domingo, 1 de mayo de 2011

Dhaxda Maanka Dad Fog

Maansoole: Sacuud Assuwaydaa
Dal: Sacuudiga
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid



Ka buuxo macne
Waxaan ka soo baraarugaa oo ku seexdaa
Maanka dad fog.

Xataa sigaarkan
aan cabayo
Xataa shaaha
Dhaxda maanka dad fog.

Xataa fadhigayga halkan
Ee dhulka ama xataa
Mariddayda dhaxda qolalka
Dhaxda maanka dad fog.

Maxay ka qabanayaan waraaqahan
Dharkan
Kabahan
Dhaxda maanka dad fog?

Waxaan ka maqlaa korkayga qaylo
Waxaan soo toosaa alalad kadib
Waxaan marmariyaa indho igula dabasocda
Mugdiga
Waxaan ku laabtaa hurdada mar kale
Anoo og inay taas ka dhacayso
Dhaxda maanka dad fog.

Xataa waraaqdan
Hadalkan
Kursigan aan ku riixayo
Lugahayga
Goortaan galo qolkayga
Oo isku tuuro sariirtayda
Anoo qoslayo
Dhaxda maanka dad fog.

في مخيلة ناسٍ بعيدين
سعود السويدا

 
مليئاً بالمعنى
أصحو وأنام
في مخيلة ناس بعيدين .

حتى هذه السيجارة
التي أشربها
حتى هذا الشاي
في مخيلة ناس بعيدين .

حتى جلوسي هنا
على الأرضية او حتى
مروري بين الغرف
في مخيلة ناس بعيدين .

ما لذي تفعله هذه الأوراق
هذه الثياب
تلك الأحذية
في مخيلة ناس بعيدين ؟

أسمع فوقي صرخة
أستيقظ إثر كابوس
ألمح عيونا ترقبني
في الظلمة
اعود للنوم من جديد
عارفا ان ذلك يحدث
في مخيلة ناس بعيدين .

حتى هذه الورقة
هذا الكلام
هذا الكرسي الذي أدفعه
برجلي
حين أدخل غرفتي
واستلقي على السرير
ضاحكاً
في مخيلة ناس بعيدين .
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...