jueves, 1 de septiembre de 2011

Waxaan Aamusnaaday

Heesaada: Binti Cumar Gacal Calasaw




"Alle!, i baday jacaylka ee inaan kugu dul ooyaa"



Waxaan aamusnaaday'oo [u luggo'ay ?] daraaddiis
Afka gacanta saaray'oo, jacayl iga adkaa'ee

Nabadarada afkooda'iyo arimadiisii
Oogada ku faafaan la adkeeysan waayay'ee

Ifka kaan ka doortay'oo ibtiladan i hayso'iyo
Eedaadka caashaqa adigaa igu beeray'ee

Markaad aragtay uun baa, inaan kuu ildaran ahay,
Waxaan uurka ka jirin i soo abaaray'ee

Haddaad dadab banaan'iyo igu dhaaftay oomane
I dishay'ee asaaggaa dadka kaagaad ugu jaceshahay

Adduunyada dusheeda istareex ku noolow!
Aniguna ayaankay!

***

Haddaad moodday Aakhiro inay ahalo leedahay
laysuma aqoonsado aabe iyo adeerkaa

Ku aamini maayaan aabe iyo adeerkaa
Adigoo arkaayana arxan kuuma galayaan

Adduunkaynu joognana ruuxii ku aaminay
Haddaan loo abaal gudin
Aakhiro aboor cunay ka ilaalin maysid'ee

Waxaan ahay asaaggaa dadka kaa ishaartay'oo
Erayadaan ku leeyahay hoos u eegi waayday'ee
Haddii iilka lay dhigo, sidii roon Rabbow eeg

Haddaad dadab banaan 'iyo igu dhaaftay oomane
I dishay'ee asaaggaa ddaka kaagaad ugu jaceshahay

Adduunyada dusheedana istareex ku noolow!
Aniguna ayaankay!

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...