waa xoormo iyo salladdiisa laamiga jirjirkiisa qotanta ku rid! Marba hadduu ka mid yahay bii’adda gumeeysteha ee gaddan, ee sidaas iyo si xooganba isu soo cammiraysa.

Dhaxan waynaa! Eebaw, diirsimaadkaaga meeshatan noogu soo badi!


Dago 5, 1433 | Nof 30, 2011

Idiris M. Cali

domingo, 1 de julio de 2012

1da Luulyo




Wuxuu ahaa: Gumeeyso. Waxayna moodayn inay ku xorroobayn:
Kaana siib, kaana saar.
Wuxuu u dallacay: Xorreeyso. Waxayna dhabtii aqoondaro naftooda ku dhiibayn:
Kaana u yeel, kaana ka yeel.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...