lunes, 17 de noviembre de 2014

Meel Qoraxan 日向



Sheekooyinka Calaacasha (小説 Tenohira no shōsetsu) waa magacuu siiyay Kawabata Yasunari (川端康成) sheekooyin gaabgaaban ee uu soo qorayay tan iyo 20aadkii ilaa iyo 1972kii kalkuu geeriyawday, isagoo magacsiintaas dulucda sheekada kula beegayay dhumucda sacabka. Meel qoraxan (日向 Hinata), oo ka mida kuwii horaantii iyo kuwa siiradiisa ka soo burqaday, ayaa wuxuu qoray 1923kii.



Dayrtii labaatan iyo afar jirkayga, waxaan gabar ku bartay albergo xeebta badda saaran. Waxay ahayd caashaq bilawgiisii.

Gabartu kadisba bay madaxaydii kor ugu qaaday ooy darafka kimono ee gacmeed foolkaydii ku dabooshay. Aragtida dhaqmaadkan baan isku iri: waa inaan soo bandhigay caadadaydii xumayd. Waan isku xishawday oon waji xanuun ka muuqda yeeshay.

Waan kugu dhaykakay, mayaa?
Haa, laakiin waxba ma ahaanin.

Codkaydu wuu macaanaa, erayadayduna farxaanaa. Waan ku naf dagay.

Way ku dhibtaa, saw ma aho?
Maya, runtii, iska caadi waaye.

Hoos bay gacanta u dajisay. Suuradda foolkayda wuxuu soo saarayay dadaalkay suubinaysay si ay daymaday u qaabisho. Waan jeestay ooy dhanka badda daymadaydu ku dhacday.

In badan baan lehaa caadada ku dhaykagga dadka i dhan fariista. In badan waan ku fikiray inaan caadadan iska daweeyo, ha yeeshee waan ku jirraban jiray haddaananin ku dhaykakin dadka i dhan joogay. Waan is naci jiray jeer kastoon tawdawbi jiray inaan suubinayay. Mindhaa caadadan waxay ka timaaday inaan amin badan ku baxin jiray aqrinta foolalka dadka kale, jeerba haddaan waalid iyo hoy beelay intaan caruur ahaa oon bilaabay inaan dadka kale la noolaado. Mindhaa taas waaye sababtaan sidan ugu soo baxay, baan ku fikiray.

Jeer baan isku dayay inaan kala cadeeyo haddaan caadadan yeeshay kadib goortay dadka kale i qaadtayn ama haddaan horayba u lehaa, intaan hoygaygii joogay. Ha yeeshee waan heli waayay xusuus taas ii kala cadaysa.

Siba ha naqodtee, anoo indhaha gabarta ka jeedinayay baan meel qoraxan ee xeebta ku taal arkay ooy qoraxdii dayrtu ku maquuran tahay. Meeshaas qoraxan waxay u yeeraysay xusuus in badan duugnayd.

Kadib geerida waalidkay, guri ku yiil tuulooyinka baan kaligay kula noolaa awawgay in ku dhaw toban sano. Indhoole buu ahaa awawgay. Sanooyin badan awawgay wuxuu iska fadhiyi jiray isla qolkii, isla kobtii, isoo dhanka bari ugu wajahan girgire dhuxuleed. Goor ka goor wuxuu madaxiisa u jeedin jiray dhanka koonfurta, laakiin goornaba dhanka waqooyiga. Goortaan ka warhelay caadada awawgay ee u jeesashada hal dhinac, aad baa walwal iigu dhacay. Mararka qaarkawda isaga in badan baan hor fariisan jiray anoo foolkiisa ku dhaykagayay, oo is waydiinayay hadduu u jeesan lehaa dhanka waqooyi jeer qura. Ha yeeshee awawgay wuxuu madaxa ugu jeedin jiray dhanka midigta shantii daqiiqoba sidii boombolo makaanik ah, isoo dayayay dhanka koonfurta qura. Taas waxay igu dhalinaysay dareenxumo. Waxay iila ekayd cajiib. Bal dhanka koonfurtu meel qoraxan bay ahayd; waxaan is waydiinayay xataa qof indhoole ah hadday koonfurtu la yare sii iftiinsanayd.

Haddatan oon dayayaa xeebta, waxaan soo garwaaqsaday meeshii kale ee qoraxan een ilawbay.

Ayyaamahaas, foolka awawgay baan dhaykaki jiray, anoo doonayay inuu u wajaho waqooyiga. Maadaama uu ahaa indhoole, in badanba waan ku dhaykaki jiray. Taas waxay naqodtay caadadaydii ee jeedaalinta foolalka dadka kale, waan ogaaday hadda. Haddaba caadadaydatan waxay ila soo jirtay ilaa iyo intii gurigaygii awawga. Mayanin ka soo burqanin wacaalo dulli ah. Waxaan amaan ku naqon karay isu arxamidda ee inaan caadadan qabo. Maladan waxay igu dhalisay rabitaanka inaan raynrayn la boodo – siiba waayo waxaa qalbigay qabtay rabitaanka inaan isu dahaariyo gabarta awgayda.

Gabartu way hadashay goor kale:

Waan u bartay, inkastoon wali ka yaxyaxo xoogaa.

Waxay Erayadaydaas ka dulmarayayn inaan iyada daymadaydii u jeedin karay goor kale. Waa qasab inay u malaysay inaan adabdaro kula dhaqmay hadaayo.

Foolkayga oo ifan baan eegay. Way guduudadtay ooy ilxadid igu dhugadtay.

Foolkaygu wuu iska sii cusayb beeli doonaa har iyo habeenba. Marka, arintan may i walwaliso. –  Si caruurnimo bay ugu dhawaaqday.

Waan muusawbay. Waxaan dareemay sidii xiriirkayna oo wax diiranaan ah si kadisba loogu daray. Waxaan rabay inaan u kaco meesha qoraxan ee xeebta, anoo sidtay xusuusta gabarta iyo awawgay.

Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid

Sheekada oo ingiriis ah (A sunny place):

Sheekooyinka Calaacasha oo carabi ah (قصص بحجم راحة اليد - ياسوناري كاواباتا):
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...