Qoraaga:
Italo Calvino
Dalka:
Itaaliya
Sheekada:
gaaban (1958kii),
ee
mid naqodtay sheekooyinka “Gli amori difficili – Jacaylada dhibka leh – (1970kii)”
Tarjamay:
Samantar Maxammad Saciid
Shaqaaleha Arturo
Massolari wuxuu qaban jiray kaltankiisii shaqada habeenkii, kan dhamaada lixda
aroortii. Si uu ugu hoydaa guriga wuxuu lehaa jid dheer ah uu kula qaadan jiray
baaskiil xiliga cimilada wanaagsan, ama taraam bilaha roobabawga iyo qabawga ah.
Wuxuu iman jiray indhaxaadka todabadii rubuca la’ iyo todabadii gawda ah,
kalkal inyar kahor, kalal kale kadib inyar goortay yeertay saacadda toosisada
leh ee Elide, afadiisii.
Aalaa labada
sharqani: yeerka toosisada iyo talaabooyinka soo galitaankiisa, ayaa iskula
dultagi jiray maanka Elide iyagoo gaarsiinayay hurdada yoolkayda, hurdada isku
duuban ee aroortii ay iskugu dayi jirtay inay ka sii miiradto xoogaa ilbiriqsi
ah foolkuna ugu duugan barkinta. Deeto ayay uga soo kaci jirtay dhaqso sariirta
ooba waxay gacmahii kula gashanaysay si indhoolenimo ah dulkagashigaydii
gurikujoogga, timahuna ugu duldhacan indhahaydii. Elide saasay Arturo ugu soo
gali jirtay jikada halkuu kalkaas weelalka maran ka soo baxinayay boorsaduu u
qaadan jiray shaqada: cunoqaadkii iyo tarmuuskii, wuxuuna dhaxdhigi jiray
alaabkudhaqa. Horay ayuuba u shiday birjikada oo qahwahii saaray. Isla goortuu
fiiriyayba, Elide waxay marin jirtay gacan timaha oo isku dhibi jirtay inay
indhaha furto, sidii iyadoo kal kastaba ka sii xishoon jirtay xoogaa suuradda
hore ee uu saygu ka haystay goortuu ku soo hoyan jiray guriga, iyadoo had iyo
jeer isku qasan, foolkayduna barhurdaysan. Goortay labo soo wada seexdayn waa
arin kale, labaduba subaxdii way isla soo wada kacaan, labaduba waa wada sin.
Baddal-ahaanba
kalkal isaa ahaa kan soo gali jiray jiifka si uu kula soo baraarujshaa koob qahwe,
daqiiqo kahor intaynin toosisada yeerin; deeto waxkasta wuu ahaa dabiici,
wajikaduudka ee soo tooskayda wuxuu yeelan jiray wahsi macaan, gacamahaydii
muluqan oo kor u soo fidsami jiray ayaa ku soo duubmi jiray qoortiisa. Way
is-habsiin jirayn. Arturo wuxuu gashanaa koorka madaroorsheha; goortay agtayda
ka dareemi jirtayba way iska ogayd jawiga cimilada: hadduu soo dhacayay roob,
dhado ama baraf, hadba suu qoyaan ama qabaw u ahaa. Laakiinba waxay dhahi
jirtay: – See jawigu yahay? –, isana wuxuu say
caadadiisu ahayd nus-kajan kula bilaabi jiray gunuunaco, isoo soo kormarayay
dhibaha yaryar ee soo qabsaday, kana soo bilaabayay dhamaadka: ku imaatinka
baaskiilkii, say cimiladu ahayd ka soo baxiddiisii warshadda, mid ka duwan tan
jirtay galiddiisii ee habeenkii hore, shaqada calaacaladaydii, kutiri-kutaynka
ka sacoday waaxdiisa, iyo waxyaalo saasba.
