miércoles, 6 de mayo de 2015

Kokoro こころ


Kokoro (こころ) waa eray jabaani ah, ee ah qalbi, waana magaca ee buug uu qoray Natsume Sōseki  (夏目漱石) 1914kii, oo khilaafka kasha iyo kaska ka dhax jira banii-aadamka ka hadla; wadaagehiisuna waa shakhsiga Sensei (先生), waa magac sharafeed oo la macne ah Bare, Caalin, ama Abwaans, oo soo gudbiya in banii-aadamka – uunka ugu maskax sareeya dunidan oo idil – kaskiisa ay kashiisu xukunto; taasna ay Nabsi nagu wada tahay.





Qaybta 1aad.

Sensei iyo Aniga (先生と私)


Anigu waxaan had iyo jeer ugu waci jiray Sensei. Taas awgaydana, sheegi mayo magaciisa dhabta ah, ee waxaan kaliya halkan ugu yeerayaa Sensei.  Igamay ahaanin inaan dadka ka qarinayo ee waa inay taas dabiici ii tahay. Jeer kastooy xusuustiisa igu soo dhacdo, waxaan durbaddiiba doonaa inaan «Sensei» iraahdo. Taasaanna dareensanahay hadda, qalinkoo gacanta iigu jira. Magac xarfo lagu soo gaabshayna inaan isticmaalo ima hayo.
Meeshaan Sensei ku bartay waa Kamakura. Waagaas wali waxaan ahaa arday dhalinyar ah. Waday, oo fasaxiisa jaamacadeed ee xagaaga ah xeebta kula qaadanayay, baan kaar boosto ah ka helay oo inaan wahalsho lehaa. Xoogaa lacag ah inaan isku soo ururshaan u dhaqaaqay, oon u tago. Waxay igu qaadadtay labo ama sadex maalin. Ha yeeshee, sadex maalin may dhaafin imaanshadaydii Kamakura, goortuu wadaygaygii taar reerkiisa kadis ugaga soo gaaray, oo lehaa inuu si dagdag ah u soo naqodo. Inay hooyadiisa jiranayduu taarku ka warsiinayay. Isaguse muu aaminsanaynin. Ilaa iyo waqti bay waalidkiisa, oo tuulo dagan, guuruu rabin ku soo dirqinayayn. Haddii laga soo fiirsho xagga dhaqanka casriga, inuu guursado aaduu uga da’ yaraa. Si kastaba, qofta loo soo doortay muu ka helin. Haddaba, fasaxiisa xagaaga, intuu tuuladiisa ka aadi lehaa, siday caadi-ahaanba u ahaan lehayd, wuxuu iska joogay inuu isku maaweelsho meel u dhaw Tokiyo. Wuxuu i tusay taarkii oo talo i waydiistay. Anigu garan maynin waxaan u sheego. Laakiin, guriga inuu aado way ahayd hadday hooyadiisa dhabtii jiranayd. Oo kamadanbayskii gurigguu aaday. Kaliyaan dib ugu haray, waa anigiiyoo u imaanshadiisa ku soo dhibtawday.
Wali waxaa laga joogay maalmo badan intay fasaladu bilaabmin, ee inaan iska joogo Kamakura ama iska laabtaan karay. Waxaan gaaray inaan meeshaydii iska joogo. Wadaygaygu reer maalqabayn ah ee gabalka Chūgoku buu ka dhashay, ee lacag dhib kumay haynin. Laakiin ahaantiisa arday dhalinyar ah baa heerka nolashaynu isku mid ka dhigtay. Taas awgaydana, goortaan kali naqoday, inaan raadsado meel ka rakhiisan kumaan qasbanaynin.
Albergadu xaafad ee nawaaxiga Kamakura bay ku tiil. Si aan uga qaybqaadto waxyaalaha la xiiseeyo, sida bilyaardi ciyaarid ama jelaato cunid, waxay ahayd inaan jid dheer dhaxmara beero bariis ah qaadto. Haddaan rickshaw qaadto, waxaa iga baxda labaatan sen. Si kastaba, xaafadda fiillooyin badanaa ka dhisnaa. Xeebtana aaday u dhawayd oo mid dabaasha ku haboonay ahayd.
Maalin kasta dabaal waxaan u aadi jiray xeebta, anigoo sii agmara guryo tuuleed surad wada maduul ah leh. Gees ka gees, dad badan dalxiis ugu yimid baa xeebta ka buuxay. Kalkal, baddii sidii iyadoo ahayd bishiino laga buuxayaa madaxyo madmadaw kaliya la arkayay. Qofna maan aqoonin, laakiin nashaadkaas dhaxdiisa waxaan isku kala baxinayay xeebta ama jilibkaan biyaha gashanayay oo hirarka bash kaga siinayay.
Waa qamaankan dhaxdiisa meeshaan hortii Sensei kula kulmay. Labo ee aqalada shaaha ee xeebta ku tiilaa lehaa meel dharka lagu baddasho. Midkawda inaan iska aadaan u bartay. Kuwa xaafadda Hase fiillooyinka ku lehaa oo qolalkawda baddalka qabay kalka laga reebo, intaynii kale waxaynu ku qasbanayn inaynu isticmaalno labadaas aqal ee shaaha. Halkaas waxaa lagu qaadan jiray shaah iyo nasasho; waxaana lagu mayrsan jiray dharka dabaasha iyo jirka; waxaana lagu dhaafan jiray koofiyaadaha iyo dalladaha. Dhar lagu dabaasho maan lehaynin, laakiin waxyaalahaygaan ku dhaafan jiray, si aan laygaga xadin, goor kastoon dabaal galo.


