Mostrando entradas con la etiqueta Maqaalo Soomaaliyeed. Mostrar todas las entradas
Mostrando entradas con la etiqueta Maqaalo Soomaaliyeed. Mostrar todas las entradas

lunes, 23 de abril de 2012

Aragti guud la'a jab waaye!

Qalcadahii Taleex oo duqeeyn lagu hayo!

Abaarahii 1917kii horaantiisii Sayidku waraaq buu u diray madaxdii dadka arlada Nugaal waqooyi ka xigta, gaar ahaan dhulka Ceerigaabo iyo inta raacsan dagan. Ma jacelayn raallina kama ahayn in xumaani dhaxmarto dadka halkaa dagan, dagmooyinka halkaa dajisanna wax dhibaadto ah loo geeysto, maxaa wacay wuxuu doonayay inuu dadkaa Daraawiish ka dhigo, kalsooni waynna waa ku qabay. Waxaynu oran karnaa taa guul buu ka gaaray. Waraaqdii oo asalkeedu af Carabi ahaa, oo Ingiriiska laga soo tarjamay waa tan:

Mahad Ilaah baa iska leh, naxariis iyo nabadgalyona Nabiga korkiisa ha ahaadto. Fariintan waxaa soo diray miskiinkii Ilaahay, Maxamad Cabdulle Xasan, oo u diraya qabiilka reer Xaamid Cismaan (Isxaaq) dhamaantooda, siiba Haaruun Axmad, Yuusuf Diiriye, Maxamad Axmad, Maxamad Maxamuud, Maxamuud Faarax, Ismaaciil Guuleed, Cabdi Jaamac, Saalax Cali iyo walaalkiisa Faarax, Caraale Warsame, Food Axmad iyo idil raggoodii waxagaradka ah.
Ujeedada waraaqdani waa labo arimood: Midda hore waa salaan, Ilaahay naxariistiisa, barakadiisa iyo nabadgalyadiisa korkiina ha ahaadto. Tan kale waxaan ogahay in dhan walba la idinka dulmiyay; waxaan taa ula jeedaa dhanka Warsangali, Dhulbahante, Gaalada, doxoreyaasha iyo Daraawiishtaba. Ilaahay haydinla jiro, samir wacan haydin siiyo, jannadana hoygiina ha ka dhigo.
Waxaan kaloo idin ogeeynsiinayaa inayan danbi idinku ahayn la dagaalanka gaalada iyo doxoreyaasha, ee uu yahay waajib qof kastoo muslin ah dusha ka saaran. Muslin baad tahiin, iyana waa gaalo; markaa, ma fiicno inaad ka waabadtaan. Tan ku saabsan Daraawiishta, idinku dhib ma geeysan, ha yeeshee, Daraawiishtoo dhan ayaa eeddaas iska leh, siday u dhacayn, una dilayn walaalahooda; qof kastaana xumaantuu falay, ifka ama aakhiro ayuu abaalkeeda heli doonaa. Ilaahay wuxuu yiri, «Haddii qof muslin ah qof ulakac u dilo, ciqaabtiisu waa cadaabtoo lagu waariyo, iyadooy sugayaan nacaladda iyo carada wayn ee Ilaahay».
Ha yeeshee waxaan idin ogeeysiinayaa, kuwaan jacelaayaw, inaan ka calool xumahay cid kastoo idin qulquladeeysa, taasina waa iga runoo wallaahi ah!. Ilaaha wayni ma jacelo kuwa idin qulquladeeya, aniguna waxaan waligay wacdigayga ku sheegaa in Ilaah baaba’in doono kuwa walaalahooda, reer Xaamid, dulmiya. Eebe wayne waxaan ka baryayaa inuu baaba’iyo kuwa idin dhacay, taasina waa wax la ogyahay.
Waxaan kaloo idin ogeeysiinayaa inaan ahay Xaajji iyo nin wali dagaalamaya oon ku doonayn darajo iyo waynaan adduunyadaan ah. Maahi Dhulbahante, oo Warsangali maahi, Majeertaynna maahi, Ogaadaynna maahi. Maan ahi beenaale, waxaan ahay Darwiish ka sugaya Ilaahay naxariis, aqbal, danbidhaaf iyo hanuun. Waxaan rabaa, idankii Ilaahay, in adduunkoo dhan ay muslimiintu ku guuleeystaan, hase ahaadtee, waxaan ahay nin miskiin ah, mana haysto, in yar mooyee, rag daacad ah. Labo, sadex qof mooyee, inta hartay ee i wahalisaa waa dad dulmifaleyaal ah!. Ilaahay haynaga jiro dulmiga, xaasidnimada, colaadda, khiyaanada iyo dadka ku dhaqma.
Walaalayaal, aminku waa aminkii samirka, waa aminkii dulmiga, waa aminay musuqmaasuqa iyo sinadu faafayn, waa aminay gaaladii muslinkii jabiyayn, waa amin walaalkaa ku sirayo, waa amin saaxiibkaa ku gawracayo, waa amin jaalkaa ku dhacayo, waa aminay culimadii u adeegayso kufriga. Waa aakhirul samaan. Rabbi hayna hago! Rabbi hayna hago! Rabbi hayna hago! Ilaahay, aakhirka, hayna baraariyo! Ilaahay aakhirka haynagu baraariyo jidkii Nabigii iyo intii raacday!.
Haa, walaalayaal, samir yeesha, shaydaanka iyo saaxiibodiisana yaanay idin duufsan! Ha ka qoomameeynina wixii idinka lumay, maxaa yeelay Ilaahay baa kulli idiinku soo magdhabaya ifka iyo aakhiroba. Waxaan kaloo idinka baryayaa inay laabahaynu wada jiraan ooynu isgarabsano, tan u horeeysana waa inaynu is-arag yeelanaa.
Runtii waan ka qoomameeyay la-saaxiibkii doxoreyaasha iyo Dhulbahante, haddeerna waxaan hubaa haddaan kaligay la dagaalamo gaalada, saacad qur ah waan ku jabin lehaa; haddii idinka iyo aniga aan la wada dagaalano waan wada jabin lehayn, haddaan la dagaalamo kuwa kale, siiba Dhulbahante, waan ka adkaan lehaa. Dhibaadtadu waa kuwaas, maxaa yeelay garashadoodu ma cado, qalbigooduna uma jeedo xagga Ilaahooda, marka laga reebo rag yar.
Ilaahay baa Qur’aankiisa ku yiri, «Adoomahayga in yar baa ii mahad naqa». Tan waa fariintaydii, waxaan idiin sheegayaa qofkii idin dhacayba inuu ku silcay kuhaanka habaarkayga, ooy qaarkoodaba dhintayn, qaar kale gaaloobay, qaar kalena taag iyo tabarba gabayn.
Walaalkiina
Maxamad Cabdulle Xasan


W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

lunes, 16 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (3)!


Waraaqdan Daraawiish baa u soo dirta dawladda Ingiriiska, ulajeedadeeduna waa muranka na dhaxyaala anaga iyo dawladda Ingiriiska. Marka hore, waxaan idin ogeeysiinayaa inay murankaas sabab u yahiin Swayne, Cordeaux iyo Muuse Igaare. Sadexdaas nin baa dalka oo dhan baleeyay. Muddo ka yare horeeysay, dalku waa xasiloonaa, dadkuna raalli buu ahaa, dalkana xoolo baa ka buuxay. Muddo kadib ayuu Swayne dalka ka tagay, awooddii dawladda mustacmaraduna waxay u wareegtay gacmaha khayaamiinta kale kor lagu sheegay. Dalka sidii hore ayaa loo baleeyay. Waa nala dhacay, raggayagiina waa la laayay, waana la xirxiray, doonyahayagana waa la maroorsaday, waana la cashuuray, dalkayagana xoog baa nalakaga qaaday.
Cordaux waraaq baanu u dirnay, aanu ku leenahay: «Waa inaad xoolahaygii noo soo celisaa, haweenkayagii iyo doonyahayagii noo soo furtaa, dalkayagana ka baxdaa». Nalama maqlin, codsashadayadiina nalakama yeelin. Taas ayaa kacisay bulaankan oo dhan. Tan kale waxaanu ku ogeeysiinaynaa inaanu geelii Isaaq haysano. Geelaasna Daraawiish baan u qaybinayaa, haddaan dawladda mustacmaradu nala heshiin, xoolahayagiina la soo celin, codsashadayadiina naloo yeelin, doonyahayagiina naloo daayn, dalkayagaan laga baxin, cadaadintana nalaga daayn. Haddii codsashadayada la yeelo, raalli baanu ahaan doonnaa, farax iyo nabadna waanu ku noolaan doonnaa. Haddii kalena, waa amar Ilaah, waanna qaybsan oo qalan doonnaa. Gees kastana raggayaga ayaan u diri doonnaa si ay u ilaaliyaan danahayaga, nabadgalyadana u hubiyaan.

W. saxiixay: Sayid Maxamad Cabdulle (haashimi) iyo Daraawiishta kale.


F. G.: Haddaad nabad nala yeelayso, waxaanu ku waydiisanaynaa inaad noo soo magdhawdid 95 nin ee lagu dilay Galaadi, 15 nin ee lagu dilay Nugaal, iyona 15 buntuq, 89 halaad ee Jaamac Siyaad (Dhulbahante) naga dhacay, labadii doonyood iyo shaqaalahoodii waday iyo wixii saarnaa; ugu danbeeyskiina inaad ka guurto dalkayaga.
Uragadda wayn ee na haysadta iyo sababta keentay muranka waa dawladda oo na ilawday, iyo lacagtii ahayd sababtii lagu dilay Diiriye Caraale iyo arimaha kale ee aan kor ku soo qoray.


Ku: Shiikh Maxamad Cabdulle Xasan.

