Mostrando entradas con la etiqueta Soomaalida (af shisheeye tarjuman). Mostrar todas las entradas
Mostrando entradas con la etiqueta Soomaalida (af shisheeye tarjuman). Mostrar todas las entradas

sábado, 23 de junio de 2012

Tarjamid lagu waay!



Raage waa nin aad u wanaag iyo xishood badan. Maalin baa ku dhacay madax-xanuun iyo xumad badan. Habeenkii oo dhan buu la seexan waayay dhidid jirkiisa oo dhan qooyay. Raage wuxuu joogay Toronto sannado iska yarba, Ingiriiskiisuna wuxuu ahaa biyo ku cab kaliya. Kadib markuu qaadtay shaah kulul xawaash leh subaxdii, wuxuu aaday qolka ina-adeerkiisa Dooli si uu u waydiisto inuu u qaado dhakhtarka. Dooli waa daboxume caajislaw ah; wuu diiday inuu soo kaco oo caawiyo ina-adeerkiisa, kadib markii uu soo calaanjistay labo marduuf qaad ah xalay. Edabdarada Dooli maysan ka raallisiin Raage, wuxuuna ku wacay intii macagacxun ah ka jirtay dunida. Wuxuu gaar-ahaan xoogga saaray wajigiisa fool xun iyo labadiisa ilig ka maqan. Kamadanbeeyskii, isagoo xanaaq iyo madaxwareer la jiraan buu go’aansaday inuu qaadto baska oo aado isbitaalka.

Kadib markuu soo gaaray isbitaalka, Raage wuxuu dawaali ku aaday qolka gurmadka. Qolku wuxuu la buuxdhaafsanaa dad badan hargab iyo sanboor qaba oo wada qaadtay kursiyada dhan. Muusan helin meel uu ku cuskan karay lafahiisa daalan. Wuxuu dabadeed istaagay gees isagoo gashan jaakaddiisa “waryaa” ee ka wayn. Habar duq ah oo dhinac fadhiday baa garadtay inuusan is diiwaan galin oo u sheegtay inuu aado miiska diiwaangalinta.

Markuu soo gaaray miiska diiwaangalinta, yarta cad ee diiwaangalisada baa waydiisay hadduu ahaa Soomaali. Wuxuuna isla markiina kula jawaabay cod daciifsan “haa”, si uu u tuso inuu dhab-ahaan jiranaa. “Alle, waanu kuu baahannahay” baa tiri diiwaangalisada, waxayna dagdag ku geeysay mid ee qolalka baaritaanka, meesha kalkaaliso iyo habar duq Soomaali ah (70 jir qiyaastii) ay ku sugayayn.

“Ma Soomaali baad tahay?” kalkaalisada baa waydiisay Raage. “Haa,” buu si kalsooni ugu jawaabay, xataa isagoo Ingiriiskiisu iska yahay meelkumar qura.

Kalkaalisada: “Ma igula caawin kartaa u tarjamaadda haweenaydan, tarjamaankeedii baanan soo xaadir naqon,” bay waydiisay.

Raage: “ok, ok” buu yiri labo jeer si uu u muujiyo kalsooni dheeraad ah!

Kalkaalisada: “Fadlan fariiso halkaas,” iyadoo farta ku fiiqaysa kursi agyiil habarta duqda. Deedto wuxuu isku cariiriyay kursiga yar isagoo gashan jaakaddiisa “waryaa” ee wayn. Dabadeed jilbahiisa buu saartay miiska oo hore ugu foorarsaday sidii isagoo dhunkanayo kalkaalisada.

Kalkaalisada: “Magacaa?” bay waydiisay Raage.

Raage: “Raage,” buu ku jawaabay isagoo u fiirinaya wajigeeda si fiiqan.

Kalkaalisada: “Ma waydiin kartaa haweenayda waxa inta keenay?”

Raage: “Eedo xaggee lagaa hayaa?” buu waydiiyay habartii.

Habarta duqda: “Eedo halkaas gumaarka ayaad mooddaa in mindi igaga taagan tahay,” habarta duqda baa tiraahda iyadoo farta ku fiiqaysa caloosha hoosteeda.

Kalkaalisada: “Maxay tiri?”

Raage: “She feels something like a knife is piercing in her lower abdomen.” buu ugu jawaabceliyay.

Kalkaalisada: “Ma waydiin kartaa inay farta ku fiiqdo meeshay ka dareensan tahay xanuunka ugu badan?”

Raage: “Eedo bal gacanta saar meesha lagaa hayo.”

Habarta duqda: “Eedo hore ayaan kuu tusay, waa halkaas gumaarka ka hooseeya.” Habarta duqda baa ku jawaabta iyadoo farta ku fiiqaysa hoosta caloosheeda.

Raage: “She feels pain down there,” buu yiraahdaa isagoo farta ku fiiqaya hoosta caloosheeda.

Kalkaalisada: “Ma waydiin kartaa markii ugu danbeeyay ay galmo yeeladtay ama hadduu ku dhacay ama laga daaweeyay C.G.,” bay waydiisay.

Raage: “Waa maxay C.G.?” buu waydiiyay.

Kalkaalisada: “Waxay u taagan tahay Cudurada Galmada,” bay ku jawaabtay. Muusan aamini karin inay rabto inay waydiiso habarta duqda su’aalahan aan macnaha ku jirin. Camankaak baa ku dhacay, wuxuu bilaabay inuu madaxa xoqxoqdo oo hoos u dulfiiriyo miiska.

Raage: “Ma ku celin kartaa su’aasha mar kale?” buu waydiiyay, si uu waqtiga ugu dheereeysto.

Kalkaalisada: “Ma fahantaa Ingiriiska?” bay u waydiisay si qatiyaan leh.

Raage: “Haa, laakiin ku soo celi su’aasha,” buu waydiiyay.

Kalkaalisada: “Goormay ahayd markii ugu danbeeyay ay galmo yeeladtay?” bay ku tiri cod xoogan. Raage aad buu u fahmay su’aasha, laakiin muusan doonayn inuu is caybiyo oo waydiiyo su’aal caynkaas ah habartii duqda.

Raage: “Eedo odaygaagii ma nool yahay?” buu waydiiyay habartii, isagoo wali iska ilaalinaya erayga “Galmo.”

Habarta Duqda: “Alle ha u naxariisto eedo toban sanno ka hor ayuu xijaabtay,” ayay ugu jawaabtay. Deedto buu u jeestay kalkaalisadii oo ku dhahay “Ma u maleeynayo.”

Kalkaalisada: “Maxaad sheegaysaa?”

Raage: “Ma u maleeynayo inay galmo yeeladtay,” buu ku jawaabay.

Kalkaalisada: “Laakiin ma waydiisay hadday galmo yeeladtay ama ay yeelan” bay waydiisay.

Raage: “Saygeeda wuu dhintay, galmo maashee” buu ku jawaabay. Iyadoo ku dhibtoodtay jawaab la’aantiisa bay ku qaylisay oo dhahday: “Mudane, ma i xiisogaliso hadduu saygeeda dhintay ama noolyahay, waxaan kaa rabaa oo qura inaad waydiiso su’aalaha aan waydiinayo.” Markuu gartay kamadanbeeysnimada xaaladda, Raage wuxuu u jeestay xagga habarta duqda, wuxuuna go’aan ka gaaray inuu waydiiyo su’aasha. Intay ka qatiyaan naqodtay sida waxa u dhacayo, habartii baa u soo jeesadtay Raage oo waydiisay “Eedo haddii aadan Ingiriisiga garanayn qof kale ayaan sugayaayee, ha is cadibin.”

Raage: “Maya Maya eedo sidaas maaho, wax aanan fahmin ayay ka hadlaysaa,” ayuu ugu jawaabay.

Habarta duqda: “Haa waan kuu sheegay, Ingiriisiga ayaa kugu adag, ma qolyaha hadda soo galay ayaad tahay” ayay ku tiri.

Kalkaalisada: “Ma haysto waqti, maxay leedahay?” bay waydiisay Raage.

Raage: “Fadlan sug,” buu dhahay isagoo u taagay gacantiisa kalkaalisada.

Habarta duqda: “Maxay ku waydiisay?”

Raage: “Eedo waxay rabtaa inay ogaadto markii kuugu danbeeysay ee aad nin meel la seexadtay” buu ku yiri si dhiban.

Habarta duqda: “Maxay ka rabtaa? Habeen kasta ayaan nin meel la seexdaayee” ayay ku jawaabtay. Wajigiisa oo ka muuqdo fajac iyo aamindaro, buu u jeestay kalkaalisada oo yiri: “She sleeps with a guy in every night.”

Kalkaalisada: “Ma ku waydiin hadday la seexadto nimanka ama aysan la seexan, qura waxaan rabaa inaan ogaado markii ugu danbeeyay ay galmo yeeladtay” bay ku adkeeysadtay. Wajigiisa oo ka sii muuqda dhib iyo cabsi buu u jeestay habartii oo waydiiyay: “Eedo adiga iyo ninka kula dagan goorma ayaa ugu danbeeysay oo aad wax wada sameeysayn?”

Habarta duqda: “Maxaad ka waddaa wax wada sameeysayn?” bay waydiisay (wajigeeda oo ka muuqda layaab iyo wareer).

Raage: “Saw ma aad dhahin nin baan la daganahay?”

Habarta duqda: “Oo miyaad i waydiisay ninka aan la daganahay waxa uu yahay iyo waxa aanu isku nahay?” bay waydiisay.

Raage: “Maya, laakiin waxa aan u fahmay nin wax kale idinka dhaxeeyaan,” buu ku jawaabay. Wajigeeda oo ka buuxa xanaaq iyo xumeeysnaan, bay ku tiri: “War sharmuudyahaw wiilka ila dagan ayeeyo ayaan u ahay.” Iyadoo gaaraysa kabteeda midig, bay waydiisay: “War naagta ma waxaad ku tiri niman baa ila seexda?” intuusan dhahinna waxna bay wajiga kaga dhufadtay kabteeda gabawga ah ay kala timid Soomaaliya! Xaax!, xanuun badnaa, dhabtii!. Madax-xanuunkiisa iyo dawakhiisa buu la arki waayay albaabka, wuxuuna ku cararay dhinaca kale ee qolka meesha kalkaalisada fadhiday. Madax-xanuunkiisa iyo hargabkiisa buu la aaday guriga, isagoonan arkin dhakhtar. Waxay ahayd xaalad ah “Tarjamid lagu waay”.


Sheekada: Gaaban (Qosalqosal)
Qoreha: Faarax Maxamuud Maxammad
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid
Ka: Radiowiilwaal.com
Cinwaanka asalka: Lost in Translation (ku qoran: IngilishSoomaal).

lunes, 23 de abril de 2012

Aragti guud la'a jab waaye!

Qalcadahii Taleex oo duqeeyn lagu hayo!

Abaarahii 1917kii horaantiisii Sayidku waraaq buu u diray madaxdii dadka arlada Nugaal waqooyi ka xigta, gaar ahaan dhulka Ceerigaabo iyo inta raacsan dagan. Ma jacelayn raallina kama ahayn in xumaani dhaxmarto dadka halkaa dagan, dagmooyinka halkaa dajisanna wax dhibaadto ah loo geeysto, maxaa wacay wuxuu doonayay inuu dadkaa Daraawiish ka dhigo, kalsooni waynna waa ku qabay. Waxaynu oran karnaa taa guul buu ka gaaray. Waraaqdii oo asalkeedu af Carabi ahaa, oo Ingiriiska laga soo tarjamay waa tan:

Mahad Ilaah baa iska leh, naxariis iyo nabadgalyona Nabiga korkiisa ha ahaadto. Fariintan waxaa soo diray miskiinkii Ilaahay, Maxamad Cabdulle Xasan, oo u diraya qabiilka reer Xaamid Cismaan (Isxaaq) dhamaantooda, siiba Haaruun Axmad, Yuusuf Diiriye, Maxamad Axmad, Maxamad Maxamuud, Maxamuud Faarax, Ismaaciil Guuleed, Cabdi Jaamac, Saalax Cali iyo walaalkiisa Faarax, Caraale Warsame, Food Axmad iyo idil raggoodii waxagaradka ah.
Ujeedada waraaqdani waa labo arimood: Midda hore waa salaan, Ilaahay naxariistiisa, barakadiisa iyo nabadgalyadiisa korkiina ha ahaadto. Tan kale waxaan ogahay in dhan walba la idinka dulmiyay; waxaan taa ula jeedaa dhanka Warsangali, Dhulbahante, Gaalada, doxoreyaasha iyo Daraawiishtaba. Ilaahay haydinla jiro, samir wacan haydin siiyo, jannadana hoygiina ha ka dhigo.
Waxaan kaloo idin ogeeynsiinayaa inayan danbi idinku ahayn la dagaalanka gaalada iyo doxoreyaasha, ee uu yahay waajib qof kastoo muslin ah dusha ka saaran. Muslin baad tahiin, iyana waa gaalo; markaa, ma fiicno inaad ka waabadtaan. Tan ku saabsan Daraawiishta, idinku dhib ma geeysan, ha yeeshee, Daraawiishtoo dhan ayaa eeddaas iska leh, siday u dhacayn, una dilayn walaalahooda; qof kastaana xumaantuu falay, ifka ama aakhiro ayuu abaalkeeda heli doonaa. Ilaahay wuxuu yiri, «Haddii qof muslin ah qof ulakac u dilo, ciqaabtiisu waa cadaabtoo lagu waariyo, iyadooy sugayaan nacaladda iyo carada wayn ee Ilaahay».
Ha yeeshee waxaan idin ogeeysiinayaa, kuwaan jacelaayaw, inaan ka calool xumahay cid kastoo idin qulquladeeysa, taasina waa iga runoo wallaahi ah!. Ilaaha wayni ma jacelo kuwa idin qulquladeeya, aniguna waxaan waligay wacdigayga ku sheegaa in Ilaah baaba’in doono kuwa walaalahooda, reer Xaamid, dulmiya. Eebe wayne waxaan ka baryayaa inuu baaba’iyo kuwa idin dhacay, taasina waa wax la ogyahay.
Waxaan kaloo idin ogeeysiinayaa inaan ahay Xaajji iyo nin wali dagaalamaya oon ku doonayn darajo iyo waynaan adduunyadaan ah. Maahi Dhulbahante, oo Warsangali maahi, Majeertaynna maahi, Ogaadaynna maahi. Maan ahi beenaale, waxaan ahay Darwiish ka sugaya Ilaahay naxariis, aqbal, danbidhaaf iyo hanuun. Waxaan rabaa, idankii Ilaahay, in adduunkoo dhan ay muslimiintu ku guuleeystaan, hase ahaadtee, waxaan ahay nin miskiin ah, mana haysto, in yar mooyee, rag daacad ah. Labo, sadex qof mooyee, inta hartay ee i wahalisaa waa dad dulmifaleyaal ah!. Ilaahay haynaga jiro dulmiga, xaasidnimada, colaadda, khiyaanada iyo dadka ku dhaqma.
Walaalayaal, aminku waa aminkii samirka, waa aminkii dulmiga, waa aminay musuqmaasuqa iyo sinadu faafayn, waa aminay gaaladii muslinkii jabiyayn, waa amin walaalkaa ku sirayo, waa amin saaxiibkaa ku gawracayo, waa amin jaalkaa ku dhacayo, waa aminay culimadii u adeegayso kufriga. Waa aakhirul samaan. Rabbi hayna hago! Rabbi hayna hago! Rabbi hayna hago! Ilaahay, aakhirka, hayna baraariyo! Ilaahay aakhirka haynagu baraariyo jidkii Nabigii iyo intii raacday!.
Haa, walaalayaal, samir yeesha, shaydaanka iyo saaxiibodiisana yaanay idin duufsan! Ha ka qoomameeynina wixii idinka lumay, maxaa yeelay Ilaahay baa kulli idiinku soo magdhabaya ifka iyo aakhiroba. Waxaan kaloo idinka baryayaa inay laabahaynu wada jiraan ooynu isgarabsano, tan u horeeysana waa inaynu is-arag yeelanaa.
Runtii waan ka qoomameeyay la-saaxiibkii doxoreyaasha iyo Dhulbahante, haddeerna waxaan hubaa haddaan kaligay la dagaalamo gaalada, saacad qur ah waan ku jabin lehaa; haddii idinka iyo aniga aan la wada dagaalano waan wada jabin lehayn, haddaan la dagaalamo kuwa kale, siiba Dhulbahante, waan ka adkaan lehaa. Dhibaadtadu waa kuwaas, maxaa yeelay garashadoodu ma cado, qalbigooduna uma jeedo xagga Ilaahooda, marka laga reebo rag yar.
Ilaahay baa Qur’aankiisa ku yiri, «Adoomahayga in yar baa ii mahad naqa». Tan waa fariintaydii, waxaan idiin sheegayaa qofkii idin dhacayba inuu ku silcay kuhaanka habaarkayga, ooy qaarkoodaba dhintayn, qaar kale gaaloobay, qaar kalena taag iyo tabarba gabayn.
Walaalkiina
Maxamad Cabdulle Xasan


W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

lunes, 16 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (3)!


Waraaqdan Daraawiish baa u soo dirta dawladda Ingiriiska, ulajeedadeeduna waa muranka na dhaxyaala anaga iyo dawladda Ingiriiska. Marka hore, waxaan idin ogeeysiinayaa inay murankaas sabab u yahiin Swayne, Cordeaux iyo Muuse Igaare. Sadexdaas nin baa dalka oo dhan baleeyay. Muddo ka yare horeeysay, dalku waa xasiloonaa, dadkuna raalli buu ahaa, dalkana xoolo baa ka buuxay. Muddo kadib ayuu Swayne dalka ka tagay, awooddii dawladda mustacmaraduna waxay u wareegtay gacmaha khayaamiinta kale kor lagu sheegay. Dalka sidii hore ayaa loo baleeyay. Waa nala dhacay, raggayagiina waa la laayay, waana la xirxiray, doonyahayagana waa la maroorsaday, waana la cashuuray, dalkayagana xoog baa nalakaga qaaday.
Cordaux waraaq baanu u dirnay, aanu ku leenahay: «Waa inaad xoolahaygii noo soo celisaa, haweenkayagii iyo doonyahayagii noo soo furtaa, dalkayagana ka baxdaa». Nalama maqlin, codsashadayadiina nalakama yeelin. Taas ayaa kacisay bulaankan oo dhan. Tan kale waxaanu ku ogeeysiinaynaa inaanu geelii Isaaq haysano. Geelaasna Daraawiish baan u qaybinayaa, haddaan dawladda mustacmaradu nala heshiin, xoolahayagiina la soo celin, codsashadayadiina naloo yeelin, doonyahayagiina naloo daayn, dalkayagaan laga baxin, cadaadintana nalaga daayn. Haddii codsashadayada la yeelo, raalli baanu ahaan doonnaa, farax iyo nabadna waanu ku noolaan doonnaa. Haddii kalena, waa amar Ilaah, waanna qaybsan oo qalan doonnaa. Gees kastana raggayaga ayaan u diri doonnaa si ay u ilaaliyaan danahayaga, nabadgalyadana u hubiyaan.

W. saxiixay: Sayid Maxamad Cabdulle (haashimi) iyo Daraawiishta kale.


F. G.: Haddaad nabad nala yeelayso, waxaanu ku waydiisanaynaa inaad noo soo magdhawdid 95 nin ee lagu dilay Galaadi, 15 nin ee lagu dilay Nugaal, iyona 15 buntuq, 89 halaad ee Jaamac Siyaad (Dhulbahante) naga dhacay, labadii doonyood iyo shaqaalahoodii waday iyo wixii saarnaa; ugu danbeeyskiina inaad ka guurto dalkayaga.
Uragadda wayn ee na haysadta iyo sababta keentay muranka waa dawladda oo na ilawday, iyo lacagtii ahayd sababtii lagu dilay Diiriye Caraale iyo arimaha kale ee aan kor ku soo qoray.


Ku: Shiikh Maxamad Cabdulle Xasan.

Waxaan ku ogeeysiinayaa inaan waraaqdaadii helay, aad kaga hadlayso fidmada ka dhaxdhacday qabaa’ilka dawladda Ingiriisku u taliso iyo dadkaaga. Marka hore, waxaan doonayaa inaan mar labaad ku ogeeysiiyo inaan dawladda Ingiriisku doonayn inay la muranto dariskeeda, ama faragaliso arimahooda. Hase ahaadtee, dhinac kale, dawladda Ingiriisku waxay filaysaa in dariskeedu sidaas oo kale yeelo, dawladda Ingiriisku ma ogalaanayso in arimaheeda la faragaliyo. Tan labaad, waxaan ku ogeeysiinayaa hadday wax fidmadi dhacdo inay sabab u tahay faragalintaad arimaha qabaa’ilka, ay dawladda Ingiriisku u taliso, soo faragalisay.
Awal, Warsangaligu raalli iyo addeec buu ahaa, dabadeedna, arimahooda ayaad faragalisay, markaasay caasiyoobayn, rag iyo banaadiiqna waad ku caawisay. Adiga waa lagaaga digay inay yahiin raaciyad Ingiriis iyo inaadan soo faragalin. Hase ahaadtee, dhago umaad baxin, haadtanna dhibaadtada iyo ciqaabta Warsangali la marinayo waxay ku muteeystayn faragalintaadii. Sidaad isugu dayday inaad ku qanciso tolalka Isxaaq inay Warsangaliga ku daydaan, dawladda Ingiriiskana ku caasiyoobaan, kugumay dhageeysan, waxayna i tusayn waraaqahaad mar walba u soo diri jirtay. Waraaqahaas dawladdaad si walba ugu cayn jirtay, isla markaasna erayo nabadeed baad ii soo diri jirtay. Waxaad kaloo burcadda ku qancisay inay tolalka Ingiriisku u taliyo geela ka soo dhacaan oo kuu keenaan. Waqtigaas oo dhanna hadaladaadu waxay ahaayayn nabaddoon.
Tan sadexaad, arinta ku saabsan codsashadaadii, ogaw inayan dawladda Ingiriisku waxba ugu jirin 95kii nin ee Galaadi lagu dilay. Raggaasi Biyamaal bay ahaayayn, Ogaadayn oon ahayn raaciyad Ingiriis baana laayay. Hase ahaadtee, hadday kula tahay inay Ogaadayn raaciyad Ingiriis yahiin, maxaad mar kasta u weerartaa? Taasi ma waafaqsano nabadda. Arinta ku saabsan 15kii nin ee lagu dilay Nugaal iyo 15kii bunduq, waa inaad ogtahay inay nimankaasi Warsangali ahaayayn, waxayna helayn caasinimadooda abaalkeedii. Hadday dadkaagii ahaayayn sidaad u tiri, maxaad ugu soo dirtay inay weeraraan tolalka Ingiriisku u taliyo ee Nugaal dagan? Taasi ma waafaqsano nabadda. Arinta ku saabsan doonyaha ama baxridoodii ama shixnaddoodii, dawladda Ingiriisku ma soo celin karto wax ayan qaadan.
Ugu danbeeyskii, waxaan doonayaa inaan kuu sheego sidan: waraaqo badan baad ii soo dirtay ood ku leedahay nabad baan doonayaa, anna waan u diyaar ahaa inaan rumeeysto hadaladaada. Hase ahaadtee mar kasta rag iyo warqado sira baad u diraysay tolalka, adoo ku qancinayay inay dawladda Ingiriiska ka tagaan, adoo caynayay Dawladda Ingiriiska iyo kuwii u addeecsanaa. Haadtan warqad baad ii soo qoraysaa ood ku leedahay nabad baan rabaa, haddase dhib bay igu tahay inaan hadaladaada rumeeysto kadib waxa dhacay. Haddaba, hadday dhab kaa tahay nabaddoonista, geelaad sabab la’aan Isxaaqa kaga dhacday ii soo celi; raggaaga iyo banaadiiqdaadana Warsangali kala naqo, hana faragalin arimahooda iyo kuwa tolalka kale ee Ingiriisku xukumo. Haddaad taas dhaqso u sameeyso waxay i ogeeysiinaysaa inaad run ahaan nabad u doonayso; haddii kale, waxaan ogaanayaa inayan hadaladaadu run ahayn ood uga jeeddo inaad igu khiyaanto.

Sidaas iyo salaan.

H. E. S. Cordeaux

sábado, 14 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (2)!


Warqaddani waxay leedahay labo ujeedo: horaantii, waxaan kuu soo diray waraaqo badan hadda kahor oo ku saabsan nabadda, xoolohii iyo haweenkii nalaga dhacay iyo joojinta fidmada labada dhinacba; ha yeeshee, adigu jawaab iima soo dirin, xaqqaygiina ma soo celin, wanaagna ma sameeyn. Ha yeeshee, anigu waa sameeyay wanaag, fidmaddii burcadda ahaana waan joojiyay, sacodtadiina nabadgalyaan siiyay, taana adiguba waa ogtahay.
Iminkana, waxaan ku ogeeysiinayaa in Ina Igaare iyo dadkiisuba ay rag xun yahiin, nabadda dhaxdaya taalana jabiyaan. Taana si wayn baan u ogsoonahay. Ka soo qaad, markuu u soo diray colka Buuhoodle; markuuna ku amray inay fardaha geeyaan ilaa Badwayn iyo dooxada Cayn; iyo markuu jaajuusta u soo diray Jidbaale, kan u madax ahaana uu yahay Yuusuf Habare, oo isaga lagu amray inuu si qarsoon jaajuus ugu tago, kaligiisana ma ahaynee waxaa la soo diray jaajuusyo badan. Waxaas oo dhan waan ogahay.
Iminkana, waxaan ku ogeeysiinayaa, maanan rabin inaan waraaqo danbe kuu soo diro, maxaa yeelay waraaqahaygii horaan laga soo jawaabin, hase ahaadtee, waraaqdanaan kuu soo diray ujeedadeedu waa inay fidmadu dhaxdayada ka joogsadto. Xaggayga, anigu ma jaceli fidmada iyo dagaalka midnaba; haddaadse nabad u doonayso sidaan u doono, ka qaad colkaaga Buuhoodle, fardahaagana ka celi Badwayn iyo dooxada Cayn, ugana yeero jaajuustaada Jidbaale iyo meelaha kaleba. Sidaan u joojiyay rabshaddii burcadda si la mida yeel. Haddaadanse nabad rabin oo fidmo iyo dagaal kaliya doonaysid, marka uma baahnid inaad colkaaga Buuhoodle ka celisid, jaajuusta iyo fardahaagana la naqodtid.
Midda kale, ogaw inaan daacad u ahay dadka oo dhan. Hase yeeshee ina Igaare iyo dadkiisaa fidmo ka abuuraya wadankan. Kamana fikirayaan aayeha ka dhalan doona gadaashiisa. Waxaa jirtay nabad intaanan fidmadii hore la soo kacin. Intaa gudaheeda waligaa duulaan iima soo dirin, anina kuuma soo dirin, ismana aynu dhacin. Inankaygana Cismaan waxaad siisay baqal.
Janeraal Cordeaux, qaado taladayda, hana maqlin hadalada ina Igaare. Haddaynu bilawno dagaal, waxba isaga kaaga tari maayo dirar, waayo fule waaye. Markii duulaanka loogu yeeray wuxuu indhaha iskaga shubay dawooyin, sidaasna waxaa ugu wacan cabsiduu naga qabay, wuxuuna ku sigtay inuu indhabeelo. Kamadanbeeyskii, baqdinuu la aaday Makka iyo Madiina. Sidaad ogtahay, nin geesi ahi dirar kama warwareegi lehayn. Iminkana, waxaan kuu sheegayaa inuu yahay oday boos iyo gabawa, wuxuuna kuu yahay dhibaadto. Haddaynu mar kale dagaal bilawno, waxaa la dili doonaa rag badan oo ka mida raggaaga darajooyinka waawayn leh, dad iyo duunyona waa kaa rogmayaan. Anigase mood iyo nool midna iga lumi maayo, maxaa yeelay duunyadaydii gacantaaday ku jirtaa, xoolahaan haystaana aad ayay u yar yahiin. Waxaan kuu raacshaa taas, haddaynu haadtan dagaalano, aqaladayda oo dhan waan gubayaa, xoolahaygana sahay baan ka dhiganayaa, waxaadna arki doontaa kaliya fardooley koore saaran oo dagaal u heegana; xoolahaan haystaana, sida geela, lo’da iyo idaha, waxaan ku dhaartaa inaan saacad qura ku qasho, dabadeedna waxaan cuno ka dhigan doonaa xoolaha dadka kale.
Maan lehi dhul, beer iyo bustaanba; Ilaahayna waxaan ka baryaa inuu dhulka rogo, erayadanna wayga run. Haddaad adna sidaas rabto, maqal erayada ina Igaare. Haddaadse dhaxdayada nabad ka rabto, ha maqalin hadalka namiimiyeha.
Midda kale, col Isaaqaa dhawaan dilay 17 nin oo Warsangaliya, halo geel ahna ka dhacay. Mar danbe, Isaaqu wuxuu ka dhacay xoolo Warsangaliga, qayb ka mid ahna xoolahaasaa ahaa kuwayga, haddaan magacaabo waa 170 sac. Haddana, Isaaqu wuxuu dilay 12 nin oo Warsangaliya. Waa kaa warkii Warsangaliga, oo hadda Darwiish dhaba.
Aniga iyo Warsangaliga, waanu isugu dhaaranay inay Daraawiish dhaba yahiin; anaguna waa garabtaagan nahay. Haddaadna doonaysid wadanka nabaddiisa, ii daay inaan heshiisiiyo Isaaqa iyo Warsangaliga; haddaadse nabad doonayn, hadalka ina Igaarena maqashid, ha inoo ahaadto sidaas.
Waxaanna ku ogeeysiinayaa in Daraawiishtu tahay sidii caano cad (qalbi daahiran), waxaanna ku ogeeysiinayaa in ina Igaare beenaale yahay, damiirkiisuna xun yahay, nabaddunaan jacelayn. Wuxuu doonayaa inuu wadanka baaba’iyo. Aniguse nabad baan rabaa inkastaad maqlayso hadalka ninkaas.
Iminkana, waxaan kuu sheegayaa, adigunaad ogtahay, haddaynu mar kale dagaalano, waxaa kaa lumi doona rag kuwii hore ka badan. Waa inaad ogsoon tahay tan. Rag baanu nahay ee naago maanu nahin. Ilaahayaa na ilaasha, guushana na siin doona.

Waxay ka timid kii miskiinka ahaa ee yaraa ee madluunka ahaa, laakiin ku xirnaa naxariista, guusha iyo gargaarka Ilaahay.
Sayid Maxamad Cabdulle Xasan



Waraaqda jawaabta ah oo Ingiriisku soo diray, waa tan:


Ku: Shiikh Maxamad Cabdulle Xasan:

Salaan kadib. Waxaan ku ogeeysiinayaa inaan helay waraaqdaadii uu siday Xirsi Libaan. «Tan u horeeysa, waxaan jacelahay inaan ku ogeeysiiyo in dawladda Ingiriiska wali doonayso adkeeynta nabadda dhaxtaal qabaa’ilkay u taliso iyo Darwiishta». «Tan labaad oo ku saabsan ciidamada dawladdu u dirtay Buuhoodle iyo Cayn, waa inaad ogtahay in sababtu tahay rabshad ay geeystayn niman burcada iyo kuwo Warsangaliya, ee ma aho inaan maskaxdayadu ka saarnay nabadgalyadii». «Tan sadexaad, waxaan ku xusuusinayaa, adigunaad ogtahay, in Warsangaligu yahay raaciyad Ingiriisa; xumaantay geeystaana waxaa ka abaalmarinaya dawladda Ingiriiska oo kaliya. Dhawaan, waxay weerarayn tolalkaanu u talino ee u dhaw Badwayn iyo Cayn. Sidaas daraadeeda, ciidamadaanu dhulkaas u dirnay kama soo celin karno, waase inaan ku soo korarinaa si ay dadka uga ilaaliyaan weeraradan, oo nabadda u adkeeyaan».
Waxaa i soo gaartay in dhanbaalsidehaagii ay xumeeyayn Jaamac Siyaad (Dhulbahante), taana dawladdaa ku ciqaabi doonta. Laakiin, waxaan jacelahay inaan ku xusuusiyo ragga ku kacay waxaa inay yahiin kuwaad dabka iyo geela siisay markay kuu yimaadayn. Sidaa daraadeeda, adiga afay kugula hadlaan, dawladdana af kale oo ka duwan.

Sidaa iyo salaam
H. E. S. Coedeaux


W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

lunes, 9 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (1)!

Laas Qoray, Sanaag, Soomaaliya


Bishii Nof. 1908, warqad laga diray Barbaro oo loo diray wakiilka Dawladda Boqartooyada Talyaaninga Cadan u fadhiyay, waxaa si cadaan ah loogu sheegay in siyaasaddii Darwiishta ka xoog roonaadtay siyaasaddii Ingiriiska; dagmooyin badan, oo markii hore Ingiriiska xiriir la lehaa, ayaa ka go’ay. Iyadoo Dawladda Boqartooyadu ku dadaalaysay inay wadaadka heshiis ku soo dabaalaan, baa taasi waxay ku naqodtay dhabarjab iyo xagaldaac. Warqaddii waa tan: 

Ku: Wakiilka Boqarka Talyaaniga, Cadan.

Mudane,

Waxaa sharaf ii ah inaan kuu soo gudbiyo nuqul ee warqaddii aan u diray wadaadka Sayid Maxamad Cabdulle. Iyadoo ugu wacan waanwaanta hadda dhaxtaala Daraawiishta iyo Warsangali, baa wuxuu Cabdalle Shaxiri ii sheegay inay dhacdo in wadaadku u qaadto talaabooyinkii ciqaabta, ee lagama maarmaanka ahaa, ee dhawaan Warsangaliga loo geeystay in isaga loola dan lehaa. Taas aawadeeda, waxaan dan mooday inaan ka faa’ideeysto dib u laabashada soo foodsaaran ee ergadii wadaadka si aan durbadiiba warqadda hore aan u soo xusay ugu diro, daahid la’aan. Ha yeeshee, daraadda ee sida dagdagga ah ee Cabdalle Shaxiri loogaga yeeray Cadan, ergadii lama dirin, daraaddaasna warqaddaydii waxay kula maqan tahay Cabdalle Shaxiri Cadan. Anigoo arimahaas eegaya, waan ku mahadqabi lehaa haddii aad wadaadka ugu gudbiso warqadda fursadda ugu horeeysa ee aad hesho.
Sida laga ogaaday Xogwaramadii Basaaska ee soo baxay bilihii na soo dhaafay, wuxuu wadaadku u halgamayay inuu Warsangaliga dhinaciisa u leexsado, taasna inteeda badan guul buu ka gaaray. Dad badan oo Warsangali ah ayaa xaruntiisa ku biiray, dhinaca kalena Daraawiish hubeeysan ayaa shalmadda dhigay furdada wayn ee Laas Qoray Warsangaligu ku leeyahay, halkaas oo si dhab ay uga taliyaan, iyagoo uu madax u yahay Ibraahim Xasan oo lagu naanaysayo Ibraahim-Buqul kana mid ah naa’ibada wadaadka.
Shaki wayni kuma jiro cadaawadda ay iminka Warsangaligu muujinayaan in ninkaasi iyo Daraawiishta hubeeysan fadhida Laas Qoray ay ku abuurayn. Inkastoo aan la diidanayn inay Daraawiishtu si nabadgalyo leh uga ganacsadto Laas Qoray ama furdo kale oo ku taal Mustacmarada Ingiriiska, haddana shaki la’aan waad inaad igula raacdaa furdadaas oo la qabsado ama hab kale oo lagu farogaliyo qabaa’ilka dawladda Ingiriiska heshiiska ka saxiixadtay, inuu ka soo horjeedo qodabadii heshiiskii Ilig. Lama ogo ilaa iyo intuu Ibraahim Xasan iyo Darwiishtiisa hubeeysan ay ku waxqabtaan amarka ama ogaalka Wadaadka, si laysaga ilaaliyo qalalaase mustaqbalka, waxaan ku kalsoonahay inaad ka fikiri doontid sida loogu baahan yahay inaad arintaas iyada ah wadaadka ugaga ergeeyso fursadda ugu horeeysa.

Ka: Adeegahaagii daacadda ahaa
(saxiixa) H. E. S. Cordeaux
Xafiiska Waaliga, Barbaro.
 
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

jueves, 23 de febrero de 2012

Dhibane ku abuurid dhibane kale!



Madaxwaynehii dhintay ee Kenya, Mze Jomo Kenyatta, baa la yiri inuu ka fiirsaday: “Marka mishanariyadu (diraaldiineedyada kirishtaanka) yimaadayn Afrika, waxay gacmaha ku haystayn Baybalka, anaguna waxaynu haysanay dhulalka.” “Waxaynu indhaha u daboolanay inaynu tukano, markaynuna furanay, waxaynu haysanay Baybalka, iyaguna dhulalka.”

... Kadibna, waxay u fududeeyayn in Kenyaatigu ku sameeyo Soomaalida waxay iyaga ku sameeyayn.

Ka: The Scramble In The Horn Of Africa: History Of Somalia (1827 – 1977).
La daabacay: 2001.
Qore: Maxamad Cusmaan Cumar.
Tarjamay: Samatar Maxamad Siciid


sábado, 18 de febrero de 2012

Jawiga naf-jirinta (ku: Nuuruddiin Faarax)

Aqal Soomaali

Magaalada dhaladkayga, maydku
Wuxuu wali ka soo aargo’sadaa
Qabriga.
Sideyaasha maydku waa

Maydadka nool
Ooba ka kala talaabada
Labo duni.
Gubadka ee fikrad baxsadtay

Mayaa dib u soo celiya soojirayn waqtigu waxyeelay
Kuna gabaabsiiyay danbas?

U daaya halaseha inuu sheego sooyaalkaya!

***

Atmospheric Spirits (for Nuruddin Farah)

In my hometown, the dead
Still exact revenge
From the grave.
The receptacles of the dead

Are the living dead
Who already straddle
Two worlds.
Do the parched remains of a scuttled idea

Refurbish a tale mangled by time 
And reduced to ashes?

Let cinders tell our story.


Maansoole: Barfasoor, Cali Jimcaale Axmad
Dal: Maraykan / Soomaaliya
Ka: “When Donkeys Give Birth To Calves: Totems, Wars, Horizons, Diasporas.”
Tarjamay: Samantar Maxamad Siciid

miércoles, 1 de febrero de 2012

Nadiifo iyo Libaan


Dagaalkii iyo gaajodii baa baaba’iyay tuulodii iyo quranka maydadkii oo tortori hayo baa ku soo fatahay aagga dhan oo naqodtay dhib neefsashodu, kaliya waxaa adkeeysi ku sii joogay xoogaa naago iyo caruur cuno la’aan, biyo la’aan, rajo nolaleed la’aanba.
Ku fadhiday bacaadka, kula tiirsadtay dhabarkeedii darbi cariish ah ku-dhawaanba dumay; indhohii soo taagan, camankeedii gudo dheer, jirkeedii dhan baa ah maqaar iyo lafo. Dusha gacamoheedii cunug, u macaluulan sida hooyadiisii, baa ku dhagan nolashii oo isku dayi hayo in naasoheedii qalalan ka soo dareerto dheefta nooleeysa, waxaa uu kula nuugaa tabardaro laakiin hungo waaye, jeerba ka jeer sii daciifmi hayo, nolashii baa ka baxda inta hooyadiisu sii dhiinjiso naasoheedii si iskuday kamadanbeeys ah ay ugu dheereeyso nolashii laakiin ma leho waxtar, cunuggii waxaa uu ku dhintaa gacamohii hooyadiisii, indhoheedii ma ka soo baxo xataa ilin, ma qabto, ayada dhan baa ah qalal. Ayada oo quusadtay, waxaa ay kula sii fadhiday cunuggeedii dhintay laabkeedii oo ay og tahay, sida cunuggeedii, in mawdku yahay qaddarteedii qura ee dhaw.
Waxaa lagu magacaabi jiray Nadiifo iyo Libaan, qofna ma aqoonin, qofna ma u ooyo, qofna ma xusuusan doono.

****
La guerra y el hambre han diezmado la aldea y el hedor de los cadáveres en descomposición inunda toda la zona resultando insoportable la respiración, sólo siguen resistiendo algunas mujeres y niños sin comida, sin agua, sin ninguna esperanza de vida.
Sentada sobre la arena, apoyada su espalda en una pared de adobe casi derruida; los ojos desorbitados, sus mejillas profundos huecos, todo su cuerpo es piel y huesos. En sus brazos un pequeño, tan famélico como su madre, se aferra a la vida intentando que de los pechos resecos de ésta fluya el alimento que le mantenga vivo, succiona casi sin fuerzas pero en vano, cada vez más débil, la vida se le escapa mientras su madre aprieta con fuerza su seno en un último intento de alargarle la vida pero es inútil, el pequeño muere en brazos de su madre, de sus ojos no sale ni una lágrima, no tiene, todo en ella es sequedad. Resignada, permanece sentada con su hijito muerto en el regazo sabiendo que, al igual que su pequeño, la muerte es su único e inminente destino.
Se llamaban Nadifa y Labaan, nadie les conocía, nadie les llora, nadie les recordará.

Qoraaga: Gedeón
Sheekoda: Gaaban
Dalka: Isbaanya
Ka: “Concurso de microrrelatos” ee kobshabakeedka wargeeyska El Comercio.es
Taariikhda Daabaca: 18kii Maarso 2011

sábado, 21 de enero de 2012

Codadkan shishahooda - Koofil

Koofil oo 9shii Agoosto 1913kii lagu dilay Dulmadoobe

Waxaa la wariyay in baarlamaanka Ingiriiska waydiiyay dawladda Ingiriiska, siduu Koofil (Richard Corfield) u dhintay, ama loo dilay. Waxay dawladdii ku jawaabtay, “wuxuu ahaa nin geesi madax adag oo amar-maqaadte ah; meesha lagu dilayna Barasaabkii G. F. Archer uma dirin, amarkiisana kuma tagin”. Hadalkaa waxaa ka xumaaday dadkay Koofil isxigayn iyo saaxibodiisa. Dabadeedna, nin gabayaa ah, magaciisana la oran jiray Sidney Low ayaa gabay tacsi iyo calaacal ah u mariyay. Waa kan gabaygii oo ku tarjaman Soomaali:
Waxaynu isku daynaa inaynu daaha ka mudbaxino, oo moodnaa,
inaanay gabigeeda ahayn waxaan jirin, riyodii;
inay dadkii naga qarsoomay maqlaan,
daryaankii dadka dunida ku nool. 

Qalbiyada murugsanaw! Indhaha aad wax u fiirinayaw!
mayaydinaan aqoonin...
in geeridu tahay abwaan waxgarad ah,
in geeridu tahay naxariis dhaxdhigta daaheeda,
anaga iyo qaraabadaya dhimadtay,
si ay uga reebto qaniinyada kulul:
inay maqlaan dunida xanteeda xun oo sharqanta,
jeesjeeska carsaanyawga ah iyo beenta sumeeysan,
sharafta la uskakeeyay ee qiimaha u lehaa. 

Saw xaq naguma ahan amaantiisa: dhalin iyo geesi ahaantiisa,
isagoo yaala halkaa, qabrigiisa lamadagaanka ka qodan.
Saw ma niraahno, wax kasta kadib,
wuxuu u dhintay sidii laga rabay in nin Ingiriis u dhinto. 

Maya! Waa inaynu canaanano oo eedeeyno,
baaqno cacartiisa iyo dhiiran badidiisa.
Waa inaynu hadeeyno magaciisa,
diidno u baahiqabkiisa yar ee caannimo. 

Ee naso, nafta geesiga ahay! Hana ogaanin,
Waynu yasnaa deeqsinimada naftaada.
Jilicsanaw, geeriyay! Kana hay hurdadiisa
codkaya caybawsan!


Beyond these voices
We strive to pierce the veil, and deem,
Not wholly vain it is, the dream,
That they who pass beyond our ken
Hear echoes from the world of men. 
Ah, wistful hearts! Ah, straining eyes!
Do we not know that death is wise
That death is merciful to spread
His veil between us and our dead
Lest they should test the keener sting:
To hear Earth’s evil rumours ring,
The cankered taunt, the venomed lie,
The honoured stained they held so high. 

May we not praise him: young and brave,
Who lies there in his desert grave,
May we not say that, after all,
He fell as Englishmen should fall. 

No! We must deprecate and scold,
Hint he was rash, was over-bold,
Throw lurking shows round his name,
Deny him his poor need of fame. 

Then rest, O valiant soul! Nor know,
We rate your gift of life so low;
And death be tender still, and keep
Our shameful voices from your sleep.


 W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921).
W. Qoray: Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...