miércoles, 10 de febrero de 2016

Naxweha Af Soomaaliga: Magaca

Afka waa hanaan naxwe ah ay leeyahiin koox dad ah, ee ah wacyiga guud ee dadkaas ee ay dunida ku hareeran kula dhaqan galaan; haddaba, afka Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafkay reergalbeedka ugu wacayn Omo-Tana-ha Bariga ee Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose. Afka waa kawn cayiman (definite) ee wada hal ah ee la garan karo, wuxuu ka kooban yahay qayb cayiman ee gundhig ah (nucleus) iyo qayb kale ee faahfaahsheha gundhigga ah (modifier); qaybta gundhigga ah waa «magaca» ee u kala sii qaybsama «magac», «tilmaan», iyo «falkaab», qaybta «faahfaahsheha» ah waa «qurubka» ee u kala sii qaybsama qayb «xiriiriye» ah iyo qayb faahfaashe ah, ha ahaado mid ka kooban «xarfo» iyo mid ka kooban «sumadaha shaqalada» ee magaca iyo falka, qaybta sadexaadna waa «falka» ee faahfaasheha magaca ah ee khabar ah. Naxweha wuxuu ka kooban yahay qaabka (morphology) ee erayada qaamuuskiisa iyo xiriirinta baaqa, macneha iyo dhawaaqyada silsileed ee erayadiisa ee loo yaqaano weerayn (syntax).

Qaabka

Qaabka salka (morpheme) wuxuu ka kooban yahay kuwo iskawda u taagan sida «geesi; nin; naag; wiil; gabar; far; af; dhag; san; il; kán; tán», ama dibyaalada iyo qodabka muujiya «ú, kú, ká, lá»; iyo kuwo ka kooban jiridda salka (gundhigga erayga) iyo jiridda korarka (derivative), kan hore waa erayga laftigiisa ee madoorsame ah ee macnehiisa sida, eena ah jiridday ku dibkabmaan isrogrogga (inflexion) doorsameha ah ee siiya jiridda naxwe-ahaan baaqa dirkiisa (class), waxaa ka mid ah magacyada qaabka jinsiga ama wadarta muujiya «-é, -ó»; wuxuu jiridda salka ahaan karaa «fal», «magac», «tilmaan» ama «falkaab», ka soo qaad erayada sidta «-e» ee ah erayga yeeleha labka tilmaama, inkastoo tusaalooyinkan ay yahiin magac guud ee matala jinsiga labka «aabe; waraabe; aadane» ama kuwa «-o» sidta ee magac dhadig guud ah «hooyo; eedo; dhugmo; xumo; huryo»; tusaalooyinka hoose waa eray sal ah«geesi» iyo siduu eray korar ah u naqodo:

Lawxa 1
Dibkabaha ee jiridda erayga «geesi» iyo «isrogroggiisa»
Jiridda salka
+ dibkab
Jiridda korarka
Macneha iyo dirka dibkabka
Gèesi
+ -ø (-ka)
Geesiga
Jinsi kali ah ee lab ee tifaftireha qodabka; iyo magaca erayga
+ -ø (-ta)
Geesida
Jinsi kali ah ee dhadigga kaliya
+ -o (-ta)
Geesiyo (da)
Jinsi kali ah ee dhadigga kaliya
+ -o (-ta / -ha)
Geesiyo (-da /-ha)
Tiro wadar ah
+ -ooyin (-ka)
Geesiyooyin (ka)
Tiro wadar ah ee raacda «-o»da wadarta ah ama «-e»da ee labka kali ah
+ -aal (-ta)
Geesiyaal (-sha)
Tiro wadar ah
+ kan
Geesigan
Tifaftireha rug dhaw tilmaame
+ kaa(s)
Geesigaa(s)
Tifaftireha rug fog tilmaame
+ kii
Geesigii
Tifaftireha duruufta
+ kaa(ga) / kaa(da)
Geesigaa(ga) / geesigaa(da)
Tifaftireha lehaanta

Lawxa 2
Dibkabaha ee jiridda salka «geesi» ee jirid-korarsha
Jiridda Salka
+ dibkab
Jiridda Korarka
Macneha iyo dirka dibkabka

+ -nimo (-ta)
Geesinimo (da)
Tayo cilanaad ah
+ -an / -san
Geesiyan / geesisan
Tilmaan
+ le (< leh), (-ha)
Geesile (ha)
Kan geesi ah
+ ley (< leh + (h)ay = lehay), (-ta)
Geesiley (da)
Tan geesi ah; iyo kuwa geesi ah
+ -laawe
(-la’aw + e) (-ha)
Geesilaawe (ha)
Macneha erayga jiridda salka la’an.
+ -aal (awl),
-ool (awl),
-iil (ayl)aminka tagtada. 
Geesi-aal (ka);
sida, jafaal(ka): meesha geedka laga jafo (jilifta geedka); jeedaalo (da): dhugasho wax meel durugsan jooga.
Meel geesinimo taasho
+ -(ah)(h)aan (-ta)  / -(ah)(ha)naan (-ta) 
Geesinaan (ta) / geesisanaan (ta)
Ahaanta / ahnaanta erayga jiridda salka ah
+ -(ah)(h)iin (-ta) / -(ah)(ha)niin (-ta)
Geesiniin (ta)
Ahiinta / ahniinta erayga jiridda salka
+ -daro (-ta)
Geesidaro (da)
Ka maqan / aan lehaynin macneha jiridda salka sido.
+ -(ah)(h)aad (ahhawd) / -(ah)(h)ood (ahhawd)
Geesiyaad / geesiyood
Tilmaan
+ -(ah)(h)eed (ahhayd)
Geesiyeed
Tilmaan lehaan ah
+ -(ah)(h)aw!
Geesiyaw! / geesiyahaw!
Yeermo qofka kaliga ee jinsiga labka iyo wadarta labka ku saabsan
+ -(ah)(h)ay!
Geesiyay! / geesiyahay!
Yeermo qofka kaliga ee dhadiga iyo tirada wadarta ku saabsan
+ -(ah)(h)aw
Geesiyaw
(Geesi ahaw)
Falgaliska «geesi» ee codka «naqosho» ah (inchoative)
+ -(ah)(h)ay
Geesiyay (geesi ahay / geesi aheey)
Falgaliska «geesi» ee codka «dhabayn» ah (factitive)

Lawxa (2) dibkabka «-nimo» waa kan kaliya aanan fal ahaynin. Hadduu dibkabka ka bilawdo shaqal, uuna magacana ku dhamaado shaqal waxaa u dhaxeeya shibaneha «-y-», goortay naqodto dibkabyada «-ahaw» iyo «-ahay» sida «ninyahaw!» iyo «naagyahay!» ama «nimanyahay!» shibaneha «-y-» baa ku dhaxkabma si ay ugu ekaanin isrogrog faleed bal ee ay u yeeshaan macne ee yeermada qofka lala hadlayo. Labo eray kala jirid qaba ee kala macne leh waa laysku kabi karaa oo ay naqodaan eray cusub isku kaban ama isku-kab ah, sida labo magac isku kaban «jaan + gari = jaangari», magac iyo tilmaan isku kaban «jaan + dheer = jaandheer», magac iyo fal «jaantus, jaanqaad, jaanrog, jaango’, jaanguur, jaansaar». Waxaa kaloo jira horkab xubno fal ah ee falka macnehiisa korarsha, sida magac-u-yaal iyo fal «istus / istun / istustus» oo kan danbe fal celcelis ah (frequentative), magac-u-yaal iyo dibyaal (postposition) iyo magac fal ah ee ficil naqon kara ama uu naqon karin «iskufac, iskuduw, isutag, islamar, isla yaab, iskujoog».

