martes, 20 de julio de 2010

Anigu

Maansoole: Naazik Saadiq al-Malaa’ika
Dal: Ciraaq
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid







Habeenka baa waydiiya yaan ahay.
Waxaan ahay sirtiisa, walwasha, moolsan, madow
Waxaan ahay shibtiisa ismadkeeysa.
Aamusnaan baan ku qanciyay dhabyaalkayga
Shakina waan ku lifaaqay wadnahayga
Wajitubna waan la joogaa halkan,
Anoo dhaykakayo, intay i waydiiyaan qarniyadu
Anigu yaan ahaadaa?

Dabayshana baa waydiisa yaan ahay.
Waxaan ahay ruuxeeda xayiran, i diiday waqtigu.
Iyadoo kale, meelna kama aan jiro,
Joogti baanu la soconaa, dhamaadna ma jiro
Joogti baanu la marnaa, joogsina ma jiro;
Haddii aanu gaarnayna laabka
Aanuna la firaaqeeynay khaatimada shiddada
Haddiina ay tahayba baaxad maran!

Ayaankana baa waydiiya yaan ahay.
Isagoo kale amarti ah baan duubaa waayada
Una ogalaadaa mar kale fidnaan.
Waxaan kula abuuraa soojiidashada rajada raaxada leh
Tagtada fog
Aniga baana mar kale duuga
Si aan uga soo saarto shalayto cusub,
Baritodeeda tahay baraf.

Naftana baa waydiisa yaan ahay.
Iyadoo kale jahowareer ah baan ku indhohayaa gudcurka
Waxna ii fasaxa nabadda ma jiro.
Waan sii su’aalaa, jawaabtuna
Sii dahaara dhalanteed
Waxaanna la sii fikiraa way dhawdahay.
Haddiina aan gaaray way baaba’day,
Dantay oo libirtay.

Laga soo qaaday Diiwaanka «Firdhaadyo iyo Danbas»: 1948



أنا
الليلُ يسألُ من أنا
أنا سرُّهُ القلقُ العميقُ الأسودُ
أنا صمتُهُ المتمرِّدُ
قنّعتُ كنهي بالسكونْ
ولفقتُ قلبي بالظنونْ
وبقيتُ ساهمةً هنا
أرنو وتسألني القرونْ
أنا من أكون؟
والريحُ تسأل من أنا
أنا روحُها الحيران أنكرني الزمانْ
أنا مثلها في لا مكان
نبقى نسيرُ ولا انتهاءْ
نبقى نمرُّ ولا بقاءْ
فإذا بلغنا المُنْحَنى
خلناهُ خاتمةَ الشقاءْ
فإِذا فضاءْ
والدهرُ يسألُ من أنا
أنا مثلهُ جبّارةٌ أطوي عُصورْ
وأعودُ أمنحُها النشورْ
أنا أخلقُ الماضي البعيدْ
من فتنةِ الأمل الرغيدْ
وأعودُ أدفنُهُ أنا
لأصوغَ لي أمسًا جديدْ
غَدُهُ جليد
والذاتُ تسألُ من أنا
أنا مثلها حيرَى أحدّقُ في ظلام
لا شيءَ يمنحُني السلامْ
أبقى أسائلُ والجوابْ
سيظَل يحجُبُه سراب
وأظلّ أحسبُهُ دنا
فإذا وصلتُ إليه ذابْ
وخبا وغابْ
»من ديوان شظايا ورماد«
» نازك صادق الملائكة «

jueves, 15 de julio de 2010

Ruuxayga


Maansoole: Salvador Padilla F
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Kamadanbeeyskii

Waan dhunkaday ruuxaaga,
Kaliya kayga
Ayaan kula yeeli karay...


