Magacaygu waa af Soomaali. Da’dayda ma aqaan. Ha yeeshee
in dhaaxa waan soo joogay. Tartan badan waan soo maray. Afaf gumeeyste ahaa
waan ka guuleeystay. Waan jiray. Oo noolaa. Galad Eebe ha iga gaaree, intii uu
Islaamku ku faafayay gayiga aan ku noolahay waxaan iska caabiyay in aan liico —
dabargo’ warkiisaba daay. Kuwo aan dagaan ahaan iga fogayn iyo kuwo kaloo igula
noolaa Afrika waxaa ka xoogbadtay afafkii qalaad ee gumeeysanayay. Anigu waxa
aan gabaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolasha si
dhameeystiran u cabbiri karo.
Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii
gabayaasha. Garab ayaan ahay. Aniguu i kaashadaa Soomaali walboo uu haleelay
jacayl ugub ah, ama dhiilo qaran, ama daltabyo ba’ani, ama dareen
dulmi-diidnimo. Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso
murti iyo madaddaalo leh — ama mid Allebari iyo samadoon ah — lagana meeriyo oo
looga damaashaado gole nabadeeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro
caleemosaarid, ama dabaaldag qaraneed. Ilaah wuxuu igu galadeeystay awood aan
ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba.
Waxaan ahay af Soomaali. Waan is hubaa. Xoolodhaqadtada
waraabka shubaysa, beeraleyda la foorarta yaanbada, iyo kaluumeeystaha xeebta
ka jilaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed. Dhalaanka ooyayee daalan
waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed. Ardayga looxjiidka ahee u ooman
barashada afkiisa waan layliyaa oo aan garaadkiisa ku kobciyaa halxiraale iyo
googaaleeysi. Waxaan ku xujeeystaa “Googaa!” Say yiraahdaan, “Cadalle!” Saan
iraahdaa, “Haddaan hayay.” Say yiraahdaan, “Waa hadalka.” Si aan nafta u baro,
waxaan ku googaaleeystaa Guntin macaan geed la fuul. Si aan wadnaha u baro,
waxaan ku googaaleeystaa Duddun yaree daba baruur. Si aan afka iyo ilkaha ku
taxan u baro, waxaan ku googaaleeystaa Idan yaroo alleellaale. Rag afkayga
kaashanayaa ifka uga tagay waydiimo maandaalis ah. Indheergarad baa yiri: Lugo
goranyo ma horaadkaa mise waa danbeedka? Abwaan kalaa yiri: Hadduu dabkii
dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa? Hadday dawo bukoodto, maxaa lagu dabiibaa?
Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa? Sida la iigu kala badiyo af
ahaan ayuu Soomaali walibana qaayihiisu la egyahay. Mid waa aftahan; mid waa
afmaal; midna afmiishaar; ama afgarooc.
Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalintuu qarankii
Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkayga 1972, laguna sii xijiyay
Olalihii Horumarinta Reer Miyiga. Waxaan yare dhaliilsanahay in la igu kaydiyo
far qalaad oo Laatiin ah. Jaclaan lahaa in dhigaalkaygu uu naqdo farihii ay
curiyayn maskaxmaal Soomaaliyeed sida fartii Gadabuursi, ama tii Cusmaaniya,
ama tii Kadare. Cakuyee saboolnimo! Laatiinka looma iishayn haddii uu qarankii
jiray awoodi lehaa sameeynta ama soo iibsashada madbacad faafiso mid ka mid ah
far Soomaaligii ay curiyayn aqoonyahan Soomaaliyeed.
Waxay ahaadtaba, wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay. Oo
koray. Oo sii xidideeystay. Oo xoogeeystay. Oo xadaarad kaydsan yeeshay. Ma aan
ogaynee, waxaa igu soo baxay tartan hoosaad. Kooxo ayaa igu soo baxay la
yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi. Af Ingiriisiguna kama xawaaro yarayn.
Geed ayaa bari ku garamay “Godinay ima gooysayn haddaan barkay kugu jirin.” Rag
Soomaaliyeed baa u soo tafaxaydtay luggooyadayda. Anigii oo nool ayaa afaf kale
la igu milay. Waxaan lehaa Nagaad, markaasaa la igu baddalay Sabti. Waxaan
lehaa Suni, markaasaa la igu baddalay Axad. Waxaan lehaa Sani, markaasaa la igu
baddalay Isniin. Goodaar waxaa lagu baddalay Talaado; Goonyaadna Arbaco;
Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce.
