lunes, 5 de abril de 2010

Hodan

Nooc: Gabay
Gabayaa: Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari)



Sidii geel haraaday'oo, wax badan hawdka miranayay
Oo haro la soo joojiyay'oo, kuraygu heegan yahay
Oo hoobal loo qaaday'iyo, hadal walwaaleedka
Kolkaad Hodan tiraahdaanba, waan soo hinqanayaa'ee
Hadday hawl yaraan idinla tahay, aniga waa ii hoog'ee
Ayadoo xabaal lagu hamsiinin, waanan ka haraynin'ee
Hammi been ah baan iri, malaha waad la hurudaa'ee
Hareertayda'oo maran baan is iri, haabo gacanteeda
Goortaan hubsaday meel cidla’ ah, inaan ku hawshooday
Hogaansigeedii danbe baan ka soo habaabi iri'ee
U halheelay gogasha, sidii halabtii Aar'ee
Siday iiga haleeyayn maryihii, hiifay'oo tumay'ee
U hagoogtay sidii geesi, ay niman ka hiishayn'ee
U hiqleeyay sidii naag la yiri, huray dalaaqdaa'ee
Wax aadan haynin'oo aad hammidaa, hadimo weeyaan'ee
Hóhaay iyo hóhaay, maxaa hadimo la ii geeystay.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...