Aminkaas gurigu
had iyo jeer waa kulaal yaraa, laakiin Elide muluq ayay iska wada siin jirtay
iyadoo xoogaa qarqaraysay, waxayna isku dhaqi jirtay mad-harka yar. Dabadeed
isaa soo gali jiray, si aad u dagan ayuu iskaga siibi jiray dharka oo wuu
isdhaqi jiray isna, tartiib tartiibba, wuxuu iska dulqaadi jiray boorkii iyo dufankii
warshadda. Iyagoo saas ugu wada jiray qubaalka, barkawdu muluqan, qabaw xoogaa
la kakan, jug uun isa siinayayn, gacanba gacan iskugu dhiibayayn saabuuntii,
boomaatadii cadayga, iskana sii wadtayn waxii ay ahayd inay isdhahaan, waxaa la
gaari jiray aminka isku soo dhawaanta, kalal kalena, mindhaa, intay isu sii
rugayayn dhabarka, waxay isla dareemi jirayn maraaciyid oo hab isla siin
jirayn.
Laakiin si
dagdagba ah Elide ayaa la soo yeeri jirtay: – Alle! Meeqa saacba waaye? –,
waxayna u roori jirtay inay u gashadto si dhaqsiinyo badan ah
kaalso-kastuumada, goonada, iyadoo shanladii buraashka hore iyo dib u
marinaysay timaha, horayna wajigii ugu durkinaysay muraayadda koomada,
biinankii timahana ugu jiray bushimahii. Arturo wuxuu soo joogsan jiray gadaashayda,
sigaar ayuu shidan jiray, iyana oo taagan ayuu daawan jiray, dhuuqayay
sigaarkiisa, jeer kastana wuxuu u ekaa qof yare qalo ah ee uu halkaas waxba ka
qaban karin. Elide goortay ahayd diyaar, waxay gashan jirtay koorka suran
marindhaxaadka, way isa shumin jirayn, iradda ayay furi jirtay, wuxuuba maqli
jiray iyadoo ka sii daadagaysay jaranjarada.
Arturo wuxuu
naqon jiray kali. Wuxuu sharqantii taakooyinka Elide kula raaci jiray dhagta
ilaa xatabada hoose, goortuuna maqli waayay, wuxuu kula raaci jiray maanka:
kadlaynta ka dhax xiimaysay dayrka, iradda hore wayn, marshabeediga, joogsiga taraamka.
Taraamka, baddal-ahaanse, si fiican ah wuu u maqli jiray: qiiqlayntiisa,
joogsashadiisa, iyo jugta cagsaarka rakaabkiisa kal kastuu qof ka korayay. “Waa
taa, way kortay”, ayuu la fikiray, wuxuuna arki jiray afadiisii oo ku
dhaxduuban nimanka iyo naagaha ee shaqaalayaasha saaran “kaw iyo tobanka” oo gayn
jiray warshaddii sida maalin kastaba. Wuxuu damin jiray gumadkii oo soo xiri
jiray dariishaddii, waxay naqon jirtay mugdi oo gali jiray sariirtii.
Sariirta waxay
ahayd say uga tagi jirtay Elide goortii kacitaankayda, laakiin docdii, tii Arturo,
waxay ahayd ku-dhawaadba mid hufan, sidii iyadoo haddayto la habeeyay. Isaga
wuxuu ku jiifan jiray docdiisa, say u ahaydba, laakiin kadib wuxuu u fidin
jiray lug docdii kale, meeshuu afadiisii kulkaydu ku haray, deeto wuxuu fidin
jiray lugtii kale, saasuuna tartiib tartiib isugu balaarin jiray docdii Elide,
goonida kulka diiran ee lehaa wali qaabkii jirkayda, wuxuuna foolka ku duugi jiray
barkintaydii, barafuunkaydii, oo seexan jiray.
Intaynin soo
naqonin Elide, fiidkii, Arturo wuxuu lehaa waqti uu ku soo kormeeri jiray
qolalka: birjikada ayuu shidi jiray oo saari jiray wax uu karshaa. Hawlaha
qaarkawda isaa qaban jiray, saacadaha ka horeeyay cashada, sida habaynta
sariirta, xaaqidda xoogaa, xataa radinta dharka si loo dhaqaa. Elide waxay u
wada arki jirtay hawl si xun ah loo qabtay, laakiin haddii la sheego runta
muunanin saari jirin dadaal wayn: wuxuu samayn jiray waxay ahayd dhaqmaad uun
uu ku sugi jiray iyada, ku-dhawaadba sidii isoo kula kulmayay imaatinkayda
darbiyada guriga gudahiisa, intay halkaas banaanka nalalkii sii shidmayayn iyana
soo sii maraysay dukaanadii ee dhaxda jawiga ka baxsan waqtiga ee xaafadaha
meeshay naago badani ka soo qabsan jirayn wax gadashadawdii habeenkii.
