lunes, 11 de noviembre de 2013

Sugid 待つ



Watashi shōsetsu ( 小説), oo eray ahaan ah Sheekada Aniga, waa hab sheeko dhig ah ee uu shakhsigayda dhaxe u dhigmo kan qoreha meesha ee uu ku matalayo dhacdooyin soo qabsaday ama dareemo ee uu ka qabo bulshada ee uu ka mid yahay; waxaana lagu dhigaa qofka kawaad. Waana habka ee uu qoreha jabaanka ah Dazai Osamu (太宰治) u isticmaalay sheekooyinkiisa, siiba tiisa dheergaabka ah ee ugu iibka badnayd DADNIMO KA TAKOORAN (Ningen shikkaku 人間失格 1948), oo uu shakhsigayda dhaxe Ōba Yōzō (大庭葉蔵) ka tusmeeyo is gafka ka dhax dhasha lafta (ka soo aragga dibada) iyo nafta (ka soo aragga gudaha) ee inta uu qofku ku soo gudo jiro koritaanka, iyo sida fudud oo dahsoon ee uu u soo xirxiro ayaanka qofka, iyo dabadaydna sida wax ka qabasho maaro u waayidda adduun ee uu qofku u jeedo ay u keento is karaahiyid iyo bulsho nacayb iyo kamadanbayskiina ka takooranaantiisa bulshadii. Si kale haddii loo dhaho, SUGID (Matsu 待つ 1942) waa DADNIMO KA TAKOORAN oo soo gaab ah.


 

