Waxaa Gabriel García Márquez, qoreha kolombiga ah, u daabacay Maalin ee Maalmahan majalladda El
Atlántico 1959kii kahor intayanin naqonin sheekada labaad ee ururis sideed
sheeko ah 1962kii, oo loogu magac daray sheekada ugu danbaysa ururiska Los Funerales
de La Mama Grande (Janaasadii Mama Grande), sidaasna uga mid naqodtay El
Boom Latinoamericano oo ah ifafaale soogaaneed ee soo jiitamayay ilaa iyo
afartanaadkii oo gaaray xiligiisa dahabka ahi lixdanaadkii iyo todabaadanaadkii
ee qarnigii tagay, iyo madbacado soogaaneed ee u suurtagaliyay qoreyaasha
dhalinyarada ahi ee ameerikada laatiinka inay soo shaacbaxaan, tarjamidda iyo
ku daabacidda hawlahawda yurub iyo waqooyiga ameerikada awgawda.
Siday uga caddahay cinwaanka, Maalin ee Maalmahan waa xaalad
tusaalaysa waxa banii-aadamku yahay, inuu u madax yahay duni uunanin wax ku
lehaynin xeerkayda dabiiciga ah ee abuuray, sida labada shakhsi ee sheekada:
Duqa magaalo iyo dabiibka kaliya, ee aananin aqoon dhaba lehaynin, ee ka jira
xukuntooyadiisa xukunka daran; oo kala matala awood kala bar ah, oo gacan iyo
aqoon kala ah, oo isaga xiran adeegga midka hore uga baahan yahay kan kale ee
ka doona inuu ka badbaado xukunkiisa. Waa xaalad garwaaqsiisa xadka iyo
ciribdanbeedka awoodda banii-aadamka, xoog ama aqoon ha naqodtee.
Isniinta waxay ku soo waabariday diiranaan iyo roob la’aan. Don Aurelio
Escovar, dabiib shahaado aan lehin ee ilkaha oo arooryahan ah, baa furay
xafiiskiisa lixdii. Waxuu ka soo saaray kabadhka dhalada ah ilko beenaad ah oo
wali ku rakiban kabayga jeessada ah, waxuuna kor saaray miiska xantoobo qalab
ah ee uu u kala taxay kala waynaan, sidii ayaga oo yiil carwo. Waxuu sidtay
shaati dildilo leh, kulleeti maran, oo surka ugu xiran guluus dahabi ah,
surwaalkana waxaa kor u hayay suungarab laastiko ah. Waxuu ahaa lig iyo wayd,
oo lehaa daymo dhif ugu aadan xaaladda, sidii daymadii dhagooleyaasha.
Markuu alaabta wada dhigtay miiska korkiisa buu u soo durukshay loolibka
shiidka dhanka kursiga gariirada leh oo u fariistay inuu safeeyo ilkaha beenaadka
ah. Waxuu u muuqday inuu ka fikiraynin waxa uu qabanayay, waxuuse kula
qabanayay hal-adkaan, oo ka badelaynayay loolibka shiidka xataa markuu
adeegsanaynin.
Sideeddii kabacdi buu ka hakaday si uu dariishada uga dayo cirka oo arkay
labo gorgor fikirsan oo ku qoraxaysanayay saqafka dariska. Waxuu ku sii
hawlgalay fikradda inuu harimada kahor roobku dib u soo da’i doono. Codka
fiiqan ee wiilkiisa kaw iyo toban jirka ah baa ka soo toosshay iska
baxsanaantiisa.
-Aabe.
-Waa maxay.
-Duqa magaaladaa waydiiya haddaad gaws ka soo siibi kartid.
-Ku dhah ma joogi halkan.
Waxuu safaynayay ilig dahab ah. Waxuu u qaaday inta dhudhunka gacantiisu
tahay oo ku baaray indhaha oo bar xiran. Qolka yar ee sugitaanka waxaa dib uga
soo qaylshay wiilkiisa.