Kamadanbayskii
talaabooyinkaydii jaranjarada ayuu maqli jiray, ka wada duwan kuwa subaxdii, ee
culus hadda, waayo Elide waxay la soo kori jirtay daalkii hawsha shaqada iyo
culayskii iibka. Arturo wuxuu kula kulmi jiray dagaddabaqeedka jaranjarada oo
ka qaadi jiray gacantayda danbiisha, waxay gali jirayn iyagoo hadlayay. Elide
waxay isku tuuri jirtay kursi yiil jikada, iyadoo iska qaadin koorka, intuu
isaga ka soo baxinayay alaabta danbiisha. Dabadeed: – Haye!, aynu isa toosino –
ayay dhahi jirtay, way kaci jirtay, kabboodka ayay iska siibi jirtay, waxay
gashan jirtay gurikujooggaydii. Waxay bilaabi jirayn diyaarinta cunada:
cashadii labadawda, deeto halaqjaflahii nasiinada ee kawda hiraabtii uu u
qaadan lehaa warshadda, qadadii khafiifan ay u qaadan lehayd warshadda maalinta
xigtay, iyo casariyehii u diyaar ahaan lehaa goortuu soo toosi lehaa casarkii.
Elide kis way
mashquulnayd, kis waxay ku fadhiday kursiga cawda ah, waxayna u sheegaysay waxii
uu qaban lehaa. Isaga, baddal-ahaanse, saacaddii ayay ahayd ee uu nastay, ma
joogsanaynin, wuxuu rabay qabashada wax kasta, laakiin had iyo jeer isoo xoogaa
maahsan, madaxuna meel kale ka jiray. Kalalka aminadaas qaarkawda waxay u
dhawaayayn is hardin, erayo foolxun is dhaafsasho, waayo Elide waxay ka jacalaan
lehayd inuu u dhugyeesho waxii uu qabanayay, inuu is hagarbaxiyo, ama inuu kula
dhagdhago kalgacayl badan, inuu u sii dhawaado, inuu sabaalsiiyo in badan.
Baddal-ahaanse Arturo, kadib xamaasaddiisii hore ee imaatinkayda, madaxiisu
banaanka ayuu ka yiil guriga isoo ay ku jirtay isdajdajin waayo wuxuu ahaa inuu
shaqo u baxo.
Miiskii oo
diyaarsan, wax walba oo dhigan meeshii gacani ka gaari kartay si aananin loo
kacin, waxaa iman jiray aminkii wadneqabadka ee inay ka haystayn waqti iska yar
wadajirka, ku-dhawaadna maynanin la heli jirin qaadada afkii ee mahasho ay u
qabayn inay isla joogaan oo gacmaha isku duubaan.
Laakiin wali
intuunanin ka maransiinin qahwahii oo dhan, baaskiilkii ayuuba agjoogi jiray si
uu u fiiriyo in wax kasta habaysnaa. Way is habsiin jirayn. Arturo deeto uun
ayuu u ekaa inuu soo dhacsaday siday nugul iyo diiran u ahayd afadiisu. Laakiin
wuxuu sii saaranayay baaskiilka garbaha oo kaga sii dagayay si taxaddaran
jaranjarada.
Elide maacuuntii
ayay dhaqi jirtay, kor iyo hoos waxay ka fiirfiirin jirtay guriga iyo
waxyaalahuu ka qabtay saygaydii, iyadoo madaxa ruxaysay. Haddayto wuxuu
dhaxroorayay dhabayaasha gudcursan, cabaarta ee nalalka dhifka ah, mindhaa wuu
dhaafay kaalinkii shidaalka. Elide waxay gali jirtay sariirtii iyadoo
daminaysay nalka. Docdaydii iyadoo jiiftay, waxay u fidin jirtay lug xagga
docdii saygayda darta ka raadinta kulkiisa, laakiin kal kasta waxay ka sii
dareemaysay docday jiifan jirtay inay ka sii diiranayd, tilmaan inuu xataa
Arturo ku jiifan jiray halkaas, waxaana iyada ku abuurmi jiray kalnugayl.
