domingo, 8 de febrero de 2015

Aawayhee (Raxiima Mahdi)



Aawayhee  aawayhee
inankii is arkoonayee
aawayhee
aragiis ma iloobinee

Waxaan u ooyaa
u oomaa aawadaa
isma arkeenin ayaantaan
ii imow
adaa iloobay axdigii oon leheen
inanyahow

Aawayhee
ubaxii aan abuurayee
aawayhee
aragiis ma iloobinee

Afkeyga waa ku omaa
aawadaa
amaatankaaga
an waa lee eedayee
aduunyo iyo aakhiro
axdigii oofiyee 
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...