Magac

Magac waa eray loo adeegto in lagu tilmaamo dad, xayawaano ama waxyaalo ee iskawda u taagan, ee naqoda wax dhab u jira ee la taaban karo «caadyaal» (concrete) ama aanan jir-ahaan u jirin ee maskaxda ama dareenka ka jira «cilanaad» (abstract), tusaale:

        I.            Caadyaal: guri, ganbar, Soomaaliya, jaal, faras...

      II.            Cilanaad: jacayl, geesi, damac, xaqirnaan, duulitaan...

    III.            Guud: guri, jaal, faras, dal, sharikad...

   IV.            Gaar: Soomaaliya, jaalkiisa, faraska Cali, sharikadda Airbus...

Magacyada Soomaaliga waxay u kala qaybsamaan lab iyo dhadig. Waxayna ka koobmaan magac magac ah, ama magac falkaab ah, ama magac tilmaan ah. Hadday labo xubno ama ka badan ka koobmaan waxaa xubnaha lagu magacaabaa xubinta gundhigga u ah xubnaha ee ay oraahdu ku sacodto: «ninka danbe» tusaalehan waa labo magac, xubinta hore waa tan oraahda gundhig u ah ee waxa oraahdu ku saabsan tahay ah, xubnaha kale, tifaftireha qodabka ee magaca gundhigga «ninka» iyo magaca falkaabka ah «danbe»  ee tilmaanta ah waa faahfaahsheha ee gundhigga magaca ah, sidaas dartaydna waa xubno magac ah ama koox magac ah ama oraah magac ah (syntagma nominal), «meel danbe» gundhigga xubnaha waa magaca falkaabka ah «meel», sidaas dartaydna waa xubno falkaab ah (adverbial syntagma), «ninkan halkan jooga» xubnaha faahfaahiya magaca ee khabarka ah wuxuu ka kooban yahay xubin falkaab layeele ah iyo xubin fal ah, xubinta gundhigga u ah waa falka, sidaas dartaydna waa xubno fal ah (verbal syntagma), khabarkanna faahfaahiyeha ah waa oraah tixraah ah (ee tixraacda madaxay faahfaahiso) (relative), sidaas dartaydna waa xubno tilmaan ah (adjectival syntagma), «kuwa nimanka ah» waa oraah gundhiggiisu yahay magac-u-yaalka cayiman (definite) «kuwa», sidaas dartaydna waa xubno magac-u-yaal ah (pronominal syntagma); afka Soomaaliga dibyaalada (postposition) ma naqodaan gundhig xubneed waayo waxay ka mid yahiin xubnaha dhidban ee falka ee uu falku gundhig u yahay, sidaas dartaydna ma qabo xubno dibyaaleed (postpsitional syntagma). Waxaa jira magacyo matirsame ah ee tiro kali ah ee matala wadar koox ah, sida: «ari(ga), raxan(ta), xayn(ta), koox(da), dad(ka), horin(ta), urur(ka), xer(ta)», iyo kuwo matirsame ah: «saliid (da), biyo (ha), ciid (da), bur (ka) – daqiiq (a)» erayga «biyo(ha)» wuxuu leeyahay qaab wadar ah (jirid sal + wadar = jirid korar)«bi + -o(ha)» laakiin matirsame kooxeed ah.

Intaynan ka hadlin magacyada tirsameha, waxaa haboon inaynu sheegno habdhaca codaynta Soomaaliga, taas waa in silsilada dhawaaqa ee eray uu ku duldhaco alan ama uu xoogsaaran yahay dhawaaq ee dhawaaqyada uu ka kooban yahay erayga ee loo yaqaan «alan» (syllable); alanku wuxuu u qaybmaa: alan furan, waa kan ku dhamaada shaqal, alan xiran waa kan uu soo xiro ama ku dhamaada shibane, alab gaaban waa kan shaqal gaaban leh, alan dheer waa kan shaqal dheer leh ama ku dhamaada shibane daciif ah ama shibane ee shibanenimadiisu ay cillad tahay ee u dhaqma sidii isagoo ahaa shaqal ee shaqalkuu shibanehan daciifka raaco wuxuu naqodaa «shaqal shibane daciif» ah (diphthong) «aw, iw, uw, ow, ew» iyo «ay, iy, uy, oy, ey» sida falka «a-haw-daa» ee sadex alan leh, alanka «haw» waxaa loogu dhawaaqi karaa si shaqal dheer ah «a-háa-daa»; alan «codkac» ah, waa alan codkiisa kor u qaadan goorta loo eego alanada dhinacyadiisa ka jira, ee laga soo qaadtay erayga Laatiinka «acūtus» ee isna laga soo qaadtay naxwe-ahaan erayga Giriigga «tónos oksýs» ee shaqalka ku kordhawan «», oo labaduba la macne ah «cod fiiqan»; alan «coddhac» ah, waa alan codkii kacay hoos uga soo dhaca, ee laga soo qaadtay Laatiinka ee isna naxwe-ahaan ka soo qaadtay Giriigga «tónos barýs» ee shaqalka ku kordhawan «», oo labaduba la macne ah «cod culus»; waxaa jira alan kale ee tilmaama codkac kadibna coddhac ee ay Giriiggu ugu magacdarayn «perispōménē», astaan kor u kacan haddana hoos u dagan «» uu Giriiggu shaqalka ku kordhawo, ee Laatiinkuna uu u soo tarjamay «circumflexus» ee la macne ah «si isku wareeg ah u laaban / isku laaban» ee uu Laatiinka si xagal hoos u jeedda ugu kordhawo shaqalka «â» ee ah codka xagasha. Soomaaliga wuxuu leeyahay sadex habdhac codayn ah: «codkac» (high tone / accute accent) ee naqon kara Soomaaliga cod kaca (rising tone) ama cod kacan (high tone) tusaale, magacyo: «dhág(ta), góol(sha), dáb(ka), hílib(ka), odáy(ga)», falkaab «shálay», tilmaan «dháw», fal «íibi!, dhís!, hél!»; cod dagan (low tone) ee codayn la’aan ah; iyo «coddhac» (falling tone / grave accent) tusaale: magac «càar(ka), wàyl(ka), àwr(ka), càws(ka), damèer(ka), shìikh(a)», fal «ràag!, kèen!, qàad!, ká tiirsanàw!»; habdhaca codayntan waxay kala saaraan iska soohorjeedka labka iyo dhadiga ee tirada kali iyo iska soohorjeedka labka kaliga ah iyo wadartiisa ee jinsiga dhadiga ah (eeg buugga Somali «Soomaali» ee John Saeed «Saciid» 1999); habdhaca codka ama alankuu ku dhaco xoogga codka waxaa laga soo xisaabiyaa kan ugu danbeeya: alanka «aakhirka» (ultima), kan soo xiga waa alanka «aakhirka kahor» (penultima), kan sii xiga waa alanka «aakhirka kahor hortiisa» (antepenultima), kan ugu horeeya waa alanka «hore», xoogga codka wuxuu labka kali ah ka saarmaa alanka aakhirka kahor, wuxuuna dhadigga kali ah iyo wadarta jinsiga dhadiga ah ka saarmaa alanka aakhirka. Sida looga soo warin karo buugga Saciid, xoogsaarka codka Soomaaliga waxaa saameeya culayskuu codka ku leeyahay alanka «culayska alanka» (mora) ee ku dhaca shaqalka; shaqalka halka alan wuxuu leeyahay hal culays ee loogu waco «alan khafiif ah», shaqalka dheer ama shaqalka shibaneha daciifka (diphthong) wuxuu leeyahay labo culays, ee loogu waco «alan culays ah»; Soomaaliga wuxuu leeyahay labo cod aasaas ah «cod kacan / cod sare» (high tone) ee laga maqli karo codkaca iyo «cod dagan» (low tone); shaqalada dhaadheer iyo shaqalada shibaneyaasha daciifka isdaboraaca ee «cod sare iyo cod dagan» wuxuu u soo baxaa sidii «coddhac» (falling tone); shaqalada dhaadheer iyo shaqalada shibaneha daciifka isdaboraaca ee «cod dagan iyo cod sare» wuxuu u soo baxaa «cod sare / kacan» (high - high tone) ee jeer ka jeer loo maqlo sidii «codkac» (rising tone). Habdhaca codka ee uu culayska alanka keeno wuxuu leeyahay afar habdhac: 1- cod kacan ama sare baa ku dhaca culayska alanka aakhirka, alanada kale waa cod dagan, 2- cod kacan ama sare  baa ku dhaca culayska alanka aakhirka kahor, 3- cod dagan baa ku dhaca alanada culayska dhan, 4- cod kacan / sare baa ku dhaca culayska alanka hore. Tusaalooyinka hoose waa tusaalooyin kala muujiya iska soo horjeedka labka iyo dhadiga, coddhaca «à» wuxuu u qoran yahay sidii codka xagasha «â»:

