Afka waa
hanaan naxwe ah ay leeyahiin koox dad ah, ee ah wacyiga guud ee dadkaas ee ay
dunida ku hareeran kula dhaqan galaan; haddaba, afka Soomaaliga wuxuu ka mid
yahay afafkay reergalbeedka ugu wacayn Omo-Tana-ha Bariga ee Kuushka Bariga ee
Dhulalka Hoose. Afka waa kawn cayiman (definite) ee wada hal ah ee la garan
karo, wuxuu ka kooban yahay qayb cayiman ee gundhig ah (nucleus) iyo qayb kale
ee faahfaahsheha gundhigga ah (modifier); qaybta gundhigga ah waa «magaca» ee u
kala sii qaybsama «magac», «tilmaan», iyo «falkaab», qaybta «faahfaahsheha» ah waa
«qurubka» ee u kala sii qaybsama qayb «xiriiriye» ah iyo qayb faahfaashe ah, ha
ahaado mid ka kooban «xarfo» iyo mid ka kooban «sumadaha shaqalada» ee magaca
iyo falka, qaybta sadexaadna waa «falka» ee faahfaasheha magaca ah ee khabar ah.
Naxweha wuxuu ka kooban yahay qaabka (morphology) ee erayada qaamuuskiisa iyo
xiriirinta baaqa, macneha iyo dhawaaqyada silsileed ee erayadiisa ee loo
yaqaano weerayn (syntax).
Qaabka
Qaabka salka
(morpheme) wuxuu ka kooban yahay kuwo iskawda u taagan sida «geesi; nin; naag;
wiil; gabar; far; af; dhag; san; il; kán; tán», ama dibyaalada iyo qodabka muujiya
«ú, kú, ká, lá»; iyo kuwo ka kooban jiridda salka (gundhigga erayga) iyo
jiridda korarka (derivative), kan hore waa erayga laftigiisa ee madoorsame ah ee
macnehiisa sida, eena ah jiridday ku dibkabmaan isrogrogga (inflexion)
doorsameha ah ee siiya jiridda naxwe-ahaan baaqa dirkiisa (class), waxaa ka mid
ah magacyada qaabka jinsiga ama wadarta muujiya «-é, -ó»; wuxuu jiridda salka ahaan
karaa «fal», «magac», «tilmaan» ama «falkaab», ka soo qaad erayada sidta «-e»
ee ah erayga yeeleha labka tilmaama, inkastoo tusaalooyinkan ay yahiin magac
guud ee matala jinsiga labka «aabe; waraabe; aadane» ama kuwa «-o» sidta ee
magac dhadig guud ah «hooyo; eedo; dhugmo; xumo; huryo»; tusaalooyinka hoose
waa eray sal ah«geesi» iyo siduu eray korar ah u naqodo:
Lawxa 1
Dibkabaha ee jiridda erayga «geesi»
iyo «isrogroggiisa»
|
|||
Jiridda salka
|
+ dibkab
|
Jiridda korarka
|
Macneha iyo dirka dibkabka
|
Gèesi
|
+ -ø (-ka)
|
Geesiga
|
Jinsi kali ah ee lab ee tifaftireha qodabka; iyo magaca erayga
|
+ -ø (-ta)
|
Geesida
|
Jinsi kali ah ee dhadigga kaliya
|
|
+ -o (-ta)
|
Geesiyo (da)
|
Jinsi kali ah ee dhadigga kaliya
|
|
+ -o (-ta / -ha)
|
Geesiyo (-da /-ha)
|
Tiro wadar ah
|
|
+ -ooyin (-ka)
|
Geesiyooyin (ka)
|
Tiro wadar ah ee raacda «-o»da wadarta ah ama
«-e»da ee labka kali ah
|
|
+ -aal (-ta)
|
Geesiyaal (-sha)
|
Tiro wadar ah
|
|
+ kan
|
Geesigan
|
Tifaftireha rug dhaw tilmaame
|
|
+ kaa(s)
|
Geesigaa(s)
|
Tifaftireha rug fog tilmaame
|
|
+ kii
|
Geesigii
|
Tifaftireha duruufta
|
|
+ kaa(ga) / kaa(da)
|
Geesigaa(ga) / geesigaa(da)
|
Tifaftireha lehaanta
|
Lawxa 2
Dibkabaha ee jiridda salka «geesi»
ee jirid-korarsha
|
|||
Jiridda Salka
|
+ dibkab
|
Jiridda Korarka
|
Macneha iyo dirka dibkabka
|
+ -nimo (-ta)
|
Geesinimo (da)
|
Tayo cilanaad ah
|
|
+ -an / -san
|
Geesiyan / geesisan
|
Tilmaan
|
|
+ le (< leh), (-ha)
|
Geesile (ha)
|
Kan geesi ah
|
|
+ ley (< leh + (h)ay = lehay), (-ta)
|
Geesiley (da)
|
Tan geesi ah; iyo kuwa geesi ah
|
|
+ -laawe
(-la’aw + e) (-ha)
|
Geesilaawe (ha)
|
Macneha erayga jiridda salka la’an.
|
|
+ -aal (awl),
-ool (awl),
-iil (ayl)aminka tagtada.
|
Geesi-aal (ka);
sida, jafaal(ka): meesha geedka laga jafo (jilifta geedka); jeedaalo
(da): dhugasho wax meel durugsan jooga.
|
Meel geesinimo taasho
|
|
+ -(ah)(h)aan (-ta) /
-(ah)(ha)naan (-ta)
|
Geesinaan (ta) / geesisanaan (ta)
|
Ahaanta / ahnaanta erayga jiridda salka ah
|
|
+ -(ah)(h)iin (-ta) / -(ah)(ha)niin (-ta)
|
Geesiniin (ta)
|
Ahiinta / ahniinta erayga jiridda salka
|
|
+ -daro (-ta)
|
Geesidaro (da)
|
Ka maqan / aan lehaynin macneha jiridda salka sido.
|
|
+ -(ah)(h)aad (ahhawd) / -(ah)(h)ood (ahhawd)
|
Geesiyaad / geesiyood
|
Tilmaan
|
|
+ -(ah)(h)eed (ahhayd)
|
Geesiyeed
|
Tilmaan lehaan ah
|
|
+ -(ah)(h)aw!
|
Geesiyaw! / geesiyahaw!
|
Yeermo qofka kaliga ee jinsiga labka iyo wadarta labka ku saabsan
|
|
+ -(ah)(h)ay!
|
Geesiyay! / geesiyahay!
|
Yeermo qofka kaliga ee dhadiga iyo tirada wadarta ku saabsan
|
|
+ -(ah)(h)aw
|
Geesiyaw
(Geesi ahaw)
|
Falgaliska «geesi» ee codka «naqosho» ah (inchoative)
|
|
+ -(ah)(h)ay
|
Geesiyay (geesi ahay / geesi aheey)
|
Falgaliska «geesi» ee codka «dhabayn» ah (factitive)
|
Lawxa (2)
dibkabka «-nimo» waa kan kaliya aanan fal ahaynin. Hadduu dibkabka ka bilawdo
shaqal, uuna magacana ku dhamaado shaqal waxaa u dhaxeeya shibaneha «-y-», goortay
naqodto dibkabyada «-ahaw» iyo «-ahay» sida «ninyahaw!» iyo «naagyahay!» ama
«nimanyahay!» shibaneha «-y-» baa ku dhaxkabma si ay ugu ekaanin isrogrog
faleed bal ee ay u yeeshaan macne ee yeermada qofka lala hadlayo. Labo eray
kala jirid qaba ee kala macne leh waa laysku kabi karaa oo ay naqodaan eray
cusub isku kaban ama isku-kab ah, sida labo magac isku kaban «jaan + gari =
jaangari», magac iyo tilmaan isku kaban «jaan + dheer = jaandheer», magac iyo
fal «jaantus, jaanqaad, jaanrog, jaango’, jaanguur, jaansaar». Waxaa kaloo jira
horkab xubno fal ah ee falka macnehiisa korarsha, sida magac-u-yaal iyo fal
«istus / istun / istustus» oo kan danbe fal celcelis ah (frequentative),
magac-u-yaal iyo dibyaal (postposition) iyo magac fal ah ee ficil naqon kara
ama uu naqon karin «iskufac, iskuduw, isutag, islamar, isla yaab, iskujoog».