-Waxuu dhahaa haa waad joogtaa waayo wuu ku maqlayaa.
Dabiibkii waxuu sii wadtay baaridda iliggii. Kaliya markuu kor saaray
miiska oo hawlahii dhamaystiray, buu dhahay:
-Kaba sii fiican.
Waxuu mar kale hawlgalshay loolibka shiidka. Baako uu ku hayn jiray
waxyaabaha hawlgalin u baahan buu ka soo saartay xabbado kala jaad ah ee ilko
beenaad ah oo isku kabkaban, waxuuna bilaabay inuu safeeyo midda dahabka ah.
-Aabe.
-Waa maxay.
Wali muu iska baddalin mawqifkiisa.
-Wuxuu dhahaa haddaad ka siibaynin gawska wuxuu kugu dhufan doonaa xabbad.
Asaga oo isdadajinin, oo u dhaqaaqa si aad iyo aad u xasilan, buu joogshay
badelaynta loolibka shiidka dibna u durukshay, oo wada furay khaanadda hoose ee
miiska. Halkaas bay tiil bistooladda lixleha.
-Hagaag –buu dhahay-. Ku dhah inuu yimaado oo igu dhufto.
Waxuu wareegshay kursiga ilaa uu ka soo horjeedsaday ilinka, gacanta oo u
saaran jarka khaanaddii. Duqii magaalada waxuu isa soo taagay xatabadda. Waxuu
soo xiirtay daanka bidix, laakiin kii kale, oo barar iyo xanuun leh, baa waxuu
lehaa gar ee shan maalmood. Dabiibka waxuu ka arkay indhahiisa dhadan habeeno
badan quusasho leh. Waxuu ku xiray khaanaddii faraha qarkawda oo si nugul u
dhahay:
-Soo fariiso.
-Subax wanaagsan –buu dhahay duqii magaalada.
-Wanaagsan –buu dhahay dabiibkii.
Intay karkarayayn qalabyadii, duqa magaalada waxuu ku tiirsaday
lafmadaxdiisa madaxa kursiga oo ka dareemay fiicnaan. Waxuu neefsanayay ur
barafaw ah. Waxuu ahaa xafiis saboolan: kursi alwaaxeed oo gabaw ah, loolibka
shiidka ee badelka, kabadh dhalo ah ay ku jiraan quraarado faakhuurad ah. Horta
kursiga, dariishad ku daahan maro nin dherar le’eg. Markuu toodawbay inuu
dabiibka xaggiisa u soo dhawaanayay, buu sii xoogshay ciribyada oo kala sii
furay afka.
Don Aurelio Escovar waxuu wajiga ugu leexshay iftiinka. Kadib
indho-indhaynta gawska waxyeelan, baa waxuu faraha kula dhuujshay daanka
cadaadis dhawran.
-Waa inay naqodtaa suuxin la’aan –buu dhahay.
-Waayo?
-Waayo waxuu leeyahay goosadto.
Duqa magaalada dabiibkii waxuu ka eegay indhaha.
-Waa yahay –buu dhahay, oo isku dayay inuu dhoolocadeeyo. Dabiibkii muu u
soo celinin. Waxuu u qaaday miiska shaqada baaquli ay ku jiraan qalabyadii oo
karkarsan oo kaga soo saaray biyaha kalbad qabawsan, wali asaga oo isdadajinin.
Kadib waxuu ku riixay cirifta kabta weelka candhuufta oo u dhaqaaqay inuu
gacmaha kaga soo mayrto kuusadda faroxalka. Waxuu gabi u qabtay asaga oo dayin
duqa magaalada. Laakiin duqii magaalada asaga muu ka qaadin daymada.
