Waraaqdan Daraawiish baa u soo dirta dawladda Ingiriiska, ulajeedadeeduna
waa muranka na dhaxyaala anaga iyo dawladda Ingiriiska. Marka hore, waxaan idin
ogeeysiinayaa inay murankaas sabab u yahiin Swayne, Cordeaux iyo Muuse Igaare.
Sadexdaas nin baa dalka oo dhan baleeyay. Muddo ka yare horeeysay, dalku waa
xasiloonaa, dadkuna raalli buu ahaa, dalkana xoolo baa ka buuxay. Muddo kadib
ayuu Swayne dalka ka tagay, awooddii dawladda mustacmaraduna waxay u wareegtay
gacmaha khayaamiinta kale kor lagu sheegay. Dalka sidii hore ayaa loo baleeyay.
Waa nala dhacay, raggayagiina waa la laayay, waana la xirxiray, doonyahayagana
waa la maroorsaday, waana la cashuuray, dalkayagana xoog baa nalakaga qaaday.
Cordaux waraaq baanu u dirnay, aanu ku leenahay: «Waa inaad xoolahaygii noo soo celisaa, haweenkayagii iyo
doonyahayagii noo soo furtaa, dalkayagana ka baxdaa». Nalama maqlin, codsashadayadiina nalakama yeelin. Taas
ayaa kacisay bulaankan oo dhan. Tan kale waxaanu ku ogeeysiinaynaa inaanu
geelii Isaaq haysano. Geelaasna Daraawiish baan u qaybinayaa, haddaan dawladda
mustacmaradu nala heshiin, xoolahayagiina la soo celin, codsashadayadiina naloo
yeelin, doonyahayagiina naloo daayn, dalkayagaan laga baxin, cadaadintana
nalaga daayn. Haddii codsashadayada la yeelo, raalli baanu ahaan doonnaa, farax
iyo nabadna waanu ku noolaan doonnaa. Haddii kalena, waa amar Ilaah, waanna
qaybsan oo qalan doonnaa. Gees kastana raggayaga ayaan u diri doonnaa si ay u
ilaaliyaan danahayaga, nabadgalyadana u hubiyaan.
W. saxiixay: Sayid Maxamad Cabdulle (haashimi) iyo Daraawiishta kale.
F. G.: Haddaad nabad nala yeelayso, waxaanu ku waydiisanaynaa inaad noo soo
magdhawdid 95 nin ee lagu dilay Galaadi, 15 nin ee lagu dilay Nugaal, iyona 15
buntuq, 89 halaad ee Jaamac Siyaad (Dhulbahante) naga dhacay, labadii doonyood
iyo shaqaalahoodii waday iyo wixii saarnaa; ugu danbeeyskiina inaad ka guurto
dalkayaga.
Uragadda wayn ee na haysadta iyo sababta keentay muranka waa dawladda oo na
ilawday, iyo lacagtii ahayd sababtii lagu dilay Diiriye Caraale iyo arimaha
kale ee aan kor ku soo qoray.
Ku: Shiikh Maxamad Cabdulle Xasan.
Waxaan ku ogeeysiinayaa inaan waraaqdaadii helay, aad kaga hadlayso fidmada
ka dhaxdhacday qabaa’ilka dawladda Ingiriisku u taliso iyo dadkaaga. Marka
hore, waxaan doonayaa inaan mar labaad ku ogeeysiiyo inaan dawladda Ingiriisku
doonayn inay la muranto dariskeeda, ama faragaliso arimahooda. Hase ahaadtee,
dhinac kale, dawladda Ingiriisku waxay filaysaa in dariskeedu sidaas oo kale
yeelo, dawladda Ingiriisku ma ogalaanayso in arimaheeda la faragaliyo. Tan
labaad, waxaan ku ogeeysiinayaa hadday wax fidmadi dhacdo inay sabab u tahay
faragalintaad arimaha qabaa’ilka, ay dawladda Ingiriisku u taliso, soo
faragalisay.
Awal, Warsangaligu raalli iyo addeec buu ahaa, dabadeedna, arimahooda ayaad
faragalisay, markaasay caasiyoobayn, rag iyo banaadiiqna waad ku caawisay.
Adiga waa lagaaga digay inay yahiin raaciyad Ingiriis iyo inaadan soo
faragalin. Hase ahaadtee, dhago umaad baxin, haadtanna dhibaadtada iyo ciqaabta
Warsangali la marinayo waxay ku muteeystayn faragalintaadii. Sidaad isugu
dayday inaad ku qanciso tolalka Isxaaq inay Warsangaliga ku daydaan, dawladda
Ingiriiskana ku caasiyoobaan, kugumay dhageeysan, waxayna i tusayn waraaqahaad
mar walba u soo diri jirtay. Waraaqahaas dawladdaad si walba ugu cayn jirtay,
isla markaasna erayo nabadeed baad ii soo diri jirtay. Waxaad kaloo burcadda ku
qancisay inay tolalka Ingiriisku u taliyo geela ka soo dhacaan oo kuu keenaan.
Waqtigaas oo dhanna hadaladaadu waxay ahaayayn nabaddoon.
Tan sadexaad, arinta ku saabsan codsashadaadii, ogaw inayan dawladda
Ingiriisku waxba ugu jirin 95kii nin ee Galaadi lagu dilay. Raggaasi Biyamaal
bay ahaayayn, Ogaadayn oon ahayn raaciyad Ingiriis baana laayay. Hase ahaadtee,
hadday kula tahay inay Ogaadayn raaciyad Ingiriis yahiin, maxaad mar kasta u
weerartaa? Taasi ma waafaqsano nabadda. Arinta ku saabsan 15kii nin ee lagu
dilay Nugaal iyo 15kii bunduq, waa inaad ogtahay inay nimankaasi Warsangali
ahaayayn, waxayna helayn caasinimadooda abaalkeedii. Hadday dadkaagii ahaayayn
sidaad u tiri, maxaad ugu soo dirtay inay weeraraan tolalka Ingiriisku u taliyo
ee Nugaal dagan? Taasi ma waafaqsano nabadda. Arinta ku saabsan doonyaha ama
baxridoodii ama shixnaddoodii, dawladda Ingiriisku ma soo celin karto wax ayan
qaadan.
Ugu danbeeyskii, waxaan doonayaa inaan kuu sheego sidan: waraaqo badan baad
ii soo dirtay ood ku leedahay nabad baan doonayaa, anna waan u diyaar ahaa
inaan rumeeysto hadaladaada. Hase ahaadtee mar kasta rag iyo warqado sira baad
u diraysay tolalka, adoo ku qancinayay inay dawladda Ingiriiska ka tagaan, adoo
caynayay Dawladda Ingiriiska iyo kuwii u addeecsanaa. Haadtan warqad baad ii soo
qoraysaa ood ku leedahay nabad baan rabaa, haddase dhib bay igu tahay inaan
hadaladaada rumeeysto kadib waxa dhacay. Haddaba, hadday dhab kaa tahay
nabaddoonista, geelaad sabab la’aan Isxaaqa kaga dhacday ii soo celi; raggaaga
iyo banaadiiqdaadana Warsangali kala naqo, hana faragalin arimahooda iyo kuwa
tolalka kale ee Ingiriisku xukumo. Haddaad taas dhaqso u sameeyso waxay i
ogeeysiinaysaa inaad run ahaan nabad u doonayso; haddii kale, waxaan ogaanayaa
inayan hadaladaadu run ahayn ood uga jeeddo inaad igu khiyaanto.
Sidaas iyo salaan.
H. E. S. Cordeaux