lunes, 17 de noviembre de 2014

Meel Qoraxan 日向



Sheekooyinka Calaacasha (小説 Tenohira no shōsetsu) waa magacuu siiyay Kawabata Yasunari (川端康成) sheekooyin gaabgaaban ee uu soo qorayay tan iyo 20aadkii ilaa iyo 1972kii kalkuu geeriyawday, isagoo magacsiintaas dulucda sheekada kula beegayay dhumucda sacabka. Meel qoraxan (日向 Hinata), oo ka mida kuwii horaantii iyo kuwa siiradiisa ka soo burqaday, ayaa wuxuu qoray 1923kii.



Dayrtii labaatan iyo afar jirkayga, waxaan gabar ku bartay albergo xeebta badda saaran. Waxay ahayd caashaq bilawgiisii.

Gabartu kadisba bay madaxaydii kor ugu qaaday ooy darafka kimono ee gacmeed foolkaydii ku dabooshay. Aragtida dhaqmaadkan baan isku iri: waa inaan soo bandhigay caadadaydii xumayd. Waan isku xishawday oon waji xanuun ka muuqda yeeshay.

Waan kugu dhaykakay, mayaa?
Haa, laakiin waxba ma ahaanin.

Codkaydu wuu macaanaa, erayadayduna farxaanaa. Waan ku naf dagay.

Way ku dhibtaa, saw ma aho?
Maya, runtii, iska caadi waaye.

Hoos bay gacanta u dajisay. Suuradda foolkayda wuxuu soo saarayay dadaalkay suubinaysay si ay daymaday u qaabisho. Waan jeestay ooy dhanka badda daymadaydu ku dhacday.

In badan baan lehaa caadada ku dhaykagga dadka i dhan fariista. In badan waan ku fikiray inaan caadadan iska daweeyo, ha yeeshee waan ku jirraban jiray haddaananin ku dhaykakin dadka i dhan joogay. Waan is naci jiray jeer kastoon tawdawbi jiray inaan suubinayay. Mindhaa caadadan waxay ka timaaday inaan amin badan ku baxin jiray aqrinta foolalka dadka kale, jeerba haddaan waalid iyo hoy beelay intaan caruur ahaa oon bilaabay inaan dadka kale la noolaado. Mindhaa taas waaye sababtaan sidan ugu soo baxay, baan ku fikiray.

Jeer baan isku dayay inaan kala cadeeyo haddaan caadadan yeeshay kadib goortay dadka kale i qaadtayn ama haddaan horayba u lehaa, intaan hoygaygii joogay. Ha yeeshee waan heli waayay xusuus taas ii kala cadaysa.

Siba ha naqodtee, anoo indhaha gabarta ka jeedinayay baan meel qoraxan ee xeebta ku taal arkay ooy qoraxdii dayrtu ku maquuran tahay. Meeshaas qoraxan waxay u yeeraysay xusuus in badan duugnayd.

Kadib geerida waalidkay, guri ku yiil tuulooyinka baan kaligay kula noolaa awawgay in ku dhaw toban sano. Indhoole buu ahaa awawgay. Sanooyin badan awawgay wuxuu iska fadhiyi jiray isla qolkii, isla kobtii, isoo dhanka bari ugu wajahan girgire dhuxuleed. Goor ka goor wuxuu madaxiisa u jeedin jiray dhanka koonfurta, laakiin goornaba dhanka waqooyiga. Goortaan ka warhelay caadada awawgay ee u jeesashada hal dhinac, aad baa walwal iigu dhacay. Mararka qaarkawda isaga in badan baan hor fariisan jiray anoo foolkiisa ku dhaykagayay, oo is waydiinayay hadduu u jeesan lehaa dhanka waqooyi jeer qura. Ha yeeshee awawgay wuxuu madaxa ugu jeedin jiray dhanka midigta shantii daqiiqoba sidii boombolo makaanik ah, isoo dayayay dhanka koonfurta qura. Taas waxay igu dhalinaysay dareenxumo. Waxay iila ekayd cajiib. Bal dhanka koonfurtu meel qoraxan bay ahayd; waxaan is waydiinayay xataa qof indhoole ah hadday koonfurtu la yare sii iftiinsanayd.

Haddatan oon dayayaa xeebta, waxaan soo garwaaqsaday meeshii kale ee qoraxan een ilawbay.

Ayyaamahaas, foolka awawgay baan dhaykaki jiray, anoo doonayay inuu u wajaho waqooyiga. Maadaama uu ahaa indhoole, in badanba waan ku dhaykaki jiray. Taas waxay naqodtay caadadaydii ee jeedaalinta foolalka dadka kale, waan ogaaday hadda. Haddaba caadadaydatan waxay ila soo jirtay ilaa iyo intii gurigaygii awawga. Mayanin ka soo burqanin wacaalo dulli ah. Waxaan amaan ku naqon karay isu arxamidda ee inaan caadadan qabo. Maladan waxay igu dhalisay rabitaanka inaan raynrayn la boodo – siiba waayo waxaa qalbigay qabtay rabitaanka inaan isu dahaariyo gabarta awgayda.

Gabartu way hadashay goor kale:

Waan u bartay, inkastoon wali ka yaxyaxo xoogaa.

Waxay Erayadaydaas ka dulmarayayn inaan iyada daymadaydii u jeedin karay goor kale. Waa qasab inay u malaysay inaan adabdaro kula dhaqmay hadaayo.

Foolkayga oo ifan baan eegay. Way guduudadtay ooy ilxadid igu dhugadtay.

Foolkaygu wuu iska sii cusayb beeli doonaa har iyo habeenba. Marka, arintan may i walwaliso. –  Si caruurnimo bay ugu dhawaaqday.

