miércoles, 2 de enero de 2013

Thomas F. Qormooyinkiisii ugu danbeeya ku wajahan dadwaynaha


“Isagoo gaarsiinaya geeska ugu danbeeya dhigaalyarista ee raacsan tabin tashiilan, Kjell Askildsen wuxuu na tusaa adduun ku dhaxjira naafo joogteeysan, xiriiro xujeeysan oo lagu xukumay fashilnimo, meesha jiritaanku yahay wareerqab digtuna hoos loogu caburiyaa. Isagoo ku qoraya cod kajan iyo masiibo-qosaleed miiran, Askildsen wuxuu ka gungaaraa inay sheeko gaaban walba ahaadtaa iskuday lagu xaliyo sir ku qarsan sadarada dhaxdooda.”

 

 

Shadhranji


Adduunku ma ahanin wuxuu ahaan jiray. Hadda, tusaale ahaan, waxaa la noolyahay waqti dheer. Waxaan jiraa sideedtan iyo dheeraad, waana wax yar. Waxaan qabaa caafimaad badan, inkastaan haysanin sababo dana aan aad ugu caafimaad qabo. Ha yeeshee nolashu ma doonto inay iga go’do. Kii aanan haysanin sababuu ku noolaado, muu haystona sababuu ku dhinto. Malaha taas waaye wacaashu.
Maalin waqti badan hore, kahor intaynin lugahaygu bilaabanin inay u taagdareeyaan si dhaba, waxaan booqasho ugu tagay walaalkay. Maanan arkin tan iyo ilaa in ka badan sadex sano, ha yeeshee wuxuu ku sii noolaa meeshaan ku booqday markii ugu danbeeyay. «Waad nooshahay wali», buu yiri, inkastuu iga waynaa. Waxaan sidtay saanwij, wuxuuna isagu i siiyay koob biyo. «Nolashu adayg waaye — buu yiri —, ma jiro qof u adkeeysta». Waan cunayay oo ma u jawaabin. Ma u tagin halkaas inaan la murmo. Waxaan dhameeystay saanwijkii oo cabay biyahii. Walaalkay wuxuu ku dhaygagnaa kob uun ka sareeysay madaxayga. Haddaan kaci lehaa isaguna uunan fiirada leexin lehin in kahor, wuu ii sii fiirin lehaa si toosa. Ha yeeshee shaki la’iba wuu leexin lehaa. Walaalkay muunan iga heli jirin. Loo yiriba si kale, muunan ka heli jirin naftiisa markuu i ag joogi jiray. Waxaan qabaa inuu lehaa damiir dhiba ama, ugu yaraanba, mid aanan fiicanaynin. Wuxuu qoray labaadtanaad ee sheekooyin dheerdheer, aniguna in xoogaa, haddana gaabgaaban. Waxaa lagu tixgaliyaa qore aad u fiican, ahse wax xoogaa wasakhaan. Wuxuu wax ka qoraa jacaylka, siiba jacaylka galmada, talaw halkee ka soo baran jiray.
Wuxuu walaalkay fiirada kula sii dhaygagnaa kob uun ka sareeysay madaxayga, waxaan u qaadtaa inuu dareensanaa inay ahayd xaqqiisa darta ee labaadtanka sheekooyin uu ku haystay dabadiisa canyayuuban. Waxaa i qabtay inaan iska baxo anigoon u sheegin wacaasha booqashadayda, ha yeeshee waxaan ku fikiray in kadib soo lugeeyntaan soo galay ay naqon lehayd doqannimo, marka waxaan waydiiyay hadday u cuntamaysay shadhranji ciyaarid. «Taas waxay qaadadtaa waqti badan — buu yiri —, aniguna ma sii haysto waqti badan aan lumiyo. Waxaad iman kartay waqti hore». Waxay ahayd inaan