Magac
Magac waa
eray loo adeegto in lagu tilmaamo dad, xayawaano ama waxyaalo ee iskawda u
taagan, ee naqoda wax dhab u jira ee la taaban karo «caadyaal» (concrete) ama
aanan jir-ahaan u jirin ee maskaxda ama dareenka ka jira «cilanaad» (abstract),
tusaale:
I.
Caadyaal: guri, ganbar, Soomaaliya, jaal,
faras...
II.
Cilanaad: jacayl, geesi, damac, xaqirnaan,
duulitaan...
III.
Guud: guri, jaal, faras, dal, sharikad...
IV.
Gaar: Soomaaliya, jaalkiisa, faraska
Cali, sharikadda Airbus...
Magacyada
Soomaaliga waxay u kala qaybsamaan lab iyo dhadig. Waxayna ka koobmaan magac
magac ah, ama magac falkaab ah, ama magac tilmaan ah. Hadday labo xubno ama ka
badan ka koobmaan waxaa xubnaha lagu magacaabaa xubinta gundhigga u ah xubnaha
ee ay oraahdu ku sacodto: «ninka danbe» tusaalehan waa labo magac, xubinta hore
waa tan oraahda gundhig u ah ee waxa oraahdu ku saabsan tahay ah, xubnaha kale,
tifaftireha qodabka ee magaca gundhigga «ninka» iyo magaca falkaabka ah «danbe»
ee tilmaanta ah waa faahfaahsheha ee
gundhigga magaca ah, sidaas dartaydna waa xubno magac ah ama koox magac ah ama
oraah magac ah (syntagma nominal), «meel danbe» gundhigga xubnaha waa magaca falkaabka
ah «meel», sidaas dartaydna waa xubno falkaab ah (adverbial syntagma), «ninkan halkan
jooga» xubnaha faahfaahiya magaca ee khabarka ah wuxuu ka kooban yahay
xubin falkaab layeele ah iyo xubin fal ah, xubinta gundhigga u ah waa falka,
sidaas dartaydna waa xubno fal ah (verbal syntagma), khabarkanna faahfaahiyeha
ah waa oraah tixraah ah (ee tixraacda madaxay faahfaahiso) (relative), sidaas
dartaydna waa xubno tilmaan ah (adjectival syntagma), «kuwa nimanka ah» waa
oraah gundhiggiisu yahay magac-u-yaalka cayiman (definite) «kuwa», sidaas
dartaydna waa xubno magac-u-yaal ah (pronominal syntagma); afka Soomaaliga
dibyaalada (postposition) ma naqodaan gundhig xubneed waayo waxay ka mid yahiin
xubnaha dhidban ee falka ee uu falku gundhig u yahay, sidaas dartaydna ma qabo
xubno dibyaaleed (postpsitional syntagma). Waxaa jira magacyo matirsame ah ee tiro
kali ah ee matala wadar koox ah, sida: «ari(ga), raxan(ta), xayn(ta), koox(da),
dad(ka), horin(ta), urur(ka), xer(ta)», iyo kuwo matirsame ah: «saliid (da),
biyo (ha), ciid (da), bur (ka) – daqiiq (a)» erayga «biyo(ha)» wuxuu leeyahay
qaab wadar ah (jirid sal + wadar = jirid korar)«bi + -o(ha)» laakiin matirsame
kooxeed ah.
Intaynan ka
hadlin magacyada tirsameha, waxaa haboon inaynu sheegno habdhaca codaynta Soomaaliga,
taas waa in silsilada dhawaaqa ee eray uu ku duldhaco alan ama uu xoogsaaran
yahay dhawaaq ee dhawaaqyada uu ka kooban yahay erayga ee loo yaqaan «alan» (syllable);
alanku wuxuu u qaybmaa: alan furan, waa kan ku dhamaada shaqal, alan xiran waa
kan uu soo xiro ama ku dhamaada shibane, alab gaaban waa kan shaqal gaaban leh,
alan dheer waa kan shaqal dheer leh ama ku dhamaada shibane daciif ah ama
shibane ee shibanenimadiisu ay cillad tahay ee u dhaqma sidii isagoo ahaa
shaqal ee shaqalkuu shibanehan daciifka raaco wuxuu naqodaa «shaqal shibane
daciif» ah (diphthong) «aw, iw, uw, ow, ew» iyo «ay, iy, uy, oy, ey» sida falka
«a-haw-daa» ee sadex alan leh, alanka «haw» waxaa loogu dhawaaqi karaa si shaqal
dheer ah «a-háa-daa»; alan «codkac» ah, waa alan codkiisa kor u qaadan goorta
loo eego alanada dhinacyadiisa ka jira, ee laga soo qaadtay erayga Laatiinka
«acūtus» ee isna laga soo qaadtay naxwe-ahaan erayga Giriigga «tónos oksýs» ee shaqalka ku kordhawan «ά», oo labaduba la macne ah «cod fiiqan»; alan «coddhac» ah, waa alan codkii
kacay hoos uga soo dhaca, ee laga soo qaadtay Laatiinka ee isna naxwe-ahaan ka
soo qaadtay Giriigga «tónos
barýs» ee shaqalka ku kordhawan «ὰ», oo labaduba la macne ah «cod culus»; waxaa
jira alan kale ee tilmaama codkac kadibna coddhac ee ay Giriiggu ugu
magacdarayn «perispōménē», astaan kor u kacan haddana hoos u dagan «ᾶ» uu Giriiggu shaqalka ku kordhawo, ee
Laatiinkuna uu u soo tarjamay «circumflexus» ee la macne ah «si isku wareeg ah u
laaban / isku laaban» ee uu Laatiinka si xagal hoos u jeedda ugu kordhawo
shaqalka «â» ee ah codka xagasha. Soomaaliga wuxuu leeyahay sadex habdhac codayn
ah: «codkac» (high tone / accute accent) ee naqon kara Soomaaliga cod kaca
(rising tone) ama cod kacan (high tone) tusaale, magacyo: «dhág(ta), góol(sha),
dáb(ka), hílib(ka), odáy(ga)», falkaab «shálay», tilmaan «dháw», fal «íibi!,
dhís!, hél!»; cod dagan (low tone) ee codayn la’aan ah; iyo «coddhac» (falling tone
/ grave accent) tusaale: magac «càar(ka), wàyl(ka), àwr(ka), càws(ka),
damèer(ka), shìikh(a)», fal «ràag!, kèen!, qàad!, ká tiirsanàw!»; habdhaca codayntan
waxay kala saaraan iska soohorjeedka labka iyo dhadiga ee tirada kali iyo iska
soohorjeedka labka kaliga ah iyo wadartiisa ee jinsiga dhadiga ah (eeg buugga
Somali «Soomaali» ee John Saeed «Saciid» 1999); habdhaca codka ama alankuu ku
dhaco xoogga codka waxaa laga soo xisaabiyaa kan ugu danbeeya: alanka «aakhirka»
(ultima), kan soo xiga waa alanka «aakhirka kahor» (penultima), kan sii xiga
waa alanka «aakhirka kahor hortiisa» (antepenultima), kan ugu horeeya waa
alanka «hore», xoogga codka wuxuu labka kali ah ka saarmaa alanka aakhirka
