lunes, 8 de abril de 2013

Gaala (Geela)


Maa ayanin fiirinin gaala (geela) sida loo abuuray?

(Qur’aanka: Aayadda 17, Suuradda Ghaashiyat)

 
Sawirdhagaxeed gaala ee soomaalidii hore


Hasha gaalu waa
hooyadii ninka
leh oo hantiya
Halka awrku yahay
halbawlehii nolashu
heehaabto.


Hali waa nin hooyo leh,
Dad ninkii ka haystaw;
Awrna waa halbawleha,
Naftu ka hataq leedahay.

(Maxammad Cabdulle Xasan).

Cirka oo mir da’ay,
Dooxada oo rahu madiixayo,
Afartiisa mawsin, adduun
Waysku wada maar,
Marse hadday jidaamahu martaan
Midigtu waa gaalee

(Saalax Malaydiray).

Habeenkii lay dhalay,
Adna lagu dhaqaaleeyaa,
Dhib layska meel dhigay.
...

Waadigaa cataabaya,
Sida caynku kuu gubay,
Cagtu ii dalooshaa.
...

Haddaan dhay la maalayn,
Aan Dhooble dhaan wadin,
Gurigii dharaar ma leh.

(Dhooble waa Awr raray ah magacii).
...

Dhaaxaan dhurwaa kaa ceshiyo,
Aarka coofka lehee.
Dhaaxaan caraaboo wax badan
Ceelalyo ahaayee,
Aan cagocadaan kugu wadiyo,
Calalo jeexjeexan,
Cadka suulka dhaaxuu i go’ay,
Caaraddaa horeyee.
...

Way caddibi jiray,
Meel cariiriya oo,
Rag ka cabsaday,
Waygu celin jiray.
...

Calool waynaa,
Oo cir badanaa,
Caska waagiyo,
Casar dabadii,
Waa cabaysaa!
...

Sodan inaad qadi,
Sool inaad tagi,
Saa biyaha ku cab.
...

Hadba garab baan
Kuu gundhinayaa,
Hadba gacan baan
Kuugu gurayaa.
...

Wiil caweeyskii
Kaa ciyaar guday
Adna ciil iyo
Caruu kuu dilay
Asna cayb iyo
Cayr u halis naqoy.
...

Gaal nin badiyaa,
Geeri baw dhaw,
Kuu ku gaabtana,
Gaajo waw halis.

Dhibaadtiyo adoo gaajo qaba
dhaxda jiilaalkee, Dhawr
caano laga soo lisoo
yare dhanaanaaday,
nin dhadhamiyay wuu garanayaa
dhulay qabawjshaanee,
dhalaannimo qodxihii kugu mudaa
kaaga soo dhacee,
goortaad dhantaa baa jirkaba
dhidid ku qoyaayee,
ragga laxaha sii dhawrayaw
dhaqasho waa gaalee.

(Cumar Isteelliye) (Dhawr waa Hal magacayd)


Ka: Suugaanta Geela
W.Q.: Axmad Cali Abokor 
W.D.: Scandanavian Institute of African Studies, Uppsala 1986.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...