Goobaha dagaalada ee Sayidka iyo Gumeeystahii kala qabsaday dhulalkii Soomaalida. |
Gu’yaashii Daraawiishtu gumeeysiga la dagaalamayayn, nin kasta oo gaalada
nacebaaba ama wadani ahaa, meel kasta ha joogayee, wuxuu u kacayay xaruntii
Daraawiishta si uu garab iyo gaashaan uga helo, ama iyaga ha la dagaal galo,
ama dab iyo duunyo ha ka soo qaadto oo iskii ha u dagaal galee, sidii dagaalkii
Talyaani iyo Biyomaal ku dhaxmaray gabalka Marka oo kale.
Abaaraha 1906dii ayaa xaruntii Daraawiishta, oo Ayl dagan, waxaa tagay nin
la oran jiray Xaaji Cali Faahiye Geedi, magaalo ahaan haddaynu u tilmaanona
ahaa reer Qandale. Xaruntana wuxuu keenay dhawr bunduq.
Sayidkii, hadduu ninka ragnimadiisii iyo waxtarkiisii u bogay, wuxuu ku
yiri: “Nala joog oo xarunta ha ka tagin, afka waxaad ka tiraahdo iyo uurka
waxaad ka rabtoba waad helaysaayee”. Hase yeeshee, Xaaji Cali wuxuu yiri: “Sayyidii,
soo gudoonkayaga danbe!, waxay arimi ahaadtoba, waan tagayaa oo dab baan
Darwiishta u doonayaa”. Xaaji Cali aabehii wuxuu ahaa maalqabayn mood iyo
noolba hodan ka ah, madaxda magaalada Qandale u talisona ka mid ah, boqarka iyo
raggiisana xiriir adag la leh. Inkasta oo arintii Xaaji Cali Faahiye ay
Talyaaniga wareerisay.
Xaaji Cali markuu tagay Qandale wuxuu arkay calan Talyaani oo ka taagan
daartii aabehiisa. Hadduu dadka wareeystayna waxaa loo sheegay in boqarkii iyo
Talyaanigu ku heshiiyayn in calanka Talyaaniga laga taago magaalo kasta oo
boqarka taliskiisa raacsan. Xaaji Cali, Darwiish buu ahaayoo, wuxuu ku
dhaqaaqay inuu taa wax ka qabto, dabadeedna calankii buu la soo dagay oo gubay.
1907dii ayaa markab Talyaanigu leeyahay, oo basaas ahi, xeebaha Soomaalida
soo galay. «Dhugi geel dhaantay, dhaxsacodtona dhul
dhaantay», dad baa waxay ku yiraahdayn: “Nin
Xaaji Cali la yiraahdo oo ina Cabdulle Xasan ka yimid ayaa calankii Talyaaniga
ee saarnaa Qandale gubay”. Dabadeedna Talyaanigii wuxuu u ergooday boqarkii,
isagoo ku doodaya in boqarkii axdigii jabiyay balankiina furay. Dabadeedna,
boqarkii wuxuu gudoonshay in Xaaji Cali la soo qabto, Talyaanigana gacanta loo
galiyo, si ay uga abaalmariyaan wuxuu falay. Xaaji Cali dareen baa galay
dabadeedna wuxuu tagay Boosaaso.
Axmad-Taajir, oo boqarkii walaalkiisa ahaa, buu waydiistay inuu
magangaliyo, «magannimo Allaa lehee!». «Rag tab iyo xeeladi kama dhamaadtee», waraaq buu u qoray Sayid Maxamad, oo wuxuu ku qariyay
maro bafto ah oo sadex dhudood ah, wuxuuna u sii dhiibay nin safar wadta oo la
oran jiray Cabdi Cali Guuleed oo Sayidka saaxiib la ahaa; xaashidaa wuxuu
Sayidka ugu tifaftiray wixii dhacay iyo waxa la damacsan yahay. Aminkaasina
wuxuu ku beegan yahay markii Pestalozza uu Ilig tagi doono. Markab Talyaaniya
ayaa muddo kadib soo dhigtay marsada Boosaaso. Talo qarsoon, qoolad iyo xeelad
baa jirtayee: Xaaji Cali waa la qabtay, Talyaanigii baana la gudoonsiiyay,
markabkii baana lagu qaaday. Markabkaas oo Qunsulkii Ilig u raaci doono.
Xaaji Cali, oo lixdanaadkii dhintay, waxaa laga wariyay: «Markii gaalkii iyo raggiisii markabka ka dagayayn, ayaan
turjumaankii waxaan ku iri: “War! Sayidka ii sheeg”, hase ahaadtee Darwiish buu
fariintaydii u sheegay, dabadeedna Darwiish baa warkaygii Sayidka gaarsiiyay.
Dabadeedna, Talyaanigii markuu Sayidkii u tagay, su’aalona lays dhaafsaday,
ayaa Sayidkii wuxuu yiri, isagoo iska dhigayo nin xagga Eebe Wayne looga
waramay: “Xaaji Cali Faahiye Geedi meeyay?”, Qunsulkii, inuu qariyo ka xishaw,
oo wuxuu yiri: “Markabkuu ku jiraa”, Sayidkii wuxuu yiri: “Waa in la soo
dajiyaa”».
Talyaanigii taa waa ka dooday, oo wuxuu yiri: “Ninkaasu calankii dawladda
Talyaaninga buu gubay oo labo dawladood baa isu dhiibtay, adiguna shaqo kuma
lehid”. Sayidkii wuxuu yiri: “Daraawiish mooyee dawlad kale ma jirto. Haddaan
dagdag loo keenin, wada hadal ma yeelanayno, isagaadna u curaaran tahiin”.
Intaan labo tuke isdayin ayaa caraad iyo cargaagtankii daraawiishta caadada
u ahaa camal guhaadoodayn. Hase ahaadtee dagdag baa Xaaji Cali Faahiye Geedi
markabkii looga soo rogay. Markuu Sayidkii gacanta midig qabtay, wuxuu yiri:
Ninka gaalka la
siiyay, Talyaani loo garbo duubay
Markab guudkii la
saaray, gacal saw ma lehaynin?
Waxa gaalada
siiyay, garacdii bah dir waaye
Garkiisa oo la
jaraa, ma gooyaan dhamidoodu!
Warka gaaray
islaanka, gayiga oo dhan dhameeyay
Gadi reer tolkii,
caybtu guudka saw kama saarano?
Qoladii Alle
gaabshay oo gaasiray, faro waaydaa oo
ganbada ogalaadtaa,
reer Caliyow lagu guursay!
Ma gabaro ayaydu
tahiinay?
Dhirtu waa labo
geedo, galoolo isdhaafay,
Mid haddii la
gogamiyo, kan kalaa godal noolba
Godin loo rabayo; waxa
loo garbinayo,
Alle! Saw ma
gartaanay!
Hadday guudto
baxayso, geesigii la ogaa
Ninkii uu gabri
doono, hadba waa gujiyaa oo
Gundhiyaa oo hinqiyaa,
geesi looma bareero
Waxa loo
garbinayo, Alle saw ma gartaanay!
Mawdku waa gar
Ilaahay, geeri Eebe ma diidano
Waxa aanaan ka
gam’aynin Cali Faahiye Geedi,
waa siday u
galaynay!
W. laga soo
qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 –
1921).
W. Qoray: Aw
Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha
Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.