Lawxa 3
Isku barbardhigga codaynta labka iyo dhadiga, iyo labka wadardiisa
Káli - Lab (ka)
Káli  - Dhadig (ga)
Ínan (ka)
Inán (ta)
Farîid (ka)
Faríid (da)
Wâyl (ka)
Wáyl (sha)
Kali – lab (ka)
Wadar
Ây (ga)
Áy (da)
Mádax (a)
Madáx (da)
Soomáali (ga)
Soomaalí (da)
Áwr (ka)
Aw´r (ta)
:
Tusaaleha ugu danbeeya (áwr) ma qabo coddhac ee waa codkac, meesha wadartiisu ku leedahay codka kacan shibaneha «w´». Caynka kale ee wadarta, shaqalka «-ó» ee codkac leh baa lagu dheehshaa jirídda kali ah, magacyada qaadta «-ó»da waxay kaloo qaadtaan wadarta «-óoyin» iyo «-áal»:

Lawxa 4
Wadarta «-ó»
Mindí (da)
Mindiyó (da) / (ha)
Náag (ta)
Naagó (ha)
Ólal (ka)
Olaló (da) / (ha)
Ílig (ga)
Iló (ha)
Gacán (ta)
Gacamó / Gacmó (da) / (ha)
Qódab (ka)
Qodabó / Qodbó (da) / (ha)
Sanbáb (ka)
Sanbabó (da) / (ha)

Wadarta kale waxaa lagu dheehaa erayga halka alan ah, waxaana la qaadtaa shibaneha ugu danbeeya oo «á» codkacan leh ku horkaban:

Lawxa 5
Wadarta «-á + shibaneha ugu danbeeya ee erayga» iyo wadarta «-óoyin(ka)»
Dáb (ka)
Dabáb (ka)
Íl (ta) (l + t = sh)
Ilál (sha) / [Iló (ha)] / [Indhó (ha)] / [Ilóoyin (ka)]
Úl (sha)
Ulál (sha) / [Uló (ha)] / [Ulóoyin (ka)]
Áf (ka)
Afáf (ka) / [Afó (ha)] / [Afóoyin (ka)]
Méel (sha)
Meelál (ka) / [Meeló (ha)] / [Meelóoyin (ka)]


Tusaaleha 4aad wadarta «afóoyinka» waxay kaloo tahay wadarta «afo (da)». Erayada magaca yeeleha ee labka sidta waxay qaadtaan «-áal»:

Lawxa 6
Wadarta «-áal»
Árbe (ha)
Arbeyáal (sha)
Bakáyle (ha)
Bakayleyáal (sha)
Dháme (ha)
Dhameyáal (sha)
Góle
Golayáal (sha)
Talíye / Tálshe (ha)
Taliyáal (sha)

Waxaa kaloo jira erayo iska yar ee qaadta wadarta «-án» sida «dhagáx (a), ugáx (da)», «qálin (ka)», «daris (ka)», «dhagaxán (ta) / dhagxán (ta)», wuxuu kaloo qaadtaa «dhagaxyó (da) / dhagxó (ha) / dhagaxóoyin (ka) / dhagxóoyin (ka) / dhagaxyáal (sha)»; «ugaxán (ta) / ugxán (ta)», wuxuu kaloo qaadtaa «ugaxyó (da) / ugxó (ha) / ugaxóoyin (ka) / ugxóoyin (ka) / ugaxyáal (sha)»; «qalimán (ta) / qalmán (ta)», wuxuu kaloo qaadan karaa «qalinyó (da) (ha), qalinó (da) (ha), qalimó (da) (ha) / qalimóoyin (ka) / qalmóoyin (ka) / qalinyoyáal (sha) / qalimoyáal (sha) / qalmoyáal (sha)»; «daris (ka) - darsán (ta) / darsáan (ta)» ee qaadan kara «darisyó (da)(ha) / darsóoyin (ka) / darisyoyáal (sha)»

Waxaa jira todabo wadar ee af Soomaali ah: 1- labka kali ah ka soo horjeedkiisa dhadigga wadarta ah, «Soomáali – Soomaalí / Cárab - Caráb», 2- labka kali ah ee labolaabkiisa ee shibaneha ugu danbeeya iyo shaqalka «á» «nín - nimán», 3-  «-é» ee labka kali ah qaadta, «agaasimé - agaasimeyáal», 4- labolaabka ama celceliska (frequentative / iterative) erayga ee ku dhaca magacyada tilmaanta ah «wayn – waynwayn / waawayn», «dheer – dheerdheer / dhaadheer», «culus - culculus», «madaw – madmadaw» 5- «-ó» ee qaadta magacyada labka wadarta ah iyo dhadigga kali ah, «abwàan - abwaanó»,  6- «-óoyin» ee magacyada dhadiga kali ah qaadta, «dawó - dawóoyin», magacyada wadarta ee ku dhamaada «-ó» qaadta «abtiyó – abtiyóoyin; abtiyoyáal» 7-  «án / áan» ee magacyo aad u yar qaadta «ugáx - ugxàn / ugxáan» waa wadar ka yimid falka «fal xaaladeed» ah (stative) ee muuqaalka gabogabaysan leh (perfective) ee sidta codka «dhaxe», ee isna ka yimid «fal xaaladeed» ah «ugxàn < ugxid» ama «fal ficileed» ah «dhagxán < dhagxid». 8- Waxaana jira magacyo laga soo qaadtay afka Carabiga ee qaadta wadarta Carabigiisa ah iyo wadar Soomaali ah, sida «ficil - afcaal / ficiló», «xaal / xaalad - axwaal / xaalál / xaaló / xaaladó», «waalid - waalidiin / waalidó», «darsi - duruus / darsiyó»; magacyada waxay qaadan karaan mid ka badan hal wadar, wadar walbana wuxuu leeyahay macnehiisa gaarka ah.

