lunes, 17 de enero de 2011

Wax baa kugu aqoonsada

Maansoole: César Vallejo
Dal: Berú
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid



Wax baa kugu aqoonsada wixii kaa dheeraada, waana garaad wadaage ah ee soo naqoshada: halkan kadibna alaladkaaga ugu wayn.

Wax baa kaa fogeeya wixii ku agjooga, waana adoonsinimada wadaage ah ee tagidda: halkan kadibna raynraynyadaada ugu yaryar.

Waxaan ugu jeediyaa, habkan, kalikalida koox ah, iyoba kooxda kalikali ah iyo kuwa, dhaxda qaar iyo qaar kale, ku gaardiya dhawaaqa soohdimaha ama, sahal-ahaanba, ku calaamadeeya talaabada dhaqdhaqaaqlaaweed xadka adduunyada.

Wax masaal-ahaanba dhaxdhaxaad ah, iskadhawr-la’aanba dhaxdhaxaad leh, baa isdhaxdhiga tuuga iyo dhibanihiisa. Kani, isla laftigiisa, baa lagula sooci karaa ku saabsanaantiisa takhtarka qaliinka iyo bukaanka. Bisha qabiixsan, kankoon oo qoraxeed, baa magangalisa qaar iyo qaar kale. Waayo waxa la soo xaday isaguna wuxuu leeyahay culayskiisa farqiga la’, xubintana la falgaliyay, iyaduna xayrteeda murugsan.

Maxaa ka rajobeel-jira adduunyada, caqligal-la’aanta oo uu ninka farxan isugu arko nasiibxumo, ninka wanaagsanna, ku yeesho xumo?

Ka agdheeraansho! Meel ku harid! Dib ugu soo naqosho! Ka tagid! Gidi dhaqdhaqaaqa bulsheed baa deeqa erayadani.


Algo te identifica

Algo te identifica con el que se aleja de ti, y es la facultad común de volver: de ahí tu más grande pesadumbre.

Algo te separa del que se queda contigo, y es la esclavitud común de partir: de ahí tus más nimios regocijos.

Me dirijo, en esta forma, a las individualidades colectivas, tanto como a las colectividades individuales y a los que, entre unas y otras, yacen marchando al son de las fronteras o, simplemente, marcan el paso inmóvil en el borde del mundo.

Algo típicamente neutro, de inexorablemente neutro, interpónese entre el ladrón y su víctima. Esto, así mismo, puede discernirse tratándose del cirujano y del paciente. Horrible medialuna, convexa y solar, cobija a unos y otros. Porque el objeto hurtado tiene también su peso indiferente, y el órgano intervenido, también su grasa triste.

¿Qué hay de más desesperante en la tierra, que la imposibilidad en que se halla el hombre feliz de ser infortunado y el hombre bueno, de ser malvado ?

¡Alejarse! ¡Quedarse! ¡Volver! ¡Partir! Toda la mecánica social cabe en estas palabras.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...