sábado, 10 de marzo de 2012

Anaa diiday, kii yiri.


Qarnigii sagaal iyo tobanaad sannooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo ay mugdi tahay, oo gayiga Soomaaliyeed hurdo lagaga jiro, dadkuna ay garan la’ yahiin dulucda shishe ee ay cadaanku xeebaha uga soo dagayn, ayuu xidig iftiin badani, markii loogu baahi waynaa, dhulka gees iyo ka gees kaahiisa wada gaarsiiyay. Xidiggaas, oo ahaa Sayid Maxamad Cabdille Xasan, wuxuu sabab u naqoday dad kumanyaal qof gaaraya oo Soomaali ahi inay, markii ugu horeeyay, ul iyo diirkeeda naqodaan oo, intay tol-isu-sheegadkii sanka ka qabsadaan, ay dan guud iyo gumeeysi nacayb isku dhaarsadaan.

Sayid Maxamad wuxuu ahaa madaxdii dalkayna ka soo baxday kii ugu horeeyay, oo gartay inuu tol-isu-sheegadku yahay sababta uu gumeeysigu ugu soo dhiiraday goor barqo ah inuu Barbaro ka soo dago, kuna guuleeysto, isagoon qori lagu tuurin, inuu shiddo yari dalka, dadka iyo diintaba ku weeraro. Runtaas iyada ah ayaa u horseedday inuu abuuro bulsho uu tol-isu-sheegadku ka xaaraan yahay, oo “Daraawiish” lagu magacaabo, markii la rabana “Dariiqo” lagu naanayso. Dadku wuxuu u ahaa Sayidku: Daraawiish, gaalo iyo gaalo-raac. Labadaa qolo ee danbe uma kala soocnayn, wuuna ku hagaagsanaa; nin walboo kalena sidaas bay ula ekaan lehayd.  

Wuxuu ahaa xidiggii suuragaliyay in magaca “Soomaaliya” xarumaha Yurub lagaga haasaawo; oo Ingiriis, oo adduunka balaaran ugu xoog waynaa, xasil iyo hoyasho sanba geed dheer uga laalay ayuu ummaddiina dawladdoodii ka soo horjeediyay ilaa ay wargeeysyadii af buuxa ku yiraahdayn, «”Waa inuu Ingiriisku dalka Soomaaliya ka baxaa!” “Gacanta ha kala baxo dagaalka wadaadka ee geerida saraakiisha iyo baaba’a hantida mooyaanee aan guushu ka soo dhawayn!”».

Maragga uu cadawgaagu kuu furo ayaa looga kalsooni badan yahay midka ay inta kula jirtaa kuu furto, Sayid Maxamadna waxaa marag u furay raggii ay tiirida ahaayayn ee ay is warmeeynayayn. Geesinimadii, tab-aqoontii, abaabulkii dadka iyo daljacelidii uu ku tilmaanaa ayaa ka xoog badtay beentii ay ka faafiyayn cadawyadii uu dibadda iyo gudaha ku lehaa; markaas bay marar badan ku qasabtay inay runta carabbaabaan oo ay qoraaladooda ku sheegaan wixii uu dhabtii ahaa, iyagoo waliba maamuusaya!

Soomaali aan tiro yarayn ayaa beentaas la faafiyay ku sirmay, oo wali laga dhaadhacin la’ yahay inuu Sayid Maxamad ahaa nin aan magacdoon iyo dan gaar ah u halgamayn, ee uu ku hammiyi jiray oo kaliya danta guud iyo gobeeynta gayiga uu ku abtirsado. Ha yeeshee, inta sida dhabta ah u fikirtaa way garan karaan sida fudud ee – hadduu rabo – uu Ingiriiska iyo Talyaaniga uga heli lehaa xiriir aan cid kale horay loo huwin. Haddii uu “Hawraarsan” ku oran lehaa gumeeysigii uu la dagaalamayay, wuxuu Ingiriis iyo Talyaaniba ka heli lehaa tixgalin ka wayn tii ay heli jirayn Garaad Maxamuud Cali Shire, Boqar Cismaan, Keenadiid, Cali Keenadiid, Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise, Muuse Igaare iyo cuqaashii badnayd ee gumeeysiga horsacodtay.

Boqaradii iyo suldaanadii Soomaalidu ma ahayn dadkii kaliya oo Sayid Maxamad colaadiyay amaba Daraawiish naafeeyay. Waxaa kuwaas uga halis badnaa aftahanadii: wixii Cali-dhuux lehaa, Cali Jaamac Haabiil lehaa, Yuusuf Ibraahim (Yuusuf-dheere) lehaa, oo in badan ku dadaalayn inay dhismaha daraawiisheed kala furfuraan, dadwaynaha taageersanna ka yaaciyaan. Markaad u dhabegashid maansooyinkii ay raggaasi Sayid Maxamad u tirin jirayn, ku arki maysid wax dareen ah oo ay taliskii shisheeyaha ka qabayn. Waxaad moodaysaa colaad qabyaaladeed inay shidaysay, isla markaasna ay u qaadan la’aayayn wadaad gabayaa ah, oo iyaga oo kale ahi, inuu intaas oo xarumood ka taliyo, boqalaal kun oo qofina ay ka talo dhawrto! Taas waxay ku qarin jirayn inay goor walba ku celceliyaan: dadkii soomaaliyeed ee gulufyadii daraawiisheed sababsan jiray ama xoolahooda ku waayi jiray. Waxaase loo baahnaa inaan dooddoodu taa ku ekaanee, ay si uun isugu dayaan inay fikirka Siyidka soo gaaraan, indhahoodana u furaan halistii uu dalku ku jiray iyo danta fog ee halganka laga lehaa.