Goortii ugu horaysayaan Sensei aqalkaas ee shaaha ku arkay, waa goortuu dharka soo baddashay oo dabaal isku diyaarinayay. Aniguna isla goortaasaan badda ka soo baxay oo niicawda isku qalalinayay. Waxaa ina dhaxmeermeersanayay madaxyo madmadaw oo aragga iga horistaagnaa. Hadduu wax gaar ah jiri lehin, Sensei maan arki lehaynin. Inkastoo xeebtu la buuxay iyo anigoo iska moognaa, fiiradaydu way ku dhacday waayo waxaa la sacoday nin reergalbeed ah.
Waa dubka aad u cad ee reergalbeedka waxa isla goortiiba, intaan soo abaarayay aqalka, fiiradaydii soo jiidtay; isagoo taagan oo gacmahoo horay isugu duubanuu badda jeedaalinayay. Fadhi dhan ka xigay, waxaa dulsaarnaa Yukata oo uu gashnaa. Waxaa u gashnaa oo kaliya kastuume aynu inagu jabaanta gashano. Taas waxaan la yaabay ahayd. Labo maalin kahor, waxaan tagay xeebta Yuigahama. Waxaan daawanayay, anigoo dulfadhiya bacad ku yiil iridda danbe ee hoteel – jaad reergalbeed ah – reergalbeedyadoo dabaalanaya. Gabigawdu waa u wada daboolnaa sarraxa, gacmaha iyo bawdaha. Naagahawdu jirkoo dhanaa u wada daboolnaa. Badankawdu koofiyado goome ah, ee hirarka ka soo dhaxmuuqday midabadawdu – dhiinka, buluugga badda iyo kan niilka –, bay wada xirnaayayn. Kadib aragtidayda ee kuwan, muuqaalka reergalbeedkan dadka dhaxtaagan ee gashan oo kaliya kastuume wuxuu igula ekaa midaan caadi ahaynin.
Wuxuu u jeestay oo wax ku yiri nin jabaani ah oo dhan joogay; kanina wuxuu u foorarayay inuu soo qabsado shukumaan yar oo bacaadka uga dhacay, danbeeto madaxuu ku duubtay oo xagga badda u dhaqaaqay. Ninkani Sensei buu ahaa.
Wax ogaan jacayl kaliyaan indhaha ula raacay labadan nin oo isugu garabsacoday jahada badda. Goortay biyaha galaynba, waxay dhaxgudbayn qamaanka buuqa leh ee ku urursanaa dhanka biyaha yar oo goortay gaaraynna dhanka badwayntay dabaalasho bilaabayn ilaa ay madaxyadawdu ku-dhawaanba ii muuqanin. Danbeeto, way soo laabtayn oo xeebta si toosan ugu soo dabaashayn. Goortay ku soo naqodaynna aqalka shaaha, iyagoo biyaha ceelka isku mayrin bay isqalaliyayn, oo labbistayn, kadibna tagayn.
Kadib goortay baxayn, waan fariistay oon sigaar shidtay. Waxaan ku baxay inaan Sensei ka fikiro. Waxay iigula ekayd inaan wajigiisa meel ku soo arkay, laakiin meesha iyo goorta waan xusuusan kari waayay.
Maalmahaas, waxaan qabto maan haysanin, waanna caajis qabay. Sidaasna maalinta xigtay anigoo rajaynaya inaan Sensei arko baa waxaan ku laabtay isla saacaddii aqalka shaaha. Goortan isagoo reergalbeedkii la jirinuu yimid oo xiran koofiyad caw ah. Indhagashigiisuu iska siibay oo fadhiga alwaaxeed korsaaray, danbeeto isagoo shukumaankiisa yar madaxa ku duubayuu sacod dheereeya badda ku aaday. Goortuu dhaxgudbay qamaankii sidii shalay buuqa u lehaa, oo dabaalasho bilaabay, waxaa durbadiiba i qabtay inaan dabagalo. Waxaan dhaxsacoday biyaha anigoo ka bashsiinaya ilaa aan fogaan gaaray, danbeeto waxaan bilaabay inaan jahada Sensei u dabaasho. Hase yeeshee, si ka duwan sidaan ka filanayay oo si wareeg qaanso ah buu xeebta ugu soo laabtay. Goortaan badda ka soo baxay oon soo galay aqalka, biyahoo gacmahaygii ka tifqanaya, isagu waaba labbisnaa oo sii baxayay.


