[Soomaali waa kuma?] waa [Aadam waa kuma?] |
Sheeko:
Gaaban
Faalo: Wax
xoogaa ka duwan tii asalka.
Wax ka badan sodan mirir ayaan taagnaa, oo aan sugayay baskii 93da oo
farasmagaaleha Boston ku jeeda. Dhaxan baasi iyada oo ay i kojisay ayaan si
kadis ah u jaleecay bar aan dhawr jeer hore ka quustay eegmadayd, mase waaba
baskii oo soo lalaya! Ducoqabtaa waddoo, waa tan durbadiiba hortayda ku hojisay
oo ilinkii hore ee baska iga furtay.
“Dhaxanta ka soo gal” ayay igu salaantay, anna: “Naa Muxubbo, maxaa idin
baqtisiistay?” ayaan, aniga oo qadaadiic ku guraya sanduuqa agtayd ku rakiban,
su’aalay. Warcelimaadyo waafi ah iyo kalkaan diirimaadka baska gudahiisa isla helay
ayay qarqaryadu i daaysay. Hore uma gudbi karin, oo basku waa uu ciirciirayay.
Lugtayda midig ayaa iiga baxsanayd xariiqda hurdiga ah inta Muxubbadu sheeko ii
kala dhigdhigaysay, oo sida dirawalada kale, ee baskan dharaaraha kale wada, iguma
aysan dhagobarjeeynaynin weerta ah: «Ha soo dhaafin xariiqda huruudda ah!».
Labo joogsiyaad kadib, baskii wuxuu horistaagay Dugsiga Sare ee Charlestown.
Koox farowayn oo arday ah oo u jarmaadaysay dugsiga ayaa ilinka danbe ee baska
iska shubtay. Faalal iyo firaaqo ayuu baskii ku soo baxay, intii dad ahayd ee
taagtaagnaydna midba kursi ayuu isku balaarshay. Anna – lawyada ayaa i xanuuna,
oo waa waxa i soo kalahiyayee –, kursi ayaan isha ku daydayday oo intaan salkii
dhigtay ayaan wargeeyskii Metro, oo nin siransirqeeysani iigu keenay, la kala
soo baxay. Markii uu baskii marayay Haymarket ayaan hareerahayga eeg-eegay mase
kursi uu fadhiyay oday ayaa waxaa soo fariisadtay inan soomaaliyeed! Waxaan
hoos iskula sheekeeystay: “Oo hadday ruuxdu Soomaali tahay, maxay kuu salaami
waayday?” Isla markiibana anigaa isu warceliyay: “«Qof wargeeys ku foorara, war
san lagama doonee», armay tiri: wareer jira yuun wadaanta kuu darin?” kalka,
anigaa salaamay iyadii, hase yeeshee, sidii dhagaxii ayay iiga aamustay, wayna
ilaba hadli waayday! Kaaga daranka, afka ayayba ii buurtay, sidii aabahayda aniga
oo ka tashay aanodilkiisa. Shaki ayaa iga galay inay Soomaali ahayd. Haddana
foolkaydii ayay ii ururisay. Markii aan kal kale qooraansaday ayuu igu soo
laabtay dareenkii aan ka naqday. Wuxuuna baskii soo istaagay farasmagaalehii aniga
oo isla hadlaya kuna hawshoon sababta ay ruuxdu iiga xirxiradtay – waaba
Soomaaliyee!
Waan dagay. Waxaan dhaxqaaday farasmagaalehii aniga oo ku sii jeeda bartii
aan ka halabsan lehaa baskii labaad. Mahadda Eebee, waaba baskii oo taagan.
Waan koray. Aniga oo aan bidix iyo midig toona eegin, ayaan kursigii u soo
horeeyay fariistay, wargeeyskiina la soo kala baxay.
“Iska waran, adeer” kalmad ah ayaa dhagtayda ku soo dhacday.
Waxaaba i agfadhiday inantii. Iskama soo tuurinee, intaan wargeeyska dhabta
saartay ayaan u celiyay:
“Waa nabad, adeer. Maxaad iila hadli waayday kalkii hore?”
“Haddaan kuu sheego sababta aan kuula hadli waayay kalkii hore i fahmi
maysid” ayay iigu adkeeysay.
Hadalkaas markuu ii yimid, waxaan u sacdaalay maskaxdayda. “Oo waxa ay bilistani
sheegayso ee aanan fahmi karin muxuu yahay?” ayaan iswaydiiyay. Aniga oo
su’aashaas ka salgaarin ayaan is-hordhigay da’dayda iyo waayo-aragnimadayda.
Waxaan ku dhiiraday inaanan u dabcin hadal ka soo go’ay maskax tayda ka shaqo
badan balse tayda ka waxsoosaar yar. In badan inaan maqnaado ayaan ka xumaaday,
waxaan la soo booday:
“Waxaan islehaa, inantu waxay kaaga gaabsadtay afka ayaysan garanaynin;
sawdigan sida quman ugu hadlaya afkaaga hooyo? Danbi aan kaa galay ma jiree,
maxay iminka iyo markii isku dhaamaan, ee aad iminkanna iila hadlaysaa,
markiina aad hadalkaaga iiga ceshadtay?”
“Mayaanan ku oran, i fahmi maysid?”