Waxuu ahaa gawsdanbeedka hoose. Dabiibkii waxuu kala fidshay lugaha oo kula
xajshay kabaddii oo kulul gawskii. Duqa magaalada waxuu ku dhagay gacmaha
kursiga, waxuu saaray xooggiisa dhan cagaha oo ka dareemay faaruq qabawsan
kilyaha, laakiin muu soo saarin juuq. Dabiibkii waxuu dhaqaaqshay qura
curcurka. Si xinif la’, bal sise xumaan jilicsan buu la dhahay:
-Intaad noogu gudaa labaatan mayd, laboxidigle.
Duqa magaalada waxuu ka dareemay qac lafaha daanka, indhahiisana waxaa ka
soo buuxsamay ilmo. Laakiin muu soo neefbaxinin ilaa uu dareemay inuu gawska ka
soo baxay. Danbeeto buu ka dhax arkay ilmahiisa. Intuu la yaab la naqoday
xanuunkiisa, buu garan kari waayay cadaabka ee shantiisa habeen hore. Asaga oo
ku foorarsan weelka candhuufta, oo dhididayo, oo neeftuurayo, buu iska furfuray
koorka militariga oo ka goobgoobay fasaleetigiisa jaybka surwaalkiisa.
Dabiibkii baa siiyay good nadiif ah.
-Iska qalali ilmaha –buu dhahay.
Duqii magaalada wuu iska qalalshay. Wuu gargariirayay. Intuu dabiibkii iska
mayrinayay gacmaha, baa waxuu arkay safiitada buqbuqsan iyo saabcaaro boor leh
ee ay ku jiraan ugax caaro iyo cayayaan dhintay. Dabiibkii wuu soo naqoday
asaga oo iska qalajinaya gacmaha. “Jiifso –buu dhahay- ee ku luqluqo biyo cusbo
leh.” Duqii magaalada wuu joogsaday, waxuu ku sagootshay salaan maran ee
milatari ah, waxuuna abaaray iridda asaga oo kala baxinaya lugaha, oo aan
xirxiranin koorkiisa.
-Waad ii soo diri xisaabta –buu dhahay.
-Isla adiga ama baladiyyadda?
Duqa magaalada muu eegin. Iridda buu xiray, oo ka soo dhahay dhanka kale ee
shabakadda birta ah.
-Waa uun wada waxii.
Tarjamay:
Samantar Maxammad Saciid
UN DÍA DE
ÉSTOS
EL LUNES AMANECIÓ tibio y sin lluvia.
Don Aurelio Escovar, dentista sin título y buen madrugador, abrió su gabinete a
las seis. Sacó de la vidriera una dentadura postiza montada aún en el molde de
yeso y puso sobre la mesa un puñado de instrumentos que ordenó de mayor a
menor, como en una exposición. Llevaba una camisa a rayas, sin cuello, cerrada
arriba con un botón dorado, y los pantalones sostenidos con cargadores
elásticos. Era rígido, enjuto, con una mirada que raras veces correspondía a la
situación, como la mirada de los sordos.
Cuando tuvo las cosas dispuestas sobre
la mesa rodó la fresa hacia el sillón de resortes y se sentó a pulir la
dentadura postiza. Parecía no pensar en lo que hacía, pero trabajaba con
obstinación, pedaleando en la fresa incluso cuando no se servía de ella.
Después de la ocho hizo una pausa para
mirar el cielo por la ventana y vio dos gallinazos pensativos que se secaban al
sol en el caballete de la casa vecina. Siguió trabajando con la idea de que
antes del almuerzo volvería a llover. La voz destemplada de su hijo de once
años lo sacó de su abstracción.
—Papá.
—Qué
—Dice el alcalde que si le sacas una
muela.
—Dile que no estoy aquí.
Estaba puliendo un diente de oro. Lo
retiró a la distancia del brazo y lo examinó con los ojos a medio cerrar. En la
salita de espera volvió a gritar su hijo.
—Dice que sí estás porque te está
oyendo.
El dentista siguió examinando el diente.
Sólo cuando lo puso en la mesa con los trabajos terminados, dijo:
—Mejor.