kahor, wuxuuna dhadigga kali ah iyo wadarta jinsiga dhadiga ah ka saarmaa
alanka aakhirka. Sida looga soo warin karo buugga Saciid, xoogsaarka codka
Soomaaliga waxaa saameeya culayskuu codka ku leeyahay alanka «culayska alanka»
(mora) ee ku dhaca shaqalka; shaqalka halka alan wuxuu leeyahay hal culays ee
loogu waco «alan khafiif ah», shaqalka dheer ama shaqalka shibaneha daciifka (diphthong)
wuxuu leeyahay labo culays, ee loogu waco «alan culays ah»; Soomaaliga wuxuu
leeyahay labo cod aasaas ah «cod kacan / cod sare» (high tone) ee laga maqli
karo codkaca iyo «cod dagan» (low tone); shaqalada dhaadheer iyo shaqalada
shibaneyaasha daciifka isdaboraaca ee «cod sare iyo cod dagan» wuxuu u soo
baxaa sidii «coddhac» (falling tone); shaqalada dhaadheer iyo shaqalada
shibaneha daciifka isdaboraaca ee «cod dagan iyo cod sare» wuxuu u soo baxaa «cod
sare / kacan» (high - high tone) ee jeer ka jeer loo maqlo sidii «codkac»
(rising tone). Habdhaca codka ee uu culayska alanka keeno wuxuu leeyahay afar habdhac:
1- cod kacan ama sare baa ku dhaca culayska alanka aakhirka, alanada kale waa
cod dagan, 2- cod kacan ama sare baa ku
dhaca culayska alanka aakhirka kahor, 3- cod dagan baa ku dhaca alanada culayska
dhan, 4- cod kacan / sare baa ku dhaca culayska alanka hore. Tusaalooyinka hoose
waa tusaalooyin kala muujiya iska soo horjeedka labka iyo dhadiga, coddhaca «à»
wuxuu u qoran yahay sidii codka xagasha «â»:
Lawxa 3
Isku barbardhigga codaynta labka
iyo dhadiga, iyo labka wadardiisa
|
|
Káli - Lab (ka)
|
Káli - Dhadig (ga)
|
Ínan (ka)
|
Inán (ta)
|
Farîid (ka)
|
Faríid (da)
|
Wâyl (ka)
|
Wáyl (sha)
|
Kali – lab (ka)
|
Wadar
|
Ây (ga)
|
Áy (da)
|
Mádax (a)
|
Madáx (da)
|
Soomáali (ga)
|
Soomaalí (da)
|
Áwr (ka)
|
Aw´r (ta)
|
:
Tusaaleha ugu
danbeeya (áwr) ma qabo coddhac ee waa codkac, meesha wadartiisu ku leedahay codka
kacan shibaneha «w´». Caynka kale ee wadarta, shaqalka «-ó» ee codkac leh baa
lagu dheehshaa jirídda kali ah, magacyada qaadta «-ó»da waxay kaloo qaadtaan
wadarta «-óoyin» iyo «-áal»:
Lawxa 4
Wadarta «-ó»
|
|
Mindí (da)
|
Mindiyó (da) / (ha)
|
Náag (ta)
|
Naagó (ha)
|
Ólal (ka)
|
Olaló (da) / (ha)
|
Ílig (ga)
|
Iló (ha)
|
Gacán (ta)
|
Gacamó / Gacmó (da) /
(ha)
|
Qódab (ka)
|
Qodabó / Qodbó (da) /
(ha)
|
Sanbáb (ka)
|
Sanbabó (da) / (ha)
|
Wadarta kale
waxaa lagu dheehaa erayga halka alan ah, waxaana la qaadtaa shibaneha ugu
danbeeya oo «á» codkacan leh ku horkaban:
Lawxa 5
Wadarta «-á + shibaneha ugu
danbeeya ee erayga» iyo wadarta «-óoyin(ka)»
|
|
Dáb (ka)
|
Dabáb (ka)
|
Íl (ta) (l + t = sh)
|
Ilál (sha) / [Iló (ha)] /
[Indhó (ha)] / [Ilóoyin (ka)]
|
Úl (sha)
|
Ulál (sha) / [Uló (ha)] /
[Ulóoyin (ka)]
|
Áf (ka)
|
Afáf (ka) / [Afó (ha)] / [Afóoyin
(ka)]
|
Méel (sha)
|
Meelál (ka) / [Meeló (ha)] /
[Meelóoyin (ka)]
|
Tusaaleha
4aad wadarta «afóoyinka» waxay kaloo tahay wadarta «afo (da)». Erayada magaca
yeeleha ee labka sidta waxay qaadtaan «-áal»:
Lawxa 6
Wadarta «-áal»
|
|
Árbe (ha)
|
Arbeyáal (sha)
|
Bakáyle (ha)
|
Bakayleyáal (sha)
|
Dháme (ha)
|
Dhameyáal (sha)
|
Góle
|
Golayáal (sha)
|
Talíye / Tálshe (ha)
|
Taliyáal (sha)
|
Waxaa kaloo
jira erayo iska yar ee qaadta wadarta «-án» sida «dhagáx (a), ugáx (da)»,
«qálin (ka)», «daris (ka)», «dhagaxán (ta) / dhagxán (ta)», wuxuu
kaloo qaadtaa «dhagaxyó (da) / dhagxó (ha) / dhagaxóoyin (ka) / dhagxóoyin (ka)
/ dhagaxyáal (sha)»; «ugaxán (ta) / ugxán (ta)», wuxuu kaloo qaadtaa «ugaxyó
(da) / ugxó (ha) / ugaxóoyin (ka) / ugxóoyin (ka) / ugaxyáal (sha)»; «qalimán
(ta) / qalmán (ta)», wuxuu kaloo qaadan karaa «qalinyó (da) (ha), qalinó
(da) (ha), qalimó (da) (ha) / qalimóoyin (ka) / qalmóoyin (ka) / qalinyoyáal
(sha) / qalimoyáal (sha) / qalmoyáal (sha)»; «daris (ka) - darsán (ta) /
darsáan (ta)» ee qaadan kara «darisyó (da)(ha) / darsóoyin (ka) / darisyoyáal
(sha)»
Waxaa jira
todabo wadar ee af Soomaali ah: 1- labka kali ah ka soo horjeedkiisa dhadigga
wadarta ah, «Soomáali – Soomaalí / Cárab - Caráb»,
2- labka kali ah ee labolaabkiisa ee shibaneha ugu danbeeya iyo shaqalka «á» «nín
- nimán», 3- «-é» ee labka kali
ah qaadta, «agaasimé - agaasimeyáal», 4- labolaabka ama
celceliska (frequentative / iterative) erayga ee ku dhaca magacyada tilmaanta
ah «wayn – waynwayn / waawayn», «dheer – dheerdheer / dhaadheer», «culus -
culculus», «madaw – madmadaw» 5- «-ó» ee qaadta magacyada labka wadarta ah iyo
dhadigga kali ah, «abwàan - abwaanó»,
6- «-óoyin» ee magacyada dhadiga kali ah qaadta, «dawó - dawóoyin»,
magacyada wadarta ee ku dhamaada «-ó» qaadta «abtiyó – abtiyóoyin; abtiyoyáal»
7- «án / áan» ee magacyo aad u yar
qaadta «ugáx - ugxàn / ugxáan» waa wadar ka yimid falka «fal xaaladeed» ah
(stative) ee muuqaalka gabogabaysan leh (perfective) ee sidta codka «dhaxe», ee
isna ka yimid «fal xaaladeed» ah «ugxàn < ugxid» ama «fal ficileed» ah
«dhagxán < dhagxid». 8- Waxaana jira magacyo laga soo qaadtay afka Carabiga
ee qaadta wadarta Carabigiisa ah iyo wadar Soomaali ah, sida «ficil - afcaal /
ficiló», «xaal / xaalad - axwaal / xaalál / xaaló / xaaladó»,
«waalid - waalidiin / waalidó», «darsi - duruus / darsiyó»;
magacyada waxay qaadan karaan mid ka badan hal wadar, wadar walbana wuxuu
leeyahay macnehiisa gaarka ah.