L’avventura di
due sposi
L’operaio Arturo
Massolari faceva il turno della notte, quello che finisce alle sei. Per
rincasare aveva un lungo tragitto, che compiva in bicicletta nella bella
stagione, in tram nei mesi piovosi e invernali. Arrivava a casa tra le sei e
tre quarti e le sette, cioè alle volte un po’ prima alle volte un po’ dopo che
suonasse la sveglia della moglie, Elide.
Spesso i due
rumori: il suono della sveglia e il passo di lui che entrava si sovrapponevano
nella mente di Elide, raggiungendola in fondo al sonno, il sonno compatto della
mattina presto che lei cercava di spremere ancora per qualche secondo col viso
affondato nel guanciale. Poi si tirava su dal letto di strappo e già infilava
le braccia alla cieca nella vestaglia, coi capelli sugli occhi. Gli appariva
così, in cucina, dove Arturo stava tirando fuori i recipienti vuoti dalla borsa
che si portava con sé sul lavoro: il portavivande, il termos, e li posava
sull’acquaio. Aveva già acceso il fornello e aveva messo su il caffè. Appena lui
la guardava, a Elide veniva da passarsi una mano sui capelli, da spalancare a
forza gli occhi, come se ogni volta si vergognasse un po’ di questa prima
immagine che il marito aveva di lei entrando in casa, sempre così in disordine,
con la faccia mezz’addormentata. Quando due hanno dormito insieme è un’altra
cosa, ci si ritrova al mattino a riaffiorare entrambi dallo stesso sonno, si è
pari.
Alle volte invece
era lui che entrava in camera a destarla, con la tazzina del caffè, un minuto
prima che la sveglia suonasse; allora tutto era più naturale, la smorfia per
uscire dal sonno prendeva una specie di dolcezza pigra, le braccia che
s’alzavano per stirarsi, nude, finivano per cingere il collo di lui.
S’abbracciavano. Arturo aveva indosso il giaccone impermeabile; a sentirselo
vicino lei capiva il tempo che faceva: se pioveva o faceva nebbia o c’era neve,
a secondo di com’era umido e freddo. Ma gli diceva lo stesso: – Che tempo fa? –
e lui attaccava il suo solito brontolamento mezzo ironico, passando in rassegna
gli inconvenienti che gli erano occorsi, cominciando dalla fine: il percorso in
bici, il tempo trovato uscendo di fabbrica, diverso da quello di quando c’era
entrato la sera prima, e le grane sul lavoro, le voci che correvano nel
reparto, e così via.
A quell’ora, la
casa era sempre poco scaldata, ma Elide s’era tutta spogliata, un po’
rabbrividendo, e si lavava, nello stanzino da bagno. Dietro veniva lui, più con
calma, si spogliava e si lavava anche lui, lentamente, si toglieva di dosso la
polvere e l’unto dell’officina. Così stando tutti e due intorno allo stesso
lavabo, mezzo nudi, un po’ intirizziti, ogni tanto dandosi delle spinte,
togliendosi di mano il sapone, il dentifricio, e continuando a dire le cose che
avevano da dirsi, veniva il momento della confidenza, e alle volte, magari
aiutandosi a vicenda a strofinarsi la schiena, s’insinuava una carezza, e si
trovavano abbracciati.
Ma tutt’a un
tratto Elide: – Dio! Che ora è già! – e correva a infilarsi il reggicalze, la
gonna, tutto in fretta, in piedi, e con la spazzola già andava su e giù per i
capelli, e sporgeva il viso allo specchio del comò, con le mollette strette tra
le labbra. Arturo le veniva dietro, aveva acceso una sigaretta, e la guardava
stando in piedi, fumando, e ogni volta pareva un po’ impacciato, di dover stare
lì senza poter fare nulla. Elide era pronta, infilava il cappotto nel
corridoio, si davano un bacio, apriva la porta e già la si sentiva correre giù
per le scale.
Arturo restava
solo. Seguiva il rumore dei tacchi di Elide giù per i gradini, e quando non la
sentiva più continuava a seguirla col pensiero, quel trotterellare veloce per
il cortile, il portone, il marciapiede, fino alla fermata del tram. Il tram lo
sentiva bene, invece: stridere, fermarsi, e lo sbattere della pedana a ogni
persona che saliva. “Ecco, l’ha preso”, pensava, e vedeva sua moglie aggrappata
in mezzo alla folla d’operai e operaie sull “undici”,
che la portava in fabbrica come tutti i giorni. Spegneva la cicca, chiudeva gli
sportelli alla finestra, faceva buio, entrava in letto.