In badan ayuu Ingiriisku raadiyay tab uu kaga hortago diyaacaddii balaarnayd ee Sayid Maxamad iyo guubaabadii badnayd ee uu Soomaalida ku dhaxfidin jiray. Taas kuma uu guuleeysan, wuxuuse helay cid u fulisa. Aftahanadii soomaaliyeed, qaar ka mid ah ayaa, iyagoo aan garanayn, gumeeystayaashii kaalmo wayn u geeystay, maxaa yeelay, maansadoodu waxay ahayd hub Sayidka lagu heeri karay, oo aan Ingiriis gacanta ugu jirin, Cali Jaamac iyo Cali-dhuuxse sahal u ahaa! Sayid Maxamad, isagoo aan cabsan oo aan u dabcin aftahanadaasi caybeeyntii ay u soo diri jirayn, ayuu gaashaanka u qabtay, oo gadigooda lugaha isugu duway;  mid mid ula hadal, wadarna wadarna wax u wada yiri. Kal walbana, carabkiisa sayfta ahaa ayuu kaga adkaan jiray. Mar, uu aftahanadaas wadar ahaan ula hadlayay, oo uu u sheegayay dandarada ay qaabiyayn, dulliga u danbeeyana uu dareenkooda galinayay, wuxuu ku maansooday: 

«Ha’» ii tiri horaa rag ugu lumay, himiladoodiiyee,
hawadooda beentaa ayaa, hebelo eedaynee.

Waxay hoosta gaal uga jiraan, inuu u hiishaayee,
isna inuu halaagguu rabaa, hogab ka tuuraayee,
uu u horkacaa naartiyo, holacyadeediiyee.

Hunguraa u geeyayee anfaco, hooya muu oranee,
hantidooda inuu dhoofiyuu, haabka ku hayaayee.

Oo waliba uu ugu hanjabi, dhiifna ku hadlaayee,
ay hoos indhaha uga rogaan, sida haweenkiisee,
habaaraa ku biirisoo cuqubo, waalidooda horee,
inuu haystaa mooyee wax kale, saw umay harinee!

Waxaa hubaal ah taariikhdu inay Sayid Maxamad u xusuusan doonto aftahannimo iyo wadannimo; Cali Jaamac iyo raggii la midka ahaana ay ku xusuusan doonto aftahannimo kaliya iyo dhaqdhaqaaq wadani ah inay colaadin jirayn.

Qofkii raba, Sayid Maxamad wuxuu dhabtii ahaa inuu ogaado, ha aqriyo meerisyadan aan leexleexadka lehayn, ee uu ku leeyahay:

Dagaalkii Nasaarada anaa, daalib ku ahaayee,
dalka ma lehid anaa, ku iri doorwayneha,
daliilkii Rasuulka anaa, doonayoo helayee,
anaa diiday maalintuu lehaa, deeqan iga hooyee,
diinkay anaan ku gadan, dabaqii naareedee,
anaan labada daarood, tan hore darajadeeynaynee!

Sayid Maxamad in lagu murmumaa gar waaye, maxaa yeelay, wax wayn buu ku dhaqaaqay, had iyo goorna ninkii wax wayn ku dhaqaaqaa, gaf buu ku dhacaa. Ninka aan gafinna waa midka meel iska fariista, oo danta uu leeyahay iyo midda xaaskiisa uun ka walwala; Sayid Maxamadna, nin jaadkaas ah ma ahayn, waana ka han waynaa. Taas markii maskaxda la galiyo, oo la isu miisaamo wanaaggii uu Soomaali u qabtay iyo dhibaadtadii ay Daraawiish qaarkeeda u geeysadtay, ayaa loo garaabi karaa, lana oran karaa, «Allaale, wanaaggii uu muujiyay iyo dabkii uu oogay ayaa ina hilmaansiin kara gafafkii uu ku dhacay iyo goldalooladii uu taliskiisu lehaa». Fikirka wacani, sidaas buu wax isu barbar dhigaa, mana aho inaynu waqtigayna qaaliga ah ku lumino wax-dhacsiinta ruuxa canbaareeynta qayaxan u jeeda ama aan xukunkiisa kala hari karin.

W.Qoray: Axmad F. Cali «Idaajaa»
W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...