Magac-u-yaalka
Lawxa 7
Madaxbanaan
(magac ah)
|
Magac-u-yaal dhidban
(fal ah)
|
||
Yeele / Layeele (mawduuc ah)
|
Yeele
|
Layeele
|
|
Kali
|
|||
Aní (ga)
|
Áan
|
Í
|
|
Adí ga)
|
Áad
|
Kú
|
|
Asá / Isá (ga)
|
Úu
|
Ø
|
|
-
|
Lá
(Yeele dahsoon / qoflaawe)
|
Lá
(Lajire - Dibyáal)
|
|
Ayá / Iyá (da)
|
Áy
|
Ø
|
|
-
|
Ís (isyeele)
|
Ø
|
|
Wadar
|
|||
Aná / Iná (ga)
|
Áynu / Áan / Áanu
|
Ná / Ína
|
|
Adín / Idín (ka)
|
Áydu / Áad
|
Idín
|
|
Ayá / Iyá (ga)
|
Áy
|
Ø
|
|
-
|
Ís (isyeele / iswaydaarsi)
|
Ø
|
|
Magac-u-yaalada
kale waa kuwo qoflaawe ah: «míd (ka), mid (da); kán, káa (s); kú, tú; kíi, tíi;
kóo, tóo; káyr (kéer), táyr (téer); kuwó, kuwá, kuwóo, kuwíi, kuwáyr (kuwéer); yáa»;
magac-u-yaalada lehaanta ka eeg «tifaftire».
Dibyaal
Afka
Soomaaliga inta u dhaxaysa madaxa weerta iyo falka waa wada xubno fal ah ee ku
dhidban halkaas ee madoorsame ah; dibyaalada Soomaaliga waxaa la dib dhigaa ama
ay dibyaalaan magac-u-yaalada layeeleha ah ee uu dibyaalku la xiriiriyo
ficilka, sida layeele toosan «aniguu iga hadlayaa», layeele dadban
«aniguu iga yeelay», waa magac-u-yaalka waxa ficilka ku matala magaca ee
uu ficilka marbaba si toos ah uu ula xiriirin; dibyaalada Soomaaliga waa afar
isugu xiga kala horayn leh kuwa shaqalka «ú» leh oo ka hormara kuwa shaqalka
«á» leh waayo midka hore baa ka faacil ah (active) kan danbe, kan danbena uu
yahay mid sal ah (absolutive) «ú, kú,
ká, lá»; sadexda hore waxay muujiyaan ama xiriiriyaan dhaqdhaqaaqa ficilka
(lative), marka «ú» waa dhaqdhaqaaq u jeeda qof ama shay «u jeede»
(allative / directive) ama loola jeedo qof ama shay «loola jeede»
(dative); «kú» wuxuu tilmaamaa dhaqdhaqaaq meel ku dhaca «meelle»
(locative), ama wuxuu tilmaamaa mid wax lagu adeegsado «la adeegsade», (instrumental);
«ká» wuxuu tilmaamaa dhaqdhaqaaq meel ka dhaca ama ka yimid ee «meelle»
ah, si gaar ahna waa «meel ka soo jeede» (ablative), waxaana loo
adeegsadaa magacyada iyo oraahyada laysku barbardhigo (comparative); laakiin «lá»
jeer waa yeele dahsoon ah (agent) ee faacil ah (active), ee qabta hawshuu
yeeleha dahsoon ka qabto afafka ee leh codka «yeeleha gadisan» (passive) ama waa
yeele qoflaawe ah (impersonal), jeerkuu yeeleha yahay wuxuu yeeleyaasha kala
safmaa isku-xigga ee ah (yeele - layeele - dibyaal) oo qaadta rugta yeeleha
(eeg tusaalooyinka 11-15), jeer kalena waa dibyaal «lajire» ah (comitative)
ee yeeleha kula xiriiriya layeeleha dibyaal-ahaan (eeg tusaalooyinka 12-15):
Lawxa 8
Dibyaalka iyo layeeleha
|
||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
í
|
íi
|
igú
|
igá
|
ilá
|
kú
|
kúu
|
kugú
|
káa
|
kulá
|
ná
|
nóo
|
nagú
|
nagá
|
nalá
|
iná
|
inóo
|
inagú
|
inagá
|
inalá
|
idín
|
idíin
|
idinkú
|
idinká
|
idinlá
|
Dibyaalka iyo yeeleha
|
||||
lá
|
lóo
|
lagú
|
lagá
|
lalá
|
ís
|
isú
|
iskú
|
iská
|
islá
|
Lawxa 9
Dibyaal iyo dibyaal
|
||||
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
|
ú
|
ugú
|
ugú
|
ugá
|
ulá
|
kú
|
-
|
kagá
|
kagá
|
kulá
|
ká
|
-
|
-
|
kagá
|
kalá
|
lá
|
-
|
-
|
-
|
-
|
Lawxa 10
Korarka dibyaalka iyo layeeleha
|
||||||
ugú
|
ugá
|
ulá
|
kagá
|
kulá
|
kalá
|
|
í
|
iigú
|
iigá
|
iilá
|
Igagá
|
igulá
|
igalá
|
kú
|
kuugú
|
kaagá
|
kuulá
|
kaagá
|
kugulá
|
kaalá
|
ná
|
noogú
|
noogá
|
noolá
|
nagagá
|
nagulá
|
nagalá
|
iná
|
inoogú
|
inoogá
|
inoolá
|
inagagá
|
inagulá
|
inagalá
|
idín
|
idiinkú
|
idiinká
|
idiinlá
|
idinkagá
|
idinkulá
|
idinkalá
|
Korarka dibyaalka iyo yeeleha
|
||||||
lá
|
loogú
|
loogá
|
loolá
|
lagagá
|
lagulá
|
lagalá
|
ís
|
isugú
|
isagá
|
isulá
|
Iskagá
|
iskulá
|
iskalá
|
Lawxa 11
Magac-u-yaalada layeeleha iyo
yeeleha dahsoon «lá»
|
||||||
-
|
í
|
kú
|
ná
|
iná
|
idín
|
ís
|
lá
|
lày
|
lagú
|
laná / nalá
|
layná
|
laydín
|
làys
|
Lawxa 12
Dibyaalo korar ah iyo «láy»
|
|||||
-
|
ugú
|
ugá
|
kagá
|
kulá
|
kalá
|
lày (la + í)
|
laygugú
|
laygugá
|
laygagá
|
laygulá
|
laygalá
|
Lawxa 13
Dibyaalo sal iyo korar ah iyo
«laná»
|
||||||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
ugú
|
ugá
|
kulá
|
kalá
|
laná (lá + ná)
|
lanóo / nalóo
|
lanagú / nalagú
|
lanagá / nalagá
|
Lanalá
|
lanagugú / nalagugú
|
lanagagá / nalagagá
|
lanagulá / nalagulá
|
lanagalá / nalagalá
|
Lawxa 14
Dibyaalo sal iyo korar ah iyo
«laydín»
|
|||||||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
ugú
|
ugá
|
kagá
|
kulá
|
kalá
|
laydín (lá + idín)
|
laydíin
|
laydinkú
|
laydinká
|
laydinlá
|
laydiinkú
|
laydiinká
|
laydinkagá
|
laydinkulá
|
laydinkalá
|
Lawxa 15
Dibyaalo sal iyo korar ah iyo
«làys»
|
||||||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
ugú
|
ugá
|
kagá
|
kulá
|
làys (lá + ís)
|
laysú
|
layskú
|
layská
|
layslá
|
laysugú
|
laysugá
|
laykagá
|
layskulá
|
Tilmaan (Sifo)
Tilmaanta waa
magac tilmaama tayada wax ama qof (macáan, qaráar, wàyn, yár, cusúb, sán, xún,
cás, cád, adág, ròon, cayríin, nacáb), ama magac fal-korar ah ee codka «dhaxe»
ee «-án» sidta (dhuubán, fiicán, furán, qaawán, qaybán, qaybmán, qaybisán, qaybsán,
gubán, gubmán, gubisán, gubsán); oraah-ahaan waxaa u gundhig ah falka «ah»: 1-
«méel fóg» ama 2- «méel fóg ah» ama 3- «méel ay fóg tahay», tan
hore waa weer ama oraah labo magac kaliya ka kooban ee ah magac iyo tilmaan ee uu
magaca hore ee madaxa u ah uu yahay gundhigga oraahda ama oraah magaceed
(syntagma nominal) ee uu falka «ah» xadaf yahay, tan labaad iyo tan sadexaad
waxaa la jira falka «ah» tan sadexaadna falku wuxuu leeyahay isrogrogga yeeleha,
sadexduba waa weer tixraac ah (tixraaca magac ama magac-u-yaal madaxa u ah)(relative),
tilmaanta «fóg» waa layeeleha ee falka «ah» oo labaduba wada ah khabarka iyo
«faahfaahiyeha» (modifier) ee «méel», oraahda madaxa faahfaahiya ee uu gundhig
u yahay falka «ah» ee ah oraah faleed ama ficileed (syntagma verbal) iyo oraah
tilmaan ah (syntagma adjectival); sida looga arko tusaaleha, faahfaahiyeha afka
Soomaaliga wuxuu raacaa ama dibmaraa magacuu faahfaahsho. Waxaa jira magac
magac kale raaca ee faahfaahsha magaca hore ee la yiraahdo «tilmaan-u-yaalka»
(appositive), tusaale «naagta kalkaalisada»; afka Soomaaliga magacyada
tilmaanta ah ama tilmaan-u-yaalka ah waa tilmaan khabar ah ee falka «ah» u
gundhig ah khabarka, sida «naagta kalkaalisada (ah)», «wabiga shabeele (ah)», «miiska
xafiiska (leh)»; tilmaan-u-yaalka wuxuu naqon karaa falkaab «jidka hortiisa»,
xubno magaceed «badwaynta Hindiya, saaxiibka iyo cadawga
kaluumaysteha», oraah khabar ah «gudiga loo xilsaaray ee hawsha
go’aanshay»; dhamaan waa weer tixraax ah (ee tixraaca magaca) ee ka kooban
«madax + faahfaahiye», waana siday u dhisan yahiin weeraha ama oraahyada
Soomaaliga (xattaa afafka caalamka) naxwe-ahaan, ee uu ka mid yahay weerta
madaxbanaan dhismahiisa (madax «diiradiye» + faahfaahin) laakiin weerta madaxbanaan
waa weer madaxiisu dhabta ah yahay magacuu diiradiyehu diiradiyo ee siiya weerta
macne buuxa ee aanan dhinaynin.