Waxaan ku ogeeysiinayaa inaan waraaqdaadii helay, aad kaga hadlayso fidmada ka dhaxdhacday qabaa’ilka dawladda Ingiriisku u taliso iyo dadkaaga. Marka hore, waxaan doonayaa inaan mar labaad ku ogeeysiiyo inaan dawladda Ingiriisku doonayn inay la muranto dariskeeda, ama faragaliso arimahooda. Hase ahaadtee, dhinac kale, dawladda Ingiriisku waxay filaysaa in dariskeedu sidaas oo kale yeelo, dawladda Ingiriisku ma ogalaanayso in arimaheeda la faragaliyo. Tan labaad, waxaan ku ogeeysiinayaa hadday wax fidmadi dhacdo inay sabab u tahay faragalintaad arimaha qabaa’ilka, ay dawladda Ingiriisku u taliso, soo faragalisay.
Awal, Warsangaligu raalli iyo addeec buu ahaa, dabadeedna, arimahooda ayaad faragalisay, markaasay caasiyoobayn, rag iyo banaadiiqna waad ku caawisay. Adiga waa lagaaga digay inay yahiin raaciyad Ingiriis iyo inaadan soo faragalin. Hase ahaadtee, dhago umaad baxin, haadtanna dhibaadtada iyo ciqaabta Warsangali la marinayo waxay ku muteeystayn faragalintaadii. Sidaad isugu dayday inaad ku qanciso tolalka Isxaaq inay Warsangaliga ku daydaan, dawladda Ingiriiskana ku caasiyoobaan, kugumay dhageeysan, waxayna i tusayn waraaqahaad mar walba u soo diri jirtay. Waraaqahaas dawladdaad si walba ugu cayn jirtay, isla markaasna erayo nabadeed baad ii soo diri jirtay. Waxaad kaloo burcadda ku qancisay inay tolalka Ingiriisku u taliyo geela ka soo dhacaan oo kuu keenaan. Waqtigaas oo dhanna hadaladaadu waxay ahaayayn nabaddoon.
Tan sadexaad, arinta ku saabsan codsashadaadii, ogaw inayan dawladda Ingiriisku waxba ugu jirin 95kii nin ee Galaadi lagu dilay. Raggaasi Biyamaal bay ahaayayn, Ogaadayn oon ahayn raaciyad Ingiriis baana laayay. Hase ahaadtee, hadday kula tahay inay Ogaadayn raaciyad Ingiriis yahiin, maxaad mar kasta u weerartaa? Taasi ma waafaqsano nabadda. Arinta ku saabsan 15kii nin ee lagu dilay Nugaal iyo 15kii bunduq, waa inaad ogtahay inay nimankaasi Warsangali ahaayayn, waxayna helayn caasinimadooda abaalkeedii. Hadday dadkaagii ahaayayn sidaad u tiri, maxaad ugu soo dirtay inay weeraraan tolalka Ingiriisku u taliyo ee Nugaal dagan? Taasi ma waafaqsano nabadda. Arinta ku saabsan doonyaha ama baxridoodii ama shixnaddoodii, dawladda Ingiriisku ma soo celin karto wax ayan qaadan.
Ugu danbeeyskii, waxaan doonayaa inaan kuu sheego sidan: waraaqo badan baad ii soo dirtay ood ku leedahay nabad baan doonayaa, anna waan u diyaar ahaa inaan rumeeysto hadaladaada. Hase ahaadtee mar kasta rag iyo warqado sira baad u diraysay tolalka, adoo ku qancinayay inay dawladda Ingiriiska ka tagaan, adoo caynayay Dawladda Ingiriiska iyo kuwii u addeecsanaa. Haadtan warqad baad ii soo qoraysaa ood ku leedahay nabad baan rabaa, haddase dhib bay igu tahay inaan hadaladaada rumeeysto kadib waxa dhacay. Haddaba, hadday dhab kaa tahay nabaddoonista, geelaad sabab la’aan Isxaaqa kaga dhacday ii soo celi; raggaaga iyo banaadiiqdaadana Warsangali kala naqo, hana faragalin arimahooda iyo kuwa tolalka kale ee Ingiriisku xukumo. Haddaad taas dhaqso u sameeyso waxay i ogeeysiinaysaa inaad run ahaan nabad u doonayso; haddii kale, waxaan ogaanayaa inayan hadaladaadu run ahayn ood uga jeeddo inaad igu khiyaanto.

Sidaas iyo salaan.

H. E. S. Cordeaux

sábado, 14 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (2)!


Warqaddani waxay leedahay labo ujeedo: horaantii, waxaan kuu soo diray waraaqo badan hadda kahor oo ku saabsan nabadda, xoolohii iyo haweenkii nalaga dhacay iyo joojinta fidmada labada dhinacba; ha yeeshee, adigu jawaab iima soo dirin, xaqqaygiina ma soo celin, wanaagna ma sameeyn. Ha yeeshee, anigu waa sameeyay wanaag, fidmaddii burcadda ahaana waan joojiyay, sacodtadiina nabadgalyaan siiyay, taana adiguba waa ogtahay.
Iminkana, waxaan ku ogeeysiinayaa in Ina Igaare iyo dadkiisuba ay rag xun yahiin, nabadda dhaxdaya taalana jabiyaan. Taana si wayn baan u ogsoonahay. Ka soo qaad, markuu u soo diray colka Buuhoodle; markuuna ku amray inay fardaha geeyaan ilaa Badwayn iyo dooxada Cayn; iyo markuu jaajuusta u soo diray Jidbaale, kan u madax ahaana uu yahay Yuusuf Habare, oo isaga lagu amray inuu si qarsoon jaajuus ugu tago, kaligiisana ma ahaynee waxaa la soo diray jaajuusyo badan. Waxaas oo dhan waan ogahay.
Iminkana, waxaan ku ogeeysiinayaa, maanan rabin inaan waraaqo danbe kuu soo diro, maxaa yeelay waraaqahaygii horaan laga soo jawaabin, hase ahaadtee, waraaqdanaan kuu soo diray ujeedadeedu waa inay fidmadu dhaxdayada ka joogsadto. Xaggayga, anigu ma jaceli fidmada iyo dagaalka midnaba; haddaadse nabad u doonayso sidaan u doono, ka qaad colkaaga Buuhoodle, fardahaagana ka celi Badwayn iyo dooxada Cayn, ugana yeero jaajuustaada Jidbaale iyo meelaha kaleba. Sidaan u joojiyay rabshaddii burcadda si la mida yeel. Haddaadanse nabad rabin oo fidmo iyo dagaal kaliya doonaysid, marka uma baahnid inaad colkaaga Buuhoodle ka celisid, jaajuusta iyo fardahaagana la naqodtid.
Midda kale, ogaw inaan daacad u ahay dadka oo dhan. Hase yeeshee ina Igaare iyo dadkiisaa fidmo ka abuuraya wadankan. Kamana fikirayaan aayeha ka dhalan doona gadaashiisa. Waxaa jirtay nabad intaanan fidmadii hore la soo kacin. Intaa gudaheeda waligaa duulaan iima soo dirin, anina kuuma soo dirin, ismana aynu dhacin. Inankaygana Cismaan waxaad siisay baqal.
Janeraal Cordeaux, qaado taladayda, hana maqlin hadalada ina Igaare. Haddaynu bilawno dagaal, waxba isaga kaaga tari maayo dirar, waayo fule waaye. Markii duulaanka loogu yeeray wuxuu indhaha iskaga shubay dawooyin, sidaasna waxaa ugu wacan cabsiduu naga qabay, wuxuuna ku sigtay inuu indhabeelo. Kamadanbeeyskii, baqdinuu la aaday Makka iyo Madiina. Sidaad ogtahay, nin geesi ahi dirar kama warwareegi lehayn. Iminkana, waxaan kuu sheegayaa inuu yahay oday boos iyo gabawa, wuxuuna kuu yahay dhibaadto. Haddaynu mar kale dagaal bilawno, waxaa la dili doonaa rag badan oo ka mida raggaaga darajooyinka waawayn leh, dad iyo duunyona waa kaa rogmayaan. Anigase mood iyo nool midna iga lumi maayo, maxaa yeelay duunyadaydii gacantaaday ku jirtaa, xoolahaan haystaana aad ayay u yar yahiin. Waxaan kuu raacshaa taas, haddaynu haadtan dagaalano, aqaladayda oo dhan waan gubayaa, xoolahaygana sahay baan ka dhiganayaa, waxaadna arki doontaa kaliya fardooley koore saaran oo dagaal u heegana; xoolahaan haystaana, sida geela, lo’da iyo idaha, waxaan ku dhaartaa inaan saacad qura ku qasho, dabadeedna waxaan cuno ka dhigan doonaa xoolaha dadka kale.
Maan lehi dhul, beer iyo bustaanba; Ilaahayna waxaan ka baryaa inuu dhulka rogo, erayadanna wayga run. Haddaad adna sidaas rabto, maqal erayada ina Igaare. Haddaadse dhaxdayada nabad ka rabto, ha maqalin hadalka namiimiyeha.
Midda kale, col Isaaqaa dhawaan dilay 17 nin oo Warsangaliya, halo geel ahna ka dhacay. Mar danbe, Isaaqu wuxuu ka dhacay xoolo Warsangaliga, qayb ka mid ahna xoolahaasaa ahaa kuwayga, haddaan magacaabo waa 170 sac. Haddana, Isaaqu wuxuu dilay 12 nin oo Warsangaliya. Waa kaa warkii Warsangaliga, oo hadda Darwiish dhaba.
Aniga iyo Warsangaliga, waanu isugu dhaaranay inay Daraawiish dhaba yahiin; anaguna waa garabtaagan nahay. Haddaadna doonaysid wadanka nabaddiisa, ii daay inaan heshiisiiyo Isaaqa iyo Warsangaliga; haddaadse nabad doonayn, hadalka ina Igaarena maqashid, ha inoo ahaadto sidaas.
Waxaanna ku ogeeysiinayaa in Daraawiishtu tahay sidii caano cad (qalbi daahiran), waxaanna ku ogeeysiinayaa in ina Igaare beenaale yahay, damiirkiisuna xun yahay, nabaddunaan jacelayn. Wuxuu doonayaa inuu wadanka baaba’iyo. Aniguse nabad baan rabaa inkastaad maqlayso hadalka ninkaas.
Iminkana, waxaan kuu sheegayaa, adigunaad ogtahay, haddaynu mar kale dagaalano, waxaa kaa lumi doona rag kuwii hore ka badan. Waa inaad ogsoon tahay tan. Rag baanu nahay ee naago maanu nahin. Ilaahayaa na ilaasha, guushana na siin doona.

Waxay ka timid kii miskiinka ahaa ee yaraa ee madluunka ahaa, laakiin ku xirnaa naxariista, guusha iyo gargaarka Ilaahay.
Sayid Maxamad Cabdulle Xasan



Waraaqda jawaabta ah oo Ingiriisku soo diray, waa tan:


Ku: Shiikh Maxamad Cabdulle Xasan:

Salaan kadib. Waxaan ku ogeeysiinayaa inaan helay waraaqdaadii uu siday Xirsi Libaan. «Tan u horeeysa, waxaan jacelahay inaan ku ogeeysiiyo in dawladda Ingiriiska wali doonayso adkeeynta nabadda dhaxtaal qabaa’ilkay u taliso iyo Darwiishta». «Tan labaad oo ku saabsan ciidamada dawladdu u dirtay Buuhoodle iyo Cayn, waa inaad ogtahay in sababtu tahay rabshad ay geeystayn niman burcada iyo kuwo Warsangaliya, ee ma aho inaan maskaxdayadu ka saarnay nabadgalyadii». «Tan sadexaad, waxaan ku xusuusinayaa, adigunaad ogtahay, in Warsangaligu yahay raaciyad Ingiriisa; xumaantay geeystaana waxaa ka abaalmarinaya dawladda Ingiriiska oo kaliya. Dhawaan, waxay weerarayn tolalkaanu u talino ee u dhaw Badwayn iyo Cayn. Sidaas daraadeeda, ciidamadaanu dhulkaas u dirnay kama soo celin karno, waase inaan ku soo korarinaa si ay dadka uga ilaaliyaan weeraradan, oo nabadda u adkeeyaan».
Waxaa i soo gaartay in dhanbaalsidehaagii ay xumeeyayn Jaamac Siyaad (Dhulbahante), taana dawladdaa ku ciqaabi doonta. Laakiin, waxaan jacelahay inaan ku xusuusiyo ragga ku kacay waxaa inay yahiin kuwaad dabka iyo geela siisay markay kuu yimaadayn. Sidaa daraadeeda, adiga afay kugula hadlaan, dawladdana af kale oo ka duwan.