kaco oo baxo isla aminkaas, wuu istaahili lehaa, ha yeeshee waxaan ahay qof adab badan iyo tixgalin leh, taas waa daciifnimadayda wayn, ama mid nawcaasa. «Ma qaadadto wax ka badan saacad», baan iri. «Ciyaarta haa — buu ku jawaabay —, ha yeeshee taas waa in lagu daraa hiyikaca danbe ama wayraxidda haddaan ku raynin. Wadnahaygu, ma ogtahay, dib ma u aho wuxuu ahaan jiray. Kaaguna xataa, sidaan u haysto». Ma u jawaabin, ma i haynin inaan kala murmo wadanahayga, marka waxaan iri: «Ilayn waxaad ka qabtaa cabsi dhimashada. Hayaay, hayaay». «Cantarobaqash. Arintu waa in hawshii nolashaydu wali ii soo dhamaanin». Sidaasuu qabwayni kula joogay, waxaa i qabtay mantagid. Anigu hadkii horaan ku dhaafay bakooradda dhulka, waxaanna u foorarsaday si aan u soo qabto, waxaan rabay inaan iska saaro qabwaynida. «Markaanu dhimano, ugu yaraanba waxaanu dib u dhaafnaa eray-isdhaafidda», baan iri, inkastaan ka filanin inuu kasi lehaa macnaha erayadayda. Ha yeeshee isagu aad buu iskula waynaa si uu wax u waydiiyo. «Ma ula danlehaynin inaan ku danqiyo», buu yiri. «I danqin?», baan ku jawaabay anigoo kor u qaadaya codka. Macquul bay ahayd inaan dhibsado. «Waxba ma iga galin inta yar ee aan qoray iyo inta yar ee aanan qorin». Waan joogsaday oo ku soo sii daayay “dood”: «Saacad kasta gudubta, adduunku wuxuu iska xorreeyaa kumanaan doqamooyina. Ka fikir. Mar uun ma isku dayday inaad ka fikirto tirada doqannimo kaydsan ee ku libirta maalin gudahayda? Qiyaas, dhamaan inta maskaxa ka joogsada shaqeeyn, dee waa halkaas meesha lagu kaydiyo doqannimada. Hase ahaadtee, waxaana sii soo hara doqannimo badan, waayo qaaraa ku sii waara buugag, sidaasaana loo sii nooleeyaa. Inta dadku sii aqrisanayaan sheekooyinka, sheekooyin qaara ee aad u buuxa, doqannimadu waa sii jiri doontaa». Waxaanna ugu daray, “si dulmara”, waan qirtaa: «Taasaan waxaan ugu imid inaan shadhranjiga kula ciyaaro». Wuxuu aamusnaaday in yare dheer, ilaa iyo markaan la dhaqdhaqaaqay si aan u baxo, dabadayd wuxuu yiri: «Hadal iska tirobadan ee dar wax aad iskaga yar, ha yeeshee waan ka faa’ido qaadan doonaa, waxaan dhigi doonaa afka ee qof jaahila».
Gaw ahaan sidaasuu ahaa walaalkay. Dabcan, wuxuu dhintay isla maalintaasi; ma ahanin suurtogalla’i inaan sii qaadtay erayadiisii ugu danbeeyay, waayo waxaan ka tagay anigoonan u jawaabin, taasna waa inuunan waxba ka jacelaanin. Wuxuu dooni jiray inuu lehaado erayga ugu danbeeya wuuna lehaaday, inkastaan qabo inuu dooni lehaa inuu wax kale yiraahdo. Markaan soo garwaaqsado wixii uu dhibsaday, waxaa madaxa iigu yimaada in shiinehu ku qabaan qormadooda calaamad matasha daal ugu dhax dhimashada galmosameeynta.
Aakhirka wax kasta waxaanu ahayn walaalo.
 

