Mostrando entradas con la etiqueta Heeso Soomaali. Mostrar todas las entradas
Mostrando entradas con la etiqueta Heeso Soomaali. Mostrar todas las entradas

lunes, 20 de junio de 2016

Dhabta miyaan ku saaraa?


Waxaa wada qaaday Kinsi Xaaji Aadan iyo Saciid Mire Xaydar.





Dhiigiyo kalgacalkii

ee xididda dhamaystira

afka lagama dhawree,

ma ogtahay dharaarahan

markan dhaban u seexdaba

inaan kugu dhadhabayoo

dhabtayda kaa dayoo,

haddii aad dhab doon tahay

anba kuguma dhaafayn

hawlaha dhankaygee,

dhinacaaga ila qabo.


Walaw dhaylo aad tahay

ee haddana dhaqankiyo

dhaqashada ku wacan tahay,

dharaar aragti ma ogtahay

caashaqan wax dheerayn

dhado roob la moodo

dhalanteed inuu yahay

jacaylkii dhawaan gala

dhaxal lagama gaaree

horta dhab ma kaa yahay?

Waa inaan dhudhumiyaa.

….

Iminka dhudhumiyoo

miyaan soo dhawaadaa?

Awalba igama dheerayn,

dhabta miyaan ku saaraa?

Dhibtan kula nacayaa,

bal haddaba dhalaan sidii

dhabarkaaga igu qaad,

dhangad waan ka fududee.

….

Dhugmadiisu ruuxay

ee u dhantahay

ayuun buu dhibayaa

xishoodkuyee,

ma ogtahay dhiigayàw

dhamanaanka (dhabanaanka) awgaa

dhabeyaasha suuqyada

dhar la’aan inaan maroo,

haddii aad dhab doon tahay

anba kuguma dhaafayn

hawlaha dhankaygee

dhinacaaga ila qabo.

….

Qotan dheer qoyaaniyo

ee dhax qotama xareediyo

dhabi baxay la moodyày,

ma ogtahay dhaqsiinyuhu

haddii lacag dhalayaan

kaadsiiyuhu ma dhiciyee

dahab baan ka dhuran lehaa

jacaylkii dhawaan gala

dhaxal lagama gaaree

horta dhab kaa yahay

waa inaan dhudhumiyaa.

….

Iminka dhudhumiyoo

miyaan soo dhawaadaa?

Awalba igama dheerayn,

dhabta miyaan ku saaraa?

Dhibtan kula nacayaa,

bal haddaba dhalaan sidii

dhabarkaaga igu qaad

dhangad waan ka fududee.

domingo, 8 de febrero de 2015

Aawayhee (Raxiima Mahdi)



Aawayhee  aawayhee
inankii is arkoonayee
aawayhee
aragiis ma iloobinee

Waxaan u ooyaa
u oomaa aawadaa
isma arkeenin ayaantaan
ii imow
adaa iloobay axdigii oon leheen
inanyahow

Aawayhee
ubaxii aan abuurayee
aawayhee
aragiis ma iloobinee

Afkeyga waa ku omaa
aawadaa
amaatankaaga
an waa lee eedayee
aduunyo iyo aakhiro
axdigii oofiyee 

miércoles, 12 de noviembre de 2014

Shinbiryahaw




Shinbiryahaw
Ma duushaa
Ma dabayla raacdaa
Dadka maw adeegtaa
Oo maw dadaashaa.

Dalanbaabi baan ahay
Daal la dhacaayee

Kala qaad dibnaha oo
Dal yaqaan maad tahayoo
Dagmadii fogaatiyo

Meeshii laguu diroo
Dawgayd ma garataa

Shinbiryahaw dawaafee
Ku dul joogaa laantoo
Aan kuu dan sheegtoo
Dood kuu lahaadee

Ruuxaan ku daaloo
Laydiindan yahayoo
Anna aanan daynayn
Yaan doonayaayoo
Dawadaydu noqotee

Ma ii diirnaxdaayoo
Diil may galaysaa

Gudcur dam ahee
Habeen dumay
Haysu taag duleedkoo
Dabadayd u yeeroo
Qunyar daadahiyoo
Meel durugsan geeyoo
Deeqsii warkaygoo
Soo saar dushaadoo
Badda soo dabaaloo
Soo maax daruurtoo

Haashu hay dilaacdee
Soo dago agtaydaa

(Codkii: Xaliimo Khaliif Magool)

martes, 19 de junio de 2012

Barigaan is baranay


Barigaan is baranayiyo
Bila dhawra
Gabaryahay anigoo
Hurdada bogan
Bidhaantaada oo qura
Anigaa u buseeloo

Baal dahabi ii tahay
Jacaylku waa balaayoo
Boggiyo wadnahiyo
Anoo beerka ka jacel
Bohalyaw daraaddii
Anoo bali guryoodayoo
Heesaha baroortaan
Boostada kugu soo diraa