Magac-u-yaalka

Lawxa 7


Madaxbanaan
(magac ah)
Magac-u-yaal dhidban
(fal ah)
Yeele / Layeele (mawduuc ah)
Yeele
Layeele
Kali
Aní (ga)
Áan
Í
Adí ga)
Áad
Asá / Isá (ga)
Úu
Ø
-           
(Yeele dahsoon / qoflaawe)
(Lajire - Dibyáal)
Ayá / Iyá (da)
Áy
Ø
-           
Ís (isyeele)
Ø
Wadar
Aná / Iná (ga)
Áynu / Áan / Áanu
Ná / Ína
Adín / Idín (ka)
Áydu / Áad
Idín
Ayá / Iyá (ga)
Áy
Ø
-           
Ís (isyeele / iswaydaarsi)
Ø

Magac-u-yaalada kale waa kuwo qoflaawe ah: «míd (ka), mid (da); kán, káa (s); kú, tú; kíi, tíi; kóo, tóo; káyr (kéer), táyr (téer); kuwó, kuwá, kuwóo, kuwíi, kuwáyr (kuwéer); yáa»; magac-u-yaalada lehaanta ka eeg «tifaftire».

Dibyaal

Afka Soomaaliga inta u dhaxaysa madaxa weerta iyo falka waa wada xubno fal ah ee ku dhidban halkaas ee madoorsame ah; dibyaalada Soomaaliga waxaa la dib dhigaa ama ay dibyaalaan magac-u-yaalada layeeleha ah ee uu dibyaalku la xiriiriyo ficilka, sida layeele toosan «aniguu iga hadlayaa», layeele dadban «aniguu iga yeelay», waa magac-u-yaalka waxa ficilka ku matala magaca ee uu ficilka marbaba si toos ah uu ula xiriirin; dibyaalada Soomaaliga waa afar isugu xiga kala horayn leh kuwa shaqalka «ú» leh oo ka hormara kuwa shaqalka «á» leh waayo midka hore baa ka faacil ah (active) kan danbe, kan danbena uu yahay mid sal ah  (absolutive) «ú, kú, ká, lá»; sadexda hore waxay muujiyaan ama xiriiriyaan dhaqdhaqaaqa ficilka (lative), marka «ú» waa dhaqdhaqaaq u jeeda qof ama shay «u jeede» (allative / directive) ama loola jeedo qof ama shay «loola jeede» (dative); «» wuxuu tilmaamaa dhaqdhaqaaq meel ku dhaca «meelle» (locative), ama wuxuu tilmaamaa mid wax lagu adeegsado «la adeegsade», (instrumental); «» wuxuu tilmaamaa dhaqdhaqaaq meel ka dhaca ama ka yimid ee «meelle» ah, si gaar ahna waa «meel ka soo jeede» (ablative), waxaana loo adeegsadaa magacyada iyo oraahyada laysku barbardhigo (comparative); laakiin «» jeer waa yeele dahsoon ah (agent) ee faacil ah (active), ee qabta hawshuu yeeleha dahsoon ka qabto afafka ee leh codka «yeeleha gadisan» (passive) ama waa yeele qoflaawe ah (impersonal), jeerkuu yeeleha yahay wuxuu yeeleyaasha kala safmaa isku-xigga ee ah (yeele - layeele - dibyaal) oo qaadta rugta yeeleha (eeg tusaalooyinka 11-15), jeer kalena waa dibyaal «lajire» ah (comitative) ee yeeleha kula xiriiriya layeeleha dibyaal-ahaan (eeg tusaalooyinka 12-15):

Lawxa 8
Dibyaalka iyo layeeleha
-           
ú
í
íi
igú
igá
ilá
kúu
kugú
káa
kulá
nóo
nagú
nagá
nalá
iná
inóo
inagú
inagá
inalá
idín
idíin
idinkú
idinká
idinlá
Dibyaalka iyo yeeleha
lóo
lagú
lagá
lalá
ís
isú
iskú
iská
islá

Lawxa 9
Dibyaal iyo dibyaal

ú
ú
ugú
ugú
ugá
ulá
-           
kagá
kagá
kulá
-           
-           
kagá
kalá
-           
-           
-           
-           

Lawxa 10
Korarka dibyaalka iyo layeeleha

ugú
ugá
ulá
kagá
kulá
kalá
í
iigú
iigá
iilá
Igagá
igulá
igalá
kú
kuugú
kaagá
kuulá
kaagá
kugulá
kaalá
noogú
noogá
noolá
nagagá
nagulá
nagalá
iná
inoogú
inoogá
inoolá
inagagá
inagulá
inagalá
idín
idiinkú
idiinká
idiinlá
idinkagá
idinkulá
idinkalá
Korarka dibyaalka iyo yeeleha
loogú
loogá
loolá
lagagá
lagulá
lagalá
ís
isugú
isagá
isulá
Iskagá
iskulá
iskalá


Lawxa 11
Magac-u-yaalada layeeleha iyo yeeleha dahsoon «lá»
-           
í
i
idín
ís
lày
lagú
laná / nalá
layná
laydín
làys


Lawxa 12
Dibyaalo korar ah iyo «láy»
-           
ugú
ugá
kagá
kulá
kalá
lày (la + í)
laygugú
laygugá
laygagá
laygulá
laygalá


Lawxa 13
Dibyaalo sal iyo korar ah iyo «laná»
-           
ú
ugú
ugá
kulá
kalá
laná (lá + ná)
lanóo / nalóo
lanagú / nalagú
lanagá / nalagá
Lanalá
lanagugú / nalagugú
lanagagá / nalagagá
lanagulá / nalagulá
lanagalá / nalagalá


Lawxa 14
Dibyaalo sal iyo korar ah iyo «laydín»
-           
ú
ugú
u
kagá
kulá
kalá
laydín (lá + idín)
laydíin
laydinkú
laydinká
laydinlá
laydiinkú
laydiinká
laydinkagá
laydinkulá
laydinkalá


Lawxa 15
Dibyaalo sal iyo korar ah iyo «làys»
-           
ú
ugú
ugá
kagá
kulá
làys (lá + ís)
laysú
layskú
layská
layslá
laysugú
laysugá
laykagá
layskulá


Tilmaan (Sifo)

Tilmaanta waa magac tilmaama tayada wax ama qof (macáan, qaráar, wàyn, yár, cusúb, sán, xún, cás, cád, adág, ròon, cayríin, nacáb), ama magac fal-korar ah ee codka «dhaxe» ee «-án» sidta (dhuubán, fiicán, furán, qaawán, qaybán, qaybmán, qaybisán, qaybsán, gubán, gubmán, gubisán, gubsán); oraah-ahaan waxaa u gundhig ah falka «ah»: 1- «méel fóg» ama 2- «méel fóg ah» ama 3- «méel ay fóg tahay», tan hore waa weer ama oraah labo magac kaliya ka kooban ee ah magac iyo tilmaan ee uu magaca hore ee madaxa u ah uu yahay gundhigga oraahda ama oraah magaceed (syntagma nominal) ee uu falka «ah» xadaf yahay, tan labaad iyo tan sadexaad waxaa la jira falka «ah» tan sadexaadna falku wuxuu leeyahay isrogrogga yeeleha, sadexduba waa weer tixraac ah (tixraaca magac ama magac-u-yaal madaxa u ah)(relative), tilmaanta «fóg» waa layeeleha ee falka «ah» oo labaduba wada ah khabarka iyo «faahfaahiyeha» (modifier) ee «méel», oraahda madaxa faahfaahiya ee uu gundhig u yahay falka «ah» ee ah oraah faleed ama ficileed (syntagma verbal) iyo oraah tilmaan ah (syntagma adjectival); sida looga arko tusaaleha, faahfaahiyeha afka Soomaaliga wuxuu raacaa ama dibmaraa magacuu faahfaahsho. Waxaa jira magac magac kale raaca ee faahfaahsha magaca hore ee la yiraahdo «tilmaan-u-yaalka» (appositive), tusaale «naagta kalkaalisada»; afka Soomaaliga magacyada tilmaanta ah ama tilmaan-u-yaalka ah waa tilmaan khabar ah ee falka «ah» u gundhig ah khabarka, sida «naagta kalkaalisada (ah)», «wabiga shabeele (ah)», «miiska xafiiska (leh)»; tilmaan-u-yaalka wuxuu naqon karaa falkaab «jidka hortiisa», xubno magaceed «badwaynta Hindiya, saaxiibka iyo cadawga kaluumaysteha», oraah khabar ah «gudiga loo xilsaaray ee hawsha go’aanshay»; dhamaan waa weer tixraax ah (ee tixraaca magaca) ee ka kooban «madax + faahfaahiye», waana siday u dhisan yahiin weeraha ama oraahyada Soomaaliga (xattaa afafka caalamka) naxwe-ahaan, ee uu ka mid yahay weerta madaxbanaan dhismahiisa (madax «diiradiye» + faahfaahin) laakiin weerta madaxbanaan waa weer madaxiisu dhabta ah yahay magacuu diiradiyehu diiradiyo ee siiya weerta macne buuxa ee aanan dhinaynin.

