Mostrando entradas con la etiqueta Codadka Carabta. Mostrar todas las entradas
Mostrando entradas con la etiqueta Codadka Carabta. Mostrar todas las entradas

jueves, 8 de agosto de 2013

Ciidda Fidradda 1434 H



Ku soo dhawaw Fidro ay shidday bishayd,

ilayn hadda adeegga ugu wacanaa u jaalalkee.

Arooryawna oo eeg sida iyadoo doon qalina

uu culayssiiyay xamuul canbara.

 
أهـلاً بفِطْـرٍ قـد أضاء هـلالُـه *** فـالآنَ فاغْدُ على الصِّحاب وبَكِّـرِ
وانظـرْ إليـه كزَوْرَقٍ من فِضَّــةٍ  *** قـد أثقلتْـهُ حمـولـةٌ من عَنْبَـرِ


Gabayaaga: Cabdullaahi bin Al-Muctazzi (247 H – 296 H).
Ka yimid: Maqaal ku wacan (العِيد في عَيْن الشُعَراء) ee shabakada: Saaid.net
W. Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid.

sábado, 25 de agosto de 2012

Miidaamada Galtinimo



Dalkay, gudaha gayi qalaad
ama gudaha gurigiisa,
wuu ku tiiraanyoodaa.

Xataana balaca dhulkiisa,
miidaamada galtinimo
buu kula dibiryoodaa.



بلادي في ديار الغير      

أو في دارها لهفى

وحتى في أراضيها 

تقاسي غربة المنفى


 
Maansooleha: Cabdullaahi Al-Baraduunii (عبد الله صالح حسن الشحف البردوني)
Dalka: Yaman
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid.
Tix ka mid ah Miidaamo ilaa miidaamo (من منفى الى منفى)

miércoles, 2 de mayo de 2012

Aniga iyo ayada... iyo ubaxoha adduunka

Labonimada iyo Labaannimada Nolasha

Waxaa aynu joognay jardiinoda: aniga iyo ayada. Waxaa aan damacsanaa xiriir igu xira ayada: xiriir uun. Waxaana jardiinoda ka jiray geedo caleemo badan, caws cagaaran, shinbiro duulduula iyo fontaano. Waxaa aan ula arkaa ayada jeer yaaquut, jeerna sumurrud.

Waa gu’ii: qoraxdiina nugul waxaa ay kala soo dhax dustaa caleemoha geedoha shucaac ah sidii qalin miiran, inta ay ku dul tuurtay cawska ilays, midab, har iyo qaabab.
Geedohu udug baa ay lehaayayn, dhulkuna udug baa uu lehaa, cawskuna udug baa uu lehaa, timoheeduna udug baa ay lehayd, afkayguna udug baa uu lehaa.
Shinbirohiina xiligan waxaa ay ka cabaan fontaanoda oo isku dhaqaan, waxaa ayna ka jafaan baalalkooda biyoha oo ku gilgishaan cawska, waxaa ayna u balaw dhahaan hawada oo kula haabhaabtaan baalalka, waa ayna ciyaan oo dugsadaan laamoha geedoha.
-       Geerida baa aan jacelahay, kal kastana aan isku arko agteeda, waxaa aan jaceleeystaa nolasha.
-       Waa aan jacelaan lehaa haddii aan qabi lehaa ubax madaw.
-       Ubax madaw waa ka jiraa adduunka... ubaxo madaw waa ka jiraan adduunka.

******

Jardiinoda baa aynu joognay: aniga iyo ayada. Waxaa aan damacsanaa xiriir igu xira ayada: xiriir uun. Waxaana jardiinada ka jiray geedo dhacay caleemohoodu, caws engagan, shinbiro daalan, qoraxduna waa ay kacsanayd, fontaanoduna biyoheedii waa uu ka guray, waxaana daboolay caleemo engagan iyo kalsiyum, waa dayrtii.
-       Nolasha baa aan jacelahay, kal kastana aan isku arko agteeda, waxaa aan ogahay in ay tahay geeridu.
-       Waxaa aan jacelaan lehaa haddii aan qabi lehaa ubax cad.
-       Ubax cad waa ka jiraa adduunka... ubaxo cad waa ka jiraan adduunka.


أنا و هي... وزهور العالم

كنا بالحديقة - أنا وهي، وكنت طامعا في علاقة تربطني بها: أية علاقة
وكان بالحديقة شجر مورق، وحشائش خضراء، وطير بأجنحة، وعين ماء
-
 أراها مرة ياقوتة ومرة زمردة
انه الربيع: وتلك الشمس اللينة تنفذ من بين أفرع الشجر بشعاع كأنه الفضة النقية -
وقد رمت فوق الحشائش الضوء واللون والظل والشكل
كان للشجر رائحة، وللأرض رائحة، وللحشائش رائحة، ولشعره رائحة، ولفمى رائحة
هو الربيع، وتلك طيور الربيع عند عين الماء تطلب الماء وتغتسل وتنفض عن رئشها الماء وتتمرغ بالحشائش وتنط ونرف في الجو بأجنحة وتصوصو وتحتمى بأفرع الشجر
-
أحب الموت وكلما أجدني على حافته أحب الحياة
-
أود لو أمتلك زهرة سوداء
-
ثمة زهرة سوداء بالعالم... ثمة زهور سوداء

* * * * * *
بالحديقة كنا -
أنا وهي، وكنت طامعا في علاقة تربطني بها: أية علاقة
كان بالحديقة شجر سقط ورقه وحشائش يابسة وكلّ الطيور، وكانت الشمس طالعة، وعين الماء قل فيها الماء وغطاها الورق اليابس والكلس، انه الخريف
-
أحب الحياة، وكلما أجدني فيها أعرف أنها الموت...
-
أود لو أمتلك زهرة بيضاء...
-
ثمة زهرة بيضاء بالعالم... ثمة زهور بيضاء

Qoraaga: Yaxyaa Daahir Cabdullaahi (يحيى الطاهر عبد الله)
Sheekoda: Gaaban
Dalka: Masar
Ka: Literaturaarabecontemporanea.es
Tarjamay: Samantar Maxamad Saciid


*Yaaquut: dhagaxqaali oo midabo kala jaad leh: guduud, cagaar, jaallo.
*Sumurrud: dhagaxqaali oo midab ee nooc cagaar leh.

miércoles, 11 de enero de 2012

Magac : إسم

Xalka!
 
