martes, 14 de abril de 2015

Ma wadaadkaa waalan, mise...?


Wareentadii Ingiriiska ee 1903


“Sanad baynu haatan dagaalamaynay. Inaan dalkayga u taliyo oo diintayda daafaco baan doonayaa. Anigu qalcado ma lehi, guryana ma lehi, dalna ma lehi… sancaaniin ma lehi. Haddii dalku beero falan, guryo iyo adduun badan lehaan lehaa, dan bay kuu ahaan lehayd inaad u dagaalantaa. Dalku waa wada duur, faa’iidana adiga kuuma leha. Haddaad dhir iyo dhagax doonayso, badi baad helaysaa. Dundumooyin badanna waa leeyahay. Qoraxdu aad bay u kulushahay. Waxa kaliya oo aad iga heli kartaa waa dagaal, wax kale ma leh. Raggaagii dagaal baan kula kulmay, waana laayay. Taasna aad baan ugu faraxsanahay. Raggaygii dagaal lagu laayay, jannay tagayn. Eebe ayaa noo dagaalamaya. Anagu waa ku dili, adna waa na dili. Anagu amar Eebaan ku dagaalamaynaa. Runtii waa taas. Naxariista Eeebaanu dalbaynaa. Eebaa ila jira, markaan tan kuu soo qorayo. Haddaad dagaal doonayso, waan ku faraxsanahay; haddaad nabad doonaysana raalli baan ka ahay. Laakiin, haddaad nabad rabtid, dalkayga ka tag oo kaagii tag. Haddaad dagaal rabto, halkaagii joog. Hadalkayga maqal.”
“We have been fighting each other for a year now. I want to govern my own country and to defend my religion... I own no fortress, no houses, and no land. I have no craftsmen... if the country had ploughed fields, houses and great wealth, there would be some point in your fighting for it. The land is all wilderness and has no use for you. If you want trees and stone you will find them in plenty. It has many anthills. The sun is very hot. The only thing you can get from me is war, nothing else. I have met your men in battle and killed them. I am greatly pleased by that. My men who have been killed in battle have gone to paradise. God is fighting for us. We will kill you, and you will kill us. We are fighting on God’s command. That is the truth. We ask for God’s blessing. God is with me as I write this to you. If you want war i am happy with that; and if you want peace that pleases me; but if you desire peace, go from my country and return to your own. If you want war, stay where you are. Listen to my words.”
Extracts from a letter written in 1903 from Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan to the British authorities. From Ciise (1976: 84 – 85).

Waxaan ka soo qaaday: (Somali. John Saeed. V.10. 1999). 
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...