Falkaab

Falkaab waa eray tilmaama habka ficilku u qabsamo ama loo qabto sidaas dartaydna loogu magacdaray falkaab (fal kab) laakiin qaar baa lagu horkabaa falka; falkaabka wuxuu kaloo faahfaahin karaa tilmaanta (sifada) «hab ee àad ú haboon» iyo falkaab kale. Falkaabyada waxay u kala qaybsan yahiin: falkaab meeleed «méel (sha), hál (ka), ín (ta)»; falkaab siyaaleed «sí (da), háb (ka)»; falkaab amineed «máan (ta), bári (ga), máalin (ta), cáawo / cáwo (da), xálay (da), dóraad (da), kahor, kadib, hiláad (da)...»; falkaabka tirada ama xoogsaarka (intensity) «ín (ta), àad, úun, qúr / qúra (qúr ah), káli / káliya (káli ah), xoogaa (ga), dháwr (ka), -bá (qofba waa siduu yahay), kasta, walba, wali (waligiisa)...» iyo kuwo tilmaan ah «badán, ka badán, yár, ka yár...»; falkaab qiraaleed «háa, háah, haaháy, nacám»; falkaab diidmeed «má (ficileed), mayá (magaceed); -bá / -ná, abadba, waligiisa...»; falkaab shakiyeed «malaha, laga yaabo, mindhaa...». Badanka falkaabka Soomaaliga waa magacyo, laakiin kuwo qaab gaar ah leh ee uu qaabkaas ka duwo magac-ahaanta ee qaadta qaabka magaca yeeleha dhadiga «-tó» baa jira «baríto, shálayto, xálayto, dóraadto»;  waxaa kaloo jira falkaabyo ka mid ah xubnaha ama kooxda falka (verbal syntagma) ee faahfaahintaas uu falku gundhig u yahay «sóo, síi, wada, kala»; waxaa kaloo jira magacyo falkaabeed ee u dhaqma faahfaahiyeha falka (verb modifier) sida «hor-, dib-, dabo-».

Tifaftire

Tifaftire waa dibkab magaceed (magac, tilmaan, falkaab) ee tifaftira ama faahfaasha ama soo bandhiga ulajeedada – ee uu ku leeyahay weerta ama oraahda – gundhigga (nucleus) ee xubnaha weerta iyo faahfaahiyehiisa; waxaana loo qaybshaa: qodab, xoojin, tilmaame, lehaan, tiro, aqoole (distributive), waydiin, yeermo.

Qodabka: kan labka ah wuxuu ka kooban yahay shibaneha «k-» iyo «h-», tan dhadigga ahna waa «t-», ee raaca shaqal sumad siiya (eeg lawxa 16); «-a» wuxuu tilmaamaa naxwe-ahaan meesha ugu hoosaysa ee uu weerta ama oraahda ku naqon karo magaca la tifaftiro «sal» (absolutive); «-u» ma tilmaamo «yeele» (subjective / nominative), ee wuxuu tilmaamaa inuu magaca la tifaftiro «soocane»-ahaan uga soo taagan yahay weerta; «-ii» wuxuu tilmaamaa inuu magaca la tifaftiro si soocane ah uga soo taagan yahay oraahda laakiin isagoo la muujiyo xaaladduu ama duruuftuu uga jiro oraahda «soocane duruufeed» ama xaaladda ama duruufta ee magacaas ee ay hadleyaashu madaxa ku hayaan ama laysla yaqaano; «-ká, -kú, -kíi; -tá, -tú, -tíi».

Lawxa 16
Sumadaha Shaqaleed
Qodabada
Magacyada
Sal
Soocane
Soocane  Duruufeed
Xoojiye
-íi
Magac Yeele
Lab / Dhadig
Lab
Dhadig

-áa
-tó; -só

Xoojin: magacyada afka Soomaaliga siday yahiin waa «sal» qaar waxay qaadan karaan goortay cayimanaynin (indefinite) «í» ee xoojiya siduu yahay, sida «naagí», «kaní; taní; kaasí; taasí», «niní; nimaní», «geeriyí», «hadalí».

Tilmaame: kan labka wuxuu ka kooban yahay «k-» ama «h-», tan dhadiggana «t-»; hadduu «-án» raaco wuxuu tilmaamaa in magaca la tifaftiro uu ku sugan yahay «rug dhaw», xattaa hadduunan agjoogin hadleha; hadduu raaco «-áa (s)» wuxuu tilmaamaa rug aanan dhawaynin ama fog, xattaa hadduu hadleha sidaas uga fogaynin; hadduu raaco «-áyr / -éer» wuxuu tilmaamaa fogaan.

Lehaan: kan labka wuxuu ka kooban yahay «h-»  iyo «k-», tan dhadiggana «t-»; shibaneyaashan waxaa sal u ah shibaneha «h-» ee ay tahay halkay kuwa kale ka suubsamaan. Goorta hore kuwa lehaanta tilmaama waa magac-u-yaalo  oo u kala qaybsama lab iyo dhadig, goortayse tifaftire naqodaan waxay ku raacaan jinsigay tifaftiraan. Qofka labaad wuxuu qaadan karaa qodab lab ama dhadig ah jinsiga ku haboonna ay faahfaahshaan, waxay u badan tahay kan labka ah inuu waagiisa hore ku waafaqi jiray magaca labka ah, tan dhadiggana waxay ku waafaqi jirtay magaca dhadigga:

Lawxa 17
Magac-u-yaalka lehaanta ee tifaftire-ahaan loo adeegsado
Lab
Dhadig
-hày (ga) / -kày (ga)
-tày (da)
-hàa (ga), (da) / -kàa (ga), (da)
-tàa (da)
-hìi (sa) / -kìi (sa)
-tìi (sa)
-hàyd (a) / -kàyd (a)
-tàyd (a)
-hayá; -haayá (ga) / -kayá; -kaayá (ga)
-tayá; -taayá (da)
-hàyn (a) / -kàyn (a)
-tàyn (a)
-hìin (a) / -kìin (a)
-tìin (a)
-hàwd (a) / -kàwd (a)
-tàwd (a)

Magac-u-yaalka lehaanta waxaa loo adeegsan karaa sidii magac-u-yaalka layeeleha, laakiinse magac-u-yaalada lehaanta sida magac-u-yaalada layeeleha ah ee qofka 3aad (kali iyo wadar) way ka maqan yahiin magac-u-yaalada leyaaleha, tusaale:

1-     Maryanaa shalay noo timid, oo na kiin waydiisay (= oo anaga na waydiisay idinka).