In badan waan iska caabiyay. Qaran baa ii taagnaa.
Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa ii taagnaa. Hide iyo dhaqan jiray ayaan ku
ilaashanaa. Nabad iyo Soomaali qabwayn ayaan higsanayay. Anigoo firfircoon —
dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’ — balse wali u sii baahnaa turxaanbaxin, ayaa
waxa igu dul dhacday waxay Soomaalida cusubi ugu yeeraan “qabta”.
Qarankii i kabayay ayaa burburay. Isla xiliyadaasna waxay
Ilmo Aadan u xuub-siibtayn tiknoolijiyad dardartayd wadadta. Af ahaan waxaan la
jaanqaadi waayay isbaddalkaas cusub ka dib markii calankii ii babanayay uu la
itaalxumaaday daruur dhiig hoorinaysa iyo duufaano colaad oo kala firdhisay
midnimadii walaalaha iyo maskaxmaalka Soomaaliyeed. Da’yartii gudaha ku
jirtayna waxay galayn meerto madaw oo madhamaadto ah; kuwii dibadda u
firxadayna waxay ku indhosarcaadayn kombiyuutarada iyo dagalada internetka ee
kobcinaya afaf qalaad. Sidii ruux gablamay ayaan dhabanohays miciin biday.
Waxaan isku sasabay rajo ma gablanto, Rabbina ma war la’a. Sideed iyo tobankii
gu’ ee aan qornaa waxaa ii xigtay 20 gu’ oo dayac iyo darxumo ah. Waan
shakiyay. Oo is canaantay. Oo aan is iri talow ma nabsi ayaa ku haysta sidii
wiilkii aabihiis indhoolaha ahaa uga dhaqaaqay geedkii higlatible?
Waan dayacmay. Oo doorsoomay. Dhaxda ayaan ka baxay. Neef
gowracan geed kama waabtee anigoo gagabaya ayaan waxa aan magan u naqday wadaadadii.
Waxaan lehaa maadaama diintu u baahan tahay in la kala dhigdhigo af ahaan,
dadkana lagu baro af Soomaali ahaan, wadaadada ayaa ku weeleeyn doono. Mise waa
iiga sii darayn. Dugsiyo Islaami ah ayaa la furay. Anigoo af Soomaali ahna
docadoceeyn baa laygu sameeyay af shisheeye sidiisii. “Maktabado” ayaa dal iyo
dibadba laga dhakoolay. Oo aan aniguna marti ka naqday. Waxaan lehaa erayada
baraarug, walaalo, gaal, iyo kuwo kale oo gooni u istaagi karo. Waxaa si
doqan-ma-garadto ah hoosta la iiga soo gashay saxwo, ikhwaan, murtad,
muqaawamo, iyo kuwo kale….
Hooyooyinkii iyo caruurtii waxaa guryaha loo soo dhoobay
“nashiido” aysan af-aqoon. Halkii ay ahayd in cunug qurbaha joogo loo
badbaadiyo afkiisa, loona tixgaliyo Soomaalinimadiisa, waxaa caruurta sanka
laga galiyay cajalado ay ka soo yeerayaan Dhalacal shamsu calaynaa! Kaaga
daranee wixii nabi-amaan ahee af-Soomaali ahaa waa loo “fatwooday”, oo la yiri
waa “shirki” ama “khuraafaat” ama “makruuh”. Muslimiin Soomaaliyeed, una
jidbeeysan Suubanaha, ayaa dadkooda u curiyay nabi amaan af Soomaali ah — kuna
codeeyay:
Nabigayn quruxdiis
Yaa qiyaasi karaya?
Qumanaw timihii baa
Dhagta loogu qiyaasay
Mar hadduu qosal maagona
Dhooluhuu yare qaadaa
Qoraxdaad aragtaan
Buu qariyoo ka cadaaday
Qof hadduu ka danbeeyo
Qalbiguu ka arkaa
Qoriguu qotanshaa
Qoyaan buu naqon
Qurunleyda adduunna
Qaanac buu ka ahaa
Qof hadday is qabtaanna
Qawl xun ma oranaynin
Alle Qaadir ah mooyee
Yaa qiyaasi karaya?