Kii la’aa magac,
Waxaa loo qori doonaa magac.
Kii la’aana af,
Waxaa sikkiin loogu furi doonaa af. 
-   Zakariyaa Muxammad
-   Falastiin
  
من كان بلا اسمٍ
سيُبرى له اسم
ومن كان بلا فمٍ
سيفتح له فم بالسكين.

-         زكريا محمَد
-         فلسطين
 
Tarjumay: Samantar Maxamad Siciid

domingo, 1 de mayo de 2011

Dhaxda Maanka Dad Fog

Maansoole: Sacuud Assuwaydaa
Dal: Sacuudiga
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid



Ka buuxo macne
Waxaan ka soo baraarugaa oo ku seexdaa
Maanka dad fog.

Xataa sigaarkan
aan cabayo
Xataa shaaha
Dhaxda maanka dad fog.

Xataa fadhigayga halkan
Ee dhulka ama xataa
Mariddayda dhaxda qolalka
Dhaxda maanka dad fog.

Maxay ka qabanayaan waraaqahan
Dharkan
Kabahan
Dhaxda maanka dad fog?

Waxaan ka maqlaa korkayga qaylo
Waxaan soo toosaa alalad kadib
Waxaan marmariyaa indho igula dabasocda
Mugdiga
Waxaan ku laabtaa hurdada mar kale
Anoo og inay taas ka dhacayso
Dhaxda maanka dad fog.

Xataa waraaqdan
Hadalkan
Kursigan aan ku riixayo
Lugahayga
Goortaan galo qolkayga
Oo isku tuuro sariirtayda
Anoo qoslayo
Dhaxda maanka dad fog.

في مخيلة ناسٍ بعيدين
سعود السويدا

 
مليئاً بالمعنى
أصحو وأنام
في مخيلة ناس بعيدين .

حتى هذه السيجارة
التي أشربها
حتى هذا الشاي
في مخيلة ناس بعيدين .

حتى جلوسي هنا
على الأرضية او حتى
مروري بين الغرف
في مخيلة ناس بعيدين .

ما لذي تفعله هذه الأوراق
هذه الثياب
تلك الأحذية
في مخيلة ناس بعيدين ؟

أسمع فوقي صرخة
أستيقظ إثر كابوس
ألمح عيونا ترقبني
في الظلمة
اعود للنوم من جديد
عارفا ان ذلك يحدث
في مخيلة ناس بعيدين .

حتى هذه الورقة
هذا الكلام
هذا الكرسي الذي أدفعه
برجلي
حين أدخل غرفتي
واستلقي على السرير
ضاحكاً
في مخيلة ناس بعيدين .

lunes, 24 de enero de 2011

Dawano

Maansoole: Axmad Alcajamii «أحمد العجمي»
Dal: Baxrayn
Turjumay: Samatar Maxamed Siciid




Anigoo fadhiya xatabada albaabka

sugayo gudabka guudtada habeenkii

buuggii gacantayda

baa shib dhahay

isagoo u dhagbasa murago dhaxlan,

waxay qoraxdu la qunyareeynaysay

ka kacitaanka sariirteeda,

goortuuna sii xoogsado

dayaanka darbiyada

oo aan u baahdo

qiyaaska walcashada waqtiga

bay ku dhacdaa luquntaydu

dhaxda jilbahayga,

waxaa ku gubtay xidigo badan

goobta banaaneed

waxaana ku kala firarsamay shinbiro tirobadan

gadaasha oodda

aayarba!, waxaan doonayaa inaan waydiiyo dawanada xornimada:

dhabtii, ma kaas baa galalowgeeda!


أجـراس




جالساً على عتبة الباب

أنتظر مرور موكب الليل

الكتاب الذي في يدي

ظلّ صامتاً

يصغي لحزن متوارث ،

كانت الشمس تتباطىء

في ترك سريرها ،

وعندما يشتد

زئير الجدران

وأحتاج إلى

قياس تدفق الوقت ،

تسقط رقبتي

بين ركبتيّ ،

لقد احترقت نجوم كثيرة

في الحقل

وتناثرت طيور أكثر

خلف السياج

مهلاً ، أريد أن

أسأل أجراس الحريّة

هل هذا حقاً رنينها




viernes, 6 de agosto de 2010

Xaditaan La' Tuug

Qoraa: Najiib Maxfuud نجيب محفوظ
Dal: Masar
Cinwaanka asalka: سرقة بغير سارق
Sheeko: Gaaban
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Waxaa ka jirta xusuusyada hiyikiciya Kaamil Afnadii Kaamil mid; marwalba uu ka soo celsado tagtada durugsan waxaa uu ku sii dhaxraagaa wareeg nuureed ee hufnaanta iyo kartida, waxaana ay ka soo toosisaa laabtiisa caaddifado iyo labnaan ka soo dhashayn waqtiga dhiciddeeda, oo waxaa wacyigiisa ka soo qaabsama buuxanba nolal, xataa in ay ku dhowaadto dhaqaajin muruqyadiisa iyo ku wada faafin dhiigga gees walba...