Dharaar walba saldhig yar ee tareenka ayaan soo aadaa si aan ula kulmo qof. Qof uun ee aanan aqoonin.
 Had walba waxaan ka soo maraa halkaas kadib kalkaan ka soo adeegtay suuqa. Waxaan ku fariistaa fadhi qabaw leh, waxaan danbiisha adeegga kor saartaa dhabta, oo si maahan afaafka saldhigga u jeedaalaa. Tareenadu way yimaadaan oo tagaan, Jeer walbana ee uu yimaadaa tareen, iradahiisa waxaa ka soo yaaca dad farobadan, intayna isku soo tubaan afaafka, oo kiiba qaba waji caraysan, ayay qaar safargudabka soo baxshaan, qaarna biyeetiga dhiibaan; danbeetona si soo jees qabin ayay u hor kacaan. Waxay hor dhaafaan fadhigayga, waxay u dhaqaaqaan fagaaraha ee saldhigga hortiisa, oo kiiba kala qabtaa dhankiisa. Aniga waxaan wali u sii fadhi hayaa si maahan. Qof ayaa wax igu yiraa, isaga oo muusawbi haya baa? Aa’, waa cabsi! Waan ka naxdin qaaday. Wadneha ayaa digdig i dhaha. Maladaas inay igu soo dhacdaa kaliya ayaa waxaan kaga dareemay sidii aniga oo biyo qabaw lafdhabarta laygaga soo shubay, waanna ka jarcayn hayaa. Waxaa igu dhagta neefta. walise, waxaan sii sugaa qof. Ar, yaan sugi hayaa ee aan u fadhi hayaa halkan dharaar walba? Waa qof caynkee ah? Maya, kan aan sugi hayaa mindhaa ma naqdo dad. Waanba nacbahay dadka. Maya, waan ka cabsi qabaa. Jeer walba ee aan fool ka fool qof kula kulmaa oo aan dan la’aan “Sidee tahay?” iyo “Qabaw baa yimid” kula salaamaa, oo inaan iraahdaa aanan rabinba, waxaan dareemaa inaan ahay qofka adduunka ugu been badan. Waana mid xanuun badan oo dhimasho iga keenta. Danbeetona, qofkaan la hadli hayo ayaa si baahi ku jirin igaga digtoonaada, oo bogaadin aanan ujeedo lehin iyo fikrado buunbuunan ee aanan run ku jirin ii gala. Intaan dhagaysan hayo taas, is jirkiisa hadurka ah ayaa murug iga keenta, oo waxaana igu korara nacaybka dunida. Dadku ma intaas ee inay kula noolaadaan nolashawda salaamo xirxiran, is taxaddaro, iyo is arag ka daalid ayaa?
 Anigu la kulmidda dadka ma ka heli. Taas waaye darta ee aanan waligay u booqan jirin, haddayan ka ahaynin munaasabo gaar ah, guryaha wadayadayda ama meelo kale la mid ah. Midda iigu fudud waxay ahayd aniga oo guriga la jooga hooyaday, labadaya oo shib wax ku toli haya. Ha ahaadtee, kalkuu Dagaalkii Labaad ee Waynaa dilaacay, oo jawiga hareerahayga mid aad iyo aad u kacan uu isu rogay, waxay ila naqodtay gaf wayn inaan naqdaa tan kaliya guri iska joog ku baxisa waqtigayda, waxaanna dareemi hayay walbahaar oo waan yeelan kari waayay wax daganaanba ah. Waxaan rabay inaan naqdo qof waxtar toos ah leh oo aad u shaqaysa. Waxaa iga dhumay kalsoonidii dhan ee aan nolasha u qabay ilaa iyo goortaas.
 Waxaan qabaa inaan ku dhax joogi karin shib guriga. Hase ahaadtee, xataa haddaan soo baxo, ma jirto meel aan aadaa aniga. Waxaan u soo baxaa inaan suuqa ka soo adeegto, ka soo laabadkiisa kadibna, waxaan soo maraa saldhigga oo si maahan fadhigga qabawga leh ugu fariistaa. Waxaan meehaashaa inuu si kadis u soo baxo qof, laakiin, aa’!, waan dhabqalali lehaa hadduu qofkaas soo baxaa, waan ka cabsiqaadi lehaa, laakiin jid kale ma ii jiro kalkuu qofkaas soo baxaa: nolashayda ayaan u dhiibi hayaa, ayaankayga ayaa isla goortaas laga go’aamin hayaa; diyaargalkayga ayaa u dhaw inuu dhiibo. Taas iyo malo-awaalo kale yaab leh ayaa waxay laabtayda iskugu dhax galgalaan si silan; dareenkaasna waa mid igu kadeediya caburnaan. Waa dareen ciirsi la’, sidii aniga oo aanan aqoonin haddaan noolahay ama mawtanahay, sidii aniga oo soo jeed ku riyoon haya, dadkana ee soo gala oo ka soo baxa saldhigga ay u eg yahiin sidii aniga oo si gadis ugaga soo fiirin haya biladdayeha: way yar yahiin oo fog yahiin; adduunkuna waa shib naqodaa. Aa’! Ar Maxaan sugi hayaa? Mindhaa waxaan ahay qura naag faddaraysan. Walbahaariddaas, rabiddaas ee aad u shaqaynta, iyo waxtarid naqoshadaas ee Dagaalka Wayn kadib dilaaciisa, waxay u wada muuqdaan been, dhab-ahaantiise marmarsiinyada muug-ahaanba amaan leh waxaan u adeegan hayaa inaan ku helo kansho aan ku fuliyo malo-awaaladayda cawrada la’. Waxaan halkan kula fadhi hayaa sidan maahan, laakiin gudahayga moolkiisa waxaa ka soo olali haya jaango’yada faddaraysan ee janankayga.
 Ar yaan sugi hayaa? Si cad waxna ma iigu muuqdo, qura wax caad ku rogan. Walise waan sii sugaa. Tan iyo intuu Dagaalkii Waynaa dilaacay, dharaar walba, ka soo laabadka suuqa, ayaa waxaan soo maraa Saldhigga oo kula soo fariistaa fadhiggan qabaw sugid. Qof ayaa wax igu yiraa, isaga oo muusawbi haya baa? Aa’, waa cabsi! Waan ka naxdin qaaday. Ma tahid qofkaan sugi hayaa. Haddaba yaan sugi hayaa? Say? Maya. Gashaan? Maya. Waday? Aslanba maya. Lacag? Haba sheegin. Magalooti? Aa’! fadlan maya.
 Wax wax ka sii xalladaysan, ka sii arwaaxan, ka sii wacdaran. Maan aqaani dhabtii. Tusaale, wax sidii gu’a oo kale. Maya, kaas ma aho. Laaca. Bisha Maajo. Biyaha kalaxa ah ee ka dhax qulqula goofaha beeraha. Kaasna ma aho. Aa’! walise si xamaasad waan u sii sugi hayaa. Dadku way soo iyo i sii hor maraan. Kan ma aho, kaasna ma aho. Danbiisha oo gacmaha iigu jirta ayaan jarceeyaa oo kal iyo laab diiran kula sugaa. Fadlan, hay ilawbin. Fadlan, haygu qoslin, ee xusuuso labaatan jirta, dharaar walba, u soo aadda saldhigga inay kula kulanto oo danbeetona ugu laabadta guriga luggo’yo. Ma kuu sheegi hayi magaca saldhigga. Maan u baahni, waayo waad i heli doontaa dharaar uun.
 
Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid.