Carl


Markay xaaskaygii wali noolayd, waxaan u maleeyn jiray markay dhimadto waxaan lehaan lehaa baaxad ii sii wayn. Dharkayda gudaha kaliya baa qaadta sadex khaanad ee koomada, baan ku fikirayay. Markay dhimadto, anigaa qaadan karay: mid lacagtaydii naxaasta, mid kale baakadaha taraqa, midka sadexaadna gufafka qolafeed ee dhalooyinka. Siday tahayba haadtan, baan ka fikirayay, waa qas wada dhan.
Xaaskaygii waxay dhimadtay waqti horeba. Waxay ahayd naag colguriya, nabad ha kor ahaadtee, kamadanbeeyskii way ii garadtay. Waxaan firaaqeeyay khaanadahii, iskafaalooyinkii iyo armaajooyinkii. Waxaan ka soo saaray waxay lehayd oo dhan oon ka helay baaxad wayn firaaqo ah, in ka badan intaan u baahnaa. Ha yeeshee wixii marana, waa maran. Waxaan iska saaray labo armaajo, ha yeeshee waxaan ka sii warhelay qol sii maran, meeshii ay ka jiri lehaayayn labo armaajo maran. Waxay ahayd fiirodari ee xaggayga, ha yeeshee waxay dhacday, sidaan u iri, waqti badan hore, aad baanna ugaga sii dhalinyaraa markaasi.
Haddee, todabaadyo ama malaha bilal kadib ee aan ku soo kacay balaarinta fiirodarida leh ee maranaanta qolkayga, waxaan ka warhelay booqashada filanwaayga ee wiilkaygii labaad, Carl. Wuxuu u yimid shaal lehayd hooyadiisa, shaal sida looga jeeday uu la damacsanaa inuu kula hadiyeeyo xaaskiisa xusuus ahaan ee barbaarkiisa. Markuu ogaaday inaan iska tuuray buu caro la soo booday. «Adiga agtaada wax dhawrsan ma ka jiro?», buu igula qayliyay. Taasna waxaa oranayay isagii, oo ah ganacsade ee ku nool waxgadidda. Waxaa i qabtay inaan ka dhaxgalo hadalka, ha yeeshee waan isqabtay, aakhirka wax kastaba anigaa u sababa qayb ee jiritaankiisa. «Muxuu qabay oo u gaara shaalkaas?», baan kula waydiiyay cod maslaxina. «Hooyaa gacanta ku toshay intay i sugaysay. Waxay u qabtay kalgacayl gaara». «Waan kasay, shaalku waa kula dhashay. Malaha waxaad tahay wiilkayda calman?». «Sida arintu u dhacdo haa». «Ah, maya, sida arintu u dhacdo maya», baan ku jawaabay, waxaa iga lumi rabay sabarka. Waa iyadoo halkan taagan, iyo sidayd oo kale, muu karo la qabsashda xeerka dabiiciga ee jiritaanka. «Waa yahay, shaalku waa lumay mana la soo celin karo — baan iri —, waa inaad isku sabaalisaa fikirka in la haysto waligiisa waxa lunsan kaliya, siduu yiraahdo maansooleha». Dabcan, waa kasooqaad wada iska dabaala, ha yeeshee waxaan ku fikirayay inuu ka heli doonay. Waan ku qaldanaa, waxaan ilaaway daqiiqad uun in isagu uu yahay ganacsade. Wuxuu ii soo qaaday talaabo hor leh, wuxuu soo sii daayay taxane careeysan laakiin caajisgal leh ku saabsan dareenla’idayda, wuxuuna ku soo gabogabeeyay isagoo oranaya inuunan kalkalka qaarkooda kasi jirin inaan ahaa aabehiisa. «Hooyadaa waxay ahayd naag sharaf leh», baan ku jawaabay, ha yeeshee isagu ma kasin macnahii hadalkayga. Sideen u karay inaan yeesho ilmo aad u madax adag? «Ma u baahanid inaad i soo xusuusiso», buu igu yiri. Midabkiisu wuxuu sii naqonayay jeer walba guduud, kadisba waxaa igu soo dhacay malaha wadnahaa laga qaban doonaa, aakhirka wax walba wuxuu dhameeystirtayba lixdan sano, darta iska ilaalinta si ayan balo u dhacin, baan waxaan ku iri inaan ka xumaa shaalka hadduuna iman lehaa waqti hore, wuxuu qaadan karay wixii dhan ay hooyadiisu lehayd. Waxaan wali qabaa inaan kula iri cod maslaxina, ha yeeshee midabkiisu wuxuu sii naqonayay guduud. «Saw maad ka wadtid inaad xoortay kulli?», buu ku qayliyay. «Kulligooda», baan ku jawaabay. «Laakiin waayo?». Maan rabin inaan ka jawaabo, sidaas dartaydna waxaan iri: «Waligaaga maadan kasi lehaynin». «Bal aadannimodarida». «Cakis-ahaanba. Waxaan kula soo gaaray go’aan natiijeed si fiican looga soo fikiray, hab-dhaqaneedkaasna, sidaasba ha loo yiri, waa kan kaliya nooga dhiga si gaara banii-aadan». Waxay xaggayga ka ahayd “dood xariifnimeed” miiran, wax iska cada, ha yeeshee isagu ma u ekaynin inuu dhageeysanayay hadalkayga. «Haddaba ma ku qabo waxna gurigan», buu ku qayliyay. Wuxuu yeeshay caadada ee inuu qayliyo, mid malaha tilmaanta in xaaskiisu dhagobeelaysay. Anigu, xaggaygu, si fiicanaan u maqlaa, mid kalkalba ii keenta dhib. Dhawaaqaha qaarkooda aad waa uga xoog badan yahiin waxay ahaan jirayn; middayda kale, waxaa soo baxay kuwo cusub, sida buriska hawada cufan iyo waxyaalo la jaada. Sidaas dartayd waxba ma ka qabi lehaynin inaan ahaan lehaa xoogaa dhagoole. «Waan maqlaa waxaad tiraahdo — baan iri —, laakiin maan arko inuu leeyahay xal». Deedto wuu baxay ugudanbeeyskii, waa ahaydba saacaddii, waayo haddii kale waxaa iga lumi lehaa sabarka. Xaqiiqdu waa inaan leeyahay hadda sabar ka badan markii hore, waxay ila tahay inay wax ku leedahay da’du, haddee duqyaasha anagu waanu inaanu u dulqaadanaa wax badan.
 

Qoreha: Kjell Askildsen
Dalka: Noorwey (Norge)
Sheekada: Labo sheeko ee toban sheekood gaagaaban ee ah sheekada hore ee buug labo sheeko ka kooban. 1983.
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...