domingo, 22 de enero de 2012

Koofil


Koofil, wuxuu dalka Soomaaliya yimid 1904kii, isagoo ka soo shaqeeyay dhawr dal oo Afrika ah, oo ay ka mid ahaayayn Koonfur Afrika iyo Nijeeriya. Waxaana madax looga dhigay ciidamada Rakuubley (Camel Corps), oo had iyo jeer warwareegsan jiray soohdinta u dhaxeeysa Daraawiishta iyo mustacmaradda Ingiriiska.
Waxaa la wariyay in dadka baadiyaha dagan uu dhibi jiray, xoolahana ka dhaci jiray, sidaa daraadeedana dalka laguma jacelayn. Sheekooyin badan Soomaaliya dhaxdeeda kuma lehayn, hase ahaadtee, wuxuu caan baxay kadib markii lagu dilay Dulmadoobe, 9kii Agoosto 1913kii, oo laga mariyay gabayo badan; midka ugu caansan waa kan la magac baxay “Koofil” ee Sayid Maxamad Cabdulle Xasan.


Adaa Koofilaw jiidtay, aan dunida joogaynee,
adaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aanee,
jahannamo la geeyayaw, haddaad aakhiro u jihadtayee.
Nimankii Janno u kacay, waray jirin, inshaa’a Allaahee;
jameecooyinkii’iyo haddaad, jawhartii aragto,
sida Eebe kuu jirrabay, mari jawaabtee: 
“Daraawiish jikaar nagama daayn, tan iyo jeerkii”, dhah!
“Ingiriis jabayoo waxaa ku dhacay, jac’iyo baaruud”, dhah!
“Waxay noogu jujuubayn, jiibasho diineed”, dhah!
“Jugta weerarayay goor barqo, nagu jiteeyayn”, dhah! 

“Anay Jigre ila helayn, shalay jihaadkii”, dhah!
“Jeeniga hortiisay rasaas, igaga joojiyayn”, dhah!
“Jiiraayaday ila dhacayn, jilic afkoodii”, dhah!
“Siday kuugu jeexayn magliga, jararacda”, sheego!
“Bilaawehu siduu kuugu jarjaray, jiirarka”, muuji!

“Nafjaceleeysigaan u iri, jaalaw iga daay”, dhah!
“Jaljaleecadii wadnehiiyaa, jeex ka soo ruqay”, dhah!
“Jeedaaladiiyaa indhahu, kor ugu jalladmaday”, dhah!
“Jimic kagama helin ruux, tuugmadaan jiriyay”, dhah!
“Markaan juuq iraahdoba afkay, iga jifeeyayn”, dhah!
“Dhaaxaan jaleecayee dhagaan, jalaq la ii siinin”, dhah!

“Goortaan jarreeroba gafayoo nolal, ka jaanqaaday,
sida jananadii hore tashigu, igu jaguugnaa,
taladii jinnigu ii horkacayaan, jaasodeeda helay”, dhah!
“Jiideha xanuunka leh markii, laygu jeeraarshay,
jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifku qaban waa”, dhah!
“Markay rubaddu jaw tiriyay, iga ag jiibshayn”, dhah! 

“Jirkaygii bahal cunayoo, jiidtay hilibkii”, dhah!
“Jurmigii’iyo baruurtiiyaa dhurwaa, jugux ka siiyay”, dhah!
“Jirjirka’iyo seedahay tuke, igaga jaadayn”, dhah!
“Haddaan lays jikaarayn tolkay, laga jid roonaa”, dhah!
“Waligooda waxaa lagu jaraa, jilibdhig duulaan”, dhah!
“Daraawiish waa jibindhawga’iyo jawga, soo baxi”, dhah!


The death of Richard Corfield “koofil”
You have died, Corfield, and are no longer in this world,
A merciless jouney was your portion.
When Hell-destinied, you set out for the Other World,
Those who have gone to Heaven will question you, if God is willing;
When you see the companions of the faithful and jewels of Heaven,
Answer them how God tried you.

Say to them:
“From that day to this, the Dervishes never ceased their assaults upon us.”
“The British were broken!, the noise of battle engulfed us;
With fervor and faith the Dervishes attacked us.”
“They attacked us at mid morning.”

Say:
“Yesterday in the holy war, one of their old rifles set its sight upon me.
And in my tracks, a bullet stopped me.”
“In fury they fell upon us.” 
Report:
“How savagely their words tore you.”
Show:
“In how many places the daggers were plunged.” 
Say:
“Friend,” I called, “Have compassion and spare me!”
“As I looked fearfully from side to side, my heart was plucked
from its sheath.”
“My eyes stiffened as I watched with horror;
The mercy I implored was not granted.”
“Striking with spear-butts at my mouth they silenced my soft words;
My ears, straining for deliverance, found nothing.”

Say:
“Like the war leader of old, I cherished great plans for victory.”
“The schemes the Djinns planted in me brought my ruin.”

Say:
“When pain racked me everywhere, men lay sleepless at my shrieks.”
“Great shouts acclaimed the departing of my soul.”

Say:
“Beasts of prey have eaten my flesh and torn it asunder.”
“The sound of swallowing the flesh and the fat comes from the hyena.”
“The crows plucked out my veins and tendons.”

Say:
“If stubborn denials are to be abandoned, then my clansmen
were defeated.”
“In the last stand of resistance there is always great slaughter.”
“The Dervishes are like the advancing thunderbolts of storm,
rumbling and roaring.”


*Qoraal kor ku qoran:
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921).
W. Qoray: Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...