Waxaa uu kaasi ahaa shan sano soo gudubtay. Galab eena galbaha janaayo jawiguna yahay qabow hamadayeed, hawaduna hore ugu tibyeeyso dariiqooyinka Qaahira iyadoo siinbaar ka yeeriso, u dirta gabayoox oogada jarceeysa iyo ilkaha jarjareeya. Waxaana uu kula soo gabanayay shaleemada Dayaana gabaad kulaalan, ka uumisiiya afar-indhoodka, waxaana uu isku dajiyay fadhigiisa safka gadaaleed saarayo koorkiisa laabkiisa isagoo raacayo dhacdooyinka uu soo bandhigo wargeeyska Al-Barq.

Mana ahaynin maalintaas in maskaxdu ka marnaa walwal, naftuna ahayd saafi, ee waxaa ka dhaxdilaacay iska horimaad isaga iyo madaxa waaxda agaasimidda arimaha shaqaalaha ee wasaaradda difaaca. Waana ka dhamaaday ninku samarkii oo waxaa uu u qoray xogwaran uu ku soo banaanbixinayo ka reebiddiisa dallacaada uu muteeysto dhowaanba, waxaana uu ku adkeeystay in ay gaarto ilaa iyo maamulaha guud, waxaana uu dadaalkii wanaag-jacleeystayaasha ku baxay hungo, mana ka fogeeysiin ninka ku adkeeysashadiisa. Waana xaqiri jiray horfiiqiisa waxaana ku mala’abaarma dhalinyaranimadiisu inuu dayac uga tagay dhaafayna waqtigiisu, inkastoo ka qarsoomin macnaha xogwaranka haddii uu hirgali lehaa warka uu siday, waxaana koryimid qulubka oo gilgilmay fikirkiisa oo daruuroobtay dharaartiisu. Waxaana uu aaday shaleemada ka cararayo fikirkiisa, laakiin uma yeelanin waxtar badan, oo waxaa uu bilaabay inuu kula raaco wargeeyska masawirada leh ee Al-Barq dhugmo dhaxliigliigsadto waxa ay u soo bandhigto shaaashaddu iyo waxa ay ku walaaciso naftiisu, ilaa iyo inta ay daarmayn nalalku ku dhawaaqayaan nasiinada, waana sarejoogsaday oo ku duldhaafay koorkiisa kursigiisa, waxaana uu aaday kantiinka oo kaga soo fuuqsaday qaxwe, jawigana ee dibada baa la noqday qabow daran oo waxaa uu ku soo laabtay kursigiisa kana qaadtay fadhigiisa ugu saarayo koorkiisa laabkiisa sidii uu ahaa. Si daganna iyo si laab maran ayuu u bilaabay inuu ugaga nafisqaadto hareerihiisa eegmo, dabadeed waxaa ka soo muuqadtay dhugmo qabsadtay koorkiisii oo waxaa uu mooday inuu arkayo wax horey uusanin u toodoobin ka soo jeeda jeebka, waxaana uu la haleelay fiirada waana gartay inuu yahay dhinac xaanshiyeed ee gini, waxaana ka soo baxay wajigiisa asaraar, waayo waa u xusuustay si fiican inuu kala soo tagay guriga labada jeeb koorkiisa oo maran! Waxaa uu gooyay dariiqa inta u dhaxeeysa maxaddada taraamka iyo shaleemada dhaxgalinayo gacmihiisa jeebabka surwaalkiisa, kaasina waa inuu kaga baddashay halkii ginigiisa ugu danbeeya caddadi qalin ah, oo halkee buu ka yimid ginigan? Sidee buuna u galay jeebkiisa!

Waana ku xayiroobay amarkaa, waayo ka jiridda gini siloon jeeb bani’aadameed waa wax xayira runtii. Gaar ahaanba haddii uu ka dhaxdhacay kaasi goob wadawadaag leh ka buuxa sida shaleemada xoon dadeed, waxaana ku soo dhacay fikrad cajiib ah, fikraduhuna waxaa ay ugu soo laabkacaan maskaxda mararka qaarkooda sidii iyagoo soo dirta quwad qarsoon oo waxaa ay ka daahqaadaan xaqiiqooyin moolsan ee kartida iyo curinta, ama waxaa ay ku dhacaan jid habaaban. Labadaas xaaladoodna waxaa uu bani’aadanku noqdaa dheel uu dhax-aalkeeda ka haysanin ra’yi iyo xeeladba. Waxaa ku dhashay inuu yahay mid ee labada ka ag-gees fadhiya jeebsiibte table ah, malaha gacan buu galiyay jeebka mid uun ee dariskiisa oo kaga soo jeebsiibaday xaanshidda qiimaha leh, laakiin sabab uun jeebsiibteha ma uu karin jeebkiisa galinteeda, ama waxaa uu ka baqay in dhaqdhaqaaqiisu soo jiidto indhooyinka qaarkooda, oo waxaa uu galiyay jeebka koorkiisa si uu ugu noqdo marka uu ka badbaadagalo kormeerayaasha... waana isku dayay inuu u helo dhax-aalidda giniga jeebkiisa wacaal mana ku guuleeysanin taasi maahee, waana ku xoogsaday raadkeedu naftiisa, oo waa ugugu cadaadtay arintu maskaxdiisa, waxaana ka hortimid sifada xaqiiqooyinka taabanka leh, waxaana koryimid walwalka, waana ka fogaadtay gacantiisu jeebkiisa, dhaayihiisa baana ka soo walacdayn, waayo waxaa uu yaqiinsaday in indho shaki-la’aanba ay in-dhowba kula dabataagan yihiin, walwalkiisuna waa soo koraray, waxaana wada qabsadtay baqdin, waana ku hirgashay xaqiiqdan hanfariirta leh, waakaasna isagoo ku dhagan gini la soo xaday... ee sidee ayuu ku xasiloobaa, waana ku halisgaartay fadeexadu in ay aasho in ka ag-dhowba intii uu mala’awaalayay!?... Waana sii korartay baqdintiisu, waxaana uu isku waydiiyay xanaaq: yuu mindhaa noqdaa midka ku riday dhibta iyo ciriiriga?... Waa xusuustaa goorta uu soo gaari rabay kursigiisa kadib qaxwe qaadashadiisa, waxaa uu arkay dariskiisa bidixeed oo horey ee xaggiisa uguga soo liicanayo fadhigiisa, waa u xusuustaa taasi si fiican, ee miyuu u soo boodi lehaa si uu u soo celsado qaniimaddiisa?... Hase ahaadto, qalbigiisa baa kagala hadla inuu dariskiisaas yahay jeebsiibtaha khatarta ku haya... waxaa uuna damacay inuu ku fiiriyo ilqooreed, waxa ayna la noqodtay fulinta damaciisa mid adag, oo waa ugu jeediyay madaxiisa hakasho yar kadib xaggiisa. Aminkaasna madaxii ninka baa u soo janjeestay xaggiisa oo waa wada kulmayn indhahoodii oo qalbigiisa baa la boodbooday wadanafug xoogan, waxaana gubtay ishiisa, waxaana uu ka dareemay eegmadiisa oo ka taabadta salka qalbigiisa, waxaa uuna shakiga kula jaray yaqiinka, ee ma uusanin dibdanbe ugaga shakinin inuu yahay jeebsiibtaha giniga tabta leh, waana xoogsaday dareenkiisa in ninku toodoobay walwalkiisa iyo baqdintiisa, iyo inuu – la jirto eegmadiisa caaradsan mudbaxa leh – aqriyay fikirkiisa iyo uurkawareerkiisa, labolaabowna kama jiro inuu daawanayo dhaqdhaqaaqiisa, iyo inuu la dabataagan yahay xaanshida qiimeha leh ilqooreed kulul isagoo badbaado iyo daganaanba leh...

