Qalcadahii Taleex oo duqeeyn lagu hayo! |
Abaarahii
1917kii horaantiisii Sayidku waraaq buu u diray madaxdii dadka arlada Nugaal
waqooyi ka xigta, gaar ahaan dhulka Ceerigaabo iyo inta raacsan dagan. Ma
jacelayn raallina kama ahayn in xumaani dhaxmarto dadka halkaa dagan,
dagmooyinka halkaa dajisanna wax dhibaadto ah loo geeysto, maxaa wacay wuxuu
doonayay inuu dadkaa Daraawiish ka dhigo, kalsooni waynna waa ku qabay. Waxaynu
oran karnaa taa guul buu ka gaaray. Waraaqdii oo asalkeedu af Carabi ahaa, oo
Ingiriiska laga soo tarjamay waa tan:
Mahad Ilaah baa iska leh, naxariis iyo nabadgalyona Nabiga korkiisa ha
ahaadto. Fariintan waxaa soo diray miskiinkii Ilaahay, Maxamad Cabdulle Xasan,
oo u diraya qabiilka reer Xaamid Cismaan (Isxaaq) dhamaantooda, siiba Haaruun
Axmad, Yuusuf Diiriye, Maxamad Axmad, Maxamad Maxamuud, Maxamuud Faarax,
Ismaaciil Guuleed, Cabdi Jaamac, Saalax Cali iyo walaalkiisa Faarax, Caraale
Warsame, Food Axmad iyo idil raggoodii waxagaradka ah.
Ujeedada waraaqdani waa labo arimood: Midda hore waa salaan, Ilaahay
naxariistiisa, barakadiisa iyo nabadgalyadiisa korkiina ha ahaadto. Tan kale waxaan
ogahay in dhan walba la idinka dulmiyay; waxaan taa ula jeedaa dhanka Warsangali,
Dhulbahante, Gaalada, doxoreyaasha iyo Daraawiishtaba. Ilaahay haydinla jiro,
samir wacan haydin siiyo, jannadana hoygiina ha ka dhigo.
Waxaan kaloo idin ogeeynsiinayaa inayan danbi idinku ahayn la dagaalanka
gaalada iyo doxoreyaasha, ee uu yahay waajib qof kastoo muslin ah dusha ka
saaran. Muslin baad tahiin, iyana waa gaalo; markaa, ma fiicno inaad ka
waabadtaan. Tan ku saabsan Daraawiishta, idinku dhib ma geeysan, ha yeeshee,
Daraawiishtoo dhan ayaa eeddaas iska leh, siday u dhacayn, una dilayn walaalahooda;
qof kastaana xumaantuu falay, ifka ama aakhiro ayuu abaalkeeda heli doonaa.
Ilaahay wuxuu yiri, «Haddii qof muslin ah qof ulakac u dilo, ciqaabtiisu waa
cadaabtoo lagu waariyo, iyadooy sugayaan nacaladda iyo carada wayn ee Ilaahay».
Ha yeeshee waxaan idin ogeeysiinayaa, kuwaan jacelaayaw, inaan ka calool
xumahay cid kastoo idin qulquladeeysa, taasina waa iga runoo wallaahi ah!. Ilaaha
wayni ma jacelo kuwa idin qulquladeeya, aniguna waxaan waligay wacdigayga ku
sheegaa in Ilaah baaba’in doono kuwa walaalahooda, reer Xaamid, dulmiya. Eebe
wayne waxaan ka baryayaa inuu baaba’iyo kuwa idin dhacay, taasina waa wax la
ogyahay.
Waxaan kaloo idin ogeeysiinayaa inaan ahay Xaajji iyo nin wali dagaalamaya
oon ku doonayn darajo iyo waynaan adduunyadaan ah. Maahi Dhulbahante, oo
Warsangali maahi, Majeertaynna maahi, Ogaadaynna maahi. Maan ahi beenaale,
waxaan ahay Darwiish ka sugaya Ilaahay naxariis, aqbal, danbidhaaf iyo hanuun.
Waxaan rabaa, idankii Ilaahay, in adduunkoo dhan ay muslimiintu ku
guuleeystaan, hase ahaadtee, waxaan ahay nin miskiin ah, mana haysto, in yar
mooyee, rag daacad ah. Labo, sadex qof mooyee, inta hartay ee i wahalisaa waa
dad dulmifaleyaal ah!. Ilaahay haynaga jiro dulmiga, xaasidnimada, colaadda,
khiyaanada iyo dadka ku dhaqma.
Walaalayaal, aminku waa aminkii samirka, waa aminkii dulmiga, waa aminay musuqmaasuqa
iyo sinadu faafayn, waa aminay gaaladii muslinkii jabiyayn, waa amin walaalkaa
ku sirayo, waa amin saaxiibkaa ku gawracayo, waa amin jaalkaa ku dhacayo, waa
aminay culimadii u adeegayso kufriga. Waa aakhirul samaan. Rabbi hayna hago!
Rabbi hayna hago! Rabbi hayna hago! Ilaahay, aakhirka, hayna baraariyo! Ilaahay
aakhirka haynagu
baraariyo jidkii Nabigii iyo intii raacday!.
Haa, walaalayaal, samir yeesha, shaydaanka iyo saaxiibodiisana yaanay idin
duufsan! Ha ka qoomameeynina wixii idinka lumay, maxaa yeelay Ilaahay baa kulli
idiinku soo magdhabaya ifka iyo aakhiroba. Waxaan kaloo idinka baryayaa inay
laabahaynu wada jiraan ooynu isgarabsano, tan u horeeysana waa inaynu is-arag
yeelanaa.
Runtii waan ka qoomameeyay la-saaxiibkii doxoreyaasha iyo Dhulbahante,
haddeerna waxaan hubaa haddaan kaligay la dagaalamo gaalada, saacad qur ah waan
ku jabin lehaa; haddii idinka iyo aniga aan la wada dagaalano waan wada jabin
lehayn, haddaan la dagaalamo kuwa kale, siiba Dhulbahante, waan ka adkaan
lehaa. Dhibaadtadu waa kuwaas, maxaa yeelay garashadoodu ma cado, qalbigooduna
uma jeedo xagga Ilaahooda, marka laga reebo rag yar.
Ilaahay baa Qur’aankiisa ku yiri, «Adoomahayga in yar baa ii mahad naqa». Tan
waa fariintaydii, waxaan idiin sheegayaa qofkii idin dhacayba inuu ku silcay
kuhaanka habaarkayga, ooy qaarkoodaba dhintayn, qaar kale gaaloobay, qaar
kalena taag iyo tabarba gabayn.
Walaalkiina
Maxamad Cabdulle Xasan
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid
Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda
Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.