Ri’ waliba shilinkay is dhigtaa lagu qalaaye, aniga waxa
i dabray, oo i dilooday, dabargo’na qarka ii saaray dadkii aan afka u ahaa.
Af-Shisheeye ayaa la iga soo sokeeysiiyay; anigoo sokeeye ahina shishe la i
marsiiyay. Badanaa dhalinyaro ku baratama, isuguna faana, maahmaahyada af
Ingriiska. Waxay meelaha la taagan yahiin: “Look before you leap” balse kuma
baraarugsana maahmaahdaas dhiggayd ee ah: “Intaadan falin ka fiirso.” Badanaa
dhalinyaro ku doodaysa Let not the pot call the kettle black, balse moogan
maahmaahdii ahayd Maroodi takarta saaran ma arkee midka kale tan saaran buu arkaa.
Waxay u riyaaqaan You can take a horse to the river, but you can’t make it
drink. Waxayse ka dhoohan yahiin Qoolley qoorqabasho biyo kuma cabto.
Maxaan ku haystaa dhalinyaro ku hanaqaaday qax iyo
qaranjabkii bilawday 1991. Waxa badan aqoonyahan gaamuray. Da’ dhaxaad ah. Oo
ka soo waraabay dhaqan iyo hide Soomaaliyeed oo saafi ah. Kuna soo dhax
barbaaray oo wax ku bartay dalkii. Nasiibdaro, waxa uu ilbaxnimo iyo dadnimo
biday inuu Soomaalida kale ugu garnaqsado af qalaad. Is tustus ama wahsi dhah,
waxaa halhays u ah oraahyo qalaad sida “Catch-22” oo gabigaydaba soo ifbaxday
1961. Catch-22 waa halqabsi la xiriiro xaalad ruuxa ka dhigaysa mid uu mar
walba guuldareeysto, oo sinnaba uma roona. Haddaba aqoonyahanka Soomaaliyeed ee
heli karo halqabsi af Soomaali ah, ma hawl fududeeysi bay ka tahay in uu
isticmaalo kuwa afka Ingiriisiga? Mise waa qabyari? Soo anigaba ma lehi
halqabsi soo jirayn ah, oo qoto dheer: Haddii aan hadlo waa af sallax-ku-dhag;
haddii aan aamusana ariga laaynta laga daayn mayo? Halqabsiganba wuxuu
muujinayaa xaalad aan sinnaba ruuxa u roonayn — oo sida kaliya uu ku badbaadi
karo ay tahay in uusan ruuxu galin xaaladdaas.
Da’ yartii iyo da’ dhaxaadkii waxa ku soo biiray fac
sadexaad. Badanaa oday Soomaaliyeed dal iyo dibadba jooga oo afka iyo
suugaantana u yaqaan si qoto dheer balse aan taa xushmad ku haysan labo dhacdo
awgood. Kow, odaygii suugaanta iyo dhaqankiyo hidaha yaqaanay oo aan is moodin
in uu wax yaqaano — kana haybeeysto rag afaf kale bariiskooda ku soo dhacsada.
Labo, dhalinyartii oo aan aqoon u arag ruuxii ku xeeldheer hideha iyo dhaqanka,
murtida, afka, iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Barasho hortayd ha i nacin. Anigu waxa aan ku dulqotomaa
suugaan iyo murti xeeldheer. Galad Eebe weeyaan in ay ii rumawday maahmaahdii
ahayd Soomaalidu been way sheegtaa; beense ma maahmaahdo. Aristotle ayuu ahaa
ninkii si cilmiyeeysan ugu dooday in markuu cunuggu dhasho ay maskaxda ilmo
Aadan tahay tu maran (tabula rasa). Dhalashada ka dib, waxa ay maskaxda aqoon
dhab ah ku heshaa dareemaha iyo wixii nolasha iyo noolaha ku hareersan ee uu
ilmuhu goobjoog ka ahaado. Waxaa maahmaahyahayga ka mid ah Nimaan dhul marin
dhaayo ma leh. Oo ruuxu wuxuu naqon qof aan lahayn waayo-aragnimo durugsan oo
uu cashar ka qaadto. Sidoo kale af Soomaali ahaan faracayga Banaadiriga ahaa ku
maahmaaho Cimrigaaga dheeraaday geel dhalaayaas ku tusaa.