Waxaa damayna nalalkii oo bilaabmay bandhigga filinka oo waxaa uu xoogaa ku nastay mugdiga, laakiinna dariskiisa waxaa uu u soo janjeersaday xaggiisa oo waxaa uu suxulsaday geeska kursigiisa kuna cuskaday garkiisa sacabkiisa, waxaana uu si daacadsan ninka ugaga rajeestay inuu ka soo celsado giniga oo intaana ugu filnaadto xumaantiisu, isla waqtigaasise gacantiisu waxaa ay si cabsi iyo taxaddar leh u dardareensadtay gunaddiisa lacageed, waxaana ilbiriqsi uun ku soo dhacay fikrad cusub ka cadaab badan tii koowaad... soo ma dhici karto in ninku xadiddiisa kadib gartay giniga oo ka calaamadeeysan kharashbixin iyo wixii la midba, oo waxaa uu u galiyay jeebka koorkiisa?... Waa mid aad u macquul ah, waxaana uu malaha dhibanehu raadinayaa giniga ee ma helo, halkaasina waxaa ku handida khatarta fadeexada ah iyo jarriimadda, waxaana ka maqan daliilka uu kaga fogeeyn lehaa naftiisa eedsaarka culeeska leh... waxaana uu walwalku la gaaray xadkii naxdinta iyo baqdinta, oo waxaa ka soo dareeray fooddiisa dhidid qabow, waxaana uu u maleeyay in xasiloonidiisa iyo faraxsanaantiisa iyo sharaftiisa ka soo laadlaadayn liilan daciifsan, burburkiisuna hoosjoogay baaq sahlan ka soo sii daaysmayay ninka la aqoonin leh xaanshida lacageed. Waa kuurkuursaday waxaana culaab daran ku culaabiyay xididmaskaxeedkiisa, digta dhafooradiisa baana ugaga soo yeertay dhagahiisa waxaana uu dareemay neefkudhag waana ciriiryoomay xabadkiisa waxaana ay dhibsashadu ka soo saartay sahalsasho, oo waxaa uu is dhahay: «haddii uu sii joogo kuma dhamaan doonto cawadu nabad». Waana sarejoogsaday oo qaadtay koorkiisa una baxay barxadda banaanka, waxaana uu u haystay in ninku shaki la’aanba soo dabaraacayay raadkiisa, laakiinna ma uu daneeynsiinin kaasi inbadan, waxaana uu u dhaqaaqay albaabka hore, oo waxaa hardisay hawada qabow oo gashtay koorkiisa, dabadeedba waxaa uu u leexday dariiqa geeya waddada Fu’aadka Koowaad oo horey ugaga sii qaadtay jidkiisa. Waxaa ayna dhugtiisu u jeedday wixii dib ka jiray, waxaana soo gaaray dhagihiisa dhawaaqyo cageed ka soo dabaraacaya in-agdhow, waxaa uuna u maleeyay inuu dhabtii arkay ninka, laakiinna geesinimadiisa ma aysanin wahelinin rabitaankiisa ee xaqiijinta taasi, oo waxaa uu dadajiyay socodkiisa waxaana ku soo laabtay xoogaa ee walwalkiisa, waxaana uu bilaabay iraahid si uu u dajiyo naftiisa: «waa doqonnimo inaan ka baqo tuug, ma sax baa inuu naga wada bajiyo aniga iyo dadka dhamaanba.» Waasena ka cabsiqabay dhabyaal-ahaanba inuu kadiyo wax xisaabtu ku jirin, sida uu u kadiyay giniga dhaxyaal jeebkiisa, waxaana uu ku go’aansaday inuu isaga saaro si kamadanbeeysba wacaalaha walwalka, oo waxaa uu la aaday gacantiisa jeebka kagana soo siibay labo farood dhaxdooda xaanshidii lacageed una sii daayay in ay ku dhacdo dhulka isagoo dhahayo: «bal ninku ha la aado shaydaanka»... waana sii socday isagoo neeftuurayo!... Laakiinna ma uusanin ku-dhowaadba qaadin xoogaa talaabooyin goorta uu maqlay qaylo dhahda: «mudane!», ee gadaal buu u jeestay, ku careeysan sabab aan cadaynin, waxaa uuna arkay ninkii soo dabaraacayay – waa gartayna inuu yahay markii ugu horeeya uu arko – oo soo abaaraya u soo taaga gacantiisa oo ku jirta ginigii isagoo dhahayo: «tani waxaa ay ka soo dhacday adiga»! Layaab buuna la xayirmay oo ugaga qaadtay giniga xaanshiyeed si aaladnimo ah, isagoo la cajabsan ginigan diidan inuu ka haro, waxaana uu ku riday isha hareerihiisa oo arkay dariiq u maran sidii qabriyo-oolka, waxaa ku abuurmay daganaan oo wixii walbahaarinayay baa ka baaba’ay, isagu muxuu ku sameeyaa ginigan aan wax xaq ah ugu jirin... waxaa uu galay fikrid oo galiyay gacantiisa jeebkiisa, ee kolka uu kula taabtay dhamaadka farihiisa xirmo xaanshiyeed waxaa uu u gargariiray sidii iyagoo taabtayn dab, waxaana uu soo bixiyay wixii ku jiray jeebkiisa oo ku arkay sideed gini... rabbigiisba!... Ma isku dabadhalaan giniyadu jeebkiisa?... Halkee ayaa ay ka timid hantidan yar?!... Waxaana uu ku joogsaday ku eegid xaanshiyaha indho abyaman, carabkiisa baana isugu dhagay camakaag iyo diidmo, umana helin mas’alada ma ahee xal kaliya, waa in jeebsiibtuhu dhabyaal-ahaanba soo xaday giniyo oo ku xaseeyay jeebkiisa, laakiinna waxaa uu ka arkay dhinac qura... waxaana uu u baaray hareerihiisa si taxaddaran mana uu helin wax shakigaliya, waxaana uu u dayay giniyada si gaar ah mana kala kulmin wax calaamad ah! Waana ku cajabay sida uu uga raalli ahaa ninku inuu galiyo hantidan jeebkiisa ugana raalli yahay soo celinta qaniimadda... mana uu arkin wax aan ka ahaynin ku noqosho guriga waxaana uu naftiisa ku dhahay inta uu sii qaadayay socodka: «si kastaba ay noqodto arintan giniyada waan heli doonaa si aan ugu celiyo kii lehaa...»