Isla saacaddii ee maalinta xigtay waxaan ku laabtay xeebta, oon Sensei halkaas ku arkay. Maalinta sii xigtayna, sidoo kalaan yeelay. Laakiin, fursadaan kula hadlo amaan xataa ku salaamo, maan helin. Middayda kale, dhaqmaadkiisu bulshay muu ahaynin.  Isla saacaddiiyuu kali ku iman jiray, kadib dabaashiisii isla saacaddiiyuu kali ku tagi jiray. Si kastaba hareerihiisa xayyi ha u ahaadee, muu u dhugyeelan jirin. Reergalbeedkii maalintii ugu horaysay la sacoday, dib danbe umuu imanin. Sensei had iyo jeer kaligiisuu ahaa.
Maalin, kadib goortuu soo dabaashay oo uu Yukata-hiisii gashan rabayuu arkay inuu, si uun, ciid yeeshay. Intuu jafayay, isagoo iga sii jeeda, baa indhagashigiisii, oo hoosyiil Yukata-hiisa, fantaxyada alwaaxa ka dhaxdusay oo dhulka ku dhacay. Goortuu gashtay oo xiisaanka dhuujistayuu inuu ka maqan yahay dareemay. Danbeeto raadintiisuu bilaabay. Durbadiiba intaan fadhiga hoosgalayaan gacanta ku soo jiiday.
- Mahadsanid, - buu yiri isagoo gacantayda ka qaadanaya.
Maalinta xigtay, intaan badda galayaan Sensei ka dabadabaashay. Goortaynu abaareha laboboqal oo miitir badda u sii gudogalnayuu ii soo jeestay oo ila hadlay. Baddaas buluugga ah ee dhan walba u fidsan, labadayna oo kaliyaa ku dulsabaynayay. Shucaaca cadceeddaa qabanayay badda, buuraha iyo ilaa iyo meeshay ishu qabadtoba. Muruqyadaan xurriyo iyo raynrayn ka dareemay oo si xayyi ah inaan u dheeldheelo bilaabay. Sensei dhaqdhaqaaqiiyuu ka joogsaday, oo dhabarkiisuu isaga sabaynayay. Sidiisoo kalaan yeelay. Buluugga cirkaa shucaaciisa xoogan wajiga iga qabtay oon indhaha gadaashiisa ka dareemay.
- Saw raaxo ma aho! - baan la qayliyay.
Xoogaa kadib, Sensei wuu sarejoogsaday, oo igu yiri:
- Maynu laabanaa? -
Ahaantayda dhalinyar adadag, waxaan iska rabay inaan sii joogo. Laakiin durbadiiba anigoo ku raallisanaan ugu jawaabay:
- Haa, aynu laabano. -
Sidaynu ku nimid baynu dib ugu laananay.
Taas bilawgii wadaynimada Sensei bay ahayd. Laakiin, wali meeshuu ku hoyan jiray maan aqoonin. Waxaan moodaa inay ahayd galinka danbe ee maalinta sadexaad ka soo wareegadtay isla dabaalashadayna, goortaan aqalka shaaha kula kulmay, inuu Sensei si kadis ah ii waydiiyay:
- Muddo badan maad halkan sii joogaysaa? -
Inaan tan ka fikiro igumay soo dhacin, wax jawaab ahna umaan hayin, ee waxaan ku iri:
- Garan mayo. -
Laakiin goortaan dhoolocadaynta Sensei arkayaan isku yaxyaxay, waanna iska qaban waayay inaan waydiiyo:
- Aduguna, Sensei? -
Waa goortaan bilaabay inaan ugu waco «Sensei».
Fiidkaasaan soo booqday. Albergo caadi ah muu joogin, waxay ahayd nawc ee fiillo laga dhaxdhisay macbad buudo ah oo wayn. Waxaan kaloo gartay dadka daganaa halkaas inay waxna wada wadaagin. Goortaan «Sensei» ku soo celceliyay, dhoolacadayn caloolxumi ah buu yeeshay. Waxaan u sheegay inaan taas dadka iga waawayn ku waco ay caado ii ahayd. Waxaan ka waraystay reergalbeedkii la sacoday. Wuxuu ii sheegay inuu nin siloon ahaa, oo uu goor horay Kamakura ka tagay. Waxyaalo kale ku saabsan reergalbeedkiiyuu ka hadlay, kadibna buu yiri inay ahayd la yaab, isagoo wadayo iska yar oo jabaani ah lehaa, inuu nin ajnabi ah wax la wadaago.
 Kamadanbayskii, intaan tagin, waxaan u sheegay inaan horay meel ku kulannay qabo, laakiin aan meesha iyo goorta xusuusanin. Dhalinyaronimadaydaa ii yeeshay inaan ka rajeeyo oo ka fisho inuu sidoo kale dareemayay. Hase yeeshee, xoogaa fikirid kadib, wuxuu igu yiri:
- Uma malayn mayo wajigaada inaan horay u arkay. Inaad qof kale igu qaldayso, ma dhacdaa? -
Erayadiisu waxay igu abuurayn dareen silan oo hanqaran leh.


Tajamay: Samantar Maxammad Saciid.







Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...