Haddaba ilmihii la soo kulmo neef dhalaya, waxa uu
helayaa waayo-aragnimo ku cusub. Waxa looxa maskaxdiisa ku qormaya erayo cusub
oo mararka qaarkood wadta sawir la xiriira erayada. Meel neef ku dhalayo
erayada uu cunuggu baran karo waxa ka mid ah fool, mandheer, nirig, wayl,
waxar, nayl, iwm. Halkaas waxaa cunugga uga bilaabmaya cashar baayooloji ah —
iyo lakab kaloo diini ah oo la xiriira jiritaanka Eebe wayneha abuuray uun kala
duwan. Hadalkii Aristotle qaadadayaa, maahmaahyadaas qaadadayaa, dhamaanba waxa
ay farta inoogu fiiqayaan hababka uu ruuxu ku dhiso garaadkiisa waxa ka mid ah
isaga ama iyada oo la falgala ama la falgasha nolasha iyo abuurka Guulaha.
Bal eeg, horaan waxaan u iri labaadtan jir intuu geed ka
booduu talo ka boodaa. Goor aan fogayn ayaa neuroscience (oo ah laan sayniska
ka mid ah, qaabilsanna maskaxda iyo siday u shaqeeyso) waxa uu baaritaan ku
ogaaday in maskaxda da’yartu aysan si fiican u xasilin ilaa intay gu’ ahaan ka
gaarayaan 23 jir — gaar ahaan maskaxda qaybtayd la xiriirto gaarista go’aan iyo
garashada ciribdanbeedka uu go’aankaasi leeyahay. Waa qaybta saynis ahaan loogu
yeero frontal lobe. Jaclaan lahaayaa in aqoonyahanka ka dhashay Soomaalida,
iguna hadla, ay il gooni ah u yeeshaan murtida xeeldheer ee ku kaydsan
maahmaahyadayda.
Dhan kale aan bal idinka tusaaleeyo. Horaan ugu tiraabay
murti oranaysay afar nin ayaa ku tartamay beenta: dhagoole, indhoole, cagoole,
iyo qaawane:
Dhagoolihii waatuu yiri, “Sac baa seeri ka ciyay.”
Indhoolihii waatuu ugu cammiray, “Arkayoo giiran.”
Cagoolihii waatuu u dabadhigay, “War aan oradnoo jabino.”
Qaawanihii waatuu kaga qosliyay, “War armaa la ina
furtaa?!”
Soomaaligii i garanaya uun baa garan xeeldheeridayda ee,
ifka maanta waxa uu la olalayaa garwadayno xumaanta iyo beenta iyo nahaabnimada
isku cammiro oo isugu riyaaqo, oo isku bogaadiyo. Hayeeshee Soomaalidii waxay
murtidaan ka dhigayn mid ku kooban kaliya maad iyo qosal. Lama gaarsiin oo uma
aysan dhaqangalin sidii murtidii ahayd la jiifiyaanna banaan la joojiyaanna
banaan. Cidi ma lafogurin. Casharo fogna lagama soo dharaandharin. Waxay
naqodtay uun wax laysku maaweeliyo oo looma aqoonsan in ay tahay murti
xeeldheer oo la falgali karta aqoonta siyaasadda maanta iyo maamulka xun.
Magacaygu waa af Soomaali. Uma dhutiyo afgaroocnimo.
Hodan ayaan ahay. Soomaaligii doono ha igu caasiyo, oo af qalaad ha iga doorto.
Ninkii doono ha qaato erayga dilemma — dad baa ii jooga isticmaalaya dhiggiisa
af Soomaali ahaan: lafta jacli, ludda jacli. Ninkii doono ha yiraahdo first
thing first — dad baa ii jooga oranaya Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan
baa loo kala guraa ama Canjeero siday u kala koreeysaa loo kala qaadtaa. Ciddii
doonto ha la soo shirtagto A bird in the hand is worth two in the bush — waxaa
igu hadlo kuwo oranaya: miro geed saaran kuwa guntaada ku jiro looma daadiyo.