Il letto era come
l’aveva lasciato Elide alzandosi, ma dalla parte sua, di Arturo, era quasi
intatto, come fosse stato rifatto allora. Lui si coricava dalla propria parte,
per bene, ma dopo allungava una gamba in là, dov’era rimasto il calore di sua
moglie, poi ci allungava anche l’altra gamba, e così a poco a poco si spostava
tutto dalla parte di Elide, in quella nicchia di tepore che conservava ancora
la forma del corpo di lei, e affondava il viso nel suo guanciale, nel suo profumo,
e s’addormentava.
Quando Elide
tornava, alla sera, Arturo già da un po’ girava per le stanze: aveva acceso la
stufa, messo qualcosa a cuocere. Certi lavori li faceva lui, in quelle ore
prima di cena, come rifare il letto, spazzare un po’, anche mettere a bagno la
roba da lavare. Elide poi trovava tutto malfatto, ma lui a dir la verità non ci
metteva nessun impegno in più: quello che lui faceva era solo una specie di
rituale per aspettare lei, quasi un venirle incontro pur restando tra le pareti
di casa, mentre fuori s’accendevano le luci e lei passava per le botteghe in
mezzo a quell’animazione fuori tempo dei quartieri dove ci sono tante donne che
fanno la spesa alla sera.
Alla fine sentiva
il passo per la scala, tutto diverso da quello della mattina, adesso
appesantito, perché Elide saliva stanca dalla giornata di lavoro e carica della
spesa. Arturo usciva sul pianerottolo, le prendeva di mano la sporta, entravano
parlando. Lei si buttava su una sedia in cucina, senza togliersi il cappotto,
intanto che lui levava la roba dalla sporta. Poi: – Su, diamoci un addrizzo, –
lei diceva, e s’alzava, si toglieva il cappotto, si metteva in veste da casa.
Cominciavano a preparare da mangiare: cena per tutt’e due, poi la merenda che
si portava lui in fabbrica per l’intervallo dell’una di notte, la colazione che
doveva portarsi in fabbrica lei l’indomani, e quella da lasciare pronta per
quando lui l’indomani si sarebbe svegliato.
Lei un po’
sfaccendava un po’ si sedeva sulla seggiola di paglia e diceva a lui cosa
doveva fare. Lui invece era l’ora in cui era riposato, si dava attorno, anzi
voleva far tutto lui, ma sempre un po’ distratto, con la testa già ad altro. In
quei momenti lì, alle volte arrivavano sul punto di urtarsi, di dirsi qualche
parola brutta, perché lei lo avrebbe voluto più attento a quello che faceva,
che ci mettesse più impegno, oppure che fosse più attaccato a lei, le stesse
più vicino, le desse più consolazione. Invece lui, dopo il primo entusiasmo
perché lei era tornata, stava già con la testa fuori di casa, fissato nel
pensiero di far presto perché doveva andare.
Apparecchiata
tavola, messa tutta la roba pronta a portata di mano per non doversi più
alzare, allora c’era il momento dello struggimento che li pigliava tutti e due
d’avere così poco tempo per stare insieme, e quasi non riuscivano a portarsi il
cucchiaio alla bocca, dalla voglia che avevano di star lì a tenersi per mano.
Ma non era ancora passato tutto il caffè e già lui era dietro la bicicletta a
vedere se ogni cosa era in ordine. S’abbracciavano. Arturo sembrava che solo
allora capisse com’era morbida e tiepida la sua sposa. Ma si caricava sulla
spalla la canna della bici e scendeva attento le scale.
Elide lavava i
piatti, riguardava la casa da cima a fondo, le cose che aveva fatto il marito,
scuotendo il capo. Ora lui correva le strade buie, tra i radi fanali, forse era
già dopo il gasometro. Elide andava a letto, spegneva la luce. Dalla propria
parte, coricata, strisciava un piede verso il posto di suo marito, per cercare
il calore di lui, ma ogni volta s’accorgeva che dove dormiva lei era più caldo,
segno che anche Arturo aveva dormito lì, e ne provava una grande tenerezza.