“Haddii aad tirina, ma Qadar oo kalaad tahay, oo i fahmi maysid ayaa
xujo kuu ah”
Ma garanayo Qadarka aad sheegayso, balse hadalkaygu waa digniin ee xujo ma
aho; kolay waad wadaysaa dooddan aadna meelna la gaaraynnee, aan kuu
balbalaarsho sababta aanan kuu salaamin markii hore”
Intaa iyadu way hadlaysaa, anigase wax iiga duxa ma maqlo. Waxaan la
maahsanahay sababta ay qoftu u kasaynin Qadar. Waxaan intaa iswaydiinayaa inay
qoftu la nooshahay waalidkayd ama walaaladayd ama dad kale oo soomaaliyeed oo
ay si uun uga maqli kari lehayd sheekada Qadar iyo in kale. Waxaan ku soo
toosay iyada oo i leh:
“… hah, inaad af Carabi igu bariidiso ma haboonaynin, kuma lehi af Carabi
ha ku hadlin balse waxaan ku leeyahay af Soomaaliga ama afka gayigan aan joogno
dadka ku bariid”
“Waan gartay” ayaan ku soo gaabiyay hadal.
In kasta oo aanan wada dhuganin sida ay wax iigu faahfaahisay, haddana
waxaa ii muuqday in dhiidhiga ay gabartani ku jirtaa, ka baxiddiisu ay aad u
adagtahay. Hase yeeshee, waxaan is tusiyay inaanan hakinin wax iswaydaarsigan
quruxda badan ee u dhaxeeya aniga iyo iyada. Waxaan u xaydxaydtay inaan
dhiidhiga gabartan ka saaro, dhibba hayga gaartee.
“Meel fog ayaan ka arkaa mucda weertii u danbeeysay ee aad i tiri. Waxaan u
fasirtay inaad ruuxa Soomaaliga ah u rabto inuu ku dhaganaado, sidii jirkiisa
oo kale, Soomaalinimadiisa kalka hore, kalka labaadna uu gashto oo uu isku asturo
huga gayiga uu kalkaas ku sugan yahay, si uu u kasbado qaddarinta dadyawga uu
la soo darsay”
“Iminkaad i fahantay” ayay tiri.
“Balse wali kuma wada fahmin; ma waxaad i leedahay ruuxa Soomaaliga diin ma
leho u dhaqan ah, oo uu gayi kastaba ku haysan karo?”
“Dhaqanka Carabta ayaan diidayaa, ee ma diidayo diinta”
“Yaa kuugu sheekeeyay salaantii aan kugu salaamay waa dhaqan carbeed oo
kaliya, oo diinba shaqo kuma leho?”
“Cidina iiguma sheekeeynin ee aniga ayaa sidaas wax u arka”
Haddaba aragtidaada iftiin u yeel! Salaantii aan kugu salaamay waa salaanta
ay Malaa’ikta Eebe ku soo dhaweeynayaan dadka Eebe jannadiisa daga, ee ay ku
oranayaan: «Nabadi korkiina ha ahaadto, wixii aad u soo dhabaradkaydayn
aawadood.» Waxaad ugu tagaysaa Suuradda: Ar-Racad, Aayadda 24d”
“Qur’aanka ma aqristo” ayay si daacadnimo u tiri.
“Maya, waxaan rabaa inaan ku tuso waxa aad ka masuugayso ee aad leedahay
waa af Carabi inuu ku qotamo toolmooni kalgacal ka dhaxbeeri karta
Aadameha. Aan kuu balbalaarshee, «Nabadda dhabta ahi waa midda dhaxtaal
Jannada. Nabadda aynu ifka ku haysanaana waa kalgacal ay tahay inaynu dhaqangalino.»
Labadan nabadoodna salaanta aan kugu salaamay ayay wada xanbaarsan yahiin, oo
diinta xaqqaad ayaa u sal ah. Middayd kale, dhaqanka ay diintu keento ama ay
baneeyso waa mid if iyo aakhiroba jiraya oo aan Carabta qura u soocnaan karin”
Gabartii juuqba way ii celin waayday. Waxa ay ka fikiraysayna ma sanceeyn
karo anigu. Goor uu baskii istaagay bartii aan kaga dagayayna, waxaan sii
salaamadiyay gabartii. Waxaana dhab-ahaantii i farxad galisay gabarta
salaanceliskaydii. Xataa waxay gaartay iiga barakeeyntayd Eebe.
Dhabadii Washington ayaan ka gudbay. Waxaan u dhaqaaqay dhankii Cusbitaalka
Dhaxe ee Boston. Intaan sii tukubayay, waxaa maskaxdayda ka guuxayay waxyaalo
tiro badan. Waxaa ii muuqday in cadaadis badan – oo ka saaqidinayay barashada
waxa ay diintoodu ugu fadhido, isla markaana jajuubay – uu fuulay dhalintii.
Qura ma qof af Carabiga uga dudaysa, oo waliba ku sii indhocad, inaanan gayigan
lagaga hadlin ayaa Qur’aanka aqrinaysa? Bal maxay diintayna iyo dhaqankayda
Carabta oo qura u siinaysaa? Carabta qaar baa diintaynaba aan la siininee. Waa
gad cusub, sida ay ila tahay. Wargeeyska aan kilkisha bidix ku sidtaana waa
xoormo iyo salladdiisa laamiga jirjirkiisa qotanta ku rid! Marba hadduu ka mid
yahay bii’adda gumeeysteha ee gaddan, ee sidaas iyo si xooganba isu soo
cammiraysa.
Dhaxan waynaa! Eebaw, diirsimaadkaaga meeshatan noogu soo badi!
Dago 5, 1433 | Nof 30, 2011
Idiris M. Cali