Ciddii doonto ha ku wardiso Birds of the same feather flock together — kuwaa ku
faana maahmaahda Shinbirba shinbirtayday la duushaa. Soomaaligii helaa filanayn
farxad awgayd, hadduu doono qoraalkiisa cinwaan ha uga dhigo erayada manna from
heaven — dad baa ii jooga iyagoo dhaqankooda ku faanaya ku halqabsanaya
dhacdadii ninkii cag maroodi ka cabay. Soomaaligii doono ha ku wayraxo
isticmaalka erayada Domino Effect — kuwo ayaa ii jooga qab iyo qaayo leh, oo
soo halqabsanaya halaqmarayntii Cigaal Shiidaad.
Murtidayda waxaa ka mid ah: Run sheeg cid kuu maragfurto
la waayimayo ee. Qoraagii Bangaaliga ee Bankim Chatterjee ee noolaa qarnigii
19-aad waatuu asiibay runta goortuu xusay in waayo-aragnimada dadka ifka ku
nool ay isu eg tahay — jacayl, cabsi, abaar, colaad, hanqaltaag, hungurixumo,
masayr, abaaldhac — hayeeshee waxaa kala duwan uun dhulalka iyo xiliyada ay
dadku ku kala nool yahiin. Murtida oraahdiisa ku jirtaayi Muslimka kuma cusboo
Qur’aankaa xusaya in rundiidka aad mooddo in ay isu dardaarmayn xaqdiidnimada.
Sidaa awgayd, waxa aayaddaasi laga soo dharaandharin karaa in dadku ay
leeyihiin sansaan habdhaqan oo isu eg haba kala fogaadaan dhul ahaan ama jiil
ahaan.
Sakaraadba aan ahaadee, saansaantu ma xuma. Saxansaxo
nolal ayaan ka dareemayaa dhankaa iyo Waqooyiga Soomaaliya. Guurti ayaa
garawsadtay in xeer iyo kala danbeeyn la baadigoobo. Nabaddii ka dhaladtayna
waxay iridaha u balaqday rugo waxbarasho ilaa heer jaamacadeed. Ujeeddaday ka
leeyihiin yeelkeedee, waa galad Eebe in dhalinyaro is xilqaamay ay sameeystayn
ururo suugaaneed, oo buugta suugaanta Soomaaliyeed faafiyo, faaqido, faa’iidana
ka miirto. Alleelehee ifafaalo yar ayaa sidoo kale iiga soo bidhaamaysa
qurbejoogta Soomaaliyeed oo qaab sugaaneed iyo hal-abuur ku wacyigaliya
dadkooda. Taa waxay i galinaysaa yididiilo cusub. Mase waxa dalkii intiisa
badan baadi naqodtay nabaddii ama garashadii i sii kobcin lehayd suugaan ahaan
iyo dhigaal ahaanba. Ma aan dhiman, mana nooli. Waxaanse niyadda ku dhistaa in
afaf kaleba ay nasiib u helayn rag boorka ka jafa, oo ilbaxnimo iyo u horseeday
in uu afkoodu naqdo mid kaydiyo tagtada, timaaddana sahmiyo.
Wixii rag u kaco Rabbina u aqbalo waa rumawbaanee
sooyaalka ayay ku taalaa sida ay afaf kaleba u soo noolaadayn ama u
hanaqaadayn. Afka Cibriga waatuu qarniyo aasnaa, balse ay boorka ka jafayn
aqoonyahano iyo siyaasiyiin gaarsiiyay heer uu Cibrigu naqdo mid si rasmi ah
kaalin maalmeed ku leh dhamaan nolasha iyo waayo-aragnimada dadyowga Yahuudda.
Sidoo kale dhankaa Hindiya dad baa u kacay in ay soo nooleeyaan af qarniyo
aasnaa ee la yiraahdo Sanskrit oo waxay furayn rugo lagu dhigo oo lagu kobciyo
afkaasi.
Bal aan is dul taago sida uu af Ingiriisku ku hanaqaaday
oo uu ku naqday af aysan qoraxdu u dhacin. Ka hor intuusan af Ingiriisku ku
faafin qaab gumeeystenimo, wuxuu ahaa af ku kooban kaliya cariga Ingiriiska.