2-     Maryanaa shalay idiin timid, oo na kiin waydiisay ( = oo idinka waydiisay anaga).

3-     Ilaahaa na kaa siiyay. (= Adigaa Ilaah na siiyay)

4-     Ilaahaa na kaa siiyay. (= Anagaa Ilaah ku siiyay)

5-   Waxaan doonayaa inuu sawir nooga kaa qaado. (= inuu sawir nooga «na + u + ka» kaa qaado = inuu sawir adiga kaa «ku + ka» qaado; oo anaga noo «na + u» qaado.

6-     Waxaan doonayaa inuu sawir nooga kaa qaado. ( = inuu sawir nooga «na + u + ka» kaa qaado = inuu sawir anaga naga qaado; oo kuu «ku + u» qaado adiga.

7-     Way idinka kay qaadayn. ( = anigay idinka qaadayn)

8-     Way idinka kay qaadayn. ( = adinkay iga qaadayn).

9-     Ilaah baa ku kaaya siiyay. (= anaga buu Ilaah ku siiyay)

1-     Ilaah baa ku kaaya siiyay. (= adiga buu Ilaah na siiyay). 


Lehaanta waxaa kaloo lagu magacaabaa labo magac ee israacsan ee afka Carabiga loogu waco (ألإضافة), ee tilmaama lehaan, magaca danbe wuxuu tilmaamaa meeshuu kan hore ka mid yahay, tusaale: «qolka guriga», «dadka magaalada»; tan labaadna magaca labaad wuxuu tilmaamaa inuu lehaha ama lehaanleha magaca hore yahay: «guriga walaalkày», «dukaanka Calí».

Tiro: tirada afka Soomaaliga ma aho tafaftire, dhab-ahaantii waa magac ee madax ama gundhig magaceed ah ee qaadan kara faahfaahiye (tifaftire, tilmaame, tilmaan... ), tusaale ee tirada ama tiraaleha (cardinal) ilaa iyo toban: «káw (ga) (da); lábo (da); sádex (a) (da); áfar (ka) (ta); shán (ka) (ta); líx (da); todabó (da); sidáyd / sidéed (ka) (da); sagáal (ka) (sha); tobán (ka)»; tiraaleha tobnaadyada tirada ee ah magac isku xira xiriiriyeha «iyo» midkii la doono baa la hormarin karaa: «káw iyo tobán; labó iyo tobán; sádex iyo tobán...» ama «tobán iyo káw; tobán iyo labó; tobán iyo sádex...»; tirada leh «?0» waxay qaadtaan «-tán (ka) (ta)»: «labaatán (ka); sódan (ka) (ta); afártan (ka) (ta); kóntan (ka); líxdan (ka) (ta); todabáadtan (ka) (ta); sidáydtan / sidéedtan (ka) (ta); sagáashan (ka) (ta); boqál (ka) (sha); labó boqál iyo kóntan; kún (ka); malyùun / milyùun (ka)».

Tirada ama tiraaleha jagada (ordinal) wuxuu qaadtaa «-áad (ka) (da)»: «kawáad (ka) (da); labáad (ka) (da); sadexáad (ka) (da); afaráad (ka) (da); shanáad (ka) (da); lixáad (ka) (da); todabáad (ka) (da); sidaydáad / sideed (ka) (da); sagaaláad (ka) (da); tobanáad (ka) (da); labaatanáad (ka) (da); boqaláad (ka) (da); kumáad (ka) (da)» ama «boqaláal (ka); boqalaaló (da) (ha); kumáan (ka); kumáanka kún; kumanaanó (da) (ha)»; ama «-éed (ka) (da)»; tirada ama tiraaleha tobanaadka waxaa raaci kara «-éeyo (da)» «tobanéeyo (da); labo iyo tobanéeyo (da); labaatanéeyo (da); sodanéeyo (da); afartanéeyo (da); kontanéeyo (da); lixdanéeyo (da); todabaatanéeyo (da); sidaydtanéeyo / sideedtanéeyo (da); sagaashanéeyo (da); boqaléeyo (da); boqanéeyo (da); kumanéeyo (da)»; ama «-le (ha) / -áale (ha)» «kawle; labole; sadexle; afarle; shanle… tobanle… sagaashanle, boqale, boqalaale, kumanle, kumanaale».

Tirada ama tiraaleha jagada ee jabjabka: hadduu kala bar yahay waa «bár; nús», «waax / rubuc / rubi» haddii kale «sadexdii méel, méel» «sadexdii meeléed, méel» ama «méel sadexéed; labó meeléed; sadex meeléed, afar meeléed... »
Tirada ama tiraaleha jagada ee laablaabka waxaa la raacsiiyaa «-láab (ka)», «laboláab (ka); sadexláab (ka); afarláabka; shanláab (ka)... tobanláab (ka)... sagaashanláab (ka); boqalláab (ka)».

Tirada ama tiraaleha qiyaasta leh (indefinite): «Xoogaa, in, dhawr, dhamaan, kulli, gadi, wax yar, wax xoogaa, qaar, iska badan, iska yar, iska dhaxdhaxaad, tiro badan, tiro yar, tiro aanan badanaynin, intan, intaas, inta badan... ».
Aqoole: waa tifaftire tifaftira xubno koox ah ee uu mid walba iskiisa u taagan yahay ee culayska ka wada dhaxeeya aqoolsadaan ama qaybsadaan; tifaftireyaasha aqooleha (distributive determiner) waa: «kasta, walba; -ba, -na» ee weer tabineed iyo weer diidmeed ay yeelan karaan.

Waydiin: tifaftireha waydiinta waa madaxa ee weerta; «maxaa» waa oraah magac ah ama magaceed, meesha «ma» uu yahay oraah ficil / fal ah ama ficileed / faleed; kan danbe goorta la diiradinayo magaca waxaa la adeegsadaa diiradiyeha «ayàa / bàa», «ma Cali baa / ayaa yeelay?» «ma Cali buu / ayuu siiyay?», «ma ayuu siiyay? / mayuu siiyay?» ama falka «ah» ee xadafsan «ma Cali baa?». Tifaftireyaasha waydiinta waxaa lagu dibkabaa tifaftireha qodabka ama magac-u-yaalka: «-èe», «ninkèe?» «kú + èe = kèe?», «kuwo / kuwa + èe = kuwèe?», «má + èe = mée?», «méeyay?», «méeday?», «sí + èe = sèe?»; «ma» waxaa lagu dibkabaa magaca ama magac-u-yaalka «qofma?», «ayoma?», «kú + má = kuma?», «tú + má = tuma?», «kuwama?», «shinma?»; waydiimaha kale waa «yàa», «ímisa», «méeqa», «saw» tusaale: «sawtuu taas yeelay?».