待つ

太宰治


 省線のその小さい駅に、私は毎日、人をお迎えにまいります。誰とも、わからぬ人を迎えに。

  市場で買い物をして、その帰りには、かならず駅に立ち寄って駅の冷いベンチに腰をおろし、買い物籠を膝に乗せ、ぼんやり改札口を見ているのです。上り下りの電車がホームに到着するごとに、たくさんの人が電車の戸口から吐き出され、どやどや改札口にやって来て、一様に怒っているような顔をして、パスを出したり、切符を手渡したり、それから、そそくさと脇目も振らず歩いて、私の坐っているベンチの前を通り駅前の広場に出て、そうして思い思いの方向に散って行く。私は、ぼんやり坐っています。誰か、ひとり、笑って私に声を掛ける。おお、こわい。ああ、困る。胸が、どきどきする。考えただけでも、背中に冷水をかけられたように、ぞっとして、息いきがつまる。けれども私は、やっぱり誰かを待っているのです。いったい私は、毎日ここに坐って、誰を待っているのでしょう。どんな人を? いいえ、私の待っているものは、人間でないかも知れない。私は、人間をきらいです。いいえ、こわいのです。人と顔を合せて、お変りありませんか、寒くなりました、などと言いたくもない挨拶を、いい加減に言っていると、なんだか、自分ほどの嘘つきが世界中にいないような苦しい気持になって、死にたくなります。そうしてまた、相手の人も、むやみに私を警戒して、当らずさわらずのお世辞やら、もったいぶった嘘の感想などを述べて、私はそれを聞いて、相手の人のけちな用心深さが悲しく、いよいよ世の中がいやでいやでたまらなくなります。世の中の人というものは、お互い、こわばった挨拶をして、用心して、そうしてお互いに疲れて、一生を送るものなのでしょうか。私は、人に逢うのが、いやなのです。だから私は、よほどの事でもない限り、私のほうからお友達の所へ遊びに行く事などは致しませんでした。家にいて、母と二人きりで黙って縫物をしていると、一ばん楽らくな気持でした。けれども、いよいよ大戦争がはじまって、周囲がひどく緊張してまいりましてからは、私だけが家で毎日ぼんやりしているのが大変わるい事のような気がして来て、何だか不安で、ちっとも落ちつかなくなりました。身を粉にして働いて、直接に、お役に立ちたい気持なのです。私は、私の今までの生活に、自信を失ってしまったのです。

  家に黙って坐って居られない思いで、けれども、外に出てみたところで、私には行くところが、どこにもありません。買い物をして、その帰りには、駅に立ち寄って、ぼんやり駅の冷いベンチに腰かけているのです。どなたか、ひょいと現われたら! という期待と、ああ、現われたら困る、どうしようという恐怖と、でも現われた時には仕方が無い、その人に私のいのちを差し上げよう、私の運がその時きまってしまうのだというような、あきらめに似た覚悟と、その他さまざまのけしからぬ空想などが、異様にからみ合って、胸が一ぱいになり窒息するほどくるしくなります。生きているのか、死んでいるのか、わからぬような、白昼の夢を見ているような、なんだか頼りない気持になって、駅前の、人の往来の有様も、望遠鏡を逆に覗いたみたいに、小さく遠く思われて、世界がシンとなってしまうのです。ああ、私はいったい、何を待っているのでしょう。ひょっとしたら、私は大変みだらな女なのかも知れない。大戦争がはじまって、何だか不安で、身を粉にして働いて、お役に立ちたいというのは嘘で、本当は、そんな立派そうな口実を設けて、自身の軽はずみな空想を実現しようと、何かしら、よい機会をねらっているのかも知れない。ここに、こうして坐って、ぼんやりした顔をしているけれども、胸の中では、不埒ふらちな計画がちろちろ燃えているような気もする。

  いったい、私は、誰を待っているのだろう。はっきりした形のものは何もない。ただ、もやもやしている。けれども、私は待っている。大戦争がはじまってからは、毎日、毎日、お買い物の帰りには駅に立ち寄り、この冷いベンチに腰をかけて、待っている。誰か、ひとり、笑って私に声を掛ける。おお、こわい。ああ、困る。私の待っているのは、あなたでない。それではいったい、私は誰を待っているのだろう。旦那さま。ちがう。恋人。ちがいます。お友達。いやだ。お金。まさか。亡霊。おお、いやだ。

  もっとなごやかな、ぱっと明るい、素晴らしいもの。なんだか、わからない。たとえば、春のようなもの。いや、ちがう。青葉。五月。麦畑を流れる清水。やっぱり、ちがう。ああ、けれども私は待っているのです。胸を躍おどらせて待っているのだ。眼の前を、ぞろぞろ人が通って行く。あれでもない、これでもない。私は買い物籠をかかえて、こまかく震えながら一心に一心に待っているのだ。私を忘れないで下さいませ。毎日、毎日、駅へお迎えに行っては、むなしく家へ帰って来る二十はたちの娘を笑わずに、どうか覚えて置いて下さいませ。その小さい駅の名は、わざとお教え申しません。お教えせずとも、あなたは、いつか私を見掛ける。
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...