Wixii aqoon ee jirayna waxay ku kaydsanaayayn af Laatiinka. Casharada
Jaamacadda Oxford waxay ku baxi jirayn af Laatiin. Ugu danbeeyntii rag Ingiriis
ah baa ka fariistay, oo fekeray, oo ka fiirsaday, kana falanqooday baahida loo
qabo afkooda hooyo. Si uu af Ingiriisigu uga sare maro af Laatiinka, tix iyo
tiraab ayay raggaasi ku soo dagaalamayn. Oo dadaalayn. Oo dulqaadtayn. Nin
walibana kaalin lixaad leh ayuu ka galay sooyaalka afkiisa hooyo ee Ingiriisiga.
Shakespeare wuxuu ka mid ahaa halyayadii u kacay afkooda hooyo. Waa abwaankii
af Ingiriiska kobciyay, ku dhiiraday in af Laatiinka laga maarmo, lana yimid
hal-abuur baddalay baahidii loo qabay af Laatiinka.
Qarnigii 16-aad waatuu sidoo kale maamule dugsi oo
Ingiriisi ah uu si digasho ah u yiri, “Waxaan jaclahay Rooma, kasii jaclahayse
London. Waxaan doorbidaa Itaaliya, waxaanse ka sii doorbidaa Inglan. Waxaan ka
daba dhacay oo qiimo u hayaa af Laatiinka, waxaanse si jidbeeysan uga sii daba
dhacsanahay oo u sii qiimeeyaa af Ingiriisiga.” Kaligiis ma ahanee isla
qarnigaasi waatuu gabyaa Ingiriisi ahi uu gabaygiisii Musophilis ku xusay in uu
jaclaan lehaa in uu arko af Ingiriisiga oo faafa, wixii lagu kaydiyana af
Ingiriisiga ay ka waraabaan bulshowaynta ku kala nool ifka dacaladiisa, iyo in
af Ingiriisigu uu naqdo afka ay dadyaw kala jaad ahi si hufan ugu xiriiraan.
Qarnigii 18-aad waatii wixii uu gabyaagaasi naawilayay ay wax ka soo
caana-casaadayn ka dib markuu soo baxay John Wallis. Waa aqoonyahan ku faanay
in afkiisa Ingiriisiga uu naqday af ay shisheeyuhu soo higsadaan, oo uu naqday
af qoraal ahaan weeleeyay aqoonta iyo murtida ku baahsan ifka. Haddaba
Soomaalidu ma garasho la’ee ma taloxumo ayaa badday inay i qiimeeyn waayaan af
ahaan?
Hadda ka hor ayaa anigiyo af Kikuuyo xifaaltanay:
“Waxaan hodan ku ahay suugaanta iyo murtida,” ayaan ugu
faanay.
“Labo maaddo awgood,” ayuu igu yiri af Kikuuyihii, “faan
kuuma yaalo.”
“Saw maxay yahiin?” ayaan la soo booday.
“Waxaa lagaa helaa aqoonyahan ka faana af Soomaaliga, oo
af Ingiriis ku faafiyo talooyinka dhaxalgalka u naqon lehaa Soomaalidiina.
Aniga waxaa la iga helaa rag ifka caan ka ahaa, oo barafasooro ah, oo diiday in
ay af Ingiriis wax ku qoraan… ma maqashay halyayga Kikuuyada ee Ngugi Wathango?
Ma aqrisay qoraalkiisii ‘Decolonizing the Mind’?” Waxa uu oday Wathango ku
nuuxnuuxsaday “in barista afafka shisheeye ee gumeeystuhu ay salka ku hayaan
qorshe ah in ciddii la gumeeysanayay laga qabsado maskaxda, la bahdilo, lagana
xayuubiyo kalsoonidii iyo lexjeclihii ay u qabtay afkayda hooyo ee xambaarsanaa
dhaqanka iyo hideha. Waana ay hirgashay oo dad badan ayaa ka faanay in ay
murtidooda ama waaya-aragnimadooda ku kaydiyaan afkoodii hooyo.”
“Qodabka labaadna bal hadda soo daay!” ayaan iri.