Subaxdii ee maalinta xigtay waxaa uu tagay waaxda agaasimidda arimaha shaqaalaha ee wasaaradda difaaca meesha oo uu kaga shaqeeyo hawlwade ahaan, mana uu noqonin inuu la gaaray mas’aladiisa xal, oo waxaa uu ku niyadsaday inuu u ciirto talada saaxiibadiisa. Inkastoo isla shaqada soo galiddeeda ayna fiiradiisu qabadtay horfiiqiisa waxaa uu arintiisa kula iloobay waqti danbe. Waxaana ku soo laabtay caaddifooyinkii caroodka iyo qiirada, waxaana uu soo garwaaqsaday dallacaadda ay dhacdo in horfiiqu ka mamnuucayo, oo ciriirigiisa iyo muragadiisa ayuu dib u soo ceshaday. Waxaana fadhiyay dhankiisa dhalinyar ee mid wadayadiisa wanaagga leh la qaybsanayo dareenadiisa ee xagga horfiiqa, oo waa soo iiladay oo ugu hunnuhunneeyay dhagtiisa:

- Ilaah baa kuu aaray.

Waxaana uu Kaamil gartay inuu ula jeedo mid kale kahorba horfiiqa, oo waxaa uu u waydiiyay si hammisan:

- Sidee?

Waxaana uu dhalinyarku ku yiri isla codkii hoos u dhigan:

- Waxaa ka habaabay shalayto sideed gini, waadna taqaan inta ku dhagnaantiisa iyo dhabcaalnimadiisa yihiin!

Waxaana uu Kaamil kula dhaykagay labo indhood kala balaqan, isagoo hadalkiisa gaarayba qalbigiisa, laakiinna kan kale ma uu toodoobin wacaalaha ee dhagafaarkiisa dhabeed, oo waxaa uu dabaraacsiiyay dhahayo:

- Waatuuna dhahay in ay ugu jirayn jeebka koorkiisa, laftigiisana baa halkeer ku galiyay, mana jiro wax aan ka ahaanin dhihidda inuu isaga lumiyay dariiqa, waxaana uu bilaabay ku qaylin dhiidhi iyo xanaaq xataa ilaa uu ku-dhowaadba kaga soo dareeray dhiiggu kuleel.

Waxaana uu Kaamil eegay takabaanka oo waxaa uu arkay koorkiisa oo ag-suran koorka horfiiqa, ee shaki kama haynin in ninku ugu riday lacagtiisa jeebkiisa gaf-ahaan iyo qalad-ahaanba, taasina waxa ay tahay xalka u macquulka ah mas’alada ku baqdin galisay shaleemada, kana soo dhafrisay habeenkiisa, kuna dhalisay qalbigiisa dubaab aan aasaasba ku lehaynin dhabyaalka... waxaana uu ruxay madaxiisa ka soo baxayna faruurihiisa muusood, waxaana uu fiiriyay jahada horfiiqa la wajituban caro, waxaana ku koraray in arintu ku dirqiso soo banaanbixinta walbahaarkiisa... inkastoo ahaynin qasab aslanba, ee waxaa uu u sarejoogsaday si dhiban oo aaday xafiiska horfiiqa waxaana uu kaga soo siibay xaanshiyihii lacageed jeebkiisa si dagan oo dhaxdhigay gacmihiisa isagoo dhahayo: «waataa lacagtaadu kuugu soo noqodta ilaahay amarkiisa»! Waxaana uu ninku ku dhaykagay giniyada kadibna wajigiisa, waxaa ku duldhagay dhaayihiisa afar-indhoodkii isagoona wadaqabsadayba dhagafaarka, waxaana ka soo bidhaamay wajigiisa iftiin faraxeed uusanin karin qarintiisa?... Waxaana uu ninku ugaga sheekeeyay qisadii dhan-ka-dhankeeda.

