Kokoro (こころ) waa eray jabaani ah, ee ah qalbi, waana magaca ee buug uu qoray Natsume
Sōseki (夏目漱石) 1914kii, oo khilaafka kasha iyo kaska ka dhax jira banii-aadamka ka
hadla; wadaagehiisuna waa shakhsiga Sensei (先生), waa magac sharafeed oo la macne ah Bare, Caalin, ama Abwaans, oo soo gudbiya in banii-aadamka – uunka ugu maskax sareeya dunidan
oo idil – kaskiisa ay kashiisu xukunto; taasna ay Nabsi nagu wada tahay.
Qaybta 1aad.
Sensei iyo Aniga (先生と私)
一
Anigu waxaan had iyo jeer ugu waci jiray Sensei. Taas
awgaydana, sheegi mayo magaciisa dhabta ah, ee waxaan kaliya halkan ugu
yeerayaa Sensei. Igamay ahaanin inaan dadka
ka qarinayo ee waa inay taas dabiici ii tahay. Jeer kastooy xusuustiisa igu soo
dhacdo, waxaan durbaddiiba doonaa inaan «Sensei» iraahdo. Taasaanna dareensanahay
hadda, qalinkoo gacanta iigu jira. Magac xarfo lagu soo gaabshayna inaan
isticmaalo ima hayo.
Meeshaan Sensei ku bartay waa Kamakura. Waagaas wali
waxaan ahaa arday dhalinyar ah. Waday, oo fasaxiisa jaamacadeed ee xagaaga ah xeebta
kula qaadanayay, baan kaar boosto ah ka helay oo inaan wahalsho lehaa. Xoogaa lacag
ah inaan isku soo ururshaan u dhaqaaqay, oon u tago. Waxay igu qaadadtay labo
ama sadex maalin. Ha yeeshee, sadex maalin may dhaafin imaanshadaydii Kamakura,
goortuu wadaygaygii taar reerkiisa kadis ugaga soo gaaray, oo lehaa inuu si
dagdag ah u soo naqodo. Inay hooyadiisa jiranayduu taarku ka warsiinayay. Isaguse muu aaminsanaynin. Ilaa
iyo waqti bay waalidkiisa, oo tuulo dagan, guuruu rabin ku soo dirqinayayn.
Haddii laga soo fiirsho xagga dhaqanka casriga, inuu guursado aaduu uga da’
yaraa. Si kastaba, qofta loo soo doortay muu ka helin. Haddaba, fasaxiisa xagaaga,
intuu tuuladiisa ka aadi lehaa, siday caadi-ahaanba u ahaan lehayd, wuxuu iska
joogay inuu isku maaweelsho meel u dhaw Tokiyo. Wuxuu i tusay taarkii
oo talo i waydiistay. Anigu garan maynin waxaan u sheego.
Laakiin, guriga inuu aado way ahayd hadday hooyadiisa dhabtii jiranayd. Oo
kamadanbayskii gurigguu aaday. Kaliyaan dib ugu haray, waa anigiiyoo u
imaanshadiisa ku soo dhibtawday.
Wali waxaa laga joogay maalmo badan intay fasaladu
bilaabmin, ee inaan iska joogo Kamakura ama iska laabtaan karay. Waxaan gaaray
inaan meeshaydii iska joogo. Wadaygaygu reer maalqabayn ah ee gabalka Chūgoku
buu ka dhashay, ee lacag dhib kumay haynin. Laakiin ahaantiisa arday dhalinyar ah
baa heerka nolashaynu isku mid ka dhigtay. Taas awgaydana, goortaan kali
naqoday, inaan raadsado meel ka rakhiisan kumaan qasbanaynin.
