martes, 9 de julio de 2013

Sawmka 1434H

 



3:193


Rabbigahayn, inagaa waxaynu maqalnay yeere ku yeera iimaanka «inaydu aamintaan Rabbigiina», oo waynu aaminnay. Rabbigahayn, ee noo dhaaf danbiyadayna, noona astur xumahayna, nooguna dhamaystir nolasha kuwa baarriga. (Suuratul Aali Cimraan:193)


3:194
 

Rabbigahayn, nana soo gaarsii waxaad nooga balamisay rasuuladaada, hanana dullaynin Maalinta Qiyaame; Adigaa dhaafin balankee. (Suuratul Aali Cimraan:194)

 

lunes, 1 de julio de 2013

Aan ooyee albaabka ii xira!

1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaali (Soomaali Galbeed) Imberadooriyada Itoobiya; imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste.
1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee Gloucester (Henry William Frederick Albert) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaadto ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska.

 
Waan u imid, Waan u fiirsaday, Waan qabsaday.


Awawgay
ninkii indhaha tiray
ninkii aabehay adoonsaday
ninkii anigana i iibsaday
ninkii ifka igu adduun tiray
Haddaan ogahoonan ka aarsan karayn. 

Haddaanan Aadanaw unuunka jarayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira! 

* * *
Isagoo Iglan jooguu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimeeysoo
Waa taa aramidii i oofo tirtee
Asaag la’iyaa intaa i baddee

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!

* * *
Horuu u yaqiin arliga kaynoo
Inankii taabo qaadaba wuu og yahoo
Ishaafaladtuu arlada ku yimidee

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!

* * *
Waxii arinaan Ilaahay jaclayn
haddaanan
adimada ku oolin karayn
amaanan
adduunyo ku iibin karayn
Aayaadka Qur’aanka waad aragtoo
Udgoonena yiri:
indhaha ka qarshee

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!

* * *
Arligii ka samroo adduun ma hayee
haddii la ilaashay afkaygii
haddaanan, ikhyaar aqoontay, hadlayn
haddaanan eray qura shirkaa oranayn.

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!

* * *
Ugaarta
ninkii dhaqdee urursada
kan kalee eegayaa adduunka ka baxshee
raggana wuu ogaa horuu u arkee;
Ninkii ooridiisa u geeynayaw
in keega iyo shaahuu ku arkinee!

Iimawdee! Axankaaga waynee!

* * *
Libaaxa Aanas iyo Abaarso ka ciyay
Abuuriin lo’ joogtaa urisoo
ooday jabisaa intay u dhacdoo
anbada ka guraa idalkayda.
Waa isticmaarkii ciidayee
idinna u dabaaldagoo, ariyahay!

Ayaanu ninna oran Soomaalaan ahee
ordoo magacana ku iibsada!


* * * * *

Indhaha ka qarsha: indhaha ka jeedsada; Uurka ka diida. Tixda weertan ku jirtaa waxay ku raadraacan tahay xadiiska dhaha:
Kiina arkaa falxun, haka saxo gacantiisa; haddaanan uu karin, haka yeelo carabkiisa; haddaanan uu karin, haka yeelo uurkiisa. Kaasna waa iimaanka kan ugu daciifan.”

عَنْ أبي سَعِيد الخُدْري، قالَ رَسُولُ اللهِ، صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ و سَلَّمَ:
 مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرَإً، فَلْيُغَّيِرْهُ بِيَدِهِ
 فإنْ لَمْ يَسْتَطِعْ، فيِلِسانِهِ؛
 فإنْ لَمْ يَسْتَطِعْ، فبِقَلْبِهِ.
 وَ ذَلِكَ أضْعَفُ ألإيْمَانِ. (رَوَاهُ مُسْلِم).
* * *
Adduunka ka baxsha: adduunka ka saarta.

* * *
Keega: doolshe ah

* * *
Aanas, Abaarso iyo Abuuriin: duleedka Hargeeyso.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...