|
Waan u imid, Waan u fiirsaday, Waan qabsaday. |
Awawgay
ninkii
indhaha tiray
ninkii
aabehay adoonsaday
ninkii
anigana i iibsaday
ninkii
ifka igu adduun tiray
Haddaan ogahoonan ka aarsan karayn.
Haddaanan Aadanaw unuunka jarayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!
* * *
Isagoo Iglan jooguu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimeeysoo
Waa taa aramidii i oofo tirtee
Asaag la’iyaa intaa i baddee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!
* * *
Horuu u yaqiin arliga kaynoo
Inankii taabo qaadaba wuu og yahoo
Ishaafaladtuu arlada ku yimidee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!
* * *
Waxii arinaan Ilaahay jaclayn
haddaanan
adimada
ku oolin karayn
amaanan
adduunyo
ku iibin karayn
Aayaadka Qur’aanka waad aragtoo
Udgoonena yiri:
indhaha
ka qarshee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!
* * *
Arligii ka samroo adduun ma hayee
haddii
la ilaashay afkaygii
haddaanan, ikhyaar
aqoontay, hadlayn
haddaanan
eray qura shirkaa oranayn.
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nacbee
Aan ooyee albaabka ii xira!
* * *
Ugaarta
ninkii
dhaqdee urursada
kan
kalee eegayaa adduunka ka baxshee
raggana wuu ogaa horuu u arkee;
Ninkii ooridiisa u geeynayaw
in keega iyo shaahuu ku arkinee!
Iimawdee! Axankaaga waynee!
* * *
Libaaxa Aanas iyo Abaarso ka ciyay
Abuuriin lo’ joogtaa urisoo
ooday jabisaa intay u dhacdoo
anbada ka guraa idalkayda.
Waa isticmaarkii ciidayee
idinna u dabaaldagoo, ariyahay!
Ayaanu ninna oran Soomaalaan ahee
ordoo magacana ku iibsada!
* * * * *
Indhaha ka qarsha: indhaha ka jeedsada; Uurka ka diida. Tixda weertan ku jirtaa waxay ku
raadraacan tahay xadiiska dhaha:
“Kiina arkaa falxun, haka saxo gacantiisa; haddaanan uu
karin, haka yeelo carabkiisa; haddaanan uu karin, haka yeelo uurkiisa. Kaasna
waa iimaanka kan ugu daciifan.”
عَنْ أبي سَعِيد الخُدْري، قالَ رَسُولُ اللهِ، صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ و سَلَّمَ:
مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرَإً، فَلْيُغَّيِرْهُ بِيَدِهِ
فإنْ لَمْ يَسْتَطِعْ، فيِلِسانِهِ؛
فإنْ لَمْ يَسْتَطِعْ، فبِقَلْبِهِ.
وَ ذَلِكَ أضْعَفُ ألإيْمَانِ. (رَوَاهُ مُسْلِم).
* * *
Adduunka ka baxsha: adduunka ka saarta.
* * *
Keega: doolshe ah
* * *
Aanas, Abaarso iyo
Abuuriin: duleedka Hargeeyso.