Yeermo: yeermada waa dhawaaq loogu yeero qof isagoo loogu yeerayo si xamaasad leh ee dareen sidta, ha ahaado, layaab, cajab, cabsi, caro, farax, i.w.m. yeermada Soomaaliga ma aho tifaftire, laakiin kan kaliya ee tifaftire ah waa «maxaa!» sida tusaaleha «bal maxaa si u jira!». Waxaa jira mid dibkab naxweed ah, ee kali-ahaan qofka loola jeedo lab ah uu ku dibkabmo «-aw! / -yahaw!» ee ka yimid «-haw! / ahhaw» sida «Caliyaw!», «ninyahaw!», ama haddii qof dhadig kali ah loola jeedo waxaa ku dibkabma «-ay! / -yahay!» ee ka yimid «-hay! / ahhay!» sida «Canabay!» «gabaryahay!»; labka wadarta ah waxay qaadtaan «-aw! / -yahaw!» iyo «-ay! / -yahay!»; dhadigga wadarta waxay qaadtaan «-ay! / -yahay!»; mid kale waa dibkabka «-(h)aa!» ee ka yimid «ahhaa!» sida «ciyawaa! (ciyaw + ahhaa!)», «meeshu baabuur badanaa! (badan + ahhaa!». Waxaa jira erayo iskawda u taagan ee yeermo ah: «àa!» ee cabbira xanuun, daal, murugo i.wm., «aqás!» ee cabbira dareen lablab ah, yasmo, i.w.m., «Álla!» ee cabbira layaab, cajab, i.w.m., «bága!» ee cabbira wax u bogid, farxad, i.w.m., «cáku!» ee cabbira wax kahasho, wax nacbaysasho, i.w.m., «cár!» «wír!» ee cabbira u digid ama ka dalbasho qofka loogu yeerayo hadduu isku dayi karo ama ku dhaci karo, «waawaray!» ee cabbira argagaxid, baqdin, «war!» ee cabbira layaab, cajab, ama loogu yeero qofka la baraarujinayo ama wax loo tilmaamayo, «yáw!» ee cabbira qof habaarid, «wày!» ee cabbira cajab, layaab; ama cabbira ciil dartiisa ama iscanaanasho.

Xiriiriye

waxaa jira labo cayn xiriiriye ah; xiriiriye ee oraah khabar ah ee dhiman (oraahda faahfaahinta ee tixraaca magaca iyo oraahda faahfaahinta ee hoosjoogga falka aasaaska ama oraah aasaas ah) iyo xiriiriye ee magacyda oraahda (magac, tilmaan ama falkaab) ama oraahyo madaxbanaan (aasaas ah), ama oraahyo dhiman (ka kuwa xiriiriyeyaasha weerta hoosjoogga: Naxweha Af Soomaaliga: weerta), kuwan waa xiriiriyeyaasha magaca ah:

Xiriiriyeyaasha waxay u kala qaybmaan: isku-daboride (copulative, additive, cumulative) «Cali iyo Caynab», «Cali wuu tagay, (ee / oo) Caynabna way tagtay», «Cali iyo Caynab, midna ma tagin»; kala-daboride (disjunctive, alternative) «ama Cali baa tagay ama Caynab baa tagtay»; isku-lid (adversative) «Cali baa tagay, Canabse way hartay», «Cali baa tagay, Canabna way hartay», «Cali wuu tagay, hase yeeshee Caynab baa hartay»; natiijeed (illative, inferential) «aad buu u shaqeeyay, ee (oo) wuu nasan karaa», «waan ku gudbay imtixaanka, sidaas dartaydna (taas awgaydna, haddaba), shirkadda waan ka raadsan karaa shaqo»; aqoole (distributive) «haddana wuu farxaa, haddana wuu murgawdaa»; faahfaahshe (expletive) «Canab gurigay ku hartay, (taas) oo ah / (taas) ee ah, way doonaysay guri joogid».

Dhawaaq-sawir

Dhawaaq-sawir (ideophone) waa erayo dhawaaq-dhaanjin (onomatopoeia) dabiici ah, ee sawir-ahaan u qabta una soo gudbiya dhawaaqaas. Dhawaaq-sawirka Soomaaliga waa erayo magac dhadig ah kaliya, waxaana kuwa afka Soomaaliga goorta loo eego xagga shanta dareemeyaasha «maqalka, aragga, taabashada, dhadhanka, ursashada» ka maqan dareenka «aragga», waayo afka Soomaaliga wuxuu leeyahay jaadad kala duwan ee aragga wax ka sheega sida «madaw» iyo «yusur» ee midab madaw dhaldhalaal leh ee ay tinta muujiso. Dhawaaq-sawirka afka Soomaaliga inkastuu yahay eray magac ah, haddana wuxuu cabbiraa ficil iyo xaalad isbaddalka, ee ma cabbiro mawqifka ama xaaladduu ku jiro. waxaa erayadan si loo ficilgalsho la adeegsadaa falalka «dhahid», «iraahid» iyo «sìin». Waxayna Cabdulqaadir Salaad Dhoore iyo Mauro Tosco «”111 Somali Ideophones”. Journal of African Cultural Studies. 11, no 2 (December 1998): 125 - 156» u kala qaybshayn dhawaaq-sawirka Soomaaliga afar koox:

A.     Dhaqdhaqaaq, oo isana si guud ah loo kala qaybin karo:

a.     Dhawaaq-sawir cabbira jaho dhaqaaqeed
                                                              i.      Dhaqdhaqaaq bilawbid ama galid: «big dhah, ee soo laabo», «dabkii baa búl yiri», «hooyadii baa haf tiri»; «bidaar baa ku sibiq tiri», «aqalkii buu daf yiri», «mindi baa ninkii shuq tiri»,

                                                            ii.      Dhaqdhaqaaq soo baxid, soo fuqid leh: «xariggii baa fag yiri», «qandhadii markay jabtay ayaa dhidid fax ka soo yiri», «canjeeradii fush (fush) ayay tiri», «harameha gaf ka soo sii», «libaax baa jiqda fud ka soo yiri»,

                                                          iii.       Dhaqdhaqaaq hoos u dhacid, soo dhacid: «biyahii baa shalalab igu soo yiri», «roobkii baa shalaab soo yiri», «shilin baa shuluq biyaha igaga yiri», «wub buu dhagaxii dhulka ku yiri», «cunuggii baa dhulka wab ku yiri», «caano ayuu biliq biliq ku siiyay»,

b.     Dhawaaq-sawir cabbira habka dhaqadhaqaaqa: «darbigii ayuu balaw ka yiri», «caanahii baa gab yiri», «jidkii baa sag yiri», «gaarigii baa agtayda xuf ku yiri», «ushii ayuu huf huf ka siiyay», «arigii baa baw baw yiri»,

B.     Dhawaaq-sawir dhaqdhaqaaq garaacid:

a.     Dhaqdhaqaaq garaacid leh: «sarbi baa wash laygu siiyay», «iriddii ayuu kub kub ka siiyay», «iriddii ayaa qab tiri», «biyahii ayuu mar qab ka siiyay», «qorigii qac yiri baa iga naxshay», «koortii baa qalaw qalaw tiri», «naftii baa qalaw ka tiri»,

b.     Dhaqdhaqaaq jabid, jarid ama jeexid, bujin leh: «ushii bay qac ka siisay»,«lugtiisa ayaa bash tiri», «dhalo ayay madaxiisa bash ku siisay», «shaarkii ayaa duudka dhac ka yiri», «sabuulkii baa dhiliq yiri», «qarinkii ayuu dhash ka siiyay», «nabarkii baa dhag yiri», «sakiin buu dhag ku siiyay», «boocii buu dhuc ka siiyay», «qodax baa tush igu tiri», «mindidii cusbayd buu hilibkii xaf kaga siiyay»

C.    Dhawaaq-sawir dhawaaq soo saara ama mid baxsha dhawaaq iyo if: «shinbirahii baa jiiq jiiq leh», «dacaskiisa ayaa jiiq-jaaq yiri», «dabkii baa daangadii jac jac ka siinaya», «caleemaha ayaa jac jac leh», «jaq iyo juqdii buu gabay», «warmahii baa meel fog halalac ka yiri», «nalkii baa big (big) leh», «nalkii meel fog ayuu bilig ka yiri», «hilaacii baa wac yiri», «qalbigii ayaa wac yiri»,

D.    Kuwo iskudhafan ee baxsha macnooyin kala duwan, sida dhimasho dagdag leh, dilid, wax cabid ama wax cunid: «ushii buu qalaf ninkii uga siiyay», «dabkii baa dam yiri», «cuntadii ayuu dam siiyay», «daal awgii ayuu hurdo dug la yiri», «daacuunkii awgiisa ayaa dadkii gam yiri», «ham ka sii», «cadkii ayuu juluq ka siiyay».