Ilaa iyo maalintaasna waxaa dhaxdooda ka sifeeysmay jawigii oo dibdanbe aragtidiisa kuma ahaanin horfiiqu haraa duugoobay, dibdanbe isaguna aragtidiisa kuma ahaanin kuray rabshoole ah.






سرقة بغير سارق



من الذكريات التي تستأثر بوجدان كامل أفندي كامل واحدة كلما استدعاها من

غياهب الماضي لبث في هالة من نور الوضوح والقوة وأيقظت في صدره العواطف

والانفعالات التي بعثها فيه وقت حدوثها، فتتمثل لوعيه ممتلئة حياة، حتى لتوشك أن تحرك

أعضاءه وتدفع بالدم إلى أطرافه دافقا...

كان ذلك لسنوات خمس خلون . وفى مساء من أماسي يناير والجو قارس البرودة،

والهواء يندفع في شوارع القاهرة مزمرًا يبعث القشعريرة في الأطراف المرتعشة والأسنان

المصطكة. وكان يأوي من سينما ديانا إلى مأوى دفيء، ساخن بأنفاس النظار ة، فاطمأن

إلى مجلسه من الصفوف الخلفية واضعا معطفه على حجره متتبعا الحوادث التي تعرضها

جريدة البرق.

ولم يكن ذلك اليوم خلى البال ولا صافى النفس، فقد احتدم الشقاق بينه وبين رئيس

قسم الرسم بوزارة الحربية . ونفذ صبر الرجل فكتب مذكرة يقترح فيها حرمانه من

العلاوة التي يستحقها قريبا، واجمع على رفعها إلى المدير العام، وذهبت مساعي محبي الخير

سدى، فلم تثن الرجل عما اجمع عليه . وكان يحتقر رئيسه ويخيل إليه شبابه انه تركه بالية

ولى زماﻧﻬا، على انه لم يغب عنه معنى المذكرة لو تحقق الاقتراح التي تضمنته، واستولت

عليه الكآبة و تبلبلت أفكاره وظل يومه مغتما . وقد مضى إلى السينما فرارا من فكره،

ولكنها لم تغن عنه كثيرا، فجعل يتابع أخبار جريدة البرق المصورة بانتباه مذبذب، بين ما

تعرضه الشاشة وما تقلق له نفسه، حتى أضاءت الأنوار مؤذنة بالاستراحة، فنهض واقفا

وترك معطفه على مقعده، ومضى إلى المقصف فاحتسى فنجانا من القهوة، ووجد الجو في

الخارج شديد البرودة فعاد إلى مقعده واتخذ مجلسه واضعا معطفه على حجره كما كان .

واخذ يتسلى بالنظر فيما حوله في هدوء وعدم إكتراث، ثم لاحت منه إلتفاتة إلى معطفه

فخال انه يرى شيئا لم يتبينه يبرز من الجيب، فأمعن فيه النظر فأدرك انه طرف ورقة من

ذات الجنيه، ولاح في وجهه الإنكار، لأنه ذكر جيدا انه غادر البيت وجيبا معطفه خاليان

! وقد قطع الطريق ما بين محطة الترام والسينما واضعا يديه في جيبيه، وهو إلى ذلك

استبدل بأخر جنيه تبقى له من مرتبه نقودا فضية، فمن أين أتى هذا الجنيه ؟ وكيف وضع

في جيبه !

وتحير من أمره، لان وجود جنيه غريب في جيب إنسان مما يحير حقا . خاصة اذا

حدث هذا في مكان عام كالسينما حافل بخلق حاشد من الناس، وخطر له خاطر عجيب،

والخواطر ترد على الذهن أحيانا كأنما تبعثها قوة خفية فتكشف عن حقائ ق غاية في القوة

والإبداع، أو توقع في الضلال المبين . وفى كلتا الحالتين يغدو الإنسان لعبة بين يديها لا

رأى له ولا حيلة . وقد خطر له أن يكون بين الجالسين حوله نشال بارع، لعله دس يدًا إلى

جيب واحد من جيرانه وانتشل الورقة النفيسة، ولكنه لسبب من الأسباب لم يتمكن من

إيداعها جيبه، أو خشي أن تلفت حركته بعض الأنظار، فدسه في جيب معطفه حتى يعود

إليه في امن من الرقباء ........ وقد حاول أن يجد لظهور الجنيه في جيبه تعليلا فلم يظفر

إلا ﺑﻬذا، وقوى أثره في نفسه، فاشتد وضوحه في ذهنه، وصارت له صفة الحقائق

الملموسة، واستولى عليه القلق، فابتعدت يده عن الج يب، ورفع عنه ناظريه، لأنه أيقن أن

عينا بغير شك تراقبه عن كثب، واشتد قلقه، واستحوذ عليه الخوف، وأمضته هذه الحقيقة

الرهيبة، وهى انه يحوز جنيها مسروقا ... فكيف يطمئن، وخطر الافتضاح قد يكون اقرب

مما يتصور !؟... وازدادت مخاوفه، وتساءل ساخطا : من عسى أن يكون ذلك الذي أوقعه

في الحرج والضيق ؟ ... انه يذكر حين اشرف على مقعده بعد احتساء القهوة، انه رأى

جاره الأيسر مائلا في جلسته إلى ناحيته، انه يذكر ذلك جيدا، فهل كان يتوثب لاسترداد

صيده ؟ .. إن قلبه يحدثه بان ذلك الجار هو النشال الخطير ... وأراد أن يختلس منه نظرة،

وقد وجد في تحقيق إرادته مشقة، فعطف رأسه بعد تردد إليه . وفى تلك اللحظة تحول راس

الرجل نحوه، فالتقت عيناهما فخفق قلبه بشدة، وعض طرفه، وقد أحس نظرته تنفذ إلى

صميم قلبه، وقطع الشك باليقين، فلم يعد يشك في انه ناشل الجنيه الماكر، وقوى شعوره

بأنه فطن إلى قلقه ومخاوفه ، وانه – بتلك النظرة الحادة النافذة – قرأ أفكاره وهواجسه،

ولا ريب انه يرصد حركاته، ويراقب الورقة الثمينة بطرف خفي ساهر وهو آمن

مطمئن...