Con mi alma

Al fin

Besé tu alma,
Sola con la mia
Pudé hacerlo...

martes, 6 de julio de 2010

Balwo (Maanso jacayl)

Maansoole: Douglas Collins
Dal: Ingiriiska
Laga soo qaaday buugga: Ilin Soomaaliya Darteeda (1960)
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid



“Meeqa sanno ayaad jirtaa” baan waydiiyay.
“Toban iyo todabo, adiguna?”
“Labaadtan iyo labo, ma guursadtay?”
“Maya, adiguna?”
“Maya”

“(…) Way dhacadiidsadtay (Amiina), dulsaarnaa madaxeedu xarig galoolan agyiil Daawga, ugu miliilicaysay xaggayga xamilada oo hoos ugu dhacsanaa bar. Iyadoo murdisada kula raacaysay ciidda xariiqooyin, waxay bilaawday inay ku heesto balwo, maanso soomaaliyeed ee luuq caaddifeed. (…)”

Haddaan u goosto wax ka qorid
Jacaylka haysta wadnahayga
Buug wacdaran tixgalis leh
Ma uusanin qaadi karinba.

Waxaan kuugu busaylaa sida mid
Daawgiisa, Khariif
Loogula haatiyay baaryoon kuna lumay
Badda maran beeyga ah.

Fooca ee naasahayga
Sida tufaaxyo baa macaan oo yar
Waa kuwaaga inaad maraaciyiso
Goorta habeenku gabaldhac uga gadismo waabari.
Dabadeed ool naasahan dhaxdooda
Oo ku wac nolashaada mid la jeelbaxiyay.
Yaadna abadba laguu diidin
Ceelkan ee faraxnaanta.


*Khariifka waa dabayl kulul engagan oo dhacda xiliga moosinka «koonfur-galbeed».


If I set myself to write
Of the love that holds my heart
A wondrous great kitab
Could not contain it all.

I long for thee as one
Whose dhow in the kherif
Is blown adrift and lost
In the grey and empty sea.

The curving of my breasts
Like apples sweet and small
Are thine to caress
When night turns dusk to dawn.
Then lay between these breasts
And call thy life fulfilled.
And never be denied
This well of happiness.

jueves, 1 de julio de 2010

Danke schöen

 
Heesaa: Wayne Newton
Dal: Maraykanka
Iskudabaride: Bert Kaempfert
Miraha: Kurt schawaback iyo Milt Gabler
Dal: Jarmalka
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid



Danke schöen, gacaliye, danke schöen,
Waad ku mahadsan tahay farxadda iyo xanuunka dhan.
Masawirka baa soo bandhiga, baalkoonka labaad, waa meesha aanu ku kulmi jirnay,
Fadhiga labaad, qofba kiisa, macaan baad ahayd.

Danke schöen, gacliso, danke schöen,
Dib u hayso beenooyinkaas, gacaliso ha faahfaahinin
Waan ka garwaaq haystaa Central Park iyoba dhamaantooda,
Sidaad u jeexday canbuurkaaga, maxaa naga qabsaday, waan qirtaa, intaas kuma eko.

Danke schöen, gacliye, danke schöen,
Waad ku mahadsan tahay manjobaxsiyada ee Laabka Jacaylka,
Waaxaan arkaa qalbiyo lagu xarday geed,
Xarfo ku lifaaqan, had walba kaaga iyo kayga, taasi waa hagaag.

Danke schöen, gacaliso, danke schöen,
Waad ku mahadsan tahay i arkid kol kale.
Inkastoo aanu kala aadno jidkayna gaar,
Wali xusuusta way ku raagtaa waaqeeda,
Qalbigayga baa dhaha, danke schöen, auf weidersehn, danke schöen.



Danke schöen, darling, danke schöen,
Thank you for all the joy and pain.
Picture shows, second balcony, was the place we'd meet,
Second seat, go Dutch treat, you were sweet.

Danke schöen, darling, danke schöen,
Save those lies,darling don't explain
I recall Central Park and all,
How you tore your dress, what a mess, I confess, that's not all.

Danke schöen, darling, danke schöen,
Thank you for walks down Lover's Lane,
I can see hearts carved on a tree,
Letters intertwined for all time yours and mine, that was fine.

Danke schöen darling, danke schöen,
Thank you for seeing me again.
Though we go on our separate ways,
Still the memory stays for always,
My heart says, danke schöen, auf weidersehn, danke schöen
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...