Volvió a operar la fresa. De una
cajita de cartón donde guardaba las cosas por hacer, sacó un puente de varias
piezas y empezó a pulir el oro.
—Papá.
—Qué.
Aún no había cambiado de expresión.
—Dice que si no le sacas la muela te
pega un tiro.
Sin apresurarse, con un movimiento
extremadamente tranquilo, dejó de pedalear en la fresa, la retiró del sillón y
abrió por completo la gaveta inferior de la mesa. Allí estaba el revólver.
—Bueno —dijo—. Dile que venga a
pegármelo.
Hizo girar el sillón hasta quedar de
frente a la puerta, la mano apoyada en el borde de la gaveta. El alcalde
apareció en el umbral. Se había afeitado la mejilla izquierda, pero en la otra,
hinchada y dolorida, tenía una barba de cinco días. El dentista vio en sus ojos
marchitos muchas noches de desesperación. Cerró la gaveta con la punta de los
dedos y dijo suavemente:
—Siéntese.
—Buenos días —dijo el alcalde.
—Buenos —dijo el dentista.
Mientras hervían los instrumentos, el
alcalde apoyó el cráneo en el cabezal de la silla y se sintió mejor. Respiraba
un olor glacial. Era un gabinete pobre: una vieja silla de madera, la fresa de
pedal, y una vidriera con pomos de loza. Frente a la silla, una ventana con un
cancel de tela hasta la altura de un hombre. Cuando sintió que el dentista se
acercaba, el alcalde afirmó los talones y abrió la boca.
Don Aurelio Escovar le movió la cabeza
hacia la luz. Después de observar la muela dañada, ajustó la mandíbula con una
presión cautelosa de los dedos.
—Tiene que ser sin anestesia —dijo.
—¿Por qué?
—Porque tiene un absceso.
El alcalde lo miró en los ojos.
—Esta bien —dijo, y trató de sonreír.
El dentista no le correspondió. Llevó a la mesa de trabajo la cacerola con los
instrumentos hervidos y los sacó del agua con unas pinzas frías, todavía sin
apresurarse. Después rodó la escupidera con la punta del zapato y fue a lavarse
las manos en el aguamanil. Hizo todo sin mirar al alcalde. Pero el alcalde no
lo perdió de vista.
Era una cordal inferior. El dentista
abrió las piernas y apretó la muela con el gatillo caliente. El alcalde se
aferró a las barras de la silla, descargó toda su fuerza en los pies y sintió
un vacío helado en los riñones, pero no soltó un suspiro. El dentista sólo
movió la muñeca. Sin rencor, más bien con una marga ternura, dijo:
—Aquí nos paga veinte muertos,
teniente.
El alcalde sintió un crujido de huesos
en la mandíbula y sus ojos se llenaron de lágrimas. Pero no suspiró hasta que
no sintió salir la muela. Entonces la vio a través de las lágrimas. Le pareció
tan extraña a su dolor, que no pudo entender la tortura de sus cinco noches
anteriores. Inclinado sobre la escupidera, sudoroso, jadeante, se desabotonó la
guerrera y buscó a tientas el pañuelo en el bolsillo del pantalón. El dentista
le dio un trapo limpio.
—Séquese las lágrimas —dijo.
El alcalde lo hizo. Estaba temblando.
Mientras el dentista se lavaba las manos, vio el cielorraso desfondado y una
telaraña polvorienta con huevos de araña e insectos muertos. El dentista
regresó secándose. "Acuéstese —dijo— y haga buches de agua de sal."
El alcalde se puso de pie, se despidió con un displicente saludo militar, y se
dirigió a la puerta estirando las piernas, sin abotonarse la guerrera.
—Me pasa la cuenta -dijo.
—¿A usted o al municipio?
El alcalde no lo miró. Cerró la
puerta, y dijo, a través de la red metálica:
—Es la misma vaina.