Sidaa iyo salaam
H. E. S. Coedeaux


W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

lunes, 9 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (1)!

Laas Qoray, Sanaag, Soomaaliya


Bishii Nof. 1908, warqad laga diray Barbaro oo loo diray wakiilka Dawladda Boqartooyada Talyaaninga Cadan u fadhiyay, waxaa si cadaan ah loogu sheegay in siyaasaddii Darwiishta ka xoog roonaadtay siyaasaddii Ingiriiska; dagmooyin badan, oo markii hore Ingiriiska xiriir la lehaa, ayaa ka go’ay. Iyadoo Dawladda Boqartooyadu ku dadaalaysay inay wadaadka heshiis ku soo dabaalaan, baa taasi waxay ku naqodtay dhabarjab iyo xagaldaac. Warqaddii waa tan: 

Ku: Wakiilka Boqarka Talyaaniga, Cadan.

Mudane,

Waxaa sharaf ii ah inaan kuu soo gudbiyo nuqul ee warqaddii aan u diray wadaadka Sayid Maxamad Cabdulle. Iyadoo ugu wacan waanwaanta hadda dhaxtaala Daraawiishta iyo Warsangali, baa wuxuu Cabdalle Shaxiri ii sheegay inay dhacdo in wadaadku u qaadto talaabooyinkii ciqaabta, ee lagama maarmaanka ahaa, ee dhawaan Warsangaliga loo geeystay in isaga loola dan lehaa. Taas aawadeeda, waxaan dan mooday inaan ka faa’ideeysto dib u laabashada soo foodsaaran ee ergadii wadaadka si aan durbadiiba warqadda hore aan u soo xusay ugu diro, daahid la’aan. Ha yeeshee, daraadda ee sida dagdagga ah ee Cabdalle Shaxiri loogaga yeeray Cadan, ergadii lama dirin, daraaddaasna warqaddaydii waxay kula maqan tahay Cabdalle Shaxiri Cadan. Anigoo arimahaas eegaya, waan ku mahadqabi lehaa haddii aad wadaadka ugu gudbiso warqadda fursadda ugu horeeysa ee aad hesho.
Sida laga ogaaday Xogwaramadii Basaaska ee soo baxay bilihii na soo dhaafay, wuxuu wadaadku u halgamayay inuu Warsangaliga dhinaciisa u leexsado, taasna inteeda badan guul buu ka gaaray. Dad badan oo Warsangali ah ayaa xaruntiisa ku biiray, dhinaca kalena Daraawiish hubeeysan ayaa shalmadda dhigay furdada wayn ee Laas Qoray Warsangaligu ku leeyahay, halkaas oo si dhab ay uga taliyaan, iyagoo uu madax u yahay Ibraahim Xasan oo lagu naanaysayo Ibraahim-Buqul kana mid ah naa’ibada wadaadka.
Shaki wayni kuma jiro cadaawadda ay iminka Warsangaligu muujinayaan in ninkaasi iyo Daraawiishta hubeeysan fadhida Laas Qoray ay ku abuurayn. Inkastoo aan la diidanayn inay Daraawiishtu si nabadgalyo leh uga ganacsadto Laas Qoray ama furdo kale oo ku taal Mustacmarada Ingiriiska, haddana shaki la’aan waad inaad igula raacdaa furdadaas oo la qabsado ama hab kale oo lagu farogaliyo qabaa’ilka dawladda Ingiriiska heshiiska ka saxiixadtay, inuu ka soo horjeedo qodabadii heshiiskii Ilig. Lama ogo ilaa iyo intuu Ibraahim Xasan iyo Darwiishtiisa hubeeysan ay ku waxqabtaan amarka ama ogaalka Wadaadka, si laysaga ilaaliyo qalalaase mustaqbalka, waxaan ku kalsoonahay inaad ka fikiri doontid sida loogu baahan yahay inaad arintaas iyada ah wadaadka ugaga ergeeyso fursadda ugu horeeysa.

Ka: Adeegahaagii daacadda ahaa
(saxiixa) H. E. S. Cordeaux
Xafiiska Waaliga, Barbaro.
 
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

sábado, 10 de marzo de 2012

Anaa diiday, kii yiri.


Qarnigii sagaal iyo tobanaad sannooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo ay mugdi tahay, oo gayiga Soomaaliyeed hurdo lagaga jiro, dadkuna ay garan la’ yahiin dulucda shishe ee ay cadaanku xeebaha uga soo dagayn, ayuu xidig iftiin badani, markii loogu baahi waynaa, dhulka gees iyo ka gees kaahiisa wada gaarsiiyay. Xidiggaas, oo ahaa Sayid Maxamad Cabdille Xasan, wuxuu sabab u naqoday dad kumanyaal qof gaaraya oo Soomaali ahi inay, markii ugu horeeyay, ul iyo diirkeeda naqodaan oo, intay tol-isu-sheegadkii sanka ka qabsadaan, ay dan guud iyo gumeeysi nacayb isku dhaarsadaan.

Sayid Maxamad wuxuu ahaa madaxdii dalkayna ka soo baxday kii ugu horeeyay, oo gartay inuu tol-isu-sheegadku yahay sababta uu gumeeysigu ugu soo dhiiraday goor barqo ah inuu Barbaro ka soo dago, kuna guuleeysto, isagoon qori lagu tuurin, inuu shiddo yari dalka, dadka iyo diintaba ku weeraro. Runtaas iyada ah ayaa u horseedday inuu abuuro bulsho uu tol-isu-sheegadku ka xaaraan yahay, oo “Daraawiish” lagu magacaabo, markii la rabana “Dariiqo” lagu naanayso. Dadku wuxuu u ahaa Sayidku: Daraawiish, gaalo iyo gaalo-raac. Labadaa qolo ee danbe uma kala soocnayn, wuuna ku hagaagsanaa; nin walboo kalena sidaas bay ula ekaan lehayd.  

Wuxuu ahaa xidiggii suuragaliyay in magaca “Soomaaliya” xarumaha Yurub lagaga haasaawo; oo Ingiriis, oo adduunka balaaran ugu xoog waynaa, xasil iyo hoyasho sanba geed dheer uga laalay ayuu ummaddiina dawladdoodii ka soo horjeediyay ilaa ay wargeeysyadii af buuxa ku yiraahdayn, «”Waa inuu Ingiriisku dalka Soomaaliya ka baxaa!” “Gacanta ha kala baxo dagaalka wadaadka ee geerida saraakiisha iyo baaba’a hantida mooyaanee aan guushu ka soo dhawayn!”».

Maragga uu cadawgaagu kuu furo ayaa looga kalsooni badan yahay midka ay inta kula jirtaa kuu furto, Sayid Maxamadna waxaa marag u furay raggii ay tiirida ahaayayn ee ay is warmeeynayayn. Geesinimadii, tab-aqoontii, abaabulkii dadka iyo daljacelidii uu ku tilmaanaa ayaa ka xoog badtay beentii ay ka faafiyayn cadawyadii uu dibadda iyo gudaha ku lehaa; markaas bay marar badan ku qasabtay inay runta carabbaabaan oo ay qoraaladooda ku sheegaan wixii uu dhabtii ahaa, iyagoo waliba maamuusaya!

Soomaali aan tiro yarayn ayaa beentaas la faafiyay ku sirmay, oo wali laga dhaadhacin la’ yahay inuu Sayid Maxamad ahaa nin aan magacdoon iyo dan gaar ah u halgamayn, ee uu ku hammiyi jiray oo kaliya danta guud iyo gobeeynta gayiga uu ku abtirsado. Ha yeeshee, inta sida dhabta ah u fikirtaa way garan karaan sida fudud ee – hadduu rabo – uu Ingiriiska iyo Talyaaniga uga heli lehaa xiriir aan cid kale horay loo huwin. Haddii uu “Hawraarsan” ku oran lehaa gumeeysigii uu la dagaalamayay, wuxuu Ingiriis iyo Talyaaniba ka heli lehaa tixgalin ka wayn tii ay heli jirayn Garaad Maxamuud Cali Shire, Boqar Cismaan, Keenadiid, Cali Keenadiid, Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise, Muuse Igaare iyo cuqaashii badnayd ee gumeeysiga horsacodtay.

Boqaradii iyo suldaanadii Soomaalidu ma ahayn dadkii kaliya oo Sayid Maxamad colaadiyay amaba Daraawiish naafeeyay. Waxaa kuwaas uga halis badnaa aftahanadii: wixii Cali-dhuux lehaa, Cali Jaamac Haabiil lehaa, Yuusuf Ibraahim (Yuusuf-dheere) lehaa, oo in badan ku dadaalayn inay dhismaha daraawiisheed kala furfuraan, dadwaynaha taageersanna ka yaaciyaan. Markaad u dhabegashid maansooyinkii ay raggaasi Sayid Maxamad u tirin jirayn, ku arki maysid wax dareen ah oo ay taliskii shisheeyaha ka qabayn. Waxaad moodaysaa colaad qabyaaladeed inay shidaysay, isla markaasna ay u qaadan la’aayayn wadaad gabayaa ah, oo iyaga oo kale ahi, inuu intaas oo xarumood ka taliyo, boqalaal kun oo qofina ay ka talo dhawrto! Taas waxay ku qarin jirayn inay goor walba ku celceliyaan: dadkii soomaaliyeed ee gulufyadii daraawiisheed sababsan jiray ama xoolahooda ku waayi jiray. Waxaase loo baahnaa inaan dooddoodu taa ku ekaanee, ay si uun isugu dayaan inay fikirka Siyidka soo gaaraan, indhahoodana u furaan halistii uu dalku ku jiray iyo danta fog ee halganka laga lehaa.