Waan muusawbay. Waxaan dareemay sidii xiriirkayna oo wax diiranaan ah si kadisba loogu daray. Waxaan rabay inaan u kaco meesha qoraxan ee xeebta, anoo sidtay xusuusta gabarta iyo awawgay.

Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid

Sheekada oo ingiriis ah (A sunny place):

Sheekooyinka Calaacasha oo carabi ah (قصص بحجم راحة اليد - ياسوناري كاواباتا):

jueves, 13 de noviembre de 2014

Labo qalbi Labo qiso


(Alejandro Fernandez:)
Iyagoo ku dhaxjira dirir
dhamaanba raba,
baa mid hadlayaa,
inta kan dhagaysanayana uu ka joogsan oohin
wajigiisoo ku taal murug jacayliyo xanuun
buu kaga warhelaa isla markaaba
inuu kii kale ershay.

(Julio Iglesias:)
Kii wada beelay dhamaan
oo ka banaan taagan
baa ku urursada sanduuqiisa
dharkoo la kaawiyidayn.
Qalbigiisa danqan
baa xoog u dikaama;
inta kan ku dareen lida
uu waxba la dikaamin nasiibkiisa.

(Labaduba:)
Iyagoona kala fog
oo kala raadsada dad kale,
labo qalbi jaboo labo duni kala yaal,
Bay ka warhelaan nolal kale
Bay ka warhelaan waxyaalo kale
ooy soo bilaabaan mar kale;
labo qalbi, labo qiso.

(Julio Iglesias:)
Kii rabay inuu xurroobo
kii yeelay siduu doono
kii aan dareemin wixii kan kale dareemayay
isagoo kula dhaxmeermeeraya dariiqyada
wareeriyo kalinimo
baa is arka
inuu wada beelay dhamaan.

(Alejandro Fernandez:)
Waxyaalaha yaryaroo
uu waligiisa macne siinin
baa ka cuncuna madaxa
oo dareensiiya maqnaantiisa
oo hadduu jabkiisa –
waatuu ku guuldaraystay sharadka –
kula warhelaa in nolashu
ka jarsanayso.

(Labaduba:)
Iyagoona kala fog
oo kala raadsada dad kale
labo qalbi jaboo labo duni kala yaal
bay ka warhelaan nolal kale
bay ka warhelaan waxyaalo kale
ooy soo bilaabaan mar kale;
labo qalbi, labo qiso.

Iyagoona kala fog
oo kala raadsada dad kale
labo qalbi jaboo labo duni kala yaal
bay ka warhelaan dad kale
bay ka warhelaan waxyaalo kale
ooy soo bilaabaan mar kale;
labo qalbi, labo qiso.

Ooy soo bilaabaan mar kale.


Dos Corazones Dos Historias (con Julio Iglesias)

(Alejandro Fernández:)
En medio de una riña
Ya casi al terminar
Uno habla y el que escucha no para de llorar
Y en su mirada triste de desamor y pena
Descubre de repente
Que el otro lo destierra

(Julio Iglesias:)
Quien lo ha perdido todo
Ya fuera de lugar
Arruma en su maleta
La ropa sin planchar
Su corazón herido
Empieza a latir fuerte
Mientras que el otro ajeno
Ni late por su suerte

(Los dos juntos:)
Y lejos uno de otro
En busca de otras gentes
Dos corazones rotos en mundos diferentes
Descubren otra vida
Descubren otras cosas
Y empiezan otra vez
Dos corazones dos historias

(Julio Iglesias:)
Quien quiso ser más libre
El que jugo a su modo
Aquel que no sentía lo que sentía el otro
Vagando por las calles
Entre aturdido y solo
Comienza a darse cuenta
Que lo ha perdido todo

(Alejandro Fernández:)
Y aquellas cosas simples
Que nunca dio importancia
Le comen la cabeza
Le empiezan a hacer falta
Y ahora en su derrota
Porque perdió la apuesta
Descubre que la vida
Le está pasando cuentas

(Los dos juntos:)
Y lejos uno de otro
En busca de otras gentes
Dos corazones rotos en mundos diferentes
Descubren otra vida
Descubren otras cosas
Y empiezan otra vez
Dos corazones dos historias

Y lejos uno de otro
En busca de otras gentes
Dos corazones rotos en mundos diferentes
Descubren otra vida
Descubren otras cosas
Y empiezan otra vez
Dos corazones dos historias


Y empiezan otra vez.

miércoles, 12 de noviembre de 2014

Shinbiryahaw




Shinbiryahaw
Ma duushaa
Ma dabayla raacdaa
Dadka maw adeegtaa
Oo maw dadaashaa.

Dalanbaabi baan ahay
Daal la dhacaayee

Kala qaad dibnaha oo
Dal yaqaan maad tahayoo
Dagmadii fogaatiyo

Meeshii laguu diroo
Dawgayd ma garataa

Shinbiryahaw dawaafee
Ku dul joogaa laantoo
Aan kuu dan sheegtoo
Dood kuu lahaadee

Ruuxaan ku daaloo
Laydiindan yahayoo
Anna aanan daynayn
Yaan doonayaayoo
Dawadaydu noqotee

Ma ii diirnaxdaayoo
Diil may galaysaa

Gudcur dam ahee
Habeen dumay
Haysu taag duleedkoo
Dabadayd u yeeroo
Qunyar daadahiyoo
Meel durugsan geeyoo
Deeqsii warkaygoo
Soo saar dushaadoo
Badda soo dabaaloo
Soo maax daruurtoo

Haashu hay dilaacdee
Soo dago agtaydaa

(Codkii: Xaliimo Khaliif Magool)
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...