Falkaab
Falkaab waa
eray tilmaama habka ficilku u qabsamo ama loo qabto sidaas dartaydna loogu
magacdaray falkaab (fal kab) laakiin qaar baa lagu horkabaa falka;
falkaabka wuxuu kaloo faahfaahin karaa tilmaanta (sifada) «hab ee àad ú
haboon» iyo falkaab kale. Falkaabyada waxay u kala qaybsan yahiin: falkaab
meeleed «méel (sha), hál (ka), ín (ta)»; falkaab siyaaleed «sí (da),
háb (ka)»; falkaab amineed «máan (ta), bári (ga), máalin (ta), cáawo /
cáwo (da), xálay (da), dóraad (da), kahor, kadib, hiláad (da)...»; falkaabka
tirada ama xoogsaarka (intensity) «ín (ta), àad, úun, qúr / qúra (qúr
ah), káli / káliya (káli ah), xoogaa (ga), dháwr (ka), -bá (qofba waa siduu
yahay), kasta, walba, wali (waligiisa)...» iyo kuwo tilmaan ah «badán, ka
badán, yár, ka yár...»; falkaab qiraaleed «háa, háah, haaháy, nacám»; falkaab
diidmeed «má (ficileed), mayá (magaceed); -bá / -ná, abadba, waligiisa...»;
falkaab shakiyeed «malaha, laga yaabo, mindhaa...». Badanka falkaabka Soomaaliga
waa magacyo, laakiin kuwo qaab gaar ah leh ee uu qaabkaas ka duwo magac-ahaanta
ee qaadta qaabka magaca yeeleha dhadiga «-tó» baa jira «baríto, shálayto,
xálayto, dóraadto»; waxaa kaloo jira
falkaabyo ka mid ah xubnaha ama kooxda falka (verbal syntagma) ee
faahfaahintaas uu falku gundhig u yahay «sóo, síi, wada, kala»; waxaa kaloo
jira magacyo falkaabeed ee u dhaqma faahfaahiyeha falka (verb modifier) sida
«hor-, dib-, dabo-».
Tifaftire
Tifaftire waa
dibkab magaceed (magac, tilmaan, falkaab) ee tifaftira ama faahfaasha ama soo
bandhiga ulajeedada – ee uu ku leeyahay weerta ama oraahda – gundhigga (nucleus)
ee xubnaha weerta iyo faahfaahiyehiisa; waxaana loo qaybshaa: qodab, xoojin, tilmaame,
lehaan, tiro, aqoole (distributive), waydiin, yeermo.
Qodabka: kan labka ah wuxuu ka kooban yahay
shibaneha «k-» iyo «h-», tan dhadigga ahna waa «t-», ee raaca shaqal sumad
siiya (eeg lawxa 16); «-a» wuxuu tilmaamaa naxwe-ahaan meesha ugu hoosaysa ee
uu weerta ama oraahda ku naqon karo magaca la tifaftiro «sal» (absolutive); «-u»
ma tilmaamo «yeele» (subjective / nominative), ee wuxuu tilmaamaa inuu magaca
la tifaftiro «soocane»-ahaan uga soo taagan yahay weerta; «-ii» wuxuu tilmaamaa
inuu magaca la tifaftiro si soocane ah uga soo taagan yahay oraahda laakiin
isagoo la muujiyo xaaladduu ama duruuftuu uga jiro oraahda «soocane duruufeed» ama
xaaladda ama duruufta ee magacaas ee ay hadleyaashu madaxa ku hayaan ama laysla
yaqaano; «-ká, -kú, -kíi; -tá, -tú, -tíi».
Lawxa 16
Sumadaha Shaqaleed
|
|||
Qodabada
|
Magacyada
|
||
Sal
|
Soocane
|
Soocane Duruufeed
|
Xoojiye
|
-á
|
-ú
|
-íi
|
-í
|
Magac Yeele
|
|||
Lab / Dhadig
|
Lab
|
Dhadig
|
|
-áa
|
-é
|
-tó; -só
|
Xoojin: magacyada afka Soomaaliga siday
yahiin waa «sal» qaar waxay qaadan karaan goortay cayimanaynin (indefinite) «í»
ee xoojiya siduu yahay, sida «naagí», «kaní; taní; kaasí; taasí», «niní; nimaní»,
«geeriyí», «hadalí».
Tilmaame: kan labka wuxuu ka kooban yahay
«k-» ama «h-», tan dhadiggana «t-»; hadduu «-án» raaco wuxuu tilmaamaa in
magaca la tifaftiro uu ku sugan yahay «rug dhaw», xattaa hadduunan agjoogin
hadleha; hadduu raaco «-áa (s)» wuxuu tilmaamaa rug aanan dhawaynin ama fog,
xattaa hadduu hadleha sidaas uga fogaynin; hadduu raaco «-áyr / -éer» wuxuu
tilmaamaa fogaan.
Lehaan: kan labka wuxuu ka kooban yahay «h-»
iyo «k-», tan dhadiggana «t-»;
shibaneyaashan waxaa sal u ah shibaneha «h-» ee ay tahay halkay kuwa kale ka
suubsamaan. Goorta hore kuwa lehaanta tilmaama waa magac-u-yaalo oo u kala qaybsama lab iyo dhadig, goortayse
tifaftire naqodaan waxay ku raacaan jinsigay tifaftiraan. Qofka labaad wuxuu
qaadan karaa qodab lab ama dhadig ah jinsiga ku haboonna ay faahfaahshaan,
waxay u badan tahay kan labka ah inuu waagiisa hore ku waafaqi jiray magaca
labka ah, tan dhadiggana waxay ku waafaqi jirtay magaca dhadigga:
Lawxa 17
Magac-u-yaalka lehaanta ee
tifaftire-ahaan loo adeegsado
|
|
Lab
|
Dhadig
|
-hày (ga) / -kày (ga)
|
-tày (da)
|
-hàa (ga), (da) / -kàa (ga), (da)
|
-tàa (da)
|
-hìi (sa) / -kìi (sa)
|
-tìi (sa)
|
-hàyd (a) / -kàyd (a)
|
-tàyd (a)
|
-hayá; -haayá (ga) / -kayá; -kaayá (ga)
|
-tayá; -taayá (da)
|
-hàyn (a) / -kàyn (a)
|
-tàyn (a)
|
-hìin (a) / -kìin (a)
|
-tìin (a)
|
-hàwd (a) / -kàwd (a)
|
-tàwd (a)
|
Magac-u-yaalka
lehaanta waxaa loo adeegsan karaa sidii magac-u-yaalka layeeleha, laakiinse
magac-u-yaalada lehaanta sida magac-u-yaalada layeeleha ah ee qofka 3aad (kali
iyo wadar) way ka maqan yahiin magac-u-yaalada leyaaleha, tusaale:
1-
Maryanaa shalay noo timid, oo na kiin waydiisay (= oo anaga na
waydiisay idinka).
