sábado, 14 de abril de 2012

Gumeeyste ciqaabe waaye (2)!


Warqaddani waxay leedahay labo ujeedo: horaantii, waxaan kuu soo diray waraaqo badan hadda kahor oo ku saabsan nabadda, xoolohii iyo haweenkii nalaga dhacay iyo joojinta fidmada labada dhinacba; ha yeeshee, adigu jawaab iima soo dirin, xaqqaygiina ma soo celin, wanaagna ma sameeyn. Ha yeeshee, anigu waa sameeyay wanaag, fidmaddii burcadda ahaana waan joojiyay, sacodtadiina nabadgalyaan siiyay, taana adiguba waa ogtahay.
Iminkana, waxaan ku ogeeysiinayaa in Ina Igaare iyo dadkiisuba ay rag xun yahiin, nabadda dhaxdaya taalana jabiyaan. Taana si wayn baan u ogsoonahay. Ka soo qaad, markuu u soo diray colka Buuhoodle; markuuna ku amray inay fardaha geeyaan ilaa Badwayn iyo dooxada Cayn; iyo markuu jaajuusta u soo diray Jidbaale, kan u madax ahaana uu yahay Yuusuf Habare, oo isaga lagu amray inuu si qarsoon jaajuus ugu tago, kaligiisana ma ahaynee waxaa la soo diray jaajuusyo badan. Waxaas oo dhan waan ogahay.
Iminkana, waxaan ku ogeeysiinayaa, maanan rabin inaan waraaqo danbe kuu soo diro, maxaa yeelay waraaqahaygii horaan laga soo jawaabin, hase ahaadtee, waraaqdanaan kuu soo diray ujeedadeedu waa inay fidmadu dhaxdayada ka joogsadto. Xaggayga, anigu ma jaceli fidmada iyo dagaalka midnaba; haddaadse nabad u doonayso sidaan u doono, ka qaad colkaaga Buuhoodle, fardahaagana ka celi Badwayn iyo dooxada Cayn, ugana yeero jaajuustaada Jidbaale iyo meelaha kaleba. Sidaan u joojiyay rabshaddii burcadda si la mida yeