Mostrando entradas con la etiqueta Aayado Qur'aan. Mostrar todas las entradas
Mostrando entradas con la etiqueta Aayado Qur'aan. Mostrar todas las entradas

martes, 15 de octubre de 2013

Ciidda Adhxaa 1434 H




Isaga oona Ibraahiim taajiyaa salalka (xeerka ah) ee aqalka iyoba Ismaaciil [iyaga iyo aqalka oo ah Carabka (Lafta) ee Afka (Nafta) bay dhahaan]:
«Rabbigahayna! Naga yeel (inuu yahay aqal ku beegan kaaga), Adaa ahee Maqle iyo Oge.» 127.

«Rabbigahayna! Naga yeel kuwo kuu hogaaman (Muslim ah), durrayyaddahaynana kuwo kuu hogaaman, na tusna mansikyadahayna (habka cibaadada, habka fulinta xajjka iwm), nagana tawbadyeel, Adaa ahee Tawbad Yeele iyo Raxmadgaar Yeele.» 128.

«Rabbigahayna! Ka soo dhax saar Rasuul iyaga ka mid ah, oo u tiriya Aayaadkaaga oo bara Kitaabka iyo Garta, kuna dhaqa fariintaada, Adaa ahee Wayne iyo Garte.» 129.

Yaa ka jeesta Milladda Ibraahiim (Tolka Ruuxeed ee Ibraahiim) maahee qof nacasawbiyay naftiisa. Waxaynuna inagu ka soo dhax xulanay Dunidan, wuxuuna isagu ka mid yahay tan Aakhiro kuwa suuban. 130.

Waatuu Rabbigiisa (Ibraahiim) ku dhahay: «Islaamaw.» Wuxuu dhahay: «Waan u islaamay Rabbiga Caalamada (Kan leh Aqoon-aalada / Aqoontooyooyinka).» 131.

Suuradda Lo’da / Sacda. Qur’aanka (Afka) Carabka ah.

martes, 9 de julio de 2013

Sawmka 1434H

 



3:193


Rabbigahayn, inagaa waxaynu maqalnay yeere ku yeera iimaanka «inaydu aamintaan Rabbigiina», oo waynu aaminnay. Rabbigahayn, ee noo dhaaf danbiyadayna, noona astur xumahayna, nooguna dhamaystir nolasha kuwa baarriga. (Suuratul Aali Cimraan:193)


3:194
 

Rabbigahayn, nana soo gaarsii waxaad nooga balamisay rasuuladaada, hanana dullaynin Maalinta Qiyaame; Adigaa dhaafin balankee. (Suuratul Aali Cimraan:194)

 

sábado, 21 de julio de 2012

Ramadaan 1433H


Bisha ramadaan waa bisha gudahayda Qur’aanku loogu soo dajiyay dadka si hanuun ah iyo si cad-cad ee sameeyska Kitaabka Hanuunka iyo Kala-dhigga ah. Kiina arka bisha, ha soomo. Kiinana buka ama safar ku jira, ha u ahaadto maalmo caddadkoodu u dhigma. Wuxuu ilaahay idiin rabaa fudayd, ee ma idiin rabo cariiri. Oo dhameeystira caddadka, oo kula wayneeya (gudaha nolasha hoose) ilaahay wixii uu idinku hanuuniyay, oo mindhaa waydu mahdisaan.


Suuradda Sacda / Lo’da. Aayadda 185.

lunes, 1 de agosto de 2011

Soonka 1432H



Ramadaan Kariim

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُون

Kuwa xaqa rumeeystayaw waxaa laydiinku qoray soonka sidii loogu qoray kuwii idinka horeeyay si aydu kula dhawrsadtaan Alle. (2:183)

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...