2-
Maryanaa shalay idiin timid, oo na kiin waydiisay ( = oo idinka waydiisay
anaga).
3-
Ilaahaa na kaa siiyay. (= Adigaa Ilaah na siiyay)
4-
Ilaahaa na kaa siiyay. (= Anagaa Ilaah ku siiyay)
5- Waxaan doonayaa inuu sawir nooga kaa qaado. (= inuu sawir nooga «na
+ u + ka» kaa qaado = inuu sawir adiga kaa «ku + ka» qaado; oo anaga noo
«na + u» qaado.
6-
Waxaan doonayaa inuu sawir nooga kaa qaado. ( = inuu sawir nooga «na + u +
ka» kaa qaado = inuu sawir anaga naga qaado; oo kuu «ku + u» qaado
adiga.
7-
Way idinka kay qaadayn. ( = anigay idinka qaadayn)
8-
Way idinka kay qaadayn. ( = adinkay iga qaadayn).
9-
Ilaah baa ku kaaya siiyay. (= anaga buu Ilaah ku siiyay)
1-
Ilaah baa ku kaaya siiyay. (= adiga buu Ilaah na siiyay).
Lehaanta
waxaa kaloo lagu magacaabaa labo magac ee israacsan ee afka Carabiga loogu waco
(ألإضافة), ee tilmaama lehaan, magaca danbe wuxuu tilmaamaa
meeshuu kan hore ka mid yahay, tusaale: «qolka guriga», «dadka magaalada»; tan
labaadna magaca labaad wuxuu tilmaamaa inuu lehaha ama lehaanleha magaca hore yahay:
«guriga walaalkày», «dukaanka Calí».
Tiro: tirada afka Soomaaliga ma aho
tafaftire, dhab-ahaantii waa magac ee madax ama gundhig magaceed ah ee qaadan
kara faahfaahiye (tifaftire, tilmaame, tilmaan... ), tusaale ee tirada ama
tiraaleha (cardinal) ilaa iyo toban: «káw (ga) (da); lábo (da); sádex (a) (da);
áfar (ka) (ta); shán (ka) (ta); líx (da); todabó (da); sidáyd / sidéed (ka)
(da); sagáal (ka) (sha); tobán (ka)»; tiraaleha tobnaadyada tirada ee ah magac
isku xira xiriiriyeha «iyo» midkii la doono baa la hormarin karaa: «káw iyo
tobán; labó iyo tobán; sádex iyo tobán...» ama «tobán iyo káw; tobán iyo labó;
tobán iyo sádex...»; tirada leh «?0» waxay qaadtaan «-tán (ka) (ta)»: «labaatán
(ka); sódan (ka) (ta); afártan (ka) (ta); kóntan (ka); líxdan
(ka) (ta); todabáadtan (ka) (ta); sidáydtan / sidéedtan
(ka) (ta); sagáashan (ka) (ta); boqál (ka) (sha); labó boqál iyo kóntan;
kún (ka); malyùun / milyùun (ka)».
Tirada ama
tiraaleha jagada (ordinal) wuxuu qaadtaa «-áad (ka) (da)»: «kawáad (ka) (da); labáad
(ka) (da); sadexáad (ka) (da); afaráad (ka) (da); shanáad (ka) (da); lixáad
(ka) (da); todabáad (ka) (da); sidaydáad / sideed (ka) (da); sagaaláad (ka)
(da); tobanáad (ka) (da); labaatanáad (ka) (da); boqaláad (ka) (da); kumáad
(ka) (da)» ama «boqaláal (ka); boqalaaló (da) (ha); kumáan (ka); kumáanka kún;
kumanaanó (da) (ha)»; ama «-éed (ka) (da)»; tirada ama tiraaleha tobanaadka
waxaa raaci kara «-éeyo (da)» «tobanéeyo (da); labo iyo tobanéeyo (da);
labaatanéeyo (da); sodanéeyo (da); afartanéeyo (da); kontanéeyo (da);
lixdanéeyo (da); todabaatanéeyo (da); sidaydtanéeyo / sideedtanéeyo (da);
sagaashanéeyo (da); boqaléeyo (da); boqanéeyo (da); kumanéeyo (da)»; ama «-le
(ha) / -áale (ha)» «kawle; labole; sadexle; afarle; shanle… tobanle… sagaashanle,
boqale, boqalaale, kumanle, kumanaale».
Tirada ama
tiraaleha jagada ee jabjabka: hadduu kala bar yahay waa «bár; nús», «waax / rubuc
/ rubi» haddii kale «sadexdii méel, méel» «sadexdii meeléed, méel» ama «méel
sadexéed; labó meeléed; sadex meeléed, afar meeléed... »
Tirada ama
tiraaleha jagada ee laablaabka waxaa la raacsiiyaa «-láab (ka)», «laboláab
(ka); sadexláab (ka); afarláabka; shanláab (ka)... tobanláab (ka)...
sagaashanláab (ka); boqalláab (ka)».
Tirada ama
tiraaleha qiyaasta leh (indefinite): «Xoogaa, in, dhawr, dhamaan, kulli, gadi,
wax yar, wax xoogaa, qaar, iska badan, iska yar, iska dhaxdhaxaad, tiro badan,
tiro yar, tiro aanan badanaynin, intan, intaas, inta badan... ».
Aqoole: waa tifaftire tifaftira xubno koox
ah ee uu mid walba iskiisa u taagan yahay ee culayska ka wada dhaxeeya
aqoolsadaan ama qaybsadaan; tifaftireyaasha aqooleha (distributive determiner)
waa: «kasta, walba; -ba, -na» ee weer tabineed iyo weer diidmeed ay yeelan
karaan.
Waydiin: tifaftireha waydiinta waa madaxa ee
weerta; «maxaa» waa oraah magac ah ama magaceed, meesha «ma» uu yahay oraah
ficil / fal ah ama ficileed / faleed; kan danbe goorta la diiradinayo magaca
waxaa la adeegsadaa diiradiyeha «ayàa / bàa», «ma Cali baa / ayaa yeelay?» «ma
Cali buu / ayuu siiyay?», «ma ayuu siiyay? / mayuu siiyay?» ama falka «ah» ee xadafsan
«ma Cali baa?». Tifaftireyaasha waydiinta waxaa lagu dibkabaa tifaftireha
qodabka ama magac-u-yaalka: «-èe», «ninkèe?» «kú + èe = kèe?», «kuwo / kuwa +
èe = kuwèe?», «má + èe = mée?», «méeyay?», «méeday?», «sí + èe = sèe?»; «ma»
waxaa lagu dibkabaa magaca ama magac-u-yaalka «qofma?», «ayoma?», «kú + má =
kuma?», «tú + má = tuma?», «kuwama?», «shinma?»; waydiimaha kale waa «yàa»,
«ímisa», «méeqa», «saw» tusaale: «sawtuu taas yeelay?».
Yeermo: yeermada waa dhawaaq loogu yeero
qof isagoo loogu yeerayo si xamaasad leh ee dareen sidta, ha ahaado, layaab,
cajab, cabsi, caro, farax, i.w.m. yeermada Soomaaliga ma aho tifaftire, laakiin
kan kaliya ee tifaftire ah waa «maxaa!» sida tusaaleha «bal maxaa si u jira!». Waxaa
jira mid dibkab naxweed ah, ee kali-ahaan qofka loola jeedo lab ah uu ku
dibkabmo «-aw! / -yahaw!» ee ka yimid «-haw! / ahhaw» sida «Caliyaw!»,
«ninyahaw!», ama haddii qof dhadig kali ah loola jeedo waxaa ku dibkabma «-ay!