Albergadu xaafad ee nawaaxiga Kamakura bay ku tiil. Si
aan uga qaybqaadto waxyaalaha la xiiseeyo, sida bilyaardi ciyaarid ama jelaato
cunid, waxay ahayd inaan jid dheer dhaxmara beero bariis ah qaadto. Haddaan rickshaw
qaadto, waxaa iga baxda labaatan sen. Si kastaba, xaafadda fiillooyin
badanaa ka dhisnaa. Xeebtana aaday u dhawayd oo mid dabaasha ku haboonay ahayd.
Maalin kasta dabaal waxaan u aadi jiray xeebta, anigoo sii
agmara guryo tuuleed surad wada maduul ah leh. Gees ka gees, dad badan dalxiis
ugu yimid baa xeebta ka buuxay. Kalkal, baddii sidii iyadoo ahayd bishiino laga
buuxayaa madaxyo madmadaw kaliya la arkayay. Qofna maan aqoonin, laakiin
nashaadkaas dhaxdiisa waxaan isku kala baxinayay xeebta ama jilibkaan biyaha
gashanayay oo hirarka bash kaga siinayay.
Waa qamaankan dhaxdiisa meeshaan hortii Sensei kula
kulmay. Labo ee aqalada shaaha ee xeebta ku tiilaa lehaa meel dharka lagu
baddasho. Midkawda inaan iska aadaan u bartay. Kuwa xaafadda Hase fiillooyinka ku
lehaa oo qolalkawda baddalka qabay kalka laga reebo, intaynii kale waxaynu ku
qasbanayn inaynu isticmaalno labadaas aqal ee shaaha. Halkaas waxaa lagu qaadan
jiray shaah iyo nasasho; waxaana lagu mayrsan jiray dharka dabaasha iyo jirka;
waxaana lagu dhaafan jiray koofiyaadaha iyo dalladaha. Dhar lagu dabaasho maan
lehaynin, laakiin waxyaalahaygaan ku dhaafan jiray, si aan laygaga xadin, goor
kastoon dabaal galo.
二
Goortii ugu horaysayaan Sensei aqalkaas ee shaaha ku
arkay, waa goortuu dharka soo baddashay oo dabaal isku diyaarinayay. Aniguna
isla goortaasaan badda ka soo baxay oo niicawda isku qalalinayay. Waxaa ina
dhaxmeermeersanayay madaxyo madmadaw oo aragga iga horistaagnaa. Hadduu wax
gaar ah jiri lehin, Sensei maan arki lehaynin. Inkastoo xeebtu la buuxay iyo
anigoo iska moognaa, fiiradaydu way ku dhacday waayo waxaa la sacoday nin reergalbeed
ah.
Waa dubka aad u cad ee reergalbeedka waxa isla goortiiba,
intaan soo abaarayay aqalka, fiiradaydii soo jiidtay; isagoo taagan oo gacmahoo
horay isugu duubanuu badda jeedaalinayay. Fadhi dhan ka xigay, waxaa dulsaarnaa
Yukata oo uu gashnaa. Waxaa u gashnaa oo kaliya kastuume aynu inagu jabaanta gashano. Taas waxaan la yaabay ahayd. Labo maalin kahor, waxaan tagay
xeebta Yuigahama. Waxaan daawanayay, anigoo dulfadhiya bacad ku yiil iridda
danbe ee hoteel – jaad reergalbeed ah – reergalbeedyadoo dabaalanaya. Gabigawdu
waa u wada daboolnaa sarraxa, gacmaha iyo bawdaha. Naagahawdu jirkoo dhanaa u
wada daboolnaa. Badankawdu koofiyado goome ah, ee hirarka ka soo dhaxmuuqday midabadawdu
– dhiinka, buluugga badda iyo kan niilka –, bay wada xirnaayayn. Kadib
aragtidayda ee kuwan, muuqaalka reergalbeedkan dadka dhaxtaagan ee gashan oo
kaliya kastuume wuxuu igula ekaa midaan caadi ahaynin.
