martes, 22 de mayo de 2012

Joogsasho

Saacadda Muusikada
Way joogsadaan wadneyaashu caadi-ahaan, ha yeeshee, dhamaantoodu way dikaamaan.
Ma sii noolaado wadneba, waayaduse digtay ahaan doonaan.

Corda gelâre solent, nihilôminus, omnia pulsant.
Nullum vîvit cor. Sæcula pulsuum erunt.

Maansoole: Marc Moskowitz
Dal: Maraykanka
Cinwaanka asalka: Gelare
Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid

martes, 8 de mayo de 2012

Nin aqdaamo faranjiya...

Cubcub jile ah

Nin aqdaamo faranjiya, maantiyo abuurayn.

Ama aalada u sida, ama awrta u rara;
Ama ariga u qala, ama laba ugaarsada;
Ama uba ilaala, ama uurka kala jira.

Ash-shahaado beeniyo, islaannimo ha lagu dhaqo,
Ilaahayna nama oran, anna ma ogalaan karo!

Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan.

miércoles, 2 de mayo de 2012

Aniga iyo ayada... iyo ubaxoha adduunka

Labonimada iyo Labaannimada Nolasha

Waxaa aynu joognay jardiinoda: aniga iyo ayada. Waxaa aan damacsanaa xiriir igu xira ayada: xiriir uun. Waxaana jardiinoda ka jiray geedo caleemo badan, caws cagaaran, shinbiro duulduula iyo fontaano. Waxaa aan ula arkaa ayada jeer yaaquut, jeerna sumurrud.

Waa gu’ii: qoraxdiina nugul waxaa ay kala soo dhax dustaa caleemoha geedoha shucaac ah sidii qalin miiran, inta ay ku dul tuurtay cawska ilays, midab, har iyo qaabab.
Geedohu udug baa ay lehaayayn, dhulkuna udug baa uu lehaa, cawskuna udug baa uu lehaa, timoheeduna udug baa ay lehayd, afkayguna udug baa uu lehaa.
Shinbirohiina xiligan waxaa ay ka cabaan fontaanoda oo isku dhaqaan, waxaa ayna ka jafaan baalalkooda biyoha oo ku gilgishaan cawska, waxaa ayna u balaw dhahaan hawada oo kula haabhaabtaan baalalka, waa ayna ciyaan oo dugsadaan laamoha geedoha.
-       Geerida baa aan jacelahay, kal kastana aan isku arko agteeda, waxaa aan jaceleeystaa nolasha.
-       Waa aan jacelaan lehaa haddii aan qabi lehaa ubax madaw.
-       Ubax madaw waa ka jiraa adduunka... ubaxo madaw waa ka jiraan adduunka.

******

Jardiinoda baa aynu joognay: aniga iyo ayada. Waxaa aan damacsanaa xiriir igu xira ayada: xiriir uun. Waxaana jardiinada ka jiray geedo dhacay caleemohoodu, caws engagan, shinbiro daalan, qoraxduna waa ay kacsanayd, fontaanoduna biyoheedii waa uu ka guray, waxaana daboolay caleemo engagan iyo kalsiyum, waa dayrtii.
-       Nolasha baa aan jacelahay, kal kastana aan isku arko agteeda, waxaa aan ogahay in ay tahay geeridu.
-       Waxaa aan jacelaan lehaa haddii aan qabi lehaa ubax cad.
-       Ubax cad waa ka jiraa adduunka... ubaxo cad waa ka jiraan adduunka.


أنا و هي... وزهور العالم

كنا بالحديقة - أنا وهي، وكنت طامعا في علاقة تربطني بها: أية علاقة
وكان بالحديقة شجر مورق، وحشائش خضراء، وطير بأجنحة، وعين ماء
-
 أراها مرة ياقوتة ومرة زمردة
انه الربيع: وتلك الشمس اللينة تنفذ من بين أفرع الشجر بشعاع كأنه الفضة النقية -
وقد رمت فوق الحشائش الضوء واللون والظل والشكل
كان للشجر رائحة، وللأرض رائحة، وللحشائش رائحة، ولشعره رائحة، ولفمى رائحة
هو الربيع، وتلك طيور الربيع عند عين الماء تطلب الماء وتغتسل وتنفض عن رئشها الماء وتتمرغ بالحشائش وتنط ونرف في الجو بأجنحة وتصوصو وتحتمى بأفرع الشجر
-
أحب الموت وكلما أجدني على حافته أحب الحياة
-
أود لو أمتلك زهرة سوداء
-
ثمة زهرة سوداء بالعالم... ثمة زهور سوداء

* * * * * *
بالحديقة كنا -
أنا وهي، وكنت طامعا في علاقة تربطني بها: أية علاقة
كان بالحديقة شجر سقط ورقه وحشائش يابسة وكلّ الطيور، وكانت الشمس طالعة، وعين الماء قل فيها الماء وغطاها الورق اليابس والكلس، انه الخريف
-
أحب الحياة، وكلما أجدني فيها أعرف أنها الموت...
-
أود لو أمتلك زهرة بيضاء...
-
ثمة زهرة بيضاء بالعالم... ثمة زهور بيضاء

Qoraaga: Yaxyaa Daahir Cabdullaahi (يحيى الطاهر عبد الله)
Sheekoda: Gaaban
Dalka: Masar
Ka: Literaturaarabecontemporanea.es
Tarjamay: Samantar Maxamad Saciid


*Yaaquut: dhagaxqaali oo midabo kala jaad leh: guduud, cagaar, jaallo.
*Sumurrud: dhagaxqaali oo midab ee nooc cagaar leh.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...