In badan ayuu Ingiriisku raadiyay tab uu kaga hortago diyaacaddii balaarnayd ee Sayid Maxamad iyo guubaabadii badnayd ee uu Soomaalida ku dhaxfidin jiray. Taas kuma uu guuleeysan, wuxuuse helay cid u fulisa. Aftahanadii soomaaliyeed, qaar ka mid ah ayaa, iyagoo aan garanayn, gumeeystayaashii kaalmo wayn u geeystay, maxaa yeelay, maansadoodu waxay ahayd hub Sayidka lagu heeri karay, oo aan Ingiriis gacanta ugu jirin, Cali Jaamac iyo Cali-dhuuxse sahal u ahaa! Sayid Maxamad, isagoo aan cabsan oo aan u dabcin aftahanadaasi caybeeyntii ay u soo diri jirayn, ayuu gaashaanka u qabtay, oo gadigooda lugaha isugu duway;  mid mid ula hadal, wadarna wadarna wax u wada yiri. Kal walbana, carabkiisa sayfta ahaa ayuu kaga adkaan jiray. Mar, uu aftahanadaas wadar ahaan ula hadlayay, oo uu u sheegayay dandarada ay qaabiyayn, dulliga u danbeeyana uu dareenkooda galinayay, wuxuu ku maansooday: 

«Ha’» ii tiri horaa rag ugu lumay, himiladoodiiyee,
hawadooda beentaa ayaa, hebelo eedaynee.

Waxay hoosta gaal uga jiraan, inuu u hiishaayee,
isna inuu halaagguu rabaa, hogab ka tuuraayee,
uu u horkacaa naartiyo, holacyadeediiyee.

Hunguraa u geeyayee anfaco, hooya muu oranee,
hantidooda inuu dhoofiyuu, haabka ku hayaayee.

Oo waliba uu ugu hanjabi, dhiifna ku hadlaayee,
ay hoos indhaha uga rogaan, sida haweenkiisee,
habaaraa ku biirisoo cuqubo, waalidooda horee,
inuu haystaa mooyee wax kale, saw umay harinee!

Waxaa hubaal ah taariikhdu inay Sayid Maxamad u xusuusan doonto aftahannimo iyo wadannimo; Cali Jaamac iyo raggii la midka ahaana ay ku xusuusan doonto aftahannimo kaliya iyo dhaqdhaqaaq wadani ah inay colaadin jirayn.

Qofkii raba, Sayid Maxamad wuxuu dhabtii ahaa inuu ogaado, ha aqriyo meerisyadan aan leexleexadka lehayn, ee uu ku leeyahay:

Dagaalkii Nasaarada anaa, daalib ku ahaayee,
dalka ma lehid anaa, ku iri doorwayneha,
daliilkii Rasuulka anaa, doonayoo helayee,
anaa diiday maalintuu lehaa, deeqan iga hooyee,
diinkay anaan ku gadan, dabaqii naareedee,
anaan labada daarood, tan hore darajadeeynaynee!

Sayid Maxamad in lagu murmumaa gar waaye, maxaa yeelay, wax wayn buu ku dhaqaaqay, had iyo goorna ninkii wax wayn ku dhaqaaqaa, gaf buu ku dhacaa. Ninka aan gafinna waa midka meel iska fariista, oo danta uu leeyahay iyo midda xaaskiisa uun ka walwala; Sayid Maxamadna, nin jaadkaas ah ma ahayn, waana ka han waynaa. Taas markii maskaxda la galiyo, oo la isu miisaamo wanaaggii uu Soomaali u qabtay iyo dhibaadtadii ay Daraawiish qaarkeeda u geeysadtay, ayaa loo garaabi karaa, lana oran karaa, «Allaale, wanaaggii uu muujiyay iyo dabkii uu oogay ayaa ina hilmaansiin kara gafafkii uu ku dhacay iyo goldalooladii uu taliskiisu lehaa». Fikirka wacani, sidaas buu wax isu barbar dhigaa, mana aho inaynu waqtigayna qaaliga ah ku lumino wax-dhacsiinta ruuxa canbaareeynta qayaxan u jeeda ama aan xukunkiisa kala hari karin.

W.Qoray: Axmad F. Cali «Idaajaa»
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

viernes, 13 de enero de 2012

Markab Guudkii

Goobaha dagaalada ee Sayidka iyo Gumeeystahii kala qabsaday dhulalkii Soomaalida.
Gu’yaashii Daraawiishtu gumeeysiga la dagaalamayayn, nin kasta oo gaalada nacebaaba ama wadani ahaa, meel kasta ha joogayee, wuxuu u kacayay xaruntii Daraawiishta si uu garab iyo gaashaan uga helo, ama iyaga ha la dagaal galo, ama dab iyo duunyo ha ka soo qaadto oo iskii ha u dagaal galee, sidii dagaalkii Talyaani iyo Biyomaal ku dhaxmaray gabalka Marka oo kale.

Abaaraha 1906dii ayaa xaruntii Daraawiishta, oo Ayl dagan, waxaa tagay nin la oran jiray Xaaji Cali Faahiye Geedi, magaalo ahaan haddaynu u tilmaanona ahaa reer Qandale. Xaruntana wuxuu keenay dhawr bunduq.

Sayidkii, hadduu ninka ragnimadiisii iyo waxtarkiisii u bogay, wuxuu ku yiri: “Nala joog oo xarunta ha ka tagin, afka waxaad ka tiraahdo iyo uurka waxaad ka rabtoba waad helaysaayee”. Hase yeeshee, Xaaji Cali wuxuu yiri: “Sayyidii, soo gudoonkayaga danbe!, waxay arimi ahaadtoba, waan tagayaa oo dab baan Darwiishta u doonayaa”. Xaaji Cali aabehii wuxuu ahaa maalqabayn mood iyo noolba hodan ka ah, madaxda magaalada Qandale u talisona ka mid ah, boqarka iyo raggiisana xiriir adag la leh. Inkasta oo arintii Xaaji Cali Faahiye ay Talyaaniga wareerisay.

Xaaji Cali markuu tagay Qandale wuxuu arkay calan Talyaani oo ka taagan daartii aabehiisa. Hadduu dadka wareeystayna waxaa loo sheegay in boqarkii iyo Talyaanigu ku heshiiyayn in calanka Talyaaniga laga taago magaalo kasta oo boqarka taliskiisa raacsan. Xaaji Cali, Darwiish buu ahaayoo, wuxuu ku dhaqaaqay inuu taa wax ka qabto, dabadeedna calankii buu la soo dagay oo gubay.

1907dii ayaa markab Talyaanigu leeyahay, oo basaas ahi, xeebaha Soomaalida soo galay. «Dhugi geel dhaantay, dhaxsacodtona dhul dhaantay», dad baa waxay ku yiraahdayn: “Nin Xaaji Cali la yiraahdo oo ina Cabdulle Xasan ka yimid ayaa calankii Talyaaniga ee saarnaa Qandale gubay”. Dabadeedna Talyaanigii wuxuu u ergooday boqarkii, isagoo ku doodaya in boqarkii axdigii jabiyay balankiina furay. Dabadeedna, boqarkii wuxuu gudoonshay in Xaaji Cali la soo qabto, Talyaanigana gacanta loo galiyo, si ay uga abaalmariyaan wuxuu falay. Xaaji Cali dareen baa galay dabadeedna wuxuu tagay Boosaaso.

Axmad-Taajir, oo boqarkii walaalkiisa ahaa, buu waydiistay inuu magangaliyo, «magannimo Allaa lehee!». «Rag tab iyo xeeladi kama dhamaadtee», waraaq buu u qoray Sayid Maxamad, oo wuxuu ku qariyay maro bafto ah oo sadex dhudood ah, wuxuuna u sii dhiibay nin safar wadta oo la oran jiray Cabdi Cali Guuleed oo Sayidka saaxiib la ahaa; xaashidaa wuxuu Sayidka ugu tifaftiray wixii dhacay iyo waxa la damacsan yahay. Aminkaasina wuxuu ku beegan yahay markii Pestalozza uu Ilig tagi doono. Markab Talyaaniya ayaa muddo kadib soo dhigtay marsada Boosaaso. Talo qarsoon, qoolad iyo xeelad baa jirtayee: Xaaji Cali waa la qabtay, Talyaanigii baana la gudoonsiiyay, markabkii baana lagu qaaday. Markabkaas oo Qunsulkii Ilig u raaci doono.

Xaaji Cali, oo lixdanaadkii dhintay, waxaa laga wariyay: «Markii gaalkii iyo raggiisii markabka ka dagayayn, ayaan turjumaankii waxaan ku iri: “War! Sayidka ii sheeg”, hase ahaadtee Darwiish buu fariintaydii u sheegay, dabadeedna Darwiish baa warkaygii Sayidka gaarsiiyay. Dabadeedna, Talyaanigii markuu Sayidkii u tagay, su’aalona lays dhaafsaday, ayaa Sayidkii wuxuu yiri, isagoo iska dhigayo nin xagga Eebe Wayne looga waramay: “Xaaji Cali Faahiye Geedi meeyay?”, Qunsulkii, inuu qariyo ka xishaw, oo wuxuu yiri: “Markabkuu ku jiraa”, Sayidkii wuxuu yiri: “Waa in la soo dajiyaa”».

Talyaanigii taa waa ka dooday, oo wuxuu yiri: “Ninkaasu calankii dawladda Talyaaninga buu gubay oo labo dawladood baa isu dhiibtay, adiguna shaqo kuma lehid”. Sayidkii wuxuu yiri: “Daraawiish mooyee dawlad kale ma jirto. Haddaan dagdag loo keenin, wada hadal ma yeelanayno, isagaadna u curaaran tahiin”.

Intaan labo tuke isdayin ayaa caraad iyo cargaagtankii daraawiishta caadada u ahaa camal guhaadoodayn. Hase ahaadtee dagdag baa Xaaji Cali Faahiye Geedi markabkii looga soo rogay. Markuu Sayidkii gacanta midig qabtay, wuxuu yiri:

Ninka gaalka la siiyay, Talyaani loo garbo duubay
Markab guudkii la saaray, gacal saw ma lehaynin?

Waxa gaalada siiyay, garacdii bah dir waaye
Garkiisa oo la jaraa, ma gooyaan dhamidoodu!

Warka gaaray islaanka, gayiga oo dhan dhameeyay
Gadi reer tolkii, caybtu guudka saw kama saarano?

Qoladii Alle gaabshay oo gaasiray, faro waaydaa oo
ganbada ogalaadtaa, reer Caliyow lagu guursay!
Ma gabaro ayaydu tahiinay?

Dhirtu waa labo geedo, galoolo isdhaafay,
Mid haddii la gogamiyo, kan kalaa godal noolba
Godin loo rabayo; waxa loo garbinayo,
Alle! Saw ma gartaanay!

