domingo, 9 de enero de 2011

Guubaabo Qaran


Tiriyay: Yaasiin Cismaan Keenadiid
Nooc: Gabay
Sannad: 1952
Ka : Buugga Hilimada Maansadii Soomaalidii Hore (Aw Jaamac Cumar Ciise)


Maanyaro’iyo Soomaali, waa maharaddeedii’ee
Maslaxadeedii garan waayday, iyo marinkii toosnaa’ee
Macnahay ku noolaan lehayd, baa maluhu siin waayay’ee
Maamuus la’aan lagu waday, bay moodayaan nolal’ee
Miis-xumada haysa’iyo dulliga, waa u macaan yahay’ee
Mabsuud waaye baadidoon, waxay mudanayaan cayb’ee
Muslinnimada sida loo mudmuday, kama masayraan’ee
Maqaan-xumada waxa joojiyay, waa muran dhaxdoodaa’ee

Iyaga ayaysu muuqanaya, oo moogan adduunyada’ee
Murtiday lehaayayn, ayay magac ku waayayn’ee
Muwaafaqo kolkii laga gafaa, baa mawtigooda galay’ee
Anigaa ku miro dhaamaya, ayaa malag u saaran’ee
Macriifa uma yeeshaan, wuxuu baran masaalkooda’ee
Macaamilada aadamigu ku jiraa, ayaa laga madoobeeyay’ee
Mardabada adduunka’iyo cilmigu, umaba muuqdaan’ee
Magan bay shisheeye u yihiin, ee meel la joogaba’ee
Maalin noolba niman baa ku fala, waxay ka maagaan’ee
Muquuno ayay ahaan, sidii maal la leeyahay’ee

Raggii madaxdu ka xumaadto, waa marin habaabaa’ee
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaco raac’ee
Mar maxaad cuntaan kaliya, ayuu yahay maqsuudkooda’ee
Nin mushaharo eexayna, waa miskiin dhab ah’ee
Muddiic waxa ka dhigayna, waa inuu maarmiwaa yahay’ee
Mudaafacana seegay, iyo inuu maya yiraahdaa’ee

Culimadiina damac baa malgay, oo ma ogi say tahay’ee
Milladda’iyo shareecada, bar baa maal ku iibsada’ee
Marsiis’iyo madiidtuu ku dhacay, oo maqan diintii’ee
Mas’alo-gaabka’iyo , ways hayaan kii mufti ahaa’ee
Ardaydaa mujaadalo la galaysa, macallinkeedii’ee
Midkii dhawr masaalo soo bartaa, baa maaro loo helin’ee
Makasta’iyo intii caamo ahayd, bay madaxwareershayn’ee
Hadba xaal muraad lagu wadtaa, waa layna maqashii’ee
Waa waxaan minhaajka’iyo tuxfaha, meelna kaga oolin’ee


HABDHAC KALE:

Maanyaro’iyo Soomaali waa, maharaddeedii’ee
Maslaxadeedii garan waayday’iyo, marinkii toosnaa’ee
Macnahay ku noolaan lehayd baa, maluhu siin waayay’ee
Maamuus la’aan lagu waday bay, moodayaan nolal’ee
Miis-xumada haysa’iyo dulliga waa, u macaan yahay’ee
Mabsuud waaye baadidoon waxay, mudanayaan cayb’ee
Muslinnimada sida loo mudmuday, kama masayraan’ee
Maqaan-xumada waxa joojiyay waa, muran dhaxdoodaa’ee

Iyaga ayaysu muuqanaya’oo, moogan adduunyada’ee
Murtiday lehaayayn ayay, magac ku waayayn’ee
Muwaafaqo kolkii laga gafaa baa, mawtigooda galay’ee
Anigaa ku miro dhaamaya ayaa, malag u saaran’ee
Macriifa uma yeeshaan wuxuu, baran masaalkooda’ee
Macaamilada aadamigu ku jiraa ayaa, laga madoobeeyay’ee
Mardabada adduunka’iyo cilmigu, umaba muuqdaan’ee
Magan bay shisheeye u yihiin’ee, meel la joogaba’ee
Maalin noolba niman baa ku fala waxay, ka maagaan’ee
Muquuno ayay ahaan sidii, maal la leeyahay’ee

