Laas Qoray, Sanaag, Soomaaliya |
Bishii
Nof. 1908, warqad laga diray Barbaro oo loo diray wakiilka Dawladda
Boqartooyada Talyaaninga Cadan u fadhiyay, waxaa si cadaan ah loogu sheegay in
siyaasaddii Darwiishta ka xoog roonaadtay siyaasaddii Ingiriiska; dagmooyin
badan, oo markii hore Ingiriiska xiriir la lehaa, ayaa ka go’ay. Iyadoo
Dawladda Boqartooyadu ku dadaalaysay inay wadaadka heshiis ku soo dabaalaan,
baa taasi waxay ku naqodtay dhabarjab iyo xagaldaac. Warqaddii waa tan:
Ku: Wakiilka Boqarka Talyaaniga, Cadan.
Mudane,
Waxaa sharaf ii ah inaan kuu soo gudbiyo nuqul ee warqaddii aan u diray
wadaadka Sayid Maxamad Cabdulle. Iyadoo ugu wacan waanwaanta hadda dhaxtaala
Daraawiishta iyo Warsangali, baa wuxuu Cabdalle Shaxiri ii sheegay inay dhacdo
in wadaadku u qaadto talaabooyinkii ciqaabta, ee lagama maarmaanka ahaa, ee
dhawaan Warsangaliga loo geeystay in isaga loola dan lehaa. Taas aawadeeda,
waxaan dan mooday inaan ka faa’ideeysto dib u laabashada soo foodsaaran ee ergadii
wadaadka si aan durbadiiba warqadda hore aan u soo xusay ugu diro, daahid
la’aan. Ha yeeshee, daraadda ee sida dagdagga ah ee Cabdalle Shaxiri loogaga yeeray
Cadan, ergadii lama dirin, daraaddaasna warqaddaydii waxay kula maqan tahay
Cabdalle Shaxiri Cadan. Anigoo arimahaas eegaya, waan ku mahadqabi lehaa haddii
aad wadaadka ugu gudbiso warqadda fursadda ugu horeeysa ee aad hesho.
Sida laga ogaaday Xogwaramadii Basaaska ee soo baxay bilihii na soo
dhaafay, wuxuu wadaadku u halgamayay inuu Warsangaliga dhinaciisa u leexsado,
taasna inteeda badan guul buu ka gaaray. Dad badan oo Warsangali ah ayaa
xaruntiisa ku biiray, dhinaca kalena Daraawiish hubeeysan ayaa shalmadda dhigay
furdada wayn ee Laas Qoray Warsangaligu ku leeyahay, halkaas oo si dhab ay uga
taliyaan, iyagoo uu madax u yahay Ibraahim Xasan oo lagu naanaysayo
Ibraahim-Buqul kana mid ah naa’ibada wadaadka.
Shaki wayni kuma jiro cadaawadda ay iminka Warsangaligu muujinayaan in
ninkaasi iyo Daraawiishta hubeeysan fadhida Laas Qoray ay ku abuurayn. Inkastoo
aan la diidanayn inay Daraawiishtu si nabadgalyo leh uga ganacsadto Laas Qoray
ama furdo kale oo ku taal Mustacmarada Ingiriiska, haddana shaki la’aan waad
inaad igula raacdaa furdadaas oo la qabsado ama hab kale oo lagu farogaliyo
qabaa’ilka dawladda Ingiriiska heshiiska ka saxiixadtay, inuu ka soo horjeedo
qodabadii heshiiskii Ilig. Lama ogo ilaa iyo intuu Ibraahim Xasan iyo Darwiishtiisa
hubeeysan ay ku waxqabtaan amarka ama ogaalka Wadaadka, si laysaga ilaaliyo
qalalaase mustaqbalka, waxaan ku kalsoonahay inaad ka fikiri doontid sida loogu
baahan yahay inaad arintaas iyada ah wadaadka ugaga ergeeyso fursadda ugu
horeeysa.
Ka: Adeegahaagii daacadda ahaa
(saxiixa) H. E. S. Cordeaux
Xafiiska Waaliga, Barbaro.
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid
Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda
Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.