Hadday guudto baxayso, geesigii la ogaa
Ninkii uu gabri doono, hadba waa gujiyaa oo
Gundhiyaa oo hinqiyaa, geesi looma bareero
Waxa loo garbinayo, Alle saw ma gartaanay!

Mawdku waa gar Ilaahay, geeri Eebe ma diidano
Waxa aanaan ka gam’aynin Cali Faahiye Geedi,
waa siday u galaynay!

W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921).
W. Qoray: Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.

viernes, 1 de abril de 2011

Dhamaadka kadib: Dilkii «Khooli»

Ka: Diiwaanka Maansadii Deelley


Muqdisho 1993


Barqin baas bay ka horyimaadayn. Durbadiiba way aqoonsadayn. Sayn rasaas bay roob kaga dhigayn. Way ku dhugtamayn. Dhiiggiisii bay dhulka qaadsiiyayn. Waxba kama uu qabin. Waxba kama uu sidan. Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Isagu, talow, haddii ay u dagtaan ma dili lehaa? Xaashaa lillaah! Qalbi dhiig daadin karayba laabtiisa kuma jirin! Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Salabka, kiisa qarxa iyo kiisa la tunto, waligiis wax kuma yeelan... aqalkiis abadankiis ma uu dhigan... si loo adeegsadona, waan hubaayoo, muu aqoon. Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Siyaasad kuma uu jirin, darteedna cid kulama coloobin... jago dawladeed uma xusulduubin... qabashadeedna wax ma moodin... buug cusub oo uu aqriyo ayuu ka jaclaa nooca siyaasadeed ee ay Soomaalidu taqiin, walina ay taqaan... ka hadalka qabyaaladdu waqti kagama lumin... mid badanise wuxuu kaga lumay la socodka suugaanta iyo horumarka maansadeena. Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Maxay u dilayn baa?
Bal adba! Bal maleey:
Waxba ha isku daalin,
Saa anaaba kuu sheegi doonee:

Sababta loo dilay ee aan kuu soo tebin doonaa waa run, ha yeeshee kuma qanci doontid, gaar ahaan haddii aad tahay qof da’ yar oo dalka Soomaalida dibadiisa ku koray ama wax ku bartay. Iyada oo kooban, reer hebelkii uu ahaa ayuun buu u godgalay! Qabiilkii uu u dhashay buu eersaday! Iyaga inuu noqdona, isagu ma dooranee, ogow!

***

Haddii kale, Janaayo 1991kii, maxaa loo dilay? Xamar iyo dagaaladii ka socday isaga oo ka soo qaxay, maxaa looga daboyimid oo burseeynta loogu furay? Ma askari buu ahaa? Ma xukuumaddii lala diraraayay ayuu wasiir u ahaa oo sidaas baa loogu ciilqabay? Ma wuxuu ahaa jabhadihii hubeeysnaa ee taliska dalka u tartamaayay? Dagaal gaar ah nin ku hayay oo xukuumaddii la safnaa? Intaba jawaabtu waa “maya!”: askari waligiis ma naqon. Xukuumaddii lala diraraayay iyo kuwii ka horeeyay, midna abadkiis sokeeye gaar ahaaneed uma naqon. Jabhaddihii hubeeysnaa ee qabiilqabiilka ku dhisnaa, middood intuu ku biiray mid kale kuma jeedin.

***

Intaas oo jawaaboodba haddii ay yahiin run biyo-kama-dhibcaan ah, maxaa, haddaba, loo dilay? Bal muxuu galabsaday? Mar kale aan ku noqdo, kuna sheego inuu u dhintay tolkii uu u dhashay aawadeed oo kaliya! Haddii uu hadal i maqashiin kari lehaa, isaga oo sidiisii qoslaaya ayuu igu oran lehaa: “Oo Axmadow, qofku reerka uu u dhalan doono, ma isagaa horey u doorta?!”

***

Maya, Ibraahinow, ha yeeshee aqoondaro si dhah! Taloxumadii aad u dhimadtayse, kaligaa kuguma koobnaan. Kumanyaal baa gadaashaa la dilay oo ganbi iyo gaajo aan gar ahayn loo gabwaray. Iyaguna, sidaada oo kale, waxay eersadayn tolkii ay u dhashayn! Samigaa Buuni Ibraahin Maxamuud Ebyan, qoraagii Faarax Maxamad Cawl iyo boqalaal kale oo aad ifka ka taqiin ayaa waqti yar ama iilka kaaga horeeyay ama aan in badan kaa danbayn. Waxay u dhintayn haybtooda ee, haba yaraadtee, wax ay galabsadayn lagama gooynayn!

***

Saaxiibow, iilkuba ha kugu yaraadee, ma kuu waramaa: maalintii aad godgashay ayay dawladnimodiina godgashay! Waxaa iishay wax alle wixii ay ku tiirsanayd oo idil! Madfac indhola’ baa la tagay magaaladii Xamar ee ugu waynayd taariikhda aynu, ummad ahaan, ku dhaadan karaynay. Dhismayaashii Shangaani iyo Xamarwayne ee kunka sanno jiray, dhulka ayaa lala simay!

***

“Ma arkinee, ma aragtay?” Waxaa maanta ah: jaamacaddii iyo wixii yiilay, akadeemiyaddii iyo wixii lagu kaydiyay, labadii matxaf ee dalkaba lagu arkay, warshadihii kaalmada dibadeed lagu helay, dugsiyadii iyo qalabkii ku urursanaa, dhamaantood, diiwanadii dawladihii hoose, meel dab maray ka soo qaad! Labo todabaad gudahood baa lagu leefay!

***

Ibraahinow, iilkuba ha kugu yaraadee, ma kuu sii waramaa: taalooyinkii awalba tirada yaraa ee halganka siyaasadeed ee ummadda xusuusta u ahaa lama hanbeeyn! Inta la soo fujiyay baa dhulka la soo dhigay, dabadeedna loo dhoofiyay Abuu-Dabi, si loo iibsado macdantii maarta ahayd ee hortii laga sameeyay!

***

Bal maleey taaladii Sayid Maxamad Cabdille Xasan markii la iibgeeyay inta ku baxday? Iyaga iyo ku allahoodee, raggii arintaas u warhayay waxay ii sheegayn kharashkii soodajinta iyo dhoofinta inay soo celin waayday kolkii la lacageeyay! Nimankii safriyay iyo kuwii u dhiibtay waxay ka helayn 30 kun oo doolar oo aan doolar dheerayn! Show ceeb looma dhinto! Anigu ma aragee, burburka ka dhacay qaybihii taariikhiga ahaa ee Xamar ninkii iiga soo waramay, iina soo koobay wuxuu igu yiri: “Haddaad Waliyowcade istaagto, xeebta Liido ayuun baa hagaag kuugu muuqan!”

***

Bilo yar gudahood, iyada oo kumanyaal qofi ay gardaro u dhimadtay, kumanyaal kalena ay dunida meel walba u qaxayn; iyada oo dalkiiba dagmodagmo u kala go’an yahay ee uu afar sanno la’yahay madax iyo cid loo irkado, waxaynu ku faanoba; iyada oo aynu ka xishoonayno inaynu Soomaali sheegano; iyada oo ay arimuhu caynkaas yahiin, miyay haboon tahay taalooyin iyo dhismayaal gaboobay in loo baroorto?

***

Haa, way haboon tahay, maxaa yeelay taalooyinka iyo dhismayaasha waxay u taagan yahiin taxanaha abuurmidda qarannimada, waxaana loogu talogalaa inay muddo dheer ka danbeeyaan facii dhisay. Waa qayb ka mid ah silsilada xiriirisa da’dii hore iyo kuwa danbe ee ka farcamay. Waa astaamaha aamusan ee wax badan kaaga sheegi kara tagtada ummadaha. Burburinta aan ujeedada lehayn ee astaamaha taariikhda Soomaalida waxaa, malehayga, eeddeeda xanbaari doona nimankii dhalinyarada reermiyiga ahaa inta soo hubeeyay magaalada dhan ee ku fasaxay ee, dilkii naflaha ay arkaan ka sokow, wixii qaran ahaan loo wada lehaa mushaarka uga dhigay! Haddii ummad walba sannadaha soo mara mid waliba ay wax ku xusuusadto, sannadihii 1991kii iyo 1992kii waxay Soomaalidu ku xusuusan doontaa labadii sanno ee uu sida xun u kala daadtay hanaankii qarannimo ee dalkeeda; kaas oo soo dhismaayay boqalkii sanno ee ugu danbeeysay. Haddii aanay labadaas sanno sidaas ku tilmaanayn, bal adigu ku tilmaan sida kale ee ku haboon!

***

Allaha u naxariistee, aan u noqdo Khooli. Ibraahin Cawad Maxamad oo ay saaxiibodu Khooli u yaqiinayn, iyada oo kooban, ma ahayn ummad qarannimo hiyiga ku haysaa nin ay iska disho! Wuxuu ahaa saaxiib gaar ah la jooggiisa ay aqoon dheeraad ahi ka korari jirtay. Aqoonyahan aan maalinna waxbarasho ka daalin ayuu ahaa. Wuxuu ahaa raggii lixdameeyehii qarnigan dhidibada u aasay warfidintii da’da yarayd ee, gobanimada kahor, ay shisheeyehu socod barayn. Waxqore dhalinyar ayuu ka ahaa wakaaladdii wararka ee SONNA loo yaqiin iyo todabaadlehii af Ingiriiska ku soo baxi jiray ee SONNA NEWS lagu magacaabi jiray, kuna hadli jiray afka Dawladda Soomaalida.

***

Muddo dheer wuxuu maareeye guud ka ahaa Wakaaladdii Filimada Soomaaliyeed, intii uu xilkaas hayay hawlihii uu fuliyay waxaa ugu waynaa filinkii loo baxiyay Darwiishkii Soomaaliyeed ee bartamihii sideedtanaadka la daawan jiray, haadtanse tacabka ba’ay dhaxda la galay! Isla muddadaas wuxuu Ibraahin asaasay Bandhigga Filimada Afrika ee Muqdisho (Mogpafis) ee wakaaladdiisu sannad walba ay Xamar ku kulmin jirtay agaasimeyaasha filimada sameeya ee qaaradda Afrika, si loogu tartamo, looguna kala faa’iideeysto.