“Tiro-koob ahaan,” ayuu igu yiri af Kikuuyu, “waxaa kugu
hadla dad aan sidaa u badnayn. Oo kaaga daranee qaarna ay Itoobiya gumeeysadto,
qaarna ay Kiinya hoos tagaan. Kuwii ku noolaa dalkii Soomaaliyana waxa ay
naqdayn kuwo ku dhax tabaaleeysan colaadda raagtay iyo madaafiicda ka dul
dhacaya har iyo habeen; kuwo dibadaha u qaxay oo dhashoodii aysan ku garnaqsan
karin af Soomaali; iyo kuwo dal iyo dibadba ka furay rugag ay ugu magacdarayn
‘madraso’ oo qandaraas ku haysta sidii uu af Carabiga u naqon lehaa af looga
hadlo guryaha, ceelasha, kawaanada hilibka, maqaayadaha, rugaha qaranka… af si
toos ah u hanto nolal maalmeedkiina oo aan cibaado ku ekayn. Dhanka kalena waxa
gumaad ba’an kugu haya ururo shisheeye oo si samafal ah u furo rugo waxbarasho
oo afkooda iyo afkaarahooda lagu hormariyo. Haddaba ii sheeg, af kafantiisii
tolan tahay baad tahayee maxaad ku faantaa? Yaadse u faantaa? Soo adigakan
sidii ruux gablamay ay diif iyo darxumo ku diloodayn? Hodantanimada aad xustay
xaggay joogtaa?”
“Kafan?” ayaan iri, anigoo ay kalsooni iga muuqadto, “taa
ha ka yaabin… ma dabargo’i dooni, waligayna jiri doonaa. Oo soo kabsan doonaa.
Oo sii xidideeysan doonaa… Eebe idinkii. Aan ku hor maro qodabka ah Soomaalida
kuma jiro ruux dhigaalka iyo hal-abuurka meel fiican ka gaaray oo misana diiday
in uu af-shisheeye ku kaydiyo suugaantiisa. Horta ogaw caybtu ma ahan in af
shisheeye wax lagu qori karo — halka ay arini ka qurantay waa in ruux Soomaali
ah loogu garnaqsado ama wax loogu qoro af aan ahayn afkiisa hooyo oo sidaana la
moodo ilbaxnimo iyo horumar. Dhanka kale, waa ay dhooban yahiin rag iyo dumar
Soomaaliyeed oo iyagoo afaf shisheeye wax ku curin karo misana doortay afkooda
Soomaaliyeed. Alleelehe sababta aysan qorayaashaasi dadkooda uga dhax muuqan u
badi in ay tahay Soomaalida oo ilbaxnimo iyo horumar mooday kaliya in afqalaad
wax lagu xariiqo — oo wixii af Soomaali ku qoranna ay tayo hooseeyaan fikrad
iyo farshaxan ahaanba. Waana mid ka mid ah dabinadii gumeeystaha ee ahayd in uu
ruuxu ku kalsoonaan waayo afkiisa hooyo. Qodabka ah dad tiro yar baa igu hadlo,
tiro yaridayda waligay lama dhutin waayo dad tayo iyo garasho lagu galadeeystay
baa igu hadlo. Ogawna sida aan u tabar xumahay uma rajo xumi.”
“Af Soomaaliyaw,” ayuu igu yiri af Kikuuyihii, “ha
inkirin in ay jirayn afaf kale oo kula dhashay oo geeska Afrika looga hadli
jiray. Maantana xaggee ku danbeeyayn? Ama waa kuwo gabaabsi ah amaba waa
dabargo’ayn oo cid ku hadasho ifka ma saarna. Haddii aad af Soomaali tahayse,
yaa kuu dammaanad qaaday inaadan dabargo’i doonin?”
Haddii aan af Soomaali ahay, waxa dhabanohays igu ridday
waydiintaas. Rugihii dhaqankiyo hidaha ee aan ku ilaashanaa waxa harqiyay
colaado iyo abaaro isdaba joogo. Aqoonyahankii iyo qurbejoogtii Soomaaliyeed ee
wax baradtay waxay u iishayn inay afqalaad ku gudbiyaan taladooda iyo
waayo-aragnimadooda. Qarankii i ururin lehaa, i kabi lehaa, i kobcin lehaa, i
kaydin lehaana ha sheegin. Yaan u garnaqsadaa? Yaanse ka garnaqsadaa? Waligay
isma oran waxa laguugu soo halqabanayaa maahmaahdii ahayd Cidina uma maqna;
ceelna uma qodna.
W.Q.: Cabdullaahi Janno (writersomali@gmail.com)
Ka: Mogadishu Times