Sumadaha Magacyada iyo Sumadaha Habdhaca Codaynta

Magacyada af Soomaaliga waxaa sumad magaceed (case) qaadta magacyada cayiman (definite) ee ay cayimaan tifaftireha qodabka, goortuu qodabka yahay «-ha; -ka / -ta» taas waa inuu sumad «sal» ah (absolutive) yahay, goortuu «-hu; -ku / -tu» yahayna waa sumad «soocane» ama meel uga soo taagan goorta loo barbardhigo sumada salka muujisa ama hadday magacyada kale ee oraahda ay leeyahiin sumad sal ah, ee waxaa kaloo qaadta magac-u-yaalada «kú» iyo «tú» ee tilmaama kuwa gooni u soocan ee qoflaawe ah (impersonal), goortuuna «-hii; -kii / -tii» yahay waa sumad «soocane duruufeed» ama tilmaama inuu magaca yahay wax ama qof maskaxda wada hadleyaasha uga jira ama si gooni uga dhaxeeya aminkuu doono ha ahaado, ee duruuf ay wada wadaagaan leh, ama u tilmaama si iska soo horjeed ah aminada kala duwan «barigii, maalintii, habeenkii, galabtii...», waxaa kaloo qaadta magac-u-yaalada «kú» iyo «tú» ee naqoda «kíi» iyo «tíi». Magacyada aanan cayinaynin (indefinite) waxay qaadtaan «í», taas waa haddaynan «í» ku dhamaanin, ee siiya «xoojin» (emphasis) aanan waxna ka baddalin magaca sumadda qaadta.

Sumadahan aan kor ku soo sheegay, siiba «í» iyo qodabka «-hú; -kú» baa lagu sheegaa inay yahiin samado «yeele» ah (subjective / nominative) laakiin dhabtu waa inuunan midna ku saabsanaynin yeele. Sumadaha qodabada iyo tan shaqalka «í» goorta laga reebo, magacyada ee sumad la’aan ah waxay ku xiran yahiin habdhaca codaynta ama xoogsaarka codka ee saameeya culayskuu codka ku leeyahay alanka ama «culayska alanka» (mora) ee ku dhaca shaqalka; habdhaca codaynta wuxuu magaca u saameeyaa hadba hawshuu ugaga jiro weerta; waxayna kala yahiin «sal» (absolutive) ee ah siduu magaca yahay isagoo aanan hawl galin, goortuu hawl galona magaca «salka» ah waa «layeele» (objective / accusative) laakiin sumadda ama habdhaca codka layeeleha waa isla «sal»kii (absolutive); tan kale waa goortuu magaca yahay «yeele» (subjective / nominative); tan kalena waa «lehaan» ama «lehaanle» (genitive) iyo tan «yeermo» ah (vocative), ee xattaa qaadan kara sumadda «-aw!; ahaw! / -ay!; ahay!»; sumadaha habdhaca codaynta waa: 1- «sal» absolutive ee codkuu sal-ahaan ku sidto leh; waa habdhaca 2aad «cod kacan ama sare baa ku dhaca culayska alanka aakhirka kahor»: «Cáli», «Faadúmo»; 2- «yeele» subjective ama nominative ee ka luma codka salkiisa ee habdhaca 3aad ah «cod dagan baa ku dhaca alanada culayska ee dhan»: «Cali», «Faadumo»; 3- «lehaan» ama «lehaanle» genitive ee habdhaca 1aad leh «cod kacan ama sare baa ku dhaca culayska alanka aakhirka, alanada kale waa cod dagan»: «Calí», «Faadumó»; 4- «yeermo» vocative ee habdhaca 4aad leh «cod kacan ama sare baa ku dhaca culayska alanka hore»: «Cáli», «Fàadumo». Habdhaca codka Soomaaliga waxaa saameeya siduu naxweha u dhisan yahay; ka soo qaad diiradiyeha «baa / ayaa» magacuu diiradiyo, ha ahaado yeele ama layeele, habdhaca ma is baddalo, laakiin waxaa isbaddala habdhacuu falka qaadto goortuu yahay yeele, ee culayska alanka (mora) wuxuu ugu dhacaa aakhirka alanka falka si cod kacan ah ama cod sare (high tone), tusaale:

1-     Áxmad bàan arkay. (layeele)

2-     Áxmad bàa i arkáy. (yeele)

Waxaa jira oo kale sumadahay matalaan dibyaalada (postposition) ee dibyaala kaliya magac-u-yaalada dhidban ee layeeleha dadban ama layeeleha toosan ee falalka magudbeha ah, sida falka «hadal» iyo «ká qósalsii»; inkastooy sumad u yeelin magacyada haddana sumadahay matalaan iyo sumadaha habdhaca codaynta waa: 1- «sal» absolutive; «yeele» nominative; «lehaan» ama «lehaanle» genitive; «yeermo» vocative; waa kuway Kuushka Omo-Tana ee uu Soomaaligu ka mid yahay leeyahiin iyo inta badan ee afafka Kuushka; sumadahay afafka Omo-Tana ku matalaan dibyaalada waa: 1- «ú jeede» allative; 2- «loola jeede» dative; 3- «meelle» locative; 4- «la adeegsade» instrumental; 5- «meel ka soo jeede» ablative; 6- «la jire» comitative; (eeg lawxa 18).

Lawxa 18
Dibyaalada ee afafka Omo-Tana

Soomaali
Rendiile
Boni
Dhaasanaq
Arbore
Elmolo
u jeede
ú
í
ú


loola jeede
ú
í
ú
ka
ka
meelle
gaa
ka

la adeegsade
kaŋ
ka
meel ka soo jeede
kә
gaa
ka
ka
la jire
leé
lí / ní



Dibyaalka «kú» ee «meelle iyo la adeegsade» ah, waxaa u sii dheer «waxaan guriga ku galay si qarsoodi ah» taas ee ah inuu qabto hawl «duruufeed» (circumstantial). Afafka Omo-Tana sida Soomaaliga waxay hawsha magacyada ku sumadeeyaan habdhaca codaynta, sida af Soomaaliga sumad hawsha magacyada lagu kala garan karo ma qabaan; xattaa haddii sumadaha ee habdhaca codaynta ay wax macne ah siinin wali magacyadu waxay yahiin kuwo «sal» ah, «yeele» ah, «layeele» ah, iyo sumadahay dibyaaladu matalaan, iyo sumadaha tififtireyaasha qodabka qaadto iyo «í»da ee magaca aanan cayimanaynin, dhamaan waa kuwo wada dhab ah ee jira.


Xagga sumadaha magacyada, afafka Kuushka waxaa loo kala qaybshaa labo: afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose ee ku leh layeeleha sumadda «sal»ka  ah (absolutive) iyo afafka Kuushka Dhaxe, Kuushka Waqooyiga iyo Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare ee ku leh layeeleha sumadda «layeele»ha ah (accusative); inta kale ee sumado waa isku mid, sida «yeele» nominative, «meel ka soo jeede» ablative, «meelle» locative, «la adeegsade» instrumental, «lehaanle» genitive, «u jeede» allative / directive, «loola jeede» dative, «la jire» comitative; qaar waxay leeyahiin dhamaan, qaarna in ka yar. 
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...