sábado, 1 de mayo de 2010

Deelley: yaa dabarka igu xiray?



Maansoole: Maxamad Aadan Dacar

Afartaasi waa dabbar:
Doolaalo-dheerida.
Duqsi uu wadkii galay,
Dabinkuu ku dhaci jiray.
Warkii doqan-magaradtada.

Dabuub kalena waa nabar.
Gal dad liqa, ul lagu dayay.



Maansoole: Muuse Cali «Faruur»
Gudcur dam ah habeen dumay
Dunida oonan iftiin jirin
Ninka dibad u soo baxay
Ma dareemin madawgii
Dad ma wuxuu rumeeystaa?
Doogta iyo milalka’iyo
Adiga oonan duugin godabtii
Daqar guudkii kii dhayay
Ma daaweeyay nabarkii?


Maansoole: Cabdullaahi Faarax Cali «Taano»

Hoos adiga oonan u daadagin
Haysku dayin daliisheeda
Dincad iyo adiga oonan jarin
Xanan daabku culus yahay
Dal baneeyay haba oranin:
Ha ku daalin waligaa!



Maansoole: Cali Cilmi «Afyare»
Mar haddii dube iyo waran,
Duunkayga lala dhacay,
Yaa dabarka igu xiray?

Maansoole: Cumar C. C. «Fakad»
Ma dagaanka nolasha’iyo
Daruurta hilaacda’iyo
Durdurka iyo xareedda’iyo
Doogga iyo barwaaqada
Dariiqii samaa baa
Intaad doc uga bayrtayn
Abaar doonaysaan?

 
Maansoole: Axmad Faarax Cali «Idaajaa»

Nin danyari ma shiday,
Dhuxushii daboolnayd?
Ayaa saaray dogabada,
Xaabada ku sii daray?

Waa maxay dabaysha’iyo,
Duufaanka yimid,
Danbaskii ka qaaday,
Dusha keenay dhamacdii?


Maansoole: Axmad Ismaaciil Diiriye «Qaasin»
Aar dawariyaa jira,
Mas dilaa jira,
Damac quur lehaa jira,
Boqar daalimaa jira,
Raggaa dila, ee ma ogtahay?
Ardo lagu didaa jira,
Daab iyo dabaa jira,
Xaal waa isdabajoog,
Wuuse dumi, ee ma ogtahay?


Maansoole: Ciise Muuse Shirwac

Haddii dhagax dixeed iyo,
Dahab laysu urursho oo,
Dabaq maara lagu shubo;
Daawashadaba aadmigu,
Isha mayay ku durayaan?

Mayay shiili daymadu?


Laga soo qaaday: Diiwaanka Maansadii Deelley; (1979 – 1980)
Nooca: Jiifto.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...