Qarnigii sagaal iyo tobanaad sannooyinkii ugu danbeeyay,
iyadoo ay mugdi tahay, oo gayiga Soomaaliyeed hurdo lagaga jiro, dadkuna ay
garan la’ yahiin dulucda shishe ee ay cadaanku xeebaha uga soo dagayn, ayuu
xidig iftiin badani, markii loogu baahi waynaa, dhulka gees iyo ka gees
kaahiisa wada gaarsiiyay. Xidiggaas, oo ahaa Sayid Maxamad Cabdille Xasan,
wuxuu sabab u naqoday dad kumanyaal qof gaaraya oo Soomaali ahi inay, markii
ugu horeeyay, ul iyo diirkeeda naqodaan oo, intay tol-isu-sheegadkii sanka ka
qabsadaan, ay dan guud iyo gumeeysi nacayb isku dhaarsadaan.
Sayid Maxamad wuxuu ahaa madaxdii dalkayna ka soo baxday
kii ugu horeeyay, oo gartay inuu tol-isu-sheegadku yahay sababta uu gumeeysigu
ugu soo dhiiraday goor barqo ah inuu Barbaro ka soo dago, kuna guuleeysto,
isagoon qori lagu tuurin, inuu shiddo yari dalka, dadka iyo diintaba ku
weeraro. Runtaas iyada ah ayaa u horseedday inuu abuuro bulsho uu tol-isu-sheegadku
ka xaaraan yahay, oo “Daraawiish” lagu magacaabo, markii la rabana “Dariiqo”
lagu naanayso. Dadku wuxuu u ahaa Sayidku: Daraawiish, gaalo iyo gaalo-raac.
Labadaa qolo ee danbe uma kala soocnayn, wuuna ku hagaagsanaa; nin walboo
kalena sidaas bay ula ekaan lehayd.
Wuxuu ahaa xidiggii suuragaliyay in magaca “Soomaaliya”
xarumaha Yurub lagaga haasaawo; oo Ingiriis, oo adduunka balaaran ugu xoog
waynaa, xasil iyo hoyasho sanba geed dheer uga laalay ayuu ummaddiina
dawladdoodii ka soo horjeediyay ilaa ay wargeeysyadii af buuxa ku yiraahdayn, «”Waa inuu
Ingiriisku dalka Soomaaliya ka baxaa!” “Gacanta ha kala baxo dagaalka wadaadka
ee geerida saraakiisha iyo baaba’a hantida mooyaanee aan guushu ka soo dhawayn!”».
Maragga uu cadawgaagu kuu furo ayaa looga kalsooni badan
yahay midka ay inta kula jirtaa kuu furto, Sayid Maxamadna waxaa marag u furay
raggii ay tiirida ahaayayn ee ay is warmeeynayayn. Geesinimadii, tab-aqoontii,
abaabulkii dadka iyo daljacelidii uu ku tilmaanaa ayaa ka xoog badtay beentii
ay ka faafiyayn cadawyadii uu dibadda iyo gudaha ku lehaa; markaas bay marar
badan ku qasabtay inay runta carabbaabaan oo ay qoraaladooda ku sheegaan wixii
uu dhabtii ahaa, iyagoo waliba maamuusaya!
Soomaali aan tiro yarayn ayaa beentaas la faafiyay ku sirmay,
oo wali laga dhaadhacin la’ yahay inuu Sayid Maxamad ahaa nin aan magacdoon iyo
dan gaar ah u halgamayn, ee uu ku hammiyi jiray oo kaliya danta guud iyo
gobeeynta gayiga uu ku abtirsado. Ha yeeshee, inta sida dhabta ah u fikirtaa way
garan karaan sida fudud ee – hadduu rabo – uu Ingiriiska iyo Talyaaniga uga
heli lehaa xiriir aan cid kale horay loo huwin. Haddii uu “Hawraarsan” ku oran
lehaa gumeeysigii uu la dagaalamayay, wuxuu Ingiriis iyo Talyaaniba ka heli
lehaa tixgalin ka wayn tii ay heli jirayn Garaad Maxamuud Cali Shire, Boqar
Cismaan, Keenadiid, Cali Keenadiid, Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise, Muuse
Igaare iyo cuqaashii badnayd ee gumeeysiga horsacodtay.
Boqaradii iyo suldaanadii Soomaalidu ma ahayn dadkii
kaliya oo Sayid Maxamad colaadiyay amaba Daraawiish naafeeyay. Waxaa kuwaas uga
halis badnaa aftahanadii: wixii Cali-dhuux lehaa, Cali Jaamac Haabiil lehaa,
Yuusuf Ibraahim (Yuusuf-dheere) lehaa, oo in badan ku dadaalayn inay dhismaha daraawiisheed
kala furfuraan, dadwaynaha taageersanna ka yaaciyaan. Markaad u dhabegashid
maansooyinkii ay raggaasi Sayid Maxamad u tirin jirayn, ku arki maysid wax
dareen ah oo ay taliskii shisheeyaha ka qabayn. Waxaad moodaysaa colaad
qabyaaladeed inay shidaysay, isla markaasna ay u qaadan la’aayayn wadaad gabayaa
ah, oo iyaga oo kale ahi, inuu intaas oo xarumood ka taliyo, boqalaal kun oo
qofina ay ka talo dhawrto! Taas waxay ku qarin jirayn inay goor walba ku
celceliyaan: dadkii soomaaliyeed ee gulufyadii daraawiisheed sababsan jiray ama
xoolahooda ku waayi jiray. Waxaase loo baahnaa inaan dooddoodu taa ku ekaanee,
ay si uun isugu dayaan inay fikirka Siyidka soo gaaraan, indhahoodana u furaan
halistii uu dalku ku jiray iyo danta fog ee halganka laga lehaa.
