martes, 19 de junio de 2012

Barigaan is baranay


Barigaan is baranayiyo
Bila dhawra
Gabaryahay anigoo
Hurdada bogan
Bidhaantaada oo qura
Anigaa u buseeloo

Baal dahabi ii tahay
Jacaylku waa balaayoo
Boggiyo wadnahiyo
Anoo beerka ka jacel
Bohalyaw daraaddii
Anoo bali guryoodayoo
Heesaha baroortaan
Boostada kugu soo diraa

Hawada been u sheegaa
Baydkii aan gali lehayn
Anoo badi habeeyay
Aroos kula beegsaday
Ayaad lababogleeysayoo
Bal xusuuso inanyahay
Taariikhda dib u baar
Haka sheegin beenoo
Gayaankayga oo badan
Hablaha baarka firay
Ayaan kaala soo baxay

Waataan goor barqa
Bisha tahay laba iyo toban
Billaahi dhaarta kuu maray

Anoon hadalka sii badin
Buuraha anoon korin
Baddana kaaga sheekeeyn

Halkay u badadtayoo
Murtiduna biyadhigayso
Aan soo taabgoobtee

Buuggii aan qoray
Baalahaad ka jeexdayoo
Beertaan abuurayoo
Dhibta badan u maray baa
Mirihii ka soo baxay
Iyagoon bislaan wali
Cagafcagaf ku beegtayoo

Markaan baal kastaba dayay
Ama baaray hawlaha
Ka bilaawo haddeeriyo
Balantaan lehayniyo
Baaqii inoo yiil
Halkaasuu ku baaba’ay

Anna waan isaga baxay
“Allahuma ballagtu”
Barashiyo walaalnimo
Waa inoo barteedee.

(Cumar Cabdulle Shooli)
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...