lunes, 24 de enero de 2011

Dawano

Maansoole: Axmad Alcajamii «أحمد العجمي»
Dal: Baxrayn
Turjumay: Samatar Maxamed Siciid




Anigoo fadhiya xatabada albaabka

sugayo gudabka guudtada habeenkii

buuggii gacantayda

baa shib dhahay

isagoo u dhagbasa murago dhaxlan,

waxay qoraxdu la qunyareeynaysay

ka kacitaanka sariirteeda,

goortuuna sii xoogsado

dayaanka darbiyada

oo aan u baahdo

qiyaaska walcashada waqtiga

bay ku dhacdaa luquntaydu

dhaxda jilbahayga,

waxaa ku gubtay xidigo badan

goobta banaaneed

waxaana ku kala firarsamay shinbiro tirobadan

gadaasha oodda

aayarba!, waxaan doonayaa inaan waydiiyo dawanada xornimada:

dhabtii, ma kaas baa galalowgeeda!


أجـراس




جالساً على عتبة الباب

أنتظر مرور موكب الليل

الكتاب الذي في يدي

ظلّ صامتاً

يصغي لحزن متوارث ،

كانت الشمس تتباطىء

في ترك سريرها ،

وعندما يشتد

زئير الجدران

وأحتاج إلى

قياس تدفق الوقت ،

تسقط رقبتي

بين ركبتيّ ،

لقد احترقت نجوم كثيرة

في الحقل

وتناثرت طيور أكثر

خلف السياج

مهلاً ، أريد أن

أسأل أجراس الحريّة

هل هذا حقاً رنينها




Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...