Wuxuu u jeestay oo wax ku yiri nin jabaani ah oo dhan
joogay; kanina wuxuu u foorarayay inuu soo qabsado shukumaan yar oo bacaadka
uga dhacay, danbeeto madaxuu ku duubtay oo xagga badda u dhaqaaqay. Ninkani
Sensei buu ahaa.
Wax ogaan jacayl kaliyaan indhaha ula raacay labadan nin oo
isugu garabsacoday jahada badda. Goortay biyaha galaynba, waxay dhaxgudbayn
qamaanka buuqa leh ee ku urursanaa dhanka biyaha yar oo goortay gaaraynna dhanka
badwayntay dabaalasho bilaabayn ilaa ay madaxyadawdu ku-dhawaanba ii muuqanin. Danbeeto,
way soo laabtayn
oo xeebta si toosan ugu soo
dabaashayn. Goortay ku soo naqodaynna aqalka shaaha, iyagoo biyaha ceelka isku
mayrin bay isqalaliyayn, oo labbistayn, kadibna tagayn.
Kadib goortay baxayn, waan fariistay oon sigaar shidtay. Waxaan
ku baxay inaan Sensei ka fikiro. Waxay iigula ekayd inaan wajigiisa meel ku soo
arkay, laakiin meesha iyo goorta waan xusuusan kari waayay.
Maalmahaas, waxaan qabto maan haysanin, waanna caajis
qabay. Sidaasna maalinta xigtay anigoo rajaynaya inaan Sensei arko baa waxaan
ku laabtay isla saacaddii aqalka shaaha. Goortan isagoo reergalbeedkii la jirinuu
yimid oo xiran koofiyad caw ah. Indhagashigiisuu iska siibay oo fadhiga alwaaxeed
korsaaray, danbeeto isagoo shukumaankiisa yar madaxa ku duubayuu sacod
dheereeya badda ku aaday. Goortuu dhaxgudbay qamaankii sidii shalay buuqa u
lehaa, oo dabaalasho bilaabay, waxaa durbadiiba i qabtay inaan dabagalo. Waxaan
dhaxsacoday biyaha anigoo ka bashsiinaya ilaa aan fogaan gaaray, danbeeto
waxaan bilaabay inaan jahada Sensei u dabaasho. Hase yeeshee, si ka duwan
sidaan ka filanayay oo si wareeg qaanso ah buu xeebta ugu soo laabtay. Goortaan
badda ka soo baxay oon soo galay aqalka, biyahoo gacmahaygii ka tifqanaya, isagu
waaba labbisnaa oo sii baxayay.
三
Isla saacaddii ee maalinta xigtay waxaan ku laabtay
xeebta, oon Sensei halkaas ku arkay. Maalinta sii xigtayna, sidoo kalaan
yeelay. Laakiin, fursadaan kula hadlo amaan xataa ku salaamo, maan helin. Middayda
kale, dhaqmaadkiisu bulshay muu ahaynin. Isla saacaddiiyuu kali ku iman jiray, kadib
dabaashiisii isla saacaddiiyuu kali ku tagi jiray. Si kastaba hareerihiisa
xayyi ha u ahaadee, muu u dhugyeelan jirin. Reergalbeedkii maalintii ugu
horaysay la sacoday, dib danbe umuu imanin. Sensei had iyo jeer kaligiisuu
ahaa.
Maalin,
kadib goortuu soo dabaashay oo uu Yukata-hiisii gashan rabayuu arkay inuu,
si uun, ciid yeeshay. Intuu jafayay, isagoo iga sii jeeda, baa
indhagashigiisii, oo hoosyiil Yukata-hiisa, fantaxyada alwaaxa ka
dhaxdusay oo dhulka ku dhacay. Goortuu gashtay oo xiisaanka dhuujistayuu inuu
ka maqan yahay dareemay. Danbeeto raadintiisuu bilaabay. Durbadiiba intaan
fadhiga hoosgalayaan gacanta ku soo jiiday.