وانطفأت الأنوار وبدأ عرض الفلم فارتاح للظلمة قليلا، ولكن جاره مال نحوه

وارتفق يد مقعده واسند ذقنه إلى كفه، وقد تمنى صادق ا أن يسترد الجنيه ويكفيه شره،

ولكنه في نفس الوقت تحسست يده حافظته في خوف وحذر، وعلى حين غرة خطر له

خاطر جديد اشد عذابا من الأول ... ألا يجوز أن الرجل وجد الجنيه بعد استلابه معلما

بإمضاء أو نحو ذلك فدسه في جيب معطفه حتى يطمئن إلى غفلة صاحبه ؟ ... انه فرض

محتمل جدًا، وقد يفتقد المسلوب الجنيه فلا يجده، وهنالك يتهدده خطر الافت ضاح

والجريمة، ويعوزه الدليل الذي يدفع به عن نفسه التهمة الخطيرة ... وبلغ به القلق حد

الذعر والفزع، فتفصد جيبنه عرقًا باردًا، وخال أن طمأنينته وسعادته وشرفه أمست معلقة

أو بخيط واه، إنقصافه رهن بإشارة بسيطة تصدر عن صاحب الورقة اﻟﻤﺠهول . وتململ في

مجلسه، وأرهق ت أعصابه إرهاقُا شديدًا فدوى نبض صدغيه في أذنيه وأحس اختناقًا،

وضاق صدره، وبعث الجزع في صدره استهانة، فقال لنفسه : " اذا لبثت هنا فلن تنتهي

الليلة بسلام “. وﻧﻬض قائما واخذ معطفه وغادر المكان إلى البهو الخارجي، وكان يظن

أن الرجل حتما تابعه على الأثر، ولكنه لم يأبه لذلك كثيرا، وتقدم نحو الباب الخارجي،

فلفحه الهواء البارد، فارتدى المعطف، ثم انعطف نحو الطريق المؤدي إلى شارع فؤاد الأول

ومضى في سبيله . وكان انتباهه موجها إلى ما وراءه، فوصل إلى أذنيه وقع أقدام تتبعه عن

بعد قريب، وخال أن يرى صاحبها رؤية العين، ولكنه لم تؤاته شجاعته على إطاعة رغبته

في التحقق من ذلك، فحث خطاه وقد عاوده بعض قلقه، وجعل يقول لنفسه ليهدئ

روعها: " من الحماقة أن أخاف لصا أحق بأن يخافني ويخاف الناس جميعا . " ولكنه كان

يخشى في الواقع أن يبغت بما ليس في الحسبان، كما بغت بوجود الجنيه في جيبه، وعزم

على أن يتخلص ﻧﻬائيا من دواعي القلق، فأدنى يده من الجيب وامسك الورقة بطرفي

إصبعيه وسحبها بلطف وتركها تسقط على الأرض وهو يقول : " فليذهب ﺑﻬا إلى

الشيطان “... ومضى وهو يتنفس الصعداء ! ... ولكنه لم يكد يخطو بضعة أمتار حتى

سمع هاتفا يقول : " يا أفندي “، فالتفت و راءه مترعجا لغير ما سبب واضح فرأى الرجل

الذي كان يتبعه – وقد أدرك أن يراه لأول مرة في حياته – يقبل نحوه مادًا يده بالجنيه

وهو يقول : " لقد سقط هذا منك " ! فأذهلته الدهشة وتناول الورقة بحركة آلية، وهو

يعجب لهذا الجنيه الذي يأبى أن يفارقه، وألقى نظرة على ما ح وله فوجد الطريق كالمقفر،

فداخلته الطمأنينة وبات كل ما يهمه هو ماذا يصنع ﺑﻬذا الجنيه الذي لا حق له فيه ...

وسار متفكرا ودس يده في جيبه فإذا بأنامله تلمس رزمة من الأوراق فارتجف كأنما مست

نارا، واستخرج ما في جيبه فوجد في يده ثمانية جنيهات ... رباه... هل تتوالد الجنيهات

في جيبه ؟ ... من أين جاءت هذه الثروة الصغيرة ؟ !... ووقف ينظر في الأوراق بعينين

ذاهلتين، وقد انعقد لسانه من الدهشة والإنكار، ولم يجد للمسألة إلا ح ً لا واحدًا، هو أن

النشال اختلس في الواقع جنيهات وخبأها في جيبه، ولكنه رأى طرف واحد منها فقط ...

وتفحص م ا حوله بحذر فلم يجد ما يريبه، فاختبر الجنيهات بعناية فلم يعثر ﺑﻬا على اى

علامة ! فعجب كيف رضي الرجل أن يودع هذه الثروة جيبه ويرضى من الغنيمة

بالإياب... ولم ير بدًا من العودة إلى بيته فقال لنفسه وهو يستأنف السير : " مهما يكن

من أمر هذه الجنيهات فسوف أجد وسيلة لردها إلى صاحبها... "

وفى صباح اليوم الثاني ذهب إلى قسم الرسم بالوزارة الحربية حيث يعمل رساما،

ولم يكن انتهى من مسألته إلى حل، فجعل في نيته أن يستعين بمشورة أصحابه . على انه

بمجرد أن دخل الحجرة ووقع بصره على رئيسه نسى مسألته إلى حين . وعاودته عواطف

الحنق والموجدة، وذكر العلاوة التي قد يحرم منها، فاسترجع ضيقه وحزنه . وكان يجلس

إلى جانبه شاب من زملائه المحبوبين يشاركه عواطفه نحو الرئيس، فمال وهمس في أذنه:

- انتقم الله لك منه.

