martes, 15 de octubre de 2013

Ciidda Adhxaa 1434 H




Isaga oona Ibraahiim taajiyaa salalka (xeerka ah) ee aqalka iyoba Ismaaciil [iyaga iyo aqalka oo ah Carabka (Lafta) ee Afka (Nafta) bay dhahaan]:
«Rabbigahayna! Naga yeel (inuu yahay aqal ku beegan kaaga), Adaa ahee Maqle iyo Oge.» 127.

«Rabbigahayna! Naga yeel kuwo kuu hogaaman (Muslim ah), durrayyaddahaynana kuwo kuu hogaaman, na tusna mansikyadahayna (habka cibaadada, habka fulinta xajjka iwm), nagana tawbadyeel, Adaa ahee Tawbad Yeele iyo Raxmadgaar Yeele.» 128.

«Rabbigahayna! Ka soo dhax saar Rasuul iyaga ka mid ah, oo u tiriya Aayaadkaaga oo bara Kitaabka iyo Garta, kuna dhaqa fariintaada, Adaa ahee Wayne iyo Garte.» 129.

Yaa ka jeesta Milladda Ibraahiim (Tolka Ruuxeed ee Ibraahiim) maahee qof nacasawbiyay naftiisa. Waxaynuna inagu ka soo dhax xulanay Dunidan, wuxuuna isagu ka mid yahay tan Aakhiro kuwa suuban. 130.

Waatuu Rabbigiisa (Ibraahiim) ku dhahay: «Islaamaw.» Wuxuu dhahay: «Waan u islaamay Rabbiga Caalamada (Kan leh Aqoon-aalada / Aqoontooyooyinka).» 131.

Suuradda Lo’da / Sacda. Qur’aanka (Afka) Carabka ah.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...