***

Dhamaadkii sideedtanaadkii, wuxuu Ibraahin ku soo biiray Akadeemiyadii Cilmiga iyo Fanka, wuxuuna halkaas ka noqday gudoomiye ku xigayn aad ugu xoog furnaa hawlaha aqoonta iyo baahintood. Wuxuu ahaa ninkii abaabulay shirwaynehii 4d ee Ururka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee afka qalaad loogu yeero (Somali Studies International Association), laguna qabtay Golehii Shacabka ee Xamar sannadkii 1989kii. Ugu danbeeyskii wuxuu Ibraahin ahaa, asiili aan dad badani ogayn, hal-abuur maanso oo waxkutirinta miisaanka Jiiftada uu aad ugu fududaa. Wuxuu soo saaray cajalado badan oo uu qaar kaligiis ku ahaa, qaar kalena ay saaxiibo isugu jawaabayn. Waxay tiisu u badnayd maanso bulshadeed uu dhaliilo ugu soo jeedinaayay hababka ay Soomaalidu u dhaqanto qaarkood, gaar ahaan intii uu dadka qaar reermagaaloobay.

***

Nolashaas aqoontu hu’geedu ahaa, nolashaas anshaxu iyo asluubtu astaanta u ahaayayn, nolashaas kartidu iyo dadaalku ku tilmaanayd, nolashaas gaabnayd, laakiin milgaha lehayd, waxay galbadtay oo kasgaab gacankudhiigle ah loogu dawgalay 26kii Janaayo 1991kii.

***

Sideed sanno ku-dhowaad markii aanu maansada diiwaankan Deelley ururinaynay ee aanu tifaftiraynay, dabadeedna wixii aanu helnay aanu isugu soo daboridnay sidaan uu kuu horyaalo ayuu, Allaha u naxariistee, goor galab ah Ibraahin wuxuu iigu yimid hoygaygii magaalada Xamar. Waxaanu istusnay, inta aan daabicid loo gudbin, in loo baahan yahay in lagu daro boghoraad ay ku qoran yahiin dhawr eray oo «Hibeeyn» loo bixiyo. Si toos ah ayuu su’aal iigu soo jeediyay, isaga oo leh: “Ayaynu diiwaankan Deelley u hibeeynaa ee aynu ku xusnaa?”. Aniga oo aan in badan ka fekirin ayaan u jawaabay: “Cabdullaahi Suldaan «Timocade» aanu u hibeeyno, marba haddii maansadan Deelley qabyaaladda iyo arimaha ku saabsan lagu falanqeeynaayo, isaguna uu ahaa gabayaa qabyaaladda aad ula diraray, ayna ka dhab ahayd, taana uu ku caanbaxay”. Wuxuu yiri: “Waa hagaagee, maynu balaarino oo boggaas «Hibeeynta» raggii Timocade la midka ahaa ku xusno, isla markaasna ugu baroorano dhamaan dadkii qabyaaladda awgeed loo dilay, una godgalay”.

***

Waa yaabee, ma garabdaar buu lehaa?! Hadalka ma iska yiri, mase si uun baa habka iilashadiis loogu sheegay? Dadka qabyaaladda eersaday ee Deelley loo hibeeyn doono, miyaa la ogeeysiiyay? Ma mooddaa galabtaas inuu si dadban iigu lehaa: “Axmadow, Deelley kolka la daabacaayo, ani ma joogee, yaa la i iloobin!!”.

***

Siduu afar sanno kahor ii soo jeediyay intaan yeelo, Deelley aan mar kale u hibeeyo, Soomaalida tirada beeshay ee reer hebelkii ay ahaayayn loo laayay, iyada oo uu Ibraahin Cawad moogan ku jiro! Eebe wayne ha u naxariisto. Aamiin!

Maayo, 1994kii

Axmad Faarax Cali «Idaajaa»


martes, 1 de marzo de 2011

Af Soomaali: Af Dad Waayay

 
 
 
Magacaygu waa af Soomaali. Da’dayda ma aqaan. Ha yeeshee in dhaaxa waan soo joogay. Tartan badan waan soo maray. Afaf gumeeyste ahaa waan ka guuleeystay. Waan jiray. Oo noolaa. Galad Eebe ha iga gaaree, intii uu Islaamku ku faafayay gayiga aan ku noolahay waxaan iska caabiyay in aan liico — dabargo’ warkiisaba daay. Kuwo aan dagaan ahaan iga fogayn iyo kuwo kaloo igula noolaa Afrika waxaa ka xoogbadtay afafkii qalaad ee gumeeysanayay. Anigu waxa aan gabaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolasha si dhameeystiran u cabbiri karo.
 
Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaasha. Garab ayaan ahay. Aniguu i kaashadaa Soomaali walboo uu haleelay jacayl ugub ah, ama dhiilo qaran, ama daltabyo ba’ani, ama dareen dulmi-diidnimo. Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso murti iyo madaddaalo leh — ama mid Allebari iyo samadoon ah — lagana meeriyo oo looga damaashaado gole nabadeeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro caleemosaarid, ama dabaaldag qaraneed. Ilaah wuxuu igu galadeeystay awood aan ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba.
 
Waxaan ahay af Soomaali. Waan is hubaa. Xoolodhaqadtada waraabka shubaysa, beeraleyda la foorarta yaanbada, iyo kaluumeeystaha xeebta ka jilaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed. Dhalaanka ooyayee daalan waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed. Ardayga looxjiidka ahee u ooman barashada afkiisa waan layliyaa oo aan garaadkiisa ku kobciyaa halxiraale iyo googaaleeysi. Waxaan ku xujeeystaa “Googaa!” Say yiraahdaan, “Cadalle!” Saan iraahdaa, “Haddaan hayay.” Say yiraahdaan, “Waa hadalka.” Si aan nafta u baro, waxaan ku googaaleeystaa Guntin macaan geed la fuul. Si aan wadnaha u baro, waxaan ku googaaleeystaa Duddun yaree daba baruur. Si aan afka iyo ilkaha ku taxan u baro, waxaan ku googaaleeystaa Idan yaroo alleellaale. Rag afkayga kaashanayaa ifka uga tagay waydiimo maandaalis ah. Indheergarad baa yiri: Lugo goranyo ma horaadkaa mise waa danbeedka? Abwaan kalaa yiri: Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa? Hadday dawo bukoodto, maxaa lagu dabiibaa? Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa? Sida la iigu kala badiyo af ahaan ayuu Soomaali walibana qaayihiisu la egyahay. Mid waa aftahan; mid waa afmaal; midna afmiishaar; ama afgarooc.
 
Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalintuu qarankii Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkayga 1972, laguna sii xijiyay Olalihii Horumarinta Reer Miyiga. Waxaan yare dhaliilsanahay in la igu kaydiyo far qalaad oo Laatiin ah. Jaclaan lahaa in dhigaalkaygu uu naqdo farihii ay curiyayn maskaxmaal Soomaaliyeed sida fartii Gadabuursi, ama tii Cusmaaniya, ama tii Kadare. Cakuyee saboolnimo! Laatiinka looma iishayn haddii uu qarankii jiray awoodi lehaa sameeynta ama soo iibsashada madbacad faafiso mid ka mid ah far Soomaaligii ay curiyayn aqoonyahan Soomaaliyeed.
 
Waxay ahaadtaba, wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay. Oo koray. Oo sii xidideeystay. Oo xoogeeystay. Oo xadaarad kaydsan yeeshay. Ma aan ogaynee, waxaa igu soo baxay tartan hoosaad. Kooxo ayaa igu soo baxay la yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi. Af Ingiriisiguna kama xawaaro yarayn. Geed ayaa bari ku garamay “Godinay ima gooysayn haddaan barkay kugu jirin.” Rag Soomaaliyeed baa u soo tafaxaydtay luggooyadayda. Anigii oo nool ayaa afaf kale la igu milay. Waxaan lehaa Nagaad, markaasaa la igu baddalay Sabti. Waxaan lehaa Suni, markaasaa la igu baddalay Axad. Waxaan lehaa Sani, markaasaa la igu baddalay Isniin. Goodaar waxaa lagu baddalay Talaado; Goonyaadna Arbaco; Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce.
 
In badan waan iska caabiyay. Qaran baa ii taagnaa. Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa ii taagnaa. Hide iyo dhaqan jiray ayaan ku ilaashanaa. Nabad iyo Soomaali qabwayn ayaan higsanayay. Anigoo firfircoon — dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’ — balse wali u sii baahnaa turxaanbaxin, ayaa waxa igu dul dhacday waxay Soomaalida cusubi ugu yeeraan “qabta”.
 
Qarankii i kabayay ayaa burburay. Isla xiliyadaasna waxay Ilmo Aadan u xuub-siibtayn tiknoolijiyad dardartayd wadadta. Af ahaan waxaan la jaanqaadi waayay isbaddalkaas cusub ka dib markii calankii ii babanayay uu la itaalxumaaday daruur dhiig hoorinaysa iyo duufaano colaad oo kala firdhisay midnimadii walaalaha iyo maskaxmaalka Soomaaliyeed. Da’yartii gudaha ku jirtayna waxay galayn meerto madaw oo madhamaadto ah; kuwii dibadda u firxadayna waxay ku indhosarcaadayn kombiyuutarada iyo dagalada internetka ee kobcinaya afaf qalaad. Sidii ruux gablamay ayaan dhabanohays miciin biday. Waxaan isku sasabay rajo ma gablanto, Rabbina ma war la’a. Sideed iyo tobankii gu’ ee aan qornaa waxaa ii xigtay 20 gu’ oo dayac iyo darxumo ah. Waan shakiyay. Oo is canaantay. Oo aan is iri talow ma nabsi ayaa ku haysta sidii wiilkii aabihiis indhoolaha ahaa uga dhaqaaqay geedkii higlatible?
 
Waan dayacmay. Oo doorsoomay. Dhaxda ayaan ka baxay. Neef gowracan geed kama waabtee anigoo gagabaya ayaan waxa aan magan u naqday wadaadadii. Waxaan lehaa maadaama diintu u baahan tahay in la kala dhigdhigo af ahaan, dadkana lagu baro af Soomaali ahaan, wadaadada ayaa ku weeleeyn doono. Mise waa iiga sii darayn. Dugsiyo Islaami ah ayaa la furay. Anigoo af Soomaali ahna docadoceeyn baa laygu sameeyay af shisheeye sidiisii. “Maktabado” ayaa dal iyo dibadba laga dhakoolay. Oo aan aniguna marti ka naqday. Waxaan lehaa erayada baraarug, walaalo, gaal, iyo kuwo kale oo gooni u istaagi karo. Waxaa si doqan-ma-garadto ah hoosta la iiga soo gashay saxwo, ikhwaan, murtad, muqaawamo, iyo kuwo kale….
 