فأدرك كامل انه يعنى الرئيس دون غيره فسأله بلهفة:

- كيف ؟

فقال الشاب بنفس الصوت الخفيض:

- أضاع أمس ثمانية جنيهات، وأنت تعلم مقدار حرصه وشحه !

فحدجه كامل بعينين متسعتين، وقد نفذ كلامه إلى قلبه، ولكن الآخر لم يفطن

إلى بواعث دهشته الحقيقية، فاستدرك قائلا:

- وقد قال أﻧﻬا كانت في جيب معطفه، وانه أودعها بنفسه هنا فلا محل للقول

بأنه فقدها في الطريق، وجعل يهدر مغيظا محنقا حتى كاد يذرف الدمع ساخنا.

ونظر كامل إلى مشجب الحجرة فرأى معطفه معلقا إلى جانب معطف الرئيس،

فلم يشك في أن الرجل أودع نقوده في جيبه سهوا وخطأ، وهذا هو الحل المعقول للمسألة

التي أفزعته في السينما، وسهدت ليلته وولدت في قلبه أ وهاما لا أساس لها من الحق ...

وهز رأسه وقد علت شفتيه ابتسامة، ونظر صوب الرئيس المكفهر الوجه بغيظ وكبر عليه

أن يسخره القضاء لكشف غمته ... على انه لم يكن من الآمر بد، فنهض متثاقلا ومضى

نحو مكتب الرئيس وابرز الأوراق من جيبه بسكون ووضعها بين يديه وهو يقول : " هاك

نقودك ترد إليك بمشيئة الله " ! فحملق الرجل في الجنيهات ثم في وجهه، وثبت النظارة

على عينيه وقد جرت الدهشة في ناظريه وتألق وجهه بنور فرح لم يستطع كتمانه ؟ ...

فقص عليه الشاب القصة بحذافيرها.

ومنذ ذاك اليوم صفا بينهما الجو فلم يعد الرجل في نظره تركة بالية، ولم يعد هو

في نظره غلاما مشاكسا.

martes, 20 de julio de 2010

Anigu

Maansoole: Naazik Saadiq al-Malaa’ika
Dal: Ciraaq
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid







Habeenka baa waydiiya yaan ahay.
Waxaan ahay sirtiisa, walwasha, moolsan, madow
Waxaan ahay shibtiisa ismadkeeysa.
Aamusnaan baan ku qanciyay dhabyaalkayga
Shakina waan ku lifaaqay wadnahayga
Wajitubna waan la joogaa halkan,
Anoo dhaykakayo, intay i waydiiyaan qarniyadu
Anigu yaan ahaadaa?

Dabayshana baa waydiisa yaan ahay.
Waxaan ahay ruuxeeda xayiran, i diiday waqtigu.
Iyadoo kale, meelna kama aan jiro,
Joogti baanu la soconaa, dhamaadna ma jiro
Joogti baanu la marnaa, joogsina ma jiro;
Haddii aanu gaarnayna laabka
Aanuna la firaaqeeynay khaatimada shiddada
Haddiina ay tahayba baaxad maran!

Ayaankana baa waydiiya yaan ahay.
Isagoo kale amarti ah baan duubaa waayada
Una ogalaadaa mar kale fidnaan.
Waxaan kula abuuraa soojiidashada rajada raaxada leh
Tagtada fog
Aniga baana mar kale duuga
Si aan uga soo saarto shalayto cusub,
Baritodeeda tahay baraf.

Naftana baa waydiisa yaan ahay.
Iyadoo kale jahowareer ah baan ku indhohayaa gudcurka
Waxna ii fasaxa nabadda ma jiro.
Waan sii su’aalaa, jawaabtuna
Sii dahaara dhalanteed
Waxaanna la sii fikiraa way dhawdahay.
Haddiina aan gaaray way baaba’day,
Dantay oo libirtay.

Laga soo qaaday Diiwaanka «Firdhaadyo iyo Danbas»: 1948



أنا
الليلُ يسألُ من أنا
أنا سرُّهُ القلقُ العميقُ الأسودُ
أنا صمتُهُ المتمرِّدُ
قنّعتُ كنهي بالسكونْ
ولفقتُ قلبي بالظنونْ
وبقيتُ ساهمةً هنا
أرنو وتسألني القرونْ
أنا من أكون؟
والريحُ تسأل من أنا
أنا روحُها الحيران أنكرني الزمانْ
أنا مثلها في لا مكان
نبقى نسيرُ ولا انتهاءْ
نبقى نمرُّ ولا بقاءْ
فإذا بلغنا المُنْحَنى
خلناهُ خاتمةَ الشقاءْ
فإِذا فضاءْ
والدهرُ يسألُ من أنا
أنا مثلهُ جبّارةٌ أطوي عُصورْ
وأعودُ أمنحُها النشورْ
أنا أخلقُ الماضي البعيدْ
من فتنةِ الأمل الرغيدْ
وأعودُ أدفنُهُ أنا
لأصوغَ لي أمسًا جديدْ
غَدُهُ جليد
والذاتُ تسألُ من أنا
أنا مثلها حيرَى أحدّقُ في ظلام
لا شيءَ يمنحُني السلامْ
أبقى أسائلُ والجوابْ
سيظَل يحجُبُه سراب
وأظلّ أحسبُهُ دنا
فإذا وصلتُ إليه ذابْ
وخبا وغابْ
»من ديوان شظايا ورماد«
» نازك صادق الملائكة «
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...