/ -yahay!» ee ka yimid «-hay! / ahhay!» sida «Canabay!» «gabaryahay!»; labka
wadarta ah waxay qaadtaan «-aw! / -yahaw!» iyo «-ay! / -yahay!»; dhadigga
wadarta waxay qaadtaan «-ay! / -yahay!»; mid kale waa dibkabka «-(h)aa!» ee ka
yimid «ahhaa!» sida «ciyawaa! (ciyaw + ahhaa!)», «meeshu baabuur badanaa!
(badan + ahhaa!». Waxaa jira erayo iskawda u taagan ee yeermo ah: «àa!» ee
cabbira xanuun, daal, murugo i.wm., «aqás!» ee cabbira dareen lablab ah, yasmo,
i.w.m., «Álla!» ee cabbira layaab, cajab, i.w.m., «bága!» ee cabbira wax u
bogid, farxad, i.w.m., «cáku!» ee cabbira wax kahasho, wax nacbaysasho, i.w.m.,
«cár!» «wír!» ee cabbira u digid ama ka dalbasho qofka loogu yeerayo hadduu
isku dayi karo ama ku dhaci karo, «waawaray!» ee cabbira argagaxid, baqdin, «war!»
ee cabbira layaab, cajab, ama loogu yeero qofka la baraarujinayo ama wax loo
tilmaamayo, «yáw!» ee cabbira qof habaarid, «wày!» ee cabbira cajab, layaab; ama
cabbira ciil dartiisa ama iscanaanasho.
Xiriiriye
waxaa jira
labo cayn xiriiriye ah; xiriiriye ee oraah khabar ah ee dhiman (oraahda
faahfaahinta ee tixraaca magaca iyo oraahda faahfaahinta ee hoosjoogga
falka aasaaska ama oraah aasaas ah) iyo xiriiriye ee magacyda
oraahda (magac, tilmaan ama falkaab) ama oraahyo madaxbanaan (aasaas
ah), ama oraahyo dhiman (ka kuwa xiriiriyeyaasha weerta hoosjoogga:
Naxweha Af Soomaaliga: weerta), kuwan waa xiriiriyeyaasha magaca ah:
Xiriiriyeyaasha
waxay u kala qaybmaan: isku-daboride (copulative, additive, cumulative)
«Cali iyo Caynab», «Cali wuu tagay, (ee / oo) Caynabna
way tagtay», «Cali iyo Caynab, midna ma tagin»; kala-daboride
(disjunctive, alternative) «ama Cali baa tagay ama Caynab baa
tagtay»; isku-lid (adversative) «Cali baa tagay, Canabse
way hartay», «Cali baa tagay, Canabna way hartay», «Cali wuu tagay, hase
yeeshee Caynab baa hartay»; natiijeed (illative, inferential)
«aad buu u shaqeeyay, ee (oo) wuu nasan karaa», «waan ku gudbay
imtixaanka, sidaas dartaydna (taas awgaydna, haddaba),
shirkadda waan ka raadsan karaa shaqo»; aqoole (distributive) «haddana
wuu farxaa, haddana wuu murgawdaa»; faahfaahshe (expletive)
«Canab gurigay ku hartay, (taas) oo ah / (taas) ee ah, way
doonaysay guri joogid».
Dhawaaq-sawir
Dhawaaq-sawir
(ideophone) waa erayo dhawaaq-dhaanjin (onomatopoeia) dabiici ah, ee sawir-ahaan
u qabta una soo gudbiya dhawaaqaas. Dhawaaq-sawirka Soomaaliga waa erayo magac dhadig
ah kaliya, waxaana kuwa afka Soomaaliga goorta loo eego xagga shanta dareemeyaasha
«maqalka, aragga, taabashada, dhadhanka, ursashada» ka maqan dareenka «aragga»,
waayo afka Soomaaliga wuxuu leeyahay jaadad kala duwan ee aragga wax ka sheega
sida «madaw» iyo «yusur» ee midab madaw dhaldhalaal leh ee ay tinta muujiso. Dhawaaq-sawirka
afka Soomaaliga inkastuu yahay eray magac ah, haddana wuxuu cabbiraa ficil iyo
xaalad isbaddalka, ee ma cabbiro mawqifka ama xaaladduu ku jiro. waxaa erayadan
si loo ficilgalsho la adeegsadaa falalka «dhahid», «iraahid» iyo «sìin». Waxayna
Cabdulqaadir Salaad Dhoore iyo Mauro Tosco «”111 Somali Ideophones”. Journal of
African Cultural Studies. 11, no 2 (December 1998): 125 - 156» u kala qaybshayn
dhawaaq-sawirka Soomaaliga afar koox:
A.
Dhaqdhaqaaq, oo isana si guud ah loo kala qaybin karo:
a. Dhawaaq-sawir cabbira jaho dhaqaaqeed
i.
Dhaqdhaqaaq bilawbid ama galid: «big dhah, ee soo laabo», «dabkii
baa búl yiri», «hooyadii baa haf tiri»; «bidaar baa ku sibiq
tiri», «aqalkii buu daf yiri», «mindi baa ninkii shuq tiri»,
ii.
Dhaqdhaqaaq soo baxid, soo fuqid leh: «xariggii baa fag yiri»,
«qandhadii markay jabtay ayaa dhidid fax ka soo yiri», «canjeeradii fush
(fush) ayay tiri», «harameha gaf ka soo sii», «libaax baa jiqda fud
ka soo yiri»,
iii.
Dhaqdhaqaaq hoos u dhacid, soo
dhacid: «biyahii baa shalalab igu soo yiri», «roobkii baa shalaab soo
yiri», «shilin baa shuluq biyaha igaga yiri», «wub buu dhagaxii dhulka
ku yiri», «cunuggii baa dhulka wab ku yiri», «caano ayuu biliq biliq
ku siiyay»,
b. Dhawaaq-sawir cabbira habka
dhaqadhaqaaqa: «darbigii ayuu balaw ka yiri», «caanahii baa gab
yiri», «jidkii baa sag yiri», «gaarigii baa agtayda xuf ku yiri»,
«ushii ayuu huf huf ka siiyay», «arigii baa baw baw yiri»,
B.
Dhawaaq-sawir dhaqdhaqaaq garaacid:
a. Dhaqdhaqaaq garaacid leh: «sarbi baa wash
laygu siiyay», «iriddii ayuu kub kub ka siiyay», «iriddii ayaa qab
tiri», «biyahii ayuu mar qab ka siiyay», «qorigii qac yiri baa iga
naxshay», «koortii baa qalaw qalaw tiri», «naftii baa qalaw ka
tiri»,
b. Dhaqdhaqaaq jabid, jarid ama jeexid,
bujin leh: «ushii bay qac ka siisay»,«lugtiisa ayaa bash tiri»,
«dhalo ayay madaxiisa bash ku siisay», «shaarkii ayaa duudka dhac
ka yiri», «sabuulkii baa dhiliq yiri», «qarinkii ayuu dhash ka
siiyay», «nabarkii baa dhag yiri», «sakiin buu dhag ku siiyay», «boocii
buu dhuc ka siiyay», «qodax baa tush igu tiri», «mindidii cusbayd
buu hilibkii xaf kaga siiyay»
C.
Dhawaaq-sawir dhawaaq soo saara ama mid baxsha dhawaaq iyo if: «shinbirahii
baa jiiq jiiq leh», «dacaskiisa ayaa jiiq-jaaq yiri», «dabkii baa
daangadii jac jac ka siinaya», «caleemaha ayaa jac jac leh», «jaq
iyo juqdii buu gabay», «warmahii baa meel fog halalac ka yiri», «nalkii
baa big (big) leh», «nalkii meel fog ayuu bilig ka yiri»,
«hilaacii baa wac yiri», «qalbigii ayaa wac yiri»,
D.