Hawada been u sheegaa
Baydkii aan gali lehayn
Anoo badi habeeyay
Aroos kula beegsaday
Ayaad lababogleeysayoo
Bal xusuuso inanyahay
Taariikhda dib u baar
Haka sheegin beenoo
Gayaankayga oo badan
Hablaha baarka firay
Ayaan kaala soo baxay

Waataan goor barqa
Bisha tahay laba iyo toban
Billaahi dhaarta kuu maray

Anoon hadalka sii badin
Buuraha anoon korin
Baddana kaaga sheekeeyn

Halkay u badadtayoo
Murtiduna biyadhigayso
Aan soo taabgoobtee

Buuggii aan qoray
Baalahaad ka jeexdayoo
Beertaan abuurayoo
Dhibta badan u maray baa
Mirihii ka soo baxay
Iyagoon bislaan wali
Cagafcagaf ku beegtayoo

Markaan baal kastaba dayay
Ama baaray hawlaha
Ka bilaawo haddeeriyo
Balantaan lehayniyo
Baaqii inoo yiil
Halkaasuu ku baaba’ay

Anna waan isaga baxay
“Allahuma ballagtu”
Barashiyo walaalnimo
Waa inoo barteedee.

(Cumar Cabdulle Shooli)

jueves, 1 de septiembre de 2011

Waxaan Aamusnaaday

Heesaada: Binti Cumar Gacal Calasaw




"Alle!, i baday jacaylka ee inaan kugu dul ooyaa"



Waxaan aamusnaaday'oo [u luggo'ay ?] daraaddiis
Afka gacanta saaray'oo, jacayl iga adkaa'ee

Nabadarada afkooda'iyo arimadiisii
Oogada ku faafaan la adkeeysan waayay'ee

Ifka kaan ka doortay'oo ibtiladan i hayso'iyo
Eedaadka caashaqa adigaa igu beeray'ee

Markaad aragtay uun baa, inaan kuu ildaran ahay,
Waxaan uurka ka jirin i soo abaaray'ee

Haddaad dadab banaan'iyo igu dhaaftay oomane
I dishay'ee asaaggaa dadka kaagaad ugu jaceshahay

Adduunyada dusheeda istareex ku noolow!
Aniguna ayaankay!

***

Haddaad moodday Aakhiro inay ahalo leedahay
laysuma aqoonsado aabe iyo adeerkaa

Ku aamini maayaan aabe iyo adeerkaa
Adigoo arkaayana arxan kuuma galayaan

Adduunkaynu joognana ruuxii ku aaminay
Haddaan loo abaal gudin
Aakhiro aboor cunay ka ilaalin maysid'ee

Waxaan ahay asaaggaa dadka kaa ishaartay'oo
Erayadaan ku leeyahay hoos u eegi waayday'ee
Haddii iilka lay dhigo, sidii roon Rabbow eeg

Haddaad dadab banaan 'iyo igu dhaaftay oomane
I dishay'ee asaaggaa ddaka kaagaad ugu jaceshahay

Adduunyada dusheedana istareex ku noolow!
Aniguna ayaankay!

domingo, 22 de mayo de 2011

Isha Sacabka Mari

 
Heesaada: Qadro Daahir Cige
Miroha: C/qaadir Xirsi Siyaad “YamYam”
Laxanka: Axmad Saalax Qaasin


Dadkoo ururayoo
Isu tagay dhamaan
Ma ogaan karaan
Mooyee isaga.

Ayaa [way haa] uga warama?
Aramidu inay
eel dheer taqaan

Hadba waxaan arkaa
Anoo cidla’
Eri dhaban
Sidiisii kuu olalayee

Ubax baan sidaa
Kuula soo ordee
Maad iga aqbali

Eedaad kalgacal
Adaa igu unkee
Dhibtan mawga bixin!

Naftan, naftan
Naftan ku ogalee
Kuu abaajidee
Kuu abaydintaa
[hee hee hee]
Kugu indhola’
[haa haa haa]
Kugu indhola’
Usha maad u qaban?

Ifafaale iyo saad
Aragti dheer
Sida awliyaan
Kuu odarisayaa

Ayaa [way haa] ilo biyo leh
Ku agmeeroo
Oonku uga ba’ayn?

Garta odayadaa
La i soo hordhigaa
Arin yo aqoon
Afti kaa baxshee

Yay ku dhicin ilmadu
Dhir abaarsadtee
Isha sacabka mari
Eedaad kalgacal
Adaa igu unkee
Dhibtan mawga bixin!

Naftan, naftan
Naftan ku ogalee
Kuu abaajidee
Kuu abaydintaa
[hee hee hee]
Kugu indhola’
[haa haa haa]
Kugu indhola’
Usha maad u qaban?
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...