miércoles, 10 de febrero de 2016

Naxweha Af Soomaaliga: Falka

Falka waa eray xeer ahaan gundhig u ah erayo kale, ee uu ka tilmaamo wax dhaca, wax ahaada ama jira, ama wax hawl ka dhaxdhaca, ama wax hawl tilmaama, ama hawl qabta, intan waxa ay tilmaamaan waxa falka laftigiisa gundhig u ah, oo ah yeeleha ama faleha ee falka, erayada kale waa waxa falku uu tilmaan ka baxsho ama hawl ka qabto, oo kala ah tilmaan iyo layeele. Tirada ee dhismo ama magacyada falka dooddiisa ka tirsan ee ka qaybqaadan kara falka, ha ahaado yeele ama layeele, waxaa loo yaqaanaa «kaaftawn / kaaftoon», haddii la adeegsado dhismaha ugu yar uu ka koobnaan karo falka sida «sacosho, cararid, seexasho» waxaa la oran karaa waa hal-kaaftoonle, laakiin «si dhaqso ah baan u sacoday» waa labo-kaaftoonle (yeeleha iyo layeeleha falkaabka ah), sidoo kale falalka sida «iraahid, sheegid, hadlid» waa labo-kaaftoonle, falalka sida «siin, waydiin, galin» waa sadex-kaaftoonle, waxaana magacan laga soo qaadtay kimistariga, oo ah awoodda uu atom u leeyahay si uu ula falgalo tiro atomo ah. Gudubnimada falka wuxuu ku saabsan yahay layeeleha qura, ama waa magudbe oo aanan layeele lehaynin sida «hadlid», ama waa gudbe sida «yeelid», ama waa gudbe labolaaban sida «siin, waydiin, galin»; ha ahaado fal gudbe ama yuunan ahaanin, labaa loo qaybin karaa falka:

Fal xaaladeed

Waa fal tilmaama xaalad ka madaxbanaan aminka iyo muuqaalka falka, sida falalka: ahid, ahaansho (ahawnsho), lehid (leh-ahid), lehaansho (leh-ahawnsho), hayid, haysasho, qabid, jirid, nacid, nacbaansho (nacbawnsho), nacbasho, jaclid (jacal-ahid), jaclaansho (jaclawnsho), jaclaysasho, dareemid, arkid, aaminid, aaminsanaansho (aaminsan ahawnsho), aaminsasho, le’ekaansho (lehawnsho), aqoonsho (aqawnsho), maqlid, muuqid, ilawbid (ilaabid), rajayn, malayn, garasho, doonid, damcid, karid, baahnaansho (baahanawnsho), baahasho, seexasho, seexnaansho (seexanawnsho), joogid.

Fal ficileed

Waa fal tilmaama ficil ka madaxbanaan aminka iyo muuqaalka falka, sida falalka: cunid, cabid, naqosho, baddalmid, baddalid, baddalasho, rogmid, rogid, rogasho, rogsasho, sacosho, tagid, korid, baxid, baxsasho, korarid, korarasho, korarsasho, hadlid, barasho, aqrin, aqrisasho, qabasho, qabsasho, dheelid, ciyaarid, garaacid, qasid, dhaqid, dhaqasho, karin, karsasho, siin, dhagaysasho, qubaysaho, doonasho, raadin, raadsasho.  

Qaabka falka wuxuu ka kooban yahay «jirid» iyo «isrorog»; jirid waa erayga falka laftigiisa ah oo magaca falka iyo macnehiisa sidta, isrogroggana waa inta jiridda wax ka sheega, sida: codka, muuqaalka, aminka, habka, iyo tirada.

Ka soo qaad: «waydu haysadtaan»; jiridda falka waa «haysad» oo ah qofka 1aad iyo 3aad ee labka ah, tan waxay ka sii kooban tahay «hays + od» oo ah jiridda korarka ah ee codka sababeha ah oo la raacsiiyo amarka codka naftii-u-yeeleha ah iyo jiriddiisa, «t»duna oo si dheeraad dibkab ugu ah jiridda waxay tilmaantaa qofka 2aad iyo qofka 3aad ee dhadigga ah, tan weertan ay raacsan tahay waa qofka labaad wadarta ah «aydu»; «aa»da waxay tilmaantaa muuqaalka sacodtada ah iyo aminka joogtada ah; «aa»da iyo madaxa «waa» ee weerta waxay tilmaamaan habka tabinta (indicative mode); magac-u-yaalka «aydu» iyo «n»da oo israacsan waxay si wadajir ah u tilmaamaan dhamaan tirada qofka labaad wadarta ah ee jiridda. (eeg lawxa 1 iyo 3).

Lawxa 1
Isrogrogga Falka
Waydu haysadtaan
-           
Madaxa
Jiridda
+ Isrogrogga
Waa (aydu)
Haysad
Haysadtaan
Codka

(Hays) + od

Qofka (2aad)
Aydu

Haysadt
Jinsiga (lab)
aydu

Haysadt
Muuqaalka


-aa
Aminka


-aa
Habka
Waa (aydu)

-aa
Tirada (wadar)
Aydu

-taan

Muuqaalka

Falka muuqaalkiisu labuu kala yahay:

1Falka muuqaalkiisu labuu kala yahay:


1-     Sacodto, waa muuqaal aanan ficilkiisa (ficilka aasaaska ah) idlaysmin ee sacoda ama sacodto ah (imperfective), ee dhaca aminka joogtada iyo aminka tagtada; wuxuuna u kala sii qaybsamaa shan:

a.  Dhaxsacodto, waa muuqaal aanan waxba ku lehaynin bilawga ama dhamaadka ficilka ee dhaxsacoda aminkuu hadleha ka hadlayo, ee ha ahaado joogtada ama tagtada, ee la adeegsado falkaaliyeha «hayid» la oran karo dhaxsacodto (durative).
b.  Dhawdo, waa muuqaal aanan filcilkiisa wali dhacin bal goor dhaw yeelehu qaban rabo ama bilawbi rabo; waxaana la adeegsadaa falkaaliyeyaal kala duwan sida «rabid, gaarid, dhawid, ogid» ee aminka joogtada iyo tagtadaba la adeegsado, falkaaliyeha «doonid» waxaa la adeegsan karaa tagtada qura.
c.   Suurtagasho, waa muuqaal soo tabiya suurtagalka dhacida falka, ee isana muuqaal dhawdo ah, waxaana la adeegsadaa falkaaliyeha «lehid» ee aminka tagtada qura.
d.    Caadadto, waa muuqaal ficilkiisu had iyo jeer dhaco ama dhaci jiray ama dhacitaankiisa caadasho leh, goortuu ficilka aasaaska yahay waa isla muuqaalka sacodtada ah, goortuuna falkaaliyeha «jirid» yahay waa muuqaal caadadto ee amin tagto ah.
e.      Timaadto, waa muuqaal ficilkiisa dhaci doono, ha ahaado mid dhaw ah ama mid fog ah, ee aminka mustaqbalka ku saabsan; waxaana la adeegsadaa falkaaliyeha «doonid».

2-     Gabogabaysan, waa muuqaal ficilkiisu (ee ficilka aasaaska ah) soo gabogabaysmay amin tagay ee go’an ama waxaa la oran karaa waa muuqaal gabogabays iyo amin gaw ah leh ama gaw-ahaadto ah (punctual) iyo gabogagaysan ah (perfective). 

Aminka

Aminka falka aasaaska waa labo:

1-     Aminka joogtada

a.     Aminka dhaxsacodtada (falkaaliyeha: hayid)
b.     Aminka timaadtada (falkaaliyeha: doonid)

2-     Aminka tagtada

a.     Aminka dhaxsocadtada (falkaaliyeha: hayid)
b.     Aminka caadadtada (falkaaliyeha: jirid)

Lawxa 2
Aminka Falkaaliyeha
Magaca aminka
Falka
Timaadto
Doonid: (joogto iyo tagto)
Sacodto
Hayid: (joogto iyo tagto)
Caadadto
Jirid: (tagto)
Dhawdo
-           
1)     Yaresoketo
Rabid, Doonid, Gaarid, dhaw-ahid (Dhawid), Og-ahid (Ogid):
(tagto iyo joogto)
2)     Suurtagasho
Leh-ahid (Lehid): (tagto)
Caynka Falkaaliyeha
Karti
Karid (joogto iyo tagto)
Karti
Og-ahid (Ogid): (joogto iyo tagto)
Karti la’
Waayid: (joogto iyo tagto)
Karti la’
La’-ahid (la’id): (joogto iyo tagto)

Falkaaliyeyaasha waxaa loo adeegsadaa ama aminka ama caynka falka falkaaliyeha, kuwa (lawxa 2) muujiya muuqaalka waa kuwa aminka wax ka sheega, kuwa aanan aminka wax ka sheegin waa kuwa leh caynka falkaaliyeha ee macnehuu sidto falkaaliyeha laftigiisa ah ee loo qaybin karo labo: kuwo leh hawl «karti» ah, iyo kuwo «karti la’» muujiya. Falkaaliyeha «ogid» wuxuu yeelan karaa caynka falkaaliyehu yahay ee la mid ah macneha falkaaliyeha laftigiisu uu sidto, sida: «waan samayn ogahay» oo la macne ah: «waan samayn karaa», labadaba «ogid iyo karid» waxay qabtaan isku hawl, waana caynka falkaaliyeha; ama «waan samayn ogahay» wuxuu yeelan karaa macneha aminka oo la macne ah: «waan samayn dhawahay». Haddii laysku barbardhigo falkaaliyeyaasha «rabid iyo doonid» iyo falkaaliyeha «lehid», tusaale ee weer shardi ah iyo jawaabtiisa: «haddaan samayn rabay / doonay inaan sameeyo taas, maanan u yeeli lehaynin sidaas», «haddaan samayn lehaa taas, maanan u yeeli lehaynin sidaas», tan hore xoogga wuxuu saaran yahay «ikhtiyaarka» yeeleha, tan danbena – oo ka kooban «leh ahid», oo la macne ah «lehaansho» iyoba «iraahid» – waxay tustaa in yeeleha falka «leh» uunan ikhtiyaar qabin – goorta loo barbardhigo tusaaleha hore –, bal uu malo-abaarayay suurtagalka arintaas.

Lawxa 3
Muuqaalka falka
Sacodto
Dibkabka yeeleha sacodtada
Sal
Muuqan
Layeele
Ficil
-a
-aa
-o
-i
Yeeleha mawduuca
(yeeleha salka – ee ka go’an yeeleha dahsoon ee mawduuca ama wadarta amarka) 
Yeeleha magac-u-yaalka dhidban ee falka
(yeeleha muuqan – ee uu la jiro yeeleha dahsoon)
Yeeleha ku diiradaydan layeeleha
Yeeleha ku diiradaysan ficilka
Dhaxkabka yeeleha sacodtada
Awl
Aqawn
aal, yaal
aqaan, yaqaan
Gabogabaysan
Dibkabka gabogabaysan ah
-ay
-ay
-ay
-ay
Dhaxkabka gabogabaysan ah
Ayl
Aqayn
iil, yiil
aqiin, yaqiin
imid, yimid

Lawxa 3 ma ahaanin qura inuu tuso isku xirnaanta iyo israacnaanta muuqaalka iyo aminka qura, bal inay u kala qaybsamaan labo: sacodto / joogto iyo gabogabaysan / tagto, tan kelena waa in muuqaalka sacodtada ah uu tuso afar yeeleyaal oo ku kala diiradaysan: «yeele, layeele iyo ficil»; muuqaalka sacodtada ah wuxuu leeyahay dhaxkab ee yeele ku diiradaysan yeele: «-aa-» iyo dibkab: «-a; -aa; -o; -i». Muuqaalka gabogabaysanna wuxuu leeyahay dibkab: «-ay», dibkab dheeraynta jiridda ka mid ah: «im + id», iyo dhaxkab: «-ii-», oo dhamaan leh hal cayn yeele ah kaliya oo uu ka wada dhaxeeyo shaqalka «i» oo ah yeele ku diiradaysan ficilka, tan waa in kala duwanaansho uu ka dhaci karo kaliya inta lagu gudojiro muuqaalka sacodtada ah; tan waa xeerkuu ku salaysan yahay afafka Afro-Aasiyada, oo lagu arko in hababka afkawda (mode / mood) uu ka dhaxdhaco kaliya muuqaalka sacodtada ah.
Qaabka falka wuxuu u kala qaybsan yahay labo: mid ku salaysan falka amarka ee salka ah iyo falalkiisa korarka ah, iyo mid ku salaysan amarka falka «ahaw» iyo «ahay» oo ka dhisan falka tilmaanta ah (sifada ah) «ah» ee ku dibkabma falalka amarka ah ee kala matala «haw» iyo «hay» kan danbe waa falka «hayid», waxaana labaduba loo adeegsadaa falgalinta magacyada ama magaca jiridda falka.

Codka

Lawxa 4
Codadka Jiriddaha Amarka
Amarka
(Adiga)
Amarka
(Adinka / Idinka)
Jiridda

Codka
Jiridda salka I
Jiif (B)
Jiifa
Jiif (ø)
(ø): Cod gaara aan lehaynin
-          (J)
-           
Jiifm (-an)
Dhaxe
Jiridda korarka II
Jiifi (B)
Jiifiya / Jiifsha
(sh = iy)
Jiifis (-is)
(-i): Sababe
-          (J)
-           
Jiifism (-san)
Dhaxe
-          (J)
-           
Jiifsam (-san)
Dhaxe
Jiifsii (T)
Jiifsiiya
Jiifsiis (-iis) (-siis)
(-ii) (sii): Sababe
-          (J)
-           
Jiifsiism: (-san)
Dhaxe
Jiridda korarka III
Jiifo (B)
Jiifada / Jiifta
Jiifad
[(-ad) < (-od)]
(-o): Naftii-u-yeele
-          (J)
-           
Jiifm (-an) < (-on)
Dhaxe
Jiifso (T)
Jiifsada
Jiifsad
[(-ad) < (-od)]
(-o): Naftii-u-yeele
-          (J)
-           
Jiifsam
(-san) < (-son)
Dhaxe

Codka waa sida yeelehu uu u maro, ama u qabto ficilkiisa, xattaa hadduu u eg yahay inuu ficilka ku saabsan yahay layeeleha sida codka «qof- / wax-u-yeele» ah (applicative voice) ee afaf badan ee dunida ay qabaan. Codka wuxuu muujiyaa dirka (class) uu falku ka mid yahay ee si kabmo ah (affix) ugu dibkabma dirka salka ah (dirka I) ee naqoda dirka korarka ah (derivative), sidaas dartaydna waa mid naxwe ah (synthetic verbal form) (siduu yahay AfroAasiyada oo dhan), ee waxaa jira afaf uu naxwe-ahaan falka ugu kabmin ee la adeegsado xubno faleed (peripharastic verbal form). Falalka salka ah ee dirka 1aad (I), jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah waxay la mid yahiin amarka iyo magaca falka, codka falalkanay sidtaan waa codka yeeleha muuqan (subject) iyo yeeleha dahsoon (agent) ee faacilka ah (active), ee aanan lehaanin cod u gaar ah.

Waxaa jira sadex fal-korar ah; dhamaanna waa falal «faacil» ah (active); fal-korar (II) ee yeeleha falka «-i» iyo «-ii» cod «sababe» ah sidta; fal-korar (III) ee yeeleha falka «-ó» cod «naftii-u-yeele / isuyeele» sidta ee cod «dhaxe» ah; iyo fal-korar ka mid ah dir walba (IJ, IIJ, IIIJ) ee cod «dhaxe» sidta ee «fal xaaladeed» ah, ee afafka Kuushka uu ka yahay cod «yeele gadisan» ah (passive).

Fal-korarka ee dirka labaad (IIB), amarka wuxuu ka kooban yahay jirid sal ah iyo shaqalka «-i» ee matala «yeeleha dahsoon» (aan qabanin falka bal amra qofka lala hadlayo) oo ku dibkaban, sida «jiif + i = jiifi» ama jirid tilmaan sal ah (sifo) iyo shaqalka «-i» sida «jilic + i = jilci» ama «jilayc + i = jilayci». Waxa amarka «-i» uu qabtaa waa isagoo falgalsha macneha magudbeha ah ee jiridda, isagoona ka dhiga yeeleha ee jiridda cusub gudbe leh cod «sababe» ah, taas waa inuu kaaftoonka jiriddaas koraray. Jiridaha gudbe ah sida «hoy» oo ficilku ku diiradaysan yahay ama ku kooban yahay yeeleha sidii ficilka oo ahaa magudbe, waxay «i»da ula dhaqantaa jiridda sidii fal magudbe ah sida falka «hoyid» oo kaaftoonkiisa korara, taas waa inuu yeeleha falka ku sameeyo qof kale ficilkii salka ahaa «hoyid» ee uu qabanayay ee naqoda «hoyin», laakiin falka gudbeha ah sida «laabid» u yeelidda cod sababe ah «laabin» ma siiyo baddal muhiim ku jira. Fal-korarka ee dirka (IIT) oo amarkiisu yahay «-ii» ee u dhaqma sida amarka «sii iyo waydii» ee ah gudbe labolaaban, laakiin haddii loo barbardhigo jiridaha qaadta «-i», macne ka duwan ma ka soo baxo aanan ka ahaynin xoojinta codka, mana siiyo afka Soomaaliga «sababe labolaaban» sida ku dhaca afafka Kuushka ah oo Soomaaliga qaabka falalka ay la wadaagaan, balse wuxuu wax u taraa jiridaha aanan qaadan karin «-i», oo wuxuu raacaa jiridaha leh «s» oo sababe ah sida «hays + ii = haysiin», laakiin hadday naqodto jiridda «s» aanan qabin «hay» waxaa danbeeto raaca falka «sii» oo jiriddiisu tahay «s» oo qura oo sababe matala «hay + sii = haysii»; sidoo kale magaca matala jiriddan sababeha ah waa jiridda qofka labaad ee «s»da sida.


Fal-korarka ee dirka sadexaad (III), kan (IIIB) waxaa jiridda salka ah raaca «-o» ee «yeeleha dahsoon» matala (aan qabanin falka bal amra qofka lala hadlayo), waxay «-o»da waa yeele isku diiradiya ficilka ee jiridda salka oo wuxuu naqodaa layeeleha ee isla ficilkiisa si uu u yeesho cod ku dhaxjira ahaanta yeele iyo ahaanta layeele, ama si cad ah ee la garan karo bay u dhacdaa tan, ama si hoosaas ah (goortuu yahay magudbe ficilka) bay u dhacdaa, taas ee ah «cod dhaxe». Falalka jiridda salka ku ahaa «magudbe» ee wali ahaada magudbe goortay «-o»da falka raacdo, yeeleha falka si gooni ah buu u soo taagmaa oo xoogga ficilku uu u saaran yahay si uu u muujiyo inuu ficilkiisa dulmaro yeelehu, ama inuu u dhaqmo yeelehu sidii isagoo doorasho ku leh ficilkiisa sida «jiifasho» ee goorta loo barbardhigo «jiifid», laakiin waxaa falalkan ka maqan codka ugu sareeya ee uu ficilka «-o» qaadan karo «naftii-u-yeele / isuyeele» ee ay reergalbeedku ugu wacaan cod «dheefe» ah (autobenefactive), tusaale: «booyid / ooyid» oo naqodta «booy + o = booyasho», «waan booyday / ooyday»; «jiifid» oo naqodta «jiif + o = jiifasho», «waan jiiftay», «la’id» ee naqodta «la’ + o = la’asho» oo xattaa la macne ah «dhimasho», «waan la’day», «fidid» ee naqodta «fidasho» codka masdarkan waa cod «naftii-u-yeele / isuyeele» ah sababta ee inuu yahay magudbe ficil-ahaan ma u soo gudbiyo codkan gaarka ah «wabiga wuu fidtay» ee soo gudbiya xoogsaarnaanta inuu yeeleha ficilka maro goorta loo barbardhigo «wabiga wuu fiday»; waxaa jira falal magudbe ah sida «qabid» oo yeeleha falku u dhaqmo sidii isagoo layeelehiisa uu (yeelehu) dhaxdiisa ku haysto ama ku leh, goortay «-o»da raacdona jiriddiisa uu isku baddalo fal «gudbe» ah kaliya «qabasho» oo codka «naftii-u-yeele» uunan yeelan karin. Jiridda salka ee falalka «gudbe» ah, sida «dadid, yeelid, tirid, saarid» goortay raacdo jiriddaas «-o» waxay yeeshaan cod «naftii-u-yeele / isuyeele» ah, sida «dadasho, yeelasho, tirasho, saarasho», «waan dadtay, yeeladay (yeeladay - yeeltay - yeeshay), tirtay, saartay». Falalka gudbe ah qaarkawda sida «dhimid» ee tusaaleha «biyaha dhin», goortay «-o»da raacdo «dhimo» waa sidii yeeleha oo lagu amrayo «is dhin» magac-u-yaalka «is» waa mid siiya falka cod dhaxe ee «isyeele» ah, qaarna sida «dhalid» wuxuu isu baddalaa magudbe «dhalasho»; labaduba waxay tusaan in yeelehu ficilka maro, laakiin uu ka maqan yahay naftii-u-yeeleha. Fal-korarka (IIIT), jiridaha «-o»da ay raacdo waxaa raacsan «s» oo ah sababe oo jiridda salka ka dhiga gudbe sababehu dhaliyay oo u sahla yeeleha kalkay «-o»da raacdo inuu yeesho cod «naftii-u-yeele / isuyeele» ah sida «qabid» «dhimid», oo ka yimaada «qabis» iyo «dhimis» si ay u naqodaan «qabso / qabsasho» iyo «dhinso / dhinsasho» oo ku yeelan waayay codkan «qabasho» iyo «dhimasho», kuwa kalena ee leh codka «naftii-u-yeele / isuyeele» waxaa ku darsama xoojinta codkiisa kaliya sida «furasho, fursasho», «waan furtay, fursaday». Magaca matala jiridda «naftii-u-yeeleha / isuyeeleha» waxaa amarka raaca «t» oo naqodta «d»; ee ah «-od» oo loo aqriyo «-ad» «jiifad» ee la mid ah jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah, sidaasna magacuna waa lab «jiifadka».

Waxaa jira jirido laga dhaxhelo dir walba ee jirid ah iyagoo cod gaar ah leh, waxay ka samaysmaan jiridda salka ah ee gudbe ama magudbe ah ee dir walba, ha ahaadaan jiridaha amarka ama jiridaha ku salaysan amarka «ah» (ahaw iyo ahay), oo waxay isku baddalaan tilmaan (sifo) fal ah, tusaale jiridda salka ee dirka 1aad (IJ) falka tilmaanta ah: «jiifan»; dirka 2aad (IIJ) «jiifisan», isagoo xadaf ah «jiifsan»; dirka 2aad (IIJ) «jiifsiisan»; dirka 3aad (IIIJ) «jiifan» oo «-an ka yimid -on); dirka 3aad (IIIJ) «jiifsan». Tilmaamahan falka ah waxay sidtaan codka «dhaxe» ah, taas oo ah cod yeele iyo layeele ah ee uu «ficilmare-ahaan» (experiencer) xoogga u saaran yahay yeeleha ee muuqaal «magudbe», «isbaddal xaaladeed» iyo mid «gabogabagaysan» leh (perfective) ee «yeele gadisan beenaad» ah (pseudopassive); wuxuuna qaadtaa jiridaha qofka 1aad iyo 3aad labka ah, halka «n»da uu u baddalmo «m» «waan, wuu jiifmay» iyo qofka 1aad wadarta isagoonan waxba iska baddalin «waynu jiifanay»; afafka Kuushka waxaa jiridda lagu daraa «-am / -an» waana cod «yeele-u-gadisan layeele» ah ama sahal-ahaanba «yeele gadisan» ah (passive), kan u soo dhaw ee u dhigma afka Soomaaliga waa adeegsashada magac-u-yaalka yeeleha dahsoon (agent) «la» – erayga ingiriiska «passive» wuxuu ka yimid erayga laatiinka ah «passivus» oo ah tilmaan la macne ah «dhibtoon kara, caloolxumaan kara» ee ka yimid falka yeele gadisan ah ee masdarkiisa ah «pati» ee la macne ah «dhibmarid, dulqaadasho, dulyeelasho»; sidoo kale erayga Carabiga «ألمَبْنِيّ لِلمَجْهُول» wuxuu la macne yahay «falka ku dhisan yeeleha aanan la aqoonin», oo loola jeedo «yeeleha dahsoon» ee hawsha qabta, iyo yeeleha muuqan ee layeeleha ah ee «yeele gadisan» – yeeleha gadisan waa inuu yeelehu ficilka maro ee yeele faacil ah (active) dibdanbe uunan u ahaynin, sidaasna uu ku yahay «yeele gadisan» ee geeska kale ee yeeleha faacilka (active) uu ku dhaco; laakiin afka Soomaaliga qaabka «-an / -am» waa cod faacil ah (active), sababtuna Af Soomaaliga yeeleha dahsoon (agent) iyo yeeleha muuqan (subject) labaduba waa isku mid xagga habka tabinta (indicative) iyo habka idanka (jussive) iyo falalka diidmada ah oo dhamaan wada wadaaga siduu u muujiyo falka isku-midkiisa ee qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah ee dibkabka ah (iyo magac-u-yaalada sadexaad ee yeeleha – «uu»: yeeleha muuqan ee qofka sadexaad iyo «la»: yeeleha dahsoon ee qofka sadexaad), waa sidoo kale falalka horkabka ah inkastooy si cad ah u muuqanin; qofka labaad iyo qofka 3aad dhadiga ah iyagana waxay sidoo kale ku leeyahiin wada wadaag horkabka iyo dibkabka, tan waxay tusaysaa kala horayn jago ah ee qofka 1aad iyo qofka labaad, kuwa qofka sadexaad ahna waxay muujiyaan kala horayn jago ah ee lab iyo dhadig ah oo ku raacsan kala horaynta qofka 1aad iyo qofka labaad. Meesha yeeleha dahsoon (agent) iyo yeeleha muuqan (subject) ay ku kala duwan yahiin waa amarka (kali / wadar), qofka amraya waa yeeleha dahsoon ee qofka sadexaad labka ah, kan la amrayo waa kan yeeleha falka ah ee qofka labaad labka ah. Sida afafka kale ee Kuushka ee nala wadaaga codkan «-am / -an», wuxuu muujiyaa in yeeleha dahsoon (agent) uu ka soocan yahay yeeleha muuqan ee falka, iyo inuu yeeleha dahsoon yahay kan u gadiya yeeleha muuqan ee falka «layeele», sidaasna buu u yahay «yeele gadisan» oo u gadismay layeele. Meesha kale ay yeeleha dahsoon iyo yeeleha falka ku kala duwan yahiin waa weerta hulan (cleft sentence), oo yeeleha dahsoon ah yeeleha diiradaysan oo ka go’an yeeleha muuqan ee falka oo kan danbe qaadta shaqalka «-a» ee la mid ah siduu yahay amarka wadarta ah (eeg lawxa 3 iyo lawxa 8); sidaas dartaydna tusaaleha «wuu jiifmay» ma la macne ah yeeleha gadisan ee afka Carabiga «نِيمَ» (niima) ee yeelehiisa faacilka ah «نَامَ» (naama) ee wuxuu la macne yahay «أتى ه ألنَوْمُ » «hurdaa u timid» ama «hurduu ku dhacay» ama «hurdaa qaadadtay», tusaale kale waa «albaabku wuu furmay» ee falka magudbeha ah Infataxa «إنْفَتحَ ألبابُ»; ama yeeleha gadisan ee afka Ingiriiska «he was asleep», «the door was open» ama afka Isbanyoolka «él fue / estuvo dormido», «la puerta fue / estuvo abierta» ee waxaa ka saxsan yeeleha faacilka ee sidan «he fell aspleep», «the door opened» ama falka magac-u-yaalka ee Isbanyoolka ee codka dhaxe ah «él se cayó dormido / se ha caído dormido» ama «él se quedó dormido / se ha quedado dormido» ee la macne ah «hurduu ku dhacay» ama «hurdaa qaadadtay», «la puerta se abrió».  

Waxaa jira cod kale ee magac-u-yaalka «is» sidta, codkuu yeeshana wuxuu ku xiran yahay tirada qof ee uu falku leeyahay, tusaale ee tirada kali ah: «waxaan isku arkay maraayada», «iska jir!» labaduba waa cod «isyeele» ah; laakiin «waxay isku arakayn dariiqa», «waxay iska jiraan ninka» labadanna waa cod «iswaydaarsi» ah; codka isyeeleha iyo kan iswaydaarsiga waa cod «dhaxe» ah.

Lawxa 5
Jiriddaha [ah + (haw)] ku dibkaban
Jiridda salka I
Amarka
(Adiga)
Amarka
(Adinka / Idinka)
Jiridda
Codka
Jiifaw (Jiif + ahaw)
Jiifawba / Jiifawda
Jiifawb / Jiifawn; Jiifawd / Jiifawn
Naqosho
-           
-           
Jiifawbm (-an)
Naqosho Dhaxe ah
Jiridda korarka II
Jiifawbi (-i)
Jiifawbiya / Jiifawbsha
Jiifawbis
Naqosho Sababe ah
-           
-           
Jiifawbism (-san)
Dhaxe  
Jiifawbsii (-ii) (sii)
Jiifawbsiiya
Jiifawbsiis
Naqosho Sababe ah
-           
-           
Jiifawbsiism:
(-san)
Naqosho Dhaxe ah
Jiridda korarka III
Jiifawbo
Jiifawbada / Jiifaabta
Jiifawbad / Jiifaabt
Naqosho Naftii-u-yeele ah
-           
-           
Jiifawbm
(-an) < (-on)
Dhaxe  
Jiifawbso
Jiifawbsada
Jiifawbsad
Naqosho Naftii-u-yeele ah
-           
-           
Jiifawbsam
(-san) < (-son)
Naqosho Dhaxe ah

Lawxa 6
Jiriddaha [ah + (hay)] ku dibkaban
I
Amarka
(Adiga)
Amarka
(Adinka / Idinka)
Jiridda
Codka
Jiifay (Jiif + ahay)
Jiifeeya (< Jiifaya)
Jiifays
Dhabayn
-           
-           
Jiifaysm
(-san) < (-son)
Dhabayn Dhaxe ah
II
Jiifaysii (-ii) (sii)
Jiifaysiiya
Jiifayaysiis
Dhabayn Sababe ah
-           
-           
Jiifaysiism
(-san) < (-son)
Dhabayn Dhaxe ah
III
Jiifayso
Jiifaysada
Jiifaysad
Dhabayn Naftii-u-yeele ah
-           
-           
Jiifaysam
(-san) < (-son)

Jiifaysiso
Jiifaysisada
Jiifaysisad
Dhabayn Naftii-u-yeele ah
-           
-           
Jiifaysism
(-san) < (-son)

Jiifaysiiso
Jiifaysiista
Jiifaysiisad / Jiifaysiist
Dhabayn Naftii-u-yeele ah
-           
-           
Jiifaysiism:
(-san) < (-son)
Dhabayn Dhaxe ah
                                                                                                                                                                   
Codadka falalka «ah» ku salaysan waxay u qaybsamaan labo: codka «haw» ee cod «dhaxe» ah siiya jiridda falka, taas waa in yeeleha uu u maro ficilkiisa layeele-ahaan oo wuxuu yeeshaa cod «naqosho» ah iyo codka falka «hay» ee uu siiyo jiridda falka inuu magacyada iyo tilmaamaha u baddalo ficil ama u dhabeeyo ficil-ahaan, codkaasna waxaa lagu magacaabaa cod «dhabayn» ah oo sababe ah. Dhawaaqa jiridda «hawd» wuxuu isku baddali karaa «haad ama hood» sida «ahaad iyo ahood», dhawaaqa jiridda «hawn» ee qofka 1aad wadarta ah oo naqoda masdarka falalkan wuxuu isku baddali karaa «haan ama hoon»; dhawaaqa ee jiridda amarka ah iyo qofafka 1aad iyo 3aad labka ah «hay», wuxuu isku baddalaa «heey» sida «aheey / aheeya» iyo «jiifeey / jiifeeya». Magaca jiridda codka noqoshada waa jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad «ahawdka / ahaadka / ahoodka»; magaca falka codka dhabaynta jiridda «s» sidadta waa qofka labaad «ahayska / jiifayska». Gabogabays ahaan, wuxuu Soomaaligu leeyahay labo cayn ee cod ah oo isku barbardhigan, waa codka faacilka ah (active voice) iyo codka dhaxe (middle voice). Codka fal-korarka 1aad wuxuu isu baddalaa dhabayn sababeha ah (II) (factitive); codka kale ee u barbardhigan faacilka waa codka dhaxe (middle voice), codka dhaxe waxaa kaloo laga helaa fal-korarka 2aad (III) ee leh codka naftii-u-yeele ah (autobenefactive); afka Soomaaliga ma qabo yeeleha gadisan (passive voice).

 Isrogrogga

Lawxa 7
Diidmada habka amarka
Jiridda amarka
Madax
Amar
(Adiga)
+ in
Amar
(Adinka / Idinka)
+ ina
Jiridda / Masdarka falkaaliyeha
Ha
Jiifin (I B)
Jiifina
Jiif
Jiifmin (I T)
Jiifmina
Jiifm
Jiifinin (II B)
Jiifinina
Jiifin
Jiifsiinin (II T)
Jiifsiinina
Jiifsiin
Jiifanin (III B)
Jiifanina
Jiifan
Jiifsanin (III T)
Jiifsanina
Jiifsan
Jiridaha [ah + (hawn / hayn)] ku dibkaban
Ha
Ahawnin / ahaanin (I)
Ahawnina / ahaanina
Ahawn
(ahaan / ahoon)
Ahaynin (II)
Ahaynina
Ahayn
Ha
Jiif + ahawn
Jiifawnin (Jiifoonin)
Jiifawnina
(Jiifoonina)
Jiifawn
(Jiifoon)
Jiif + ahayn
Jiifaynin
Jiifaynina
Jiifayn


Lawxa 8
Hab tabineed
Weer madaxbanaan
Muuqaal sacodto ah
B
M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(fal ah)
Fal
(-a; -o)
Aniga
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
-
Jiifa / Jiifo
Adiga
-
Jiifta / Jiifto
Asaga / Isaga
-
Jiifa / Jiifo
Ayada / Iyada
-
Jiifta / Jiifto
Anaga / Inaga
-
Jiifna / Jiifno
T
M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(-aa; -o; -i)
Aniga
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
aan
Jiifaa / Jiifo
Adiga
aad
Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
Asaga / Isaga
ay
Jiiftaa / Jiifto
Ayada / Iyada
uu / la
Jiifaa / Jiifo
Anaga / Inaga
aynu / aan
Jiifnaa / Jiifno
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiiftaan / Jiiftiin
Ayaga /
ay
Jiifaan
Magaca falka
Magaca yeeleha
Masdarka falkaaliyeha
Masdarka hoosjoogga
Jiif [Jiifka]
Jiife [Jiifeha] / Jiifto [Jiiftada]
Jiifi
Jiifid [Jiifidda]

Qaybta hore (B) waa weer hulan (cleft sentence), oo ka dhaca qura weerta diiradiyeyaasha madaxa u ah, taas waa inay diiradiyeyaasha diiradinaya yeeleha ay kala hulaan (ay kala go’shaan) yeeleha diiradaysan ee ah yeele dahsoon (agent) iyo falkiisa; falalkan ma qabaan wax wadar ah ee waa tiro kali uun ah, wuxuuna falka qaadtaa had iyo jeer jinsiga labka ah. Shaqalka falka ku dibkaban ee matala muuqaalka sacodtada ah iyo habka tabineed wuxuu naqodaa «-a» oo ah yeeleha ka go’an ama ka hulan yeeleha dahsoon ee mawduuca (yeeleha diiradaysan), ama «-o» oo ah yeeleha ku diiradaysan layeeleha (ama ku saabsan layeeleha). Qaybta danbe (T), goorta weerta diiradiyeyaashiisu ay ku diiradaysan yahiin layeeleha, waxay keentaa in magac-u-yaalka yeeleha dhidban loo adeegsado yeele ahaan, sidaasna falka wuxuu kali kali ugu aadan yahay yeeleha magac-u-yaalka ah, ha naqodto jinsi ahaan ama tiro ahaan; shaqalada ku dibkaban falka ee matala muuqaalka sacodtada ah iyo habka tabineed, waxay qaadtaan «-aa» oo ah yeeleha falka (ee raacsan ama la jira yeeleha dahsoon) ama yeeleha magac-u-yaalka falka raacsan, «-o» ee ah yeeleha ku diiradaysan layeeleha, «-i» oo ah yeeleha ficilka ku diiradaysan oo qaadta qofka labaad qura ee kali iyo wadar.

Lawxa 9
Hab tabineed
Weer madaxbanaan iyo weer hoosjoog ah
Muuqaal sacodta ah
M.yaal
M.yaal dhidban (fal ah)
Fal
Aniga
aan
Jiifay
Adiga
aad
Jiiftay
Asaga / Isaga
uu / la
Jiifay
Ayada / Iyada
ay
Jiiftay
Anaga / Inaga
aynu / aan
Jiifnay
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiiftayn
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifayn

Lawxa 9, wuxuu ku wada matalaa weeraha kala duwan ee muuqaalka gabogabaysan wada hal «-ay» ee aminka tagtada ah.

Lawxa 10
Diidmada hab tabineed
Weer madaxbanaan iyo weer hoosjoog ah
Muuqaal sacodto ah
M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(fal ah)
Fal
(-o; -i)
Aniga
Ma
aan
Jiifo / Jiifi
Adiga
aad
Jiifto / Jiiftid
Asaga / Isaga
uu / la
Jiifo
Ayada / Iyada
ay
Jiifto
Anaga / Inaga
aynu / aan
Jiifno
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiiftaan / Jiiftiin
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifaan
Muuqaal gabogabaysan ah
Aniga
Ma
aananin
Jiifin
Adiga
aadanin
Jiifin
Asaga / Isaga
uunanin / uusanin
Jiifin
Ayada / Iyada
ayanin /  aynanin
Jiifin
Anaga / Inaga
aynunanin / aanunanin
Jiifin
Adinka / Idanka
aydunanin
Jiifin
Ayaga / Iyaga
ayanin / aynanin
Jiifin

Madaxa weerta diidmada, aminkuu yahayba, waa «ma», oo tilmaama habka tabineed ee diidmada. Falka sacodtada ah ee weerta diidmada waxa uu kaga duwan yahay falka sacodtada ah ee weerta tabineed waa in shaqalada falka weerta diidmada qaadto ay yahiin «-o» oo falalka tirada kaliga ah qaadta iyo «-i» oo sida weerta tabineed ay falalka tirada labaad qaadtaan laakiin waxaa u dheer weerta diidmada inuu qofka 1aad isagana «-i» qaadto. Falalka muuqaalka gabogabaysan ee tagtada ah, waxay dhamaan ku wada dhamaadaan «-in». Goorta magaca ama m.yaalka uu yahay layeele, waxaa la adeegsadaa m.yaalka dhidban ee yeeleha falka. Hadduu falka yahay falka salka ah, waxaa la adeegsadaa jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah oo la raaciyo «-in», hadduu yahay falka korarka, waxaa la adeegsadaa masdarka falkaaliyeha oo la raaciyo «-in». M.yaalka diidmada ee «aan» waa doorasho, waxaa la hor dhigi karaa m.yaalka dhidban ee falka: «ma aanaananin jiifin, ma aanaadanin jiifin, ma aanaynanin jiifin» oo loo soo gaabin karaa «ma aanaan jiifin, ma aanaad jiifin, ma aanay jiifin» ama waa la dib dhigi karaa: «ma aanaananin jiifin, ma aadaananin jiifin, ma aynaananin jiifin».

Lawxa 11
Weerta tixraaca
Habka tabineed
Muuqaalka sacodtada ah
Magac / M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(fal ah)
Fal
(-a; -aa; -o; -i)
Magac / Aniga
(oo / ee)
-           
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
Magac / Adiga
-           
Jiifta / Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
Magac / Asaga / Isaga
-           
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
Magac / Ayada / Iyada
-           
Jiifta / Jiiftaa / Jiifto
Magac / Anaga / Inaga
-           
Jiifna / Jiifnaa / Jiifno
Magac / Adinka / Idinka
-           
Jiiftaan / Jiiftiin
Magac / Ayaga / Iyaga
-           
Jiifaan
Diidmada weerta tixraaceed (joogto iyo tagto)
Magac / M.yaal
(oo / ee)
aananin 
Jiifin
Diidmada diiradiyeha (joogto iyo tagto)
Magac / M.yaal
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
aananin
Jiifin

Weerta tixraaceed, madaxa ee weerta waa magaca falku ka baxinayo faahfaahin; goorta magac-u-yaal la adeegsado xiriiriyeha (oo / ee) wuxuu naqodaa waajib. Shaqalada falka waa «-a, -aa, -o, -i». Goorta la adeegsado magac (qodab iyo qodab la’aanba) oo ah yeele ama layeele, xiriiriyeyaasha (oo / ee) waajib ma ahaanin. Hadduu magaca ama magac-u-yaalka yahay yeele, ma loo baahno adeegsashada magac-u-yaalka dhidban ee yeeleha falka, laakiin hadduu yahay layeele magac-u-yaalka dhidban ee falka waa waajib; sidaas oo kale waa diiradiyeha diidmada ee «baa / ayaa».

Lawxa 12
Isrogrogga dirka II
Muuqaalka sacodtada ah
M.yaalka
M.yaalka dhidban (falka)
Fal (-aa, -i, -o)
Aniga
aan
Jiifiyaa / Jiifshaa
Adiga
aad
Jiifisaa / Jiifisid
Asaga / Isaga
uu
Jiifiyaa / Jiifshaa
Ayada / Iyada
ay
Jiifisaa
Anaga / Inaga
aynu / aan / aanu
Jiifinaa
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiifisaan / Jiifisiin
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifiyaan / Jiifshaan


Lawxa 13
Isrogrogga dirka III
Muuqaalka sacodtada
M.yaal
M.yaal dhadban (fal)
Fal (-aa, -o, -i)
Aniga
aan
Jiifadaa / Jiiftaa
Adiga
aad
Jiifadtaa / Jiifadtid
Asaga / Isaga
uu
Jiifadaa / Jiiftaa
Ayada / Iyada
ay
Jiifadtaa
Anaga / Inaga
aynu / aan / aanu
Jiifanaa
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiifadtaan / Jiifadtiin
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifadaan / Jiiftaan


Lawxa 14
Isrogrogga dirka IJ
Muuqaalka sacodtada
M.yaal
M.yaal dhidban (fal)
Fal
Aniga
aan
Jiifmaa
Adiga
aad
Jiifantaa / Jiifantid
Asaga / Isaga
uu
Jiifmaa
Ayada / Iyada
ay
Jiifantaa
Anaga / Inaga
aynu / aan / aanu
Jiifanaa
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiifantaan / Jiifantiin
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifmaan


Lawxa 15
Masdarada
Amar / Jirid
Masdarka falkaaliyeha
Masdarka hoosjoogga
I
Jiif (B)
Jiifi
Jiifid (da)
Jiifm (J)
Jiifmi
Jiifmid (da)
II
Jiifi (B)
Jiifin
Jiifin (ta)
Jiifismi (J)
Jiifismin
Jiifismin (ta)
Jiifisii (T)
Jiifsiin
Jiifsiin (ta)
Jiifisiismi (J)
Jiifisiismin
Jiifisiismin (ta)
III
Jiifo (B)
Jiifan
Jiifasho (da)
Jiifman (J)
Jiifman
Jiifmasho (da)
Jiifiso (T)
Jifisan
Jiifisasho (da)
Jiifisan (J)
Jiifisman
Jiifismasho (da)
Jiifso (T)
Jiifsan
Jiifsasho (da)
Jiifsan (J)
Jiifsaman
Jiifsamasho (da)

Masdarka falkaaliyeha ee falalka salka (I), wuxuu ku salaysan yahay jiridda salka ee qofka 1aad iyo qofka 3aad oo raacsan «i», tusaale: «jiif + i», masdarka falkaaliyeha ee fal-korarka 1aad (II) wuxuu ku salaysan yahay isla jiridda korarka ee qofka 1aad wadarta ah, masdarka falkaaliyeha ee fal-korarka 2aad (III) wuxuu ku salaysan yahay isla jiriddaas ee qofka 1aad wadarta ah. Masdarka hoosjoogga salka (I), wuxuu ku salaysan yahay qofka 2aad ee jiridda sababeha ah, kan fal-korarka 2aadna (II) wuxuu ku salaysan yahay qofka 1aad wadarta ah ee isla jiriddaas, kan codka naftii-u-yeeleha lehna (III) wuxuu ku salaysan yahay qofka 1aad iyo 3aad labka ah ee jiridda sababeha ee dhawaaqa (-iy = sh) leh ee raacsan «o».

Lawxa 16
Falka «ah»
M.yaal
Muuqaal

Sacodto
Gabogabaysan
Amin
Joogto
Tagto
Kali: Ah + (HaHW)
Ah + (HayW)
Kali: Ah + [(HaaHW) / (HaHW)] 
aan
Ahay (ahhayø)
Ahaa (ahhaa)
aad
Tahay (ahhayt)
Ahayd (ahhayd)
uu / la
Yahay (ahhayy)
Ahaa (ahhaa)
ay 
Tahay (ahhayt)
Ahayd (ahhayd)
aynu / aan 
Nahay (ahhayn)
Ahayn (ahhayn)

Wadar:
Ah + (HaaHW)
Ah + (HiinW)
Wadar:
Ah + [(HaaHW) / (HaHW)] + HaHW
aydu / aad
Tahiin (ahhiint)
Ahaydayn (ahhaydayn)
ay
Yahiin (ahhiiny)
Ahaayayn (ahhaayayan)


Lawxa 17
Falka «hay»
M.yaal
Muuqaal

Sacodto (-a, -aa, -o, -i)
Gabogabaysan (-ay)
Amin
Joogto
Tagto
Kali

[HaHW = HayW]
[Haa(HW)] / [HaHW ]
Aniga
Hay
Hayay
Adiga
Hays / Hayd
Haysay / Hayday
Asaga / Isaga
Hay
Hayay
Anaga / Inaga
Hayn
Haynay
Wadar

[HaHW + (H)aa(H)W]
[Haa(HW) + (H)aHW] / [HaHW + (H)aHW]
Adinka / Idinka
Haysaan / Haydaan
Haydayn
Ayaga / Iyaga
Hayaan
Haayayn
Falalka isrorogga sida falka «hay» leh, waxaa ka mid ah: day (dayid), fay (fayid), daay (daayid), laay (laayid).


Lawxa 18
Ir-
M.yaal
Muuqaal
Yeeleha mawduuca
Yeeleha dhidban
Sacodto
Sacodto / gabogabaysan  

Tiro: Kali
Tiro: kali / wadar
Jirid 1a
[ir + Haa(HW)]
Jirid 2 
[ir + HaaHW]
Iraahd: qofaf falka oo dhan. Iraahn: (wadarta qofka 1aad kaliya)

(-a, -aa, -o, -i) / (-ay)
Aniga
aan
Iraa
Iraahd
Adiga
aad
Tiraa
Tiraahd
Asaga / Isaga
uu / la
Yiraa
Yiraahd
Ayada / Iyada
ay
Tiraa
Tiraahd
Anaga / Inaga
aynu / aan
Niraa
Niraahn

Muuqaal gabogabaysan
Tiro: kali

Jirid 1a
[ir + Haa(HW)]
Aniga
aan
Iri
Adiga
aad
Tiri
Asaga / Isaga
uu / la
Yiri
Ayada / Iyada
ay
Tiri
Anaga / Inaga
aynu / aan
Niri
Ir-

Masdarada hoosjoogga
[Ir + HaaH(W)] / [Ir +HaaHW]

Iraahid /Iraahin / [ Iraahasho / Iraahsasho]
Or-

Masdarka Falkaaliyeha
[Or + Ha(H)W]
Magaca Falka
Or + [HaH(W)] / [HaaH(W)]

Oran
Orah / Oraah


Lawxa 19
Im-
Amar
Imaw [Im + (HaHW)] = [im + (H)aW(W)]
Muuqaal
Yeeleha mawduuca
Yeeleha dhidban
Sacodto / gabogabaysan  
Gabogabaysan  

Tiro: kali / wadar
Tiro: kali
Jirid 1
[Im + HaHW] = [Im + (H)aWD] / [Im + (H)aWN]
Jirid 2
[Im + HaHW] = [Im + (H)i(H)D]
(-a, -aa, -o, -i) (-ay)

Aniga
aan
Imawd / Imaad
Imid
Adiga
aad
Timawd(t) / Timaad(t)
Timid
Asaga / Isaga
uu / la
Yimawd / Yimaad
Yimid
Ayada / Iyada
ay
Timawd(t) / Timaad(t)
Timid
Anaga / Inaga
aynu / aan
Nimawn / Nimaan
(Nimawdn / Nimaadn)
Nimid


Lawxa 20
Awl (aal / ool)
Muuqaal sacodtada ah
Yeeleha mawduuca 
Fal
(-a, -o, -ø)
Yeeleha dhidban ee falka
Fal
(-aa, -o, -i, -ø)

Tiro: kali

Tiro: kali / wadar
Aniga
Aala / Aal
aan
Aalaa / Aalo / Aal
Adiga
Taala / Taasha / Taalo / Taasho / Taal
aad
Taalaa / Taashaa / Taalo / Taasho / Taalid / Taashid / Taal
Asaga / Isaga
Yaala / Yaal
uu / la
Yaalaa / Yaalo / Yaal
Ayada / Iyada
Taala / Taasha / Taalo / Taasho / Taal
ay
Taalaa / Taashaa / Taalo / Taasho / Taal
Anaga / Inaga
Naala / Naal
aynu / aan
Naalaa / Naalnaa / Naal

aydu / aad
Taashaan / Taashiin
Ayaga / ay
Yaalaan / Yaaliin
Falka «Aqawn» (aqaan / yaqaan) wuxuu isrogroggiisa la mid yahay falka «Awl» (aal / yaal).


Lawxa 21
Awl (aal / ool) / Ayl (iil)
Muuqaal gabogabaysan ah
Awl (aal / ool) (-ay)
Ayl (iil) (-ø; -ay)
M.yaal
Fal
M.yaal
Fal
Aniga / aan
Aalay
Aniga / aan
Iil / Iilay
Adiga / aad
Taalay / Taashay
Adiga / aad
Tiil / Tiilay / Tiishay
Asaga / Isaga / uu
Yaalay
Asaga / Isaga / uu
Yiil / Yiilay
Ayada / Iyada / ay
Taalay / Taashay
Ayada / Iyada / ay
Tiil / Tiilay / Tiishay
Anaga / Inaga / aynu / aan
Naalay  / Naalnay
Anaga / Inaga / aynu / aan
Niil / Niilay / Niilnay
Muuqaalka sacodtada ah ee: (aal / yaal) iyo muuqaalka gabogabaysan ee: (iil / yiil), muuqaalka wuxuu ku yaalaa falka gudahiisa, dartaasina uma baahno dibkabka muuqaalka ee naqoda: (-ø). Taalt = Taash  

Habka idanka

Hababkaynu kor ku soo sheegnay waa habka amarka iyo tabinta, waxaa jira ee kale habka idanka ee ah hab amar dadban ee iskiisa u taagan, ee qof dahsoon hoosjoog u ah ee uu yeelehu ee qofka 1aad (kali / wadar) idanka waydiisto, qofka labaad (kali / wadar) waa qofka la siiyo idanka, kan qofka 3aadna (kali iyo wadar) qofka idanka la siinayo waa qof 3aad ee qofka lala hadlayo lagu siinayo. Adeegsashada labaad waa xiisaynta qabashada ficilka iyo isdhiiragalinta ama isudhiiragalinta qabashada ficilkaas ee qofafka 1aad (kali / wadar). Qofka 1aad (kali / wadar) iyo qofka 3aad (kali / wadar) waxaa loo adeegsan karaa isagoonan baddalmin naxwe-ahaan iyo macne-ahaan ee uu qofku sida rabitaankiisa ah sheega «Ilaah ha caafimaadsho», «aynu guulaysano!», sinnaba ma u aho falkan habka dhacidda dooran ama habka doorka (optative) ee had iyo jeerse waa habka idanka (jussive).

Lawxa 22
Habka Idanka
Muuqaalka sacodtada qura
Magac-u-yaalka dhidban ee yeeleha
Falka (-aa; -o; -i)
aan
Jiifaa / Jiifo
aad
Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
ha
Jiifaa / Jiifo
ha
Jiiftaa / Jiifto
aynu / aan
Jiifnaa / Jiifno
aydu / aad
Jiiftaan / Jiiftiin
ha
Jiifaan


Lawxa 23
Diidmada Habka Idanka
Muuqaalka sacodtada qura
Madaxa
Magac-u-yaalka dhidban
Falka
Yaa
aananin
Jiifin
aadanin
Jiifin
uunanin / uusanin
Jiifin
aynanin / ayananin  / aysanin 
Jiifin
aynunanin / aynanin / aananin
Jiifin
aydunanin / aydananin / aadanin
Jiifin
aynanin / ayananin / aysanin
Jiifin


Soomaaliga waa salka

Afku waa dhismo xeer ah, sida xeer walbana, afku wuxuu leeyahay hab ama si uu ku muujiyo salka xeerkaas. Xeerkaasna wuxuu ku salaysan yahay sadex shibane sal ah iyo shaqal: «H», «Y» iyo «W», iyo shaqalka gaaban «a» ama dheer «aa». Sidaasna, xeerku wuxuu yahay «HaHW / HaaHW», kan shaqalka dheer wuxuu ku dhisan yahay kan shaqalka gaaban «Ha - aHW» ee falka «ah» si cad looga arki karo, «Ha(H)W» waa amarka falka «ah» raaca «ah + haw», hadduu «y» ka soo baxo «h»da ee falka «ah» ee «HaHW» wuxuu naqodaa falka «Hay(W)» ee raaca falka ah «ah + (h)ay» ama loo dhahi karo «ah(h)eey», labadan amar waxay falka «ah» ee xaaladeed (stative) ka dhigaan fal ficileed (dynamic), «ah + hay(w)» «w»da waa qofka falka oo falalka horkabka ah «øahay», inkastoo loo aqriyo qofka hor-ahaan jirid-ahaanse qofka waa dibkab «ahhayø» sida falka «hayW» u tilmaamo, kuwa dibkabka ahna waxaa loo aqriyaa dibkabkiisa «ahhawd» ee «ah + HaHW = HaWT= ahhawd» ee qofka 1aad iyo sadexaad ee labka «waan ahhawdaa» ama qofka 2aad iyo sadexaad ee dhadigga ah «ahhays», «way ahhaysaa»;

Lawxa 24
Xeerka Afka
HaHW / HaaHW
HaH / HaaH
W
Amar
Qof (Jiridda)
Naf (Caalam)
Laf (Udubdhaxaad)
Muuqaal 
Ha / Haa
aH
Sacodto
Gabogabaysan
Amin
Joogto
Tagto
Kali [Ha(H)W / Haa]
Wadar [Haa(H)W]
Kali (aH)
Wadar (aHW)
-a; -aa; -o; -id
-aan; -tiin; -iin
-ay
-ayn
Cod
Ficil (Ha)
Jirid (W)

Cod Dhaxe

Cod Dhaxe
Sababe
Naftii-u-yeele;  Isuyeele
(Dheefe) / Naqosho

Sababe
 Naftii-u-yeele / Naqosho
Cod Dhaxe
-í; -íi; -síi
-ó / -àw
-ís; -íis; -síis
-ód; -ón / -àwd(-àwb); -àwn

-án; -ám


«Ha»da waxay matashaa aminka joogtada / muuqaalka sacodtada iyo ficilnimada ama amarka falka «ahhays + Ho(HW) = ahhayso» oo naqoda jiridda falka ee qofka 1aad iyo 3aad labka: «ahhays + Ho(H)T = ahhaysad» ama qofka 1aad wadarta ah: «ahhays + (H)o(H)N = ahhaysanaa» ee codka naftii-u-yeeleha ah, ama qofka labaad iyo qofka 3aad dhadigga «ahhays + (H)o(H)T + (HaH)T = ahhaysadt» iyo muuqaalka sacodtada ah (imperfective aspect) iyo tirada: «ahhays + (H)o(H)T + (H)aa(H)N = ahhaystaan»; meesha «aH»da ay matasho falka xaaladeed ama muuqaalka gabogabaysan (perfective aspect): «ahhays + (H)o(H)T + (H)aY(W) = ahhaysaday / ahhaystay» oo qofka 1aad iyo 3aad labka ah, «ahhays + (H)o(H)T +(H)aYN = ahhaysadayn / ahhaystayn»; ma aho dhismaha inuu naqodo mucaqqad sida qurabka dhamaystireha ah «(H)i(H)N = in»; qodabka (-ha) wuxuu sal u yahay qodabada kale «Ha(HW)» wuxuu naqodaa qodabka labka ah «Ka(HW)» iyo qodabka dhadigga ah «Ta(HW)» oo magac-u-yaalada «Ku(H)W + Ho(HW) = kuwo», «Ku(H)W + Ha(HW) = kuwa»; iyo magac-u-yaalka sadexaad ee habka idaneed (jussive mode / modus) «Ha(HW)». Xeerkan waxaa laga samayn karaa falka (jirid + isrogrog), magaca, tilmaanta (sifada), falkaabka, qurabka; waa xeerka ee afka oo dhan uu ku dhisan yahay. Afafka Kuushka ah ee nala wadaaga qaababka jiridda falka, sida Oromada ama Cafarta (Kuushka Bariga ee ah afka ugu kaydsi badan), xattaa  kuwa Soomaaliga u dhaw sida Rendiile oo leh falka «ah» isrogroggiisa kaliya waxaa ka maqan sida falalka iyo magacyada Soomaaliga ay yahiin, oo dhamaan siday isula falgalaan tilmaama falka iyo weerta xeerka ay ku salaysan yahiin «HaHW / HaaHW» ee falalka «ah», «hay» iyo «haw» ah (inkastoo kan danbe uusan ahaynin fal iskiisa u taagan) uu xeerkaas ku salaysan yahay. Tan waxay cadaysaa in afka Soomaaliga uu yahay af kaydsaday salkiisa, oo ahaynin kaliya sal ay ka soo burqadayn afafka Kuushka bal xattaa  afafka Afro-Aasiyada oo dhan. 

Afafka Kuushka

Afro-Aasiyada waa bah afaf ah oo ku kala fidsan Waqooyiga Afrika, Bariga Afrika, Saaxil iyo Bariga Dhaxe; waxay u kala qaybmaan: Afafka Kuushka, Afafka Omatiga, Afafka Saamiga, afafka Masaarida – iyo waxii ka soo farcamay sida Afka Dimootikiga iyo Afka Kubtiga –, Afafka Amaaziigga (Afafka Berberka) iyo Afafka Jaadiga.

Afafka Kuushka, waxay u kala qaybmaan afar koox wayn ah. Koox walba waxay wadaagaan erayo u gaar ah iyo naxwe u gaar ah, sidoo kale dhamaan waxay erayada u wada wadaagaan siday ugu dhaw yahiin asalkay ka soo farcamayn, laakiin waxaa jira qaar erayo ah oo ay dhamaan wadaagaan, ka soo qaad erayga (il / isha), Kuushka Dhaxe:afka Awngi (il / ill), afka Bilin (‘el / ‘il / ‘ayl / il), afka Khamir (il / el), afka Khamtanga (el), afka Kulisi (il); Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare: afka Sidaama (illee), afka Darasa (ille), afka Hadiyya (illi), afka Alaba (ille), afka Burji (ille), afka Kambaata (ille); Kuushka Koonfurta: afka Iraqw (ila), afka Alagwa (ila), afka Burunge (ila); Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose: afka Oromo (ijá) waa dhawaaq ka soo jeeda (ilta = isha) sida looga arki karo afkay isku bah yahiin ee ah afka Konso (ilta); afafka Omo-Tana ee ka mid ah afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose: afka Bayso (il / ili), afka Dhaasanaq (iil), afka Arbore (kali: il / wadar: indhá), afka Soomaaliga, kali: il (isha) / wadar: ilal (ilasha), ilo (ilaha); indhó (indhaha).

Xagga kala horaynta magacyada, afafka Kuushka labay u kala qaybmaan, Kuushka Dhaxe, Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare, iyo Saaho iyo Cafar (Kuushka Dhulalka Hoose) waxay u dhisan yahiin «faahfaahiyeha (modifier) + madaxa». Afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose iyo afafka Kuushka koonfureed, waxay u dhisan yahiin «madax + faahfaahiye», tifaftireha tirada Soomaaliga waa afka kaliyay tiradu hormarto, sababtu waa inuu magaca tirada madax yahay (kan la faahfaahinaya) oo magaca faahfaahiyeha ah uu yahay tilmaan (sagaal guri ah) oo si haboon ah u raacsan xeerka (madax + faahfaahiye); afafka Kuushka Koonfureedna, layeeleyaasha way ka hormari karaan falka ama way ka dib mari karaan, weerta hoosjoogga way ka dibmartaa weerta madaxbanaan, afka Soomaaliga inta ku dhidban madaxa weerta iyo falka waxay iskugu xigaan: yeele, layeele, dibyaalo (postpositions), falkaabyo, kadibna falka; magacyada iyo magac-u-yaalada madaxbanaan (ha ahaadaan, yeele ama layeele) waxaa laga heli karaa horta madaxa weerta, inta u dhaxaysa madaxa iyo falka iyo falka gadaashiisa; falka tixraaceed iyo falka hoosjoogga waa ka hormari karaan falka aasaaska ama way ka dibmari karaan.

Xagga falka, afka Soomaaligay ku salaysan yahiin, kalkay naqodto qofka falka waxay leeyahiin falal horkab ah (kali, 1: ø-; 2: t-; 3L: y-; 3Dh: t-; 1W: n-) iyo falal dibkab ah (kali, 1: -ø; 2: -t; 3L: -ø; 3Dh: -t / wadar, 1: -n; 3: -n), afafka Kuushka Koonfureed ma qabaan qofka horkabka, dibkabkana waxaa ka soo haray qofka labaad iyo qofka 3aad dhadigga (-t, -id), inkastay qaar si dhan u muujinin. Inta badan waxay qabaan muuqaalka sacodtada (imperfective aspect) oo afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose yahay shaqalkiisa inta badan «-a» ee falka aasaaska, laakiin qaar ka mid ah afafka Omo-Tana sida afka Rendiile iyo afafka Oramada la bah ah wuxuu falka tixraaceed iyo falka hoosjoogga ku dhamaadaa «-o» oo ay qaar u baddalmayn «-u» iyo muuqaalka gabogabaysan (perfective aspect) oo afafka Dhulalka Hoose yahay «-i» oo inta badan u baddalmay «-e» goorta laga reebo lahjad ee afka Konso oo sida Soomaaliga ah «-ay», labada muuqaal waxay ku kala aadan yahiin aminka joogtada iyo kan tagtada, aminada iyo muuqaalada kale waxay kula sameeyaan falkaaliyeha. Codka falka, sida Soomaaliga ee lagu cadeeyo amarka ma qabaan, waxay jiridda salka ku daraan (-s, -is, -siis) ee xagga sababeha (causative), sababta (-s, -is) ee afafka Kuushka ay u yahiin falal soo gudbiya yeele «gudbe» ah, meeshuuna (-siis) soo gudbiyo yeele gudbe ah ama cod dhinac istaajiya yeeleha falkaas ee ka dhiga sababeha ficilkaas (sababehan amarka falka baa looga dareemi karaa Soomaaliga isagoo ah «yeeleha dahsoon» ee amarka baxiya) ee ku sababa yeele kale inuu isla ficilkaas qabto «sababe labolaaban» (double causative), ama «sababe sadexlaaban» (triple causative), waayo asalkiisa waa Soomaali ee uu ka muuqdo amarka «-i» ee ah sababe khuseeya ficilkuu qabto, «-ii» (IIT) ama falka «sii» (IIT) ee khuseeya yeele si toos ah ula falgali kara labo layeele «gudbe labolaaban» (double transitive), goorta la garto inaynin afafka Kuushka codka ku sidanin amarka, ee ay ku sidtaan «s»da ee qofka labaad Soomaaliga u ah sida «way siisay» oo labadan «s» goortay jiridda falka raacsiiyaan «-siis» ay naqodto «sababe labolaaban» ee ah inuu yeele kale qabto hawsha falka goortay jiridda falka ka timid fal «gudbe» ah, ama «sababe sadexlaaban» ee yeeleha labaad uu ku sababo yeele sadexaad inuu hawsha falka qabto waayo waa sidii isagoo yeeleha 1aad ee falka labadii kale ee yeele uu ula dhaqmayo sidii iyagoo ahaa layeele; xagga codka «naftii-u-yeele / isuyeele» ah ama «dheefeha» (autobenefactive) (siday reergalbeedku ugu wacaan) waxay jiridda ku daraan (-at / -ad); codka dhaxe u ah Soomaaliga wuxuu u yahay yeele gadisan (passive) oo ay (-am / -an) ku daraan jiridda (afafka Cafar iyo Saaho, falalka horkabka qofka way ku horkabaan oona ku dibkabaan; kuwa dibkabka qofkana way ku dibkabaan kaliya; sidaas oo kale waxaa ah afka Badawiye ama Beja), ha ahaado codka jiridda amarkiisa ku salaysan (lawxa 4) ama kan amarka jiridda «ah» ku salaysan (lawxa 5 & 6). Afafka Kuushka Dhaxe codka naftii-u-yeeleha wuu ka lumay, waxayna leeyahiin falal aanan aad u badnaynin oo sidta «-ad» waxayna u dhaqmaan sidii fal-xaaladeed (stative verbs); afafka Kuushka Koonfureed codka dhaxe (middle voice) waa «-at, -aat, -it, -iit» waxaa ka maqan codka naftii-u-yeeleha, waxayna u dhaqmaan ama sidii fal-xaaladeed, ama sidii fal isyeele ah ama wax la xiriira jirka yeeleha falka, codka «-im, -iim, -in» wuxuu u dhaqmaa sidii isagoo ah muuqaal dhaxsacodto ah.

Codadka dhaxe ee «t / d» iyo «n / m» ee kan hore uu asalkiisu ku leeyahay amarka ee falka Soomaaliga sida «ah + haw = ahhaw» iyo «yeelo» ee kala qaadta jiridaha ku kala aadan «ahhawd» ee qofka 1aad iyo 3aad labka ah iyo «ahhawn» ee qofka 1aad wadarta ah iyo masdarka falkaaliyeha, iyo «yeelad» (IIIB) qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ee yeeleha iyo «yeelan» (ee afka Soomaaliga kaliya looga aqoonsan karo si gaar ah ee ka yimid «-on») ee waa qofka 1aad wadarta ah iyo masdarka falkaaliyeha, kan labaadna ee matala cod ficilkiisu gabogabaysan yahay ama dhamaystiran ee dir walba «n»da ee «-an / -san» ee tilmaanta falka ah oo goortuu falgalo «m» naqodo ee jiridda qofka 1aad iyo 3aad ee labka ah, ama ku hara «n» ee qofka 1aad wadarta ah; waxa lagu arko Soomaaliga waa inay yahiin cod dhaxe iyo siday u yahiin codkaas. Waayo, Soomaaliga waa asalka ee afafka Afro-Aasiyada, taas waa inay garashada Afro-Aasiyada laga heli karaa kaliya halkuu asalkiisu yahay, tusaale ahaan «t»da afafka Amaaziigga wuxuu u yahay cod «yeele gadisan» (passive), afafka Saamiga wuxuu u yahay cod «isyeele» ah (reflexive), cod «iswaydaarsi» ah (reciprocal)  iyo codka «dhaxe» ee «n, m» ee Soomaaliga; «n / m»da wuxuu afafka Amaaziigga u yahay cod «isyeele» ah, cod «iswaydaarsi» ah iyo cod «yeele gadisan» ah, afafka Saamiga wuxuu u yahay cod «isyeele» ah iyo codka «dhaxe» ee «n, m» ee Soomaaliga; afafka Kuushka ahna waa afka Badawiyeha (Beja) ee ah afka kaliya ee Kuushka Waqooyiga ah, ahna kan ku muujiya «n / m» labo cod, mid «isyeele» ah iyo mid «yeele gadisan» ah, xattaa haddii codka «isyeele» ah uu dibdanbe u yeeshay waa cod uu ku sidto «n / m» dhaxal-ahaan hadduunan ka dheeraanin asalkiisa; goorta la doono in la garto sababtay «t» iyo «n / m» ay u yahiin «yeele gadisan» waxaa laga soo garan karaa kaliya goorta la eego asalkay ka soo farcamayn ee Soomaaliyeed ee ah inuu yahay codka dhaxe ee asalkiisa kan u ogalaada naqoshada codka yeele gadisan. 

Habka falka (mode), waa habka falku u dhaqmo si uu u soo gudubsho sida hadlehu ka dareensan yahay hadalkaasi. Habka falka – aanan ahaynin habka tabinta (indicative) – ee Afro-Aasiyada wuxuu la xiriiraa muuqaalka falka (aspect), waayo muuqaalka falka asal-ahaan waa labo: muuqaal sacodto ah (imperfective) iyo muuqaal gabogabaysan (perfective); habka falka ee Afro-Aasiyada waa inuu ku baxaa muuqaalka sacodtada ee aminka joogtada (timaadtada iyo dhaxsacodtada, ma u banaano) waayo habka falka ficilkiisu waa mid sacoda oo aanan wali la qabanin, waana muuqaalka sacodtada ah meeshay ka jirto yeele kala duwan (dibkab shaqalo kala duwan ah ee ah yeele matala hawlo kala duwan) ee u ogalaada falka habab kala duwan, marka habka ma ku baxi karo muuqaalka gabogabaysan, goorta laga reebo habka shardiga ee waxa madaxa u ah uu weerta ku tilmaamo shardi ahaan, sababtu waa inuu habka shardiga gundhiggiisu yahay weerta hoosjoogga ee uunan u ahaynin weerta madaxbanaan. Afafka Afro-Aasiyada waxay qabaan hababka ah: amarka, idanka (jussive), tabinta (indicative), dhacidda dhiman (habka dhacidda falkiisu ay wali dhiman tahay ama wali uunan dhacin) (subjunctive). Afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose weerta madaxbanaan falka wuxuu ku dhamaadaa «-a», weerta dhimanna (tixraaca iyo hoosjoogga) iyo weerta habka idanka falku wuxuu ku dhamaadaa «-o» ee ay inta badan isku baddashay «-u», iska soo horjeedkan ma u ogalaado inuu hab ka duwan tabinta ka dhax abuurmo weerta dhiman; afafka Saaho / Cafar ee Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose ka mid ah iyo afafka Kuushka Koonfureed iska soo horjeedkaasi ma ka jiro, afafka Saaho / Cafar falka madaxbanaan wuxuu ku dhamaadaa «-a» waana isla sidaa falka dhiman, sidoo kale inkastay ka dhumayn afafka Kuushka Koonfureed shaqalada falalka ku dhamaada, haddana waxay ku qabayn falka madaxbanaan shaqalka «-a», falka dhiman ma la hubo; muhiimku waa inay labadan af ka abuurmayn habka dhacid dhiman (subjunctive), wuxuuna ka soo abuurmay habka idanka (jussive) oo afafka Saaho / Cafar ay ku muujiyaan inay hababka ka dhax abuurmay sida habka dhacid dhiman, ee sida habka idanka uu iskiisa u taagan yahay, ee sidta shaqalka «-o» ama «-u» hadba lahjadday tahay, laakiin waa hab rabitaanka qofka soo gudbiya sidaas dartaydna waa habka dhacidda dooran ama habka doorka (optative), laakiin habka dhacidda dhiman (subjunctive) wuxuu ka soo baxaa falka weerta hoosjoogga ee falalka weerta madaxbanaan qaarkawda raaca sida «effer (fashalmid), duud (wax karid), waa (waayid) ee loogu adeegsado habka dhacid dhiman sida falkaaliyeha (rabid), eedheg (ogaansho) ee loogu adeegsado habka dhacidda dhiman, tusaale: waan ogahay sidaad u samaysid» iyo habka talada (consultative) ee ku dhamaada «-oô» sida «dooroô (maan doortaa? / muu doortaa?; doornoô (maynu dooranaa?); baritoô (maan bartaa? / muu bartaa?», balse habkay hababkan ka soo abuurmayn dibdanbe ma ugu dhamaado «-o» ama «-u» ee wuxuu ku dhamaadaa «-ay»; afafka Kuushka Koonfureedna waxay ku muujiyaan inkastuu ka dhumay shaqalka ee dhamaadka falka, habka tabinta (indicative) wuxuu leeyahay habdhac ee cod kacan ama sare (high tone), habka dhacidda dhiman wuxuu leeyahay habdhac ee cod dagan (low tone) waxaana falka hor-raacsan falka «ah» ee weerta hoosjoogga loo adeegsado, haddii si kale loo yiraahdo waa habka idanka oo isku baddalay habka dhacid dhiman ee wali habka idan-ahaan loo adeegsado, laakiin waxaa kaloo lagu adeegsadaa weerta tixraaca (relative), sidii isagoo u jawaabaya su’aal hoosaas ah, xattaa goorta su’aasha la soo jeedinayo, waxaa kaloo loo adeegsadaa weerta hoosjoogga goortay hoosjoogaan falalka «rabid / doonid, cabsasho, filasho, rajayn, hubid la’aan». Afka Soomaaliga ma qabo waxaanan ka ahaynin habka amarka, habka idanka (jussive) iyo habka tabinta – ma ka jiro afka Soomaaliga habka kariinka (potential) – sida afafka Omo-Tana iyo kuwa Oromada ah, iyo xattaa afaf badan ee Kuushka waa sida Soomaaliga sida afafka Kuushka dhaxe iyo qaarka afafka ee Kuushka Bariga  ee Dhulalka Sare sida afka Sidaama laakiin qaar ee kuwan baa habab aanan wax tusmo ah aanan ka arkin qaba sida afka Kambaata ee qaba habka (preventive) laakiin hababka kale waa amarka iyo idanka. 
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...