Kuwo iskudhafan ee baxsha macnooyin kala duwan, sida dhimasho dagdag leh,
dilid, wax cabid ama wax cunid: «ushii buu qalaf ninkii uga siiyay», «dabkii
baa dam yiri», «cuntadii ayuu dam siiyay», «daal awgii ayuu hurdo
dug la yiri», «daacuunkii awgiisa ayaa dadkii gam yiri», «ham
ka sii», «cadkii ayuu juluq ka siiyay».
Sumadaha Magacyada iyo Sumadaha Habdhaca Codaynta
Magacyada af
Soomaaliga waxaa sumad magaceed (case) qaadta magacyada cayiman (definite) ee
ay cayimaan tifaftireha qodabka, goortuu qodabka yahay «-ha; -ka / -ta» taas
waa inuu sumad «sal» ah (absolutive) yahay, goortuu «-hu; -ku / -tu» yahayna
waa sumad «soocane» ama meel uga soo taagan goorta loo barbardhigo sumada salka
muujisa ama hadday magacyada kale ee oraahda ay leeyahiin sumad sal ah, ee
waxaa kaloo qaadta magac-u-yaalada «kú» iyo «tú» ee tilmaama kuwa gooni u
soocan ee qoflaawe ah (impersonal), goortuuna «-hii; -kii / -tii» yahay waa
sumad «soocane duruufeed» ama tilmaama inuu magaca yahay wax ama qof maskaxda
wada hadleyaasha uga jira ama si gooni uga dhaxeeya aminkuu doono ha ahaado, ee
duruuf ay wada wadaagaan leh, ama u tilmaama si iska soo horjeed ah aminada
kala duwan «barigii, maalintii, habeenkii, galabtii...», waxaa kaloo qaadta
magac-u-yaalada «kú» iyo «tú» ee naqoda «kíi» iyo «tíi». Magacyada aanan
cayinaynin (indefinite) waxay qaadtaan «í», taas waa haddaynan «í» ku
dhamaanin, ee siiya «xoojin» (emphasis) aanan waxna ka baddalin magaca sumadda
qaadta.
Sumadahan aan
kor ku soo sheegay, siiba «í» iyo qodabka «-hú; -kú» baa lagu sheegaa inay
yahiin samado «yeele» ah (subjective / nominative) laakiin dhabtu waa inuunan
midna ku saabsanaynin yeele. Sumadaha qodabada iyo tan shaqalka «í» goorta laga
reebo, magacyada ee sumad la’aan ah waxay ku xiran yahiin habdhaca codaynta ama
xoogsaarka codka ee saameeya culayskuu codka ku leeyahay alanka ama «culayska
alanka» (mora) ee ku dhaca shaqalka; habdhaca codaynta wuxuu magaca u saameeyaa
hadba hawshuu ugaga jiro weerta; waxayna kala yahiin «sal» (absolutive) ee ah
siduu magaca yahay isagoo aanan hawl galin, goortuu hawl galona magaca «salka»
ah waa «layeele» (objective / accusative) laakiin sumadda ama habdhaca codka
layeeleha waa isla «sal»kii (absolutive); tan kale waa goortuu magaca yahay
«yeele» (subjective / nominative); tan kalena waa «lehaan» ama «lehaanle»
(genitive) iyo tan «yeermo» ah (vocative), ee xattaa qaadan kara sumadda «-aw!;
ahaw! / -ay!; ahay!»; sumadaha habdhaca codaynta waa: 1- «sal» absolutive ee
codkuu sal-ahaan ku sidto leh; waa habdhaca 2aad «cod kacan ama sare baa ku
dhaca culayska alanka aakhirka kahor»: «Cáli», «Faadúmo»; 2-
«yeele» subjective ama nominative ee ka luma codka salkiisa ee habdhaca 3aad ah
«cod dagan baa ku dhaca alanada culayska ee dhan»: «Cali», «Faadumo»; 3-
«lehaan» ama «lehaanle» genitive ee habdhaca 1aad leh «cod kacan ama sare baa
ku dhaca culayska alanka aakhirka, alanada kale waa cod dagan»: «Calí»,
«Faadumó»; 4- «yeermo» vocative ee habdhaca 4aad leh «cod kacan ama sare
baa ku dhaca culayska alanka hore»: «Cáli», «Fàadumo». Habdhaca
codka Soomaaliga waxaa saameeya siduu naxweha u dhisan yahay; ka soo qaad diiradiyeha
«baa / ayaa» magacuu diiradiyo, ha ahaado yeele ama layeele, habdhaca ma is
baddalo, laakiin waxaa isbaddala habdhacuu falka qaadto goortuu yahay yeele, ee
culayska alanka (mora) wuxuu ugu dhacaa aakhirka alanka falka si cod kacan ah ama
cod sare (high tone), tusaale:
1-
Áxmad bàan arkay. (layeele)
2-
Áxmad bàa i arkáy. (yeele)
Waxaa jira oo
kale sumadahay matalaan dibyaalada (postposition) ee dibyaala kaliya magac-u-yaalada
dhidban ee layeeleha dadban ama layeeleha toosan ee falalka magudbeha ah, sida
falka «hadal» iyo «ká qósalsii»; inkastooy sumad u yeelin magacyada haddana
sumadahay matalaan iyo sumadaha habdhaca codaynta waa: 1- «sal» absolutive;
«yeele» nominative; «lehaan» ama «lehaanle» genitive; «yeermo» vocative; waa
kuway Kuushka Omo-Tana ee uu Soomaaligu ka mid yahay leeyahiin iyo inta badan
ee afafka Kuushka; sumadahay afafka Omo-Tana ku matalaan dibyaalada waa: 1- «ú
jeede» allative; 2- «loola jeede» dative; 3- «meelle» locative; 4- «la
adeegsade» instrumental; 5- «meel ka soo jeede» ablative; 6- «la jire»
comitative; (eeg lawxa 18).
Lawxa 18
Dibyaalada ee afafka Omo-Tana
|
||||||
Soomaali
|
Rendiile
|
Boni
|
Dhaasanaq
|
Arbore
|
Elmolo
|
|
u jeede
|
ú
|
í
|
ú
|
ká
|
||
loola jeede
|
ú
|
í
|
ú
|
kí
|
ka
|
ka
|
meelle
|
kú
|
ká
|
kí
|
gaa
|
ka
|
|
la adeegsade
|
kú
|
ká
|
kí
|
kí
|
kaŋ
|
ka
|
meel ka soo jeede
|
ká
|
ká
|
kә
|
gaa
|
ka
|
ka
|
la jire
|
lá
|
leé
|
lí / ní
|
kí
|
Dibyaalka
«kú» ee «meelle iyo la adeegsade» ah, waxaa u sii dheer «waxaan guriga ku galay
si qarsoodi ah» taas ee ah inuu qabto hawl «duruufeed» (circumstantial). Afafka
Omo-Tana sida Soomaaliga waxay hawsha magacyada ku sumadeeyaan habdhaca
codaynta, sida af Soomaaliga sumad hawsha magacyada lagu kala garan karo ma
qabaan; xattaa haddii sumadaha ee habdhaca codaynta ay wax macne ah siinin wali
magacyadu waxay yahiin kuwo «sal» ah, «yeele» ah, «layeele» ah, iyo sumadahay
dibyaaladu matalaan, iyo sumadaha tififtireyaasha qodabka qaadto iyo «í»da ee
magaca aanan cayimanaynin, dhamaan waa kuwo wada dhab ah ee jira.
Xagga
sumadaha magacyada, afafka Kuushka waxaa loo kala qaybshaa labo: afafka Kuushka
Bariga ee Dhulalka Hoose ee ku leh layeeleha sumadda «sal»ka ah (absolutive) iyo afafka Kuushka Dhaxe,
Kuushka Waqooyiga iyo Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare ee ku leh layeeleha
sumadda «layeele»ha ah (accusative); inta kale ee sumado waa isku mid, sida
«yeele» nominative, «meel ka soo jeede» ablative, «meelle» locative, «la
adeegsade» instrumental, «lehaanle» genitive, «u jeede» allative / directive, «loola
jeede» dative, «la jire» comitative; qaar waxay leeyahiin dhamaan, qaarna in ka
yar.