In badan ayuu Ingiriisku raadiyay tab uu kaga hortago
diyaacaddii balaarnayd ee Sayid Maxamad iyo guubaabadii badnayd ee uu
Soomaalida ku dhaxfidin jiray. Taas kuma uu guuleeysan, wuxuuse helay cid u
fulisa. Aftahanadii soomaaliyeed, qaar ka mid ah ayaa, iyagoo aan garanayn,
gumeeystayaashii kaalmo wayn u geeystay, maxaa yeelay, maansadoodu waxay ahayd
hub Sayidka lagu heeri karay, oo aan Ingiriis gacanta ugu jirin, Cali Jaamac
iyo Cali-dhuuxse sahal u ahaa! Sayid Maxamad, isagoo aan cabsan oo aan u dabcin
aftahanadaasi caybeeyntii ay u soo diri jirayn, ayuu gaashaanka u qabtay, oo
gadigooda lugaha isugu duway; mid mid
ula hadal, wadarna wadarna wax u wada yiri. Kal walbana, carabkiisa sayfta ahaa
ayuu kaga adkaan jiray. Mar, uu aftahanadaas wadar ahaan ula hadlayay, oo uu u
sheegayay dandarada ay qaabiyayn, dulliga u danbeeyana uu dareenkooda
galinayay, wuxuu ku maansooday:
«Ha’» ii tiri horaa
rag ugu lumay, himiladoodiiyee,
hawadooda beentaa ayaa, hebelo eedaynee.
Waxay hoosta gaal uga jiraan, inuu u hiishaayee,
isna inuu halaagguu rabaa, hogab ka tuuraayee,
uu u horkacaa naartiyo, holacyadeediiyee.
Hunguraa u geeyayee anfaco, hooya muu oranee,
hantidooda inuu dhoofiyuu, haabka ku hayaayee.
Oo waliba uu ugu hanjabi, dhiifna ku hadlaayee,
ay hoos indhaha uga rogaan, sida haweenkiisee,
habaaraa ku biirisoo cuqubo, waalidooda horee,
inuu haystaa mooyee wax kale, saw umay harinee!
Waxaa hubaal ah taariikhdu inay Sayid Maxamad u xusuusan
doonto aftahannimo iyo wadannimo; Cali Jaamac iyo raggii la midka ahaana ay ku
xusuusan doonto aftahannimo kaliya iyo dhaqdhaqaaq wadani ah inay colaadin
jirayn.
Qofkii raba, Sayid Maxamad wuxuu dhabtii ahaa inuu
ogaado, ha aqriyo meerisyadan aan leexleexadka lehayn, ee uu ku leeyahay:
Dagaalkii Nasaarada anaa, daalib ku ahaayee,
dalka ma lehid anaa, ku iri doorwayneha,
daliilkii Rasuulka anaa, doonayoo helayee,
anaa diiday maalintuu lehaa, deeqan iga hooyee,
diinkay anaan ku gadan, dabaqii naareedee,
anaan labada daarood, tan hore darajadeeynaynee!
Sayid Maxamad in lagu murmumaa gar waaye, maxaa yeelay,
wax wayn buu ku dhaqaaqay, had iyo goorna ninkii wax wayn ku dhaqaaqaa, gaf buu
ku dhacaa. Ninka aan gafinna waa midka meel iska fariista, oo danta uu leeyahay
iyo midda xaaskiisa uun ka walwala; Sayid Maxamadna, nin jaadkaas ah ma ahayn,
waana ka han waynaa. Taas markii maskaxda la galiyo, oo la isu miisaamo
wanaaggii uu Soomaali u qabtay iyo dhibaadtadii ay Daraawiish qaarkeeda u
geeysadtay, ayaa loo garaabi karaa, lana oran karaa, «Allaale,
wanaaggii uu muujiyay iyo dabkii uu oogay ayaa ina hilmaansiin kara gafafkii uu
ku dhacay iyo goldalooladii uu taliskiisu lehaa». Fikirka wacani,
sidaas buu wax isu barbar dhigaa, mana aho inaynu waqtigayna qaaliga ah ku
lumino wax-dhacsiinta ruuxa canbaareeynta qayaxan u jeeda ama aan xukunkiisa
kala hari karin.
W.Qoray: Axmad F. Cali «Idaajaa»
W. laga soo
qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 –
1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha
Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.