Raggii madaxdu ka xumaadto waa, marin habaabaa’ee
Kuwii maqaddimada looga dhigay waa, manfaco raac’ee
Mar maxaad cuntaan kaliya ayuu, yahay maqsuudkooda’ee
Nin mushaharo eexayna waa, miskiin dhab ah’ee
Muddiic waxa ka dhigayna waa, inuu maarmiwaa yahay’ee
Mudaafacana seegay’iyo, inuu maya yiraahdaa’ee

Culimadiina damac baa malgay’oo, ma ogi say tahay’ee
Milladda’iyo shareecada bar baa, maal ku iibsada’ee
Marsiis’iyo madiidtuu ku dhacay’oo, maqan diintii’ee
Mas’alo-gaabka’iyo ways, hayaan kii mufti ahaa’ee
Ardaydaa mujaadalo la galaysa, macallinkeedii’ee
Midkii dhawr masaalo soo bartaa baa, maaro loo helin’ee
Makasta’iyo intii caamo ahayd bay, madaxwareershayn’ee
Hadba xaal muraad lagu wadtaa waa, layna maqashii’ee
Waa waxaan minhaajka’iyo tuxfaha, meelna kaga oolin’ee


MID KALE:

Maanyaro’iyo Soomaali, maharaddeedii’ee
Maslaxadeedii garan waayday, iyo marinkii toosnaa’ee
Macnahay ku noolaan lehayd, maluhu siin waayay’ee
Maamuus la’aan lagu waday, moodayaan nolal’ee
Miis-xumada haysa’iyo dulliga, u macaan yahay’ee
Mabsuud waaye baadidoon, mudanayaan cayb’ee
Muslinnimada sida loo mudmuday, kama masayraan’ee
Maqaan-xumada waxa joojiyay, muran dhaxdoodaa’ee

Iyaga ayaysu muuqanaya, moogan adduunyada’ee
Murtiday lehaayayn, magac ku waayayn’ee
Muwaafaqo kolkii laga gafo, mawtigooda galay’ee
Anigaa ku miro dhaamaya, malag u saaran’ee
Macriifa uma yeeshaan, wuxuu baran masaalkooda’ee
Macaamilada aadamigu ku jiro, laga madoobeeyay’ee
Mardabada adduunka’iyo cilmigu, umaba muuqdaan’ee
Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba’ee
Maalin noolba niman baa ku fala, waxay ka maagaan’ee
Muquuno ayay ahaan, sidii maal la leeyahay’ee

Raggii madaxdu ka xumaadto, marin habaabaa’ee
Kuwii maqaddimada looga dhigay, manfaco raac’ee
Mar maxaad cuntaan kaliya, yahay maqsuudkooda’ee
Nin mushaharo eexayna, miskiin dhab ah’ee
Muddiic waxa ka dhigayna, inuu maarmiwaa yahay’ee
Mudaafacana seegay, iyo inuu maya yiraahdaa’ee

Culimadiina damac baa malgay, ma ogi say tahay’ee
Milladda’iyo shareecada, bar baa maal ku iibsada’ee
Marsiis’iyo madiidtuu ku dhacay, maqan diintii’ee
Mas’alo-gaabka’iyo , ways hayaan kii mufti ahaa’ee
Ardaydaa mujaadalo la galaysa, macallinkeedii’ee
Midkii dhawr masaalo soo barto, maaro loo helin’ee
Makasta’iyo intii caamo ahayd, madaxwareershayn’ee
Hadba xaal muraad lagu wadtaa, layna maqashii’ee
Waa waxaan minhaajka’iyo tuxfaha, meelna kaga oolin’ee
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...