- Mahadsanid,
- buu yiri isagoo gacantayda ka qaadanaya.
Maalinta xigtay, intaan badda galayaan Sensei ka
dabadabaashay. Goortaynu abaareha laboboqal oo miitir badda u sii gudogalnayuu
ii soo jeestay oo ila hadlay. Baddaas buluugga ah ee dhan walba u fidsan, labadayna
oo kaliyaa ku dulsabaynayay. Shucaaca cadceeddaa qabanayay badda, buuraha iyo ilaa
iyo meeshay ishu qabadtoba. Muruqyadaan xurriyo iyo raynrayn ka dareemay oo si
xayyi ah inaan u dheeldheelo bilaabay. Sensei dhaqdhaqaaqiiyuu ka joogsaday, oo
dhabarkiisuu isaga sabaynayay. Sidiisoo kalaan yeelay. Buluugga cirkaa
shucaaciisa xoogan wajiga iga qabtay oon indhaha gadaashiisa ka dareemay.
- Saw raaxo ma aho! - baan la qayliyay.
Xoogaa kadib, Sensei wuu sarejoogsaday, oo igu yiri:
- Maynu laabanaa? -
Ahaantayda dhalinyar adadag, waxaan iska rabay inaan sii joogo. Laakiin durbadiiba
anigoo ku raallisanaan ugu jawaabay:
- Haa, aynu laabano. -
Sidaynu ku nimid baynu dib ugu laananay.
Taas bilawgii wadaynimada Sensei bay ahayd. Laakiin, wali meeshuu ku hoyan
jiray maan aqoonin. Waxaan moodaa inay ahayd galinka danbe ee maalinta sadexaad
ka soo wareegadtay isla dabaalashadayna, goortaan aqalka shaaha kula kulmay, inuu
Sensei si kadis ah ii waydiiyay:
- Muddo badan maad halkan sii joogaysaa? -
Inaan tan ka fikiro igumay soo dhacin, wax jawaab ahna umaan hayin, ee
waxaan ku iri:
- Garan mayo. -
Laakiin goortaan dhoolocadaynta Sensei arkayaan isku yaxyaxay, waanna iska
qaban waayay inaan waydiiyo:
- Aduguna, Sensei? -
Waa goortaan bilaabay inaan ugu waco «Sensei».
Fiidkaasaan soo booqday. Albergo caadi ah muu joogin, waxay ahayd nawc ee fiillo
laga dhaxdhisay macbad buudo ah oo wayn. Waxaan kaloo gartay dadka daganaa
halkaas inay waxna wada wadaagin. Goortaan «Sensei» ku soo celceliyay,
dhoolacadayn caloolxumi ah buu yeeshay. Waxaan u sheegay inaan taas dadka iga
waawayn ku waco ay caado ii ahayd. Waxaan ka waraystay reergalbeedkii la
sacoday. Wuxuu ii sheegay inuu nin siloon ahaa, oo uu goor horay Kamakura ka
tagay. Waxyaalo kale ku saabsan reergalbeedkiiyuu ka hadlay, kadibna buu yiri
inay ahayd la yaab, isagoo wadayo iska yar oo jabaani ah lehaa, inuu nin ajnabi
ah wax la wadaago.
Kamadanbayskii, intaan tagin, waxaan
u sheegay inaan horay meel ku kulannay qabo, laakiin aan meesha iyo goorta
xusuusanin. Dhalinyaronimadaydaa ii yeeshay inaan ka rajeeyo oo ka fisho inuu
sidoo kale dareemayay. Hase yeeshee, xoogaa fikirid kadib, wuxuu igu yiri:
- Uma malayn mayo wajigaada inaan horay u arkay. Inaad qof kale igu qaldayso,
ma dhacdaa? -
Erayadiisu waxay igu abuurayn dareen silan oo hanqaran leh.
Tajamay: Samantar Maxammad Saciid.