Hooyooyinkii iyo caruurtii waxaa guryaha loo soo dhoobay “nashiido” aysan af-aqoon. Halkii ay ahayd in cunug qurbaha joogo loo badbaadiyo afkiisa, loona tixgaliyo Soomaalinimadiisa, waxaa caruurta sanka laga galiyay cajalado ay ka soo yeerayaan Dhalacal shamsu calaynaa! Kaaga daranee wixii nabi-amaan ahee af-Soomaali ahaa waa loo “fatwooday”, oo la yiri waa “shirki” ama “khuraafaat” ama “makruuh”. Muslimiin Soomaaliyeed, una jidbeeysan Suubanaha, ayaa dadkooda u curiyay nabi amaan af Soomaali ah — kuna codeeyay:
 
Nabigayn quruxdiis
Yaa qiyaasi karaya?
Qumanaw timihii baa
Dhagta loogu qiyaasay
Mar hadduu qosal maagona
Dhooluhuu yare qaadaa
Qoraxdaad aragtaan
Buu qariyoo ka cadaaday
Qof hadduu ka danbeeyo
Qalbiguu ka arkaa
Qoriguu qotanshaa
Qoyaan buu naqon
Qurunleyda adduunna
Qaanac buu ka ahaa
Qof hadday is qabtaanna
Qawl xun ma oranaynin
Alle Qaadir ah mooyee
Yaa qiyaasi karaya?
 
Ri’ waliba shilinkay is dhigtaa lagu qalaaye, aniga waxa i dabray, oo i dilooday, dabargo’na qarka ii saaray dadkii aan afka u ahaa. Af-Shisheeye ayaa la iga soo sokeeysiiyay; anigoo sokeeye ahina shishe la i marsiiyay. Badanaa dhalinyaro ku baratama, isuguna faana, maahmaahyada af Ingriiska. Waxay meelaha la taagan yahiin: “Look before you leap” balse kuma baraarugsana maahmaahdaas dhiggayd ee ah: “Intaadan falin ka fiirso.” Badanaa dhalinyaro ku doodaysa Let not the pot call the kettle black, balse moogan maahmaahdii ahayd Maroodi takarta saaran ma arkee midka kale tan saaran buu arkaa. Waxay u riyaaqaan You can take a horse to the river, but you can’t make it drink. Waxayse ka dhoohan yahiin Qoolley qoorqabasho biyo kuma cabto.
 
Maxaan ku haystaa dhalinyaro ku hanaqaaday qax iyo qaranjabkii bilawday 1991. Waxa badan aqoonyahan gaamuray. Da’ dhaxaad ah. Oo ka soo waraabay dhaqan iyo hide Soomaaliyeed oo saafi ah. Kuna soo dhax barbaaray oo wax ku bartay dalkii. Nasiibdaro, waxa uu ilbaxnimo iyo dadnimo biday inuu Soomaalida kale ugu garnaqsado af qalaad. Is tustus ama wahsi dhah, waxaa halhays u ah oraahyo qalaad sida “Catch-22” oo gabigaydaba soo ifbaxday 1961. Catch-22 waa halqabsi la xiriiro xaalad ruuxa ka dhigaysa mid uu mar walba guuldareeysto, oo sinnaba uma roona. Haddaba aqoonyahanka Soomaaliyeed ee heli karo halqabsi af Soomaali ah, ma hawl fududeeysi bay ka tahay in uu isticmaalo kuwa afka Ingiriisiga? Mise waa qabyari? Soo anigaba ma lehi halqabsi soo jirayn ah, oo qoto dheer: Haddii aan hadlo waa af sallax-ku-dhag; haddii aan aamusana ariga laaynta laga daayn mayo? Halqabsiganba wuxuu muujinayaa xaalad aan sinnaba ruuxa u roonayn — oo sida kaliya uu ku badbaadi karo ay tahay in uusan ruuxu galin xaaladdaas.
Da’ yartii iyo da’ dhaxaadkii waxa ku soo biiray fac sadexaad. Badanaa oday Soomaaliyeed dal iyo dibadba jooga oo afka iyo suugaantana u yaqaan si qoto dheer balse aan taa xushmad ku haysan labo dhacdo awgood. Kow, odaygii suugaanta iyo dhaqankiyo hidaha yaqaanay oo aan is moodin in uu wax yaqaano — kana haybeeysto rag afaf kale bariiskooda ku soo dhacsada. Labo, dhalinyartii oo aan aqoon u arag ruuxii ku xeeldheer hideha iyo dhaqanka, murtida, afka, iyo suugaanta Soomaaliyeed.
 
Barasho hortayd ha i nacin. Anigu waxa aan ku dulqotomaa suugaan iyo murti xeeldheer. Galad Eebe weeyaan in ay ii rumawday maahmaahdii ahayd Soomaalidu been way sheegtaa; beense ma maahmaahdo. Aristotle ayuu ahaa ninkii si cilmiyeeysan ugu dooday in markuu cunuggu dhasho ay maskaxda ilmo Aadan tahay tu maran (tabula rasa). Dhalashada ka dib, waxa ay maskaxda aqoon dhab ah ku heshaa dareemaha iyo wixii nolasha iyo noolaha ku hareersan ee uu ilmuhu goobjoog ka ahaado. Waxaa maahmaahyahayga ka mid ah Nimaan dhul marin dhaayo ma leh. Oo ruuxu wuxuu naqon qof aan lahayn waayo-aragnimo durugsan oo uu cashar ka qaadto. Sidoo kale af Soomaali ahaan faracayga Banaadiriga ahaa ku maahmaaho Cimrigaaga dheeraaday geel dhalaayaas ku tusaa.
 
Haddaba ilmihii la soo kulmo neef dhalaya, waxa uu helayaa waayo-aragnimo ku cusub. Waxa looxa maskaxdiisa ku qormaya erayo cusub oo mararka qaarkood wadta sawir la xiriira erayada. Meel neef ku dhalayo erayada uu cunuggu baran karo waxa ka mid ah fool, mandheer, nirig, wayl, waxar, nayl, iwm. Halkaas waxaa cunugga uga bilaabmaya cashar baayooloji ah — iyo lakab kaloo diini ah oo la xiriira jiritaanka Eebe wayneha abuuray uun kala duwan. Hadalkii Aristotle qaadadayaa, maahmaahyadaas qaadadayaa, dhamaanba waxa ay farta inoogu fiiqayaan hababka uu ruuxu ku dhiso garaadkiisa waxa ka mid ah isaga ama iyada oo la falgala ama la falgasha nolasha iyo abuurka Guulaha.
 
Bal eeg, horaan waxaan u iri labaadtan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa. Goor aan fogayn ayaa neuroscience (oo ah laan sayniska ka mid ah, qaabilsanna maskaxda iyo siday u shaqeeyso) waxa uu baaritaan ku ogaaday in maskaxda da’yartu aysan si fiican u xasilin ilaa intay gu’ ahaan ka gaarayaan 23 jir — gaar ahaan maskaxda qaybtayd la xiriirto gaarista go’aan iyo garashada ciribdanbeedka uu go’aankaasi leeyahay. Waa qaybta saynis ahaan loogu yeero frontal lobe. Jaclaan lahaayaa in aqoonyahanka ka dhashay Soomaalida, iguna hadla, ay il gooni ah u yeeshaan murtida xeeldheer ee ku kaydsan maahmaahyadayda.
 
Dhan kale aan bal idinka tusaaleeyo. Horaan ugu tiraabay murti oranaysay afar nin ayaa ku tartamay beenta: dhagoole, indhoole, cagoole, iyo qaawane:
 
Dhagoolihii waatuu yiri, “Sac baa seeri ka ciyay.”
Indhoolihii waatuu ugu cammiray, “Arkayoo giiran.”
Cagoolihii waatuu u dabadhigay, “War aan oradnoo jabino.”
Qaawanihii waatuu kaga qosliyay, “War armaa la ina furtaa?!”
 
Soomaaligii i garanaya uun baa garan xeeldheeridayda ee, ifka maanta waxa uu la olalayaa garwadayno xumaanta iyo beenta iyo nahaabnimada isku cammiro oo isugu riyaaqo, oo isku bogaadiyo. Hayeeshee Soomaalidii waxay murtidaan ka dhigayn mid ku kooban kaliya maad iyo qosal. Lama gaarsiin oo uma aysan dhaqangalin sidii murtidii ahayd la jiifiyaanna banaan la joojiyaanna banaan. Cidi ma lafogurin. Casharo fogna lagama soo dharaandharin. Waxay naqodtay uun wax laysku maaweeliyo oo looma aqoonsan in ay tahay murti xeeldheer oo la falgali karta aqoonta siyaasadda maanta iyo maamulka xun.
 
Magacaygu waa af Soomaali. Uma dhutiyo afgaroocnimo. Hodan ayaan ahay. Soomaaligii doono ha igu caasiyo, oo af qalaad ha iga doorto. Ninkii doono ha qaato erayga dilemma — dad baa ii jooga isticmaalaya dhiggiisa af Soomaali ahaan: lafta jacli, ludda jacli. Ninkii doono ha yiraahdo first thing first — dad baa ii jooga oranaya Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa ama Canjeero siday u kala koreeysaa loo kala qaadtaa. Ciddii doonto ha la soo shirtagto A bird in the hand is worth two in the bush — waxaa igu hadlo kuwo oranaya: miro geed saaran kuwa guntaada ku jiro looma daadiyo. Ciddii doonto ha ku wardiso Birds of the same feather flock together — kuwaa ku faana maahmaahda Shinbirba shinbirtayday la duushaa. Soomaaligii helaa filanayn farxad awgayd, hadduu doono qoraalkiisa cinwaan ha uga dhigo erayada manna from heaven — dad baa ii jooga iyagoo dhaqankooda ku faanaya ku halqabsanaya dhacdadii ninkii cag maroodi ka cabay. Soomaaligii doono ha ku wayraxo isticmaalka erayada Domino Effect — kuwo ayaa ii jooga qab iyo qaayo leh, oo soo halqabsanaya halaqmarayntii Cigaal Shiidaad.
 
Murtidayda waxaa ka mid ah: Run sheeg cid kuu maragfurto la waayimayo ee. Qoraagii Bangaaliga ee Bankim Chatterjee ee noolaa qarnigii 19-aad waatuu asiibay runta goortuu xusay in waayo-aragnimada dadka ifka ku nool ay isu eg tahay — jacayl, cabsi, abaar, colaad, hanqaltaag, hungurixumo, masayr, abaaldhac — hayeeshee waxaa kala duwan uun dhulalka iyo xiliyada ay dadku ku kala nool yahiin. Murtida oraahdiisa ku jirtaayi Muslimka kuma cusboo Qur’aankaa xusaya in rundiidka aad mooddo in ay isu dardaarmayn xaqdiidnimada. Sidaa awgayd, waxa aayaddaasi laga soo dharaandharin karaa in dadku ay leeyihiin sansaan habdhaqan oo isu eg haba kala fogaadaan dhul ahaan ama jiil ahaan.
 
Sakaraadba aan ahaadee, saansaantu ma xuma. Saxansaxo nolal ayaan ka dareemayaa dhankaa iyo Waqooyiga Soomaaliya. Guurti ayaa garawsadtay in xeer iyo kala danbeeyn la baadigoobo. Nabaddii ka dhaladtayna waxay iridaha u balaqday rugo waxbarasho ilaa heer jaamacadeed. Ujeeddaday ka leeyihiin yeelkeedee, waa galad Eebe in dhalinyaro is xilqaamay ay sameeystayn ururo suugaaneed, oo buugta suugaanta Soomaaliyeed faafiyo, faaqido, faa’iidana ka miirto. Alleelehee ifafaalo yar ayaa sidoo kale iiga soo bidhaamaysa qurbejoogta Soomaaliyeed oo qaab sugaaneed iyo hal-abuur ku wacyigaliya dadkooda. Taa waxay i galinaysaa yididiilo cusub. Mase waxa dalkii intiisa badan baadi naqodtay nabaddii ama garashadii i sii kobcin lehayd suugaan ahaan iyo dhigaal ahaanba. Ma aan dhiman, mana nooli. Waxaanse niyadda ku dhistaa in afaf kaleba ay nasiib u helayn rag boorka ka jafa, oo ilbaxnimo iyo u horseeday in uu afkoodu naqdo mid kaydiyo tagtada, timaaddana sahmiyo.
 
Wixii rag u kaco Rabbina u aqbalo waa rumawbaanee sooyaalka ayay ku taalaa sida ay afaf kaleba u soo noolaadayn ama u hanaqaadayn. Afka Cibriga waatuu qarniyo aasnaa, balse ay boorka ka jafayn aqoonyahano iyo siyaasiyiin gaarsiiyay heer uu Cibrigu naqdo mid si rasmi ah kaalin maalmeed ku leh dhamaan nolasha iyo waayo-aragnimada dadyowga Yahuudda. Sidoo kale dhankaa Hindiya dad baa u kacay in ay soo nooleeyaan af qarniyo aasnaa ee la yiraahdo Sanskrit oo waxay furayn rugo lagu dhigo oo lagu kobciyo afkaasi.
 
Bal aan is dul taago sida uu af Ingiriisku ku hanaqaaday oo uu ku naqday af aysan qoraxdu u dhacin. Ka hor intuusan af Ingiriisku ku faafin qaab gumeeystenimo, wuxuu ahaa af ku kooban kaliya cariga Ingiriiska. Wixii aqoon ee jirayna waxay ku kaydsanaayayn af Laatiinka. Casharada Jaamacadda Oxford waxay ku baxi jirayn af Laatiin. Ugu danbeeyntii rag Ingiriis ah baa ka fariistay, oo fekeray, oo ka fiirsaday, kana falanqooday baahida loo qabo afkooda hooyo. Si uu af Ingiriisigu uga sare maro af Laatiinka, tix iyo tiraab ayay raggaasi ku soo dagaalamayn. Oo dadaalayn. Oo dulqaadtayn. Nin walibana kaalin lixaad leh ayuu ka galay sooyaalka afkiisa hooyo ee Ingiriisiga. Shakespeare wuxuu ka mid ahaa halyayadii u kacay afkooda hooyo. Waa abwaankii af Ingiriiska kobciyay, ku dhiiraday in af Laatiinka laga maarmo, lana yimid hal-abuur baddalay baahidii loo qabay af Laatiinka.
 
Qarnigii 16-aad waatuu sidoo kale maamule dugsi oo Ingiriisi ah uu si digasho ah u yiri, “Waxaan jaclahay Rooma, kasii jaclahayse London. Waxaan doorbidaa Itaaliya, waxaanse ka sii doorbidaa Inglan. Waxaan ka daba dhacay oo qiimo u hayaa af Laatiinka, waxaanse si jidbeeysan uga sii daba dhacsanahay oo u sii qiimeeyaa af Ingiriisiga.” Kaligiis ma ahanee isla qarnigaasi waatuu gabyaa Ingiriisi ahi uu gabaygiisii Musophilis ku xusay in uu jaclaan lehaa in uu arko af Ingiriisiga oo faafa, wixii lagu kaydiyana af Ingiriisiga ay ka waraabaan bulshowaynta ku kala nool ifka dacaladiisa, iyo in af Ingiriisigu uu naqdo afka ay dadyaw kala jaad ahi si hufan ugu xiriiraan. Qarnigii 18-aad waatii wixii uu gabyaagaasi naawilayay ay wax ka soo caana-casaadayn ka dib markuu soo baxay John Wallis. Waa aqoonyahan ku faanay in afkiisa Ingiriisiga uu naqday af ay shisheeyuhu soo higsadaan, oo uu naqday af qoraal ahaan weeleeyay aqoonta iyo murtida ku baahsan ifka. Haddaba Soomaalidu ma garasho la’ee ma taloxumo ayaa badday inay i qiimeeyn waayaan af ahaan?
 
Hadda ka hor ayaa anigiyo af Kikuuyo xifaaltanay:
 
“Waxaan hodan ku ahay suugaanta iyo murtida,” ayaan ugu faanay.
“Labo maaddo awgood,” ayuu igu yiri af Kikuuyihii, “faan kuuma yaalo.”
“Saw maxay yahiin?” ayaan la soo booday.
 
“Waxaa lagaa helaa aqoonyahan ka faana af Soomaaliga, oo af Ingiriis ku faafiyo talooyinka dhaxalgalka u naqon lehaa Soomaalidiina. Aniga waxaa la iga helaa rag ifka caan ka ahaa, oo barafasooro ah, oo diiday in ay af Ingiriis wax ku qoraan… ma maqashay halyayga Kikuuyada ee Ngugi Wathango? Ma aqrisay qoraalkiisii ‘Decolonizing the Mind’?” Waxa uu oday Wathango ku nuuxnuuxsaday “in barista afafka shisheeye ee gumeeystuhu ay salka ku hayaan qorshe ah in ciddii la gumeeysanayay laga qabsado maskaxda, la bahdilo, lagana xayuubiyo kalsoonidii iyo lexjeclihii ay u qabtay afkayda hooyo ee xambaarsanaa dhaqanka iyo hideha. Waana ay hirgashay oo dad badan ayaa ka faanay in ay murtidooda ama waaya-aragnimadooda ku kaydiyaan afkoodii hooyo.”
 
“Qodabka labaadna bal hadda soo daay!” ayaan iri.
 
“Tiro-koob ahaan,” ayuu igu yiri af Kikuuyu, “waxaa kugu hadla dad aan sidaa u badnayn. Oo kaaga daranee qaarna ay Itoobiya gumeeysadto, qaarna ay Kiinya hoos tagaan. Kuwii ku noolaa dalkii Soomaaliyana waxa ay naqdayn kuwo ku dhax tabaaleeysan colaadda raagtay iyo madaafiicda ka dul dhacaya har iyo habeen; kuwo dibadaha u qaxay oo dhashoodii aysan ku garnaqsan karin af Soomaali; iyo kuwo dal iyo dibadba ka furay rugag ay ugu magacdarayn ‘madraso’ oo qandaraas ku haysta sidii uu af Carabiga u naqon lehaa af looga hadlo guryaha, ceelasha, kawaanada hilibka, maqaayadaha, rugaha qaranka… af si toos ah u hanto nolal maalmeedkiina oo aan cibaado ku ekayn. Dhanka kalena waxa gumaad ba’an kugu haya ururo shisheeye oo si samafal ah u furo rugo waxbarasho oo afkooda iyo afkaarahooda lagu hormariyo. Haddaba ii sheeg, af kafantiisii tolan tahay baad tahayee maxaad ku faantaa? Yaadse u faantaa? Soo adigakan sidii ruux gablamay ay diif iyo darxumo ku diloodayn? Hodantanimada aad xustay xaggay joogtaa?”
 
“Kafan?” ayaan iri, anigoo ay kalsooni iga muuqadto, “taa ha ka yaabin… ma dabargo’i dooni, waligayna jiri doonaa. Oo soo kabsan doonaa. Oo sii xidideeysan doonaa… Eebe idinkii. Aan ku hor maro qodabka ah Soomaalida kuma jiro ruux dhigaalka iyo hal-abuurka meel fiican ka gaaray oo misana diiday in uu af-shisheeye ku kaydiyo suugaantiisa. Horta ogaw caybtu ma ahan in af shisheeye wax lagu qori karo — halka ay arini ka qurantay waa in ruux Soomaali ah loogu garnaqsado ama wax loogu qoro af aan ahayn afkiisa hooyo oo sidaana la moodo ilbaxnimo iyo horumar. Dhanka kale, waa ay dhooban yahiin rag iyo dumar Soomaaliyeed oo iyagoo afaf shisheeye wax ku curin karo misana doortay afkooda Soomaaliyeed. Alleelehe sababta aysan qorayaashaasi dadkooda uga dhax muuqan u badi in ay tahay Soomaalida oo ilbaxnimo iyo horumar mooday kaliya in afqalaad wax lagu xariiqo — oo wixii af Soomaali ku qoranna ay tayo hooseeyaan fikrad iyo farshaxan ahaanba. Waana mid ka mid ah dabinadii gumeeystaha ee ahayd in uu ruuxu ku kalsoonaan waayo afkiisa hooyo. Qodabka ah dad tiro yar baa igu hadlo, tiro yaridayda waligay lama dhutin waayo dad tayo iyo garasho lagu galadeeystay baa igu hadlo. Ogawna sida aan u tabar xumahay uma rajo xumi.”
 
“Af Soomaaliyaw,” ayuu igu yiri af Kikuuyihii, “ha inkirin in ay jirayn afaf kale oo kula dhashay oo geeska Afrika looga hadli jiray. Maantana xaggee ku danbeeyayn? Ama waa kuwo gabaabsi ah amaba waa dabargo’ayn oo cid ku hadasho ifka ma saarna. Haddii aad af Soomaali tahayse, yaa kuu dammaanad qaaday inaadan dabargo’i doonin?”
 
Haddii aan af Soomaali ahay, waxa dhabanohays igu ridday waydiintaas. Rugihii dhaqankiyo hidaha ee aan ku ilaashanaa waxa harqiyay colaado iyo abaaro isdaba joogo. Aqoonyahankii iyo qurbejoogtii Soomaaliyeed ee wax baradtay waxay u iishayn inay afqalaad ku gudbiyaan taladooda iyo waayo-aragnimadooda. Qarankii i ururin lehaa, i kabi lehaa, i kobcin lehaa, i kaydin lehaana ha sheegin. Yaan u garnaqsadaa? Yaanse ka garnaqsadaa? Waligay isma oran waxa laguugu soo halqabanayaa maahmaahdii ahayd Cidina uma maqna; ceelna uma qodna.
 
W.Q.: Cabdullaahi Janno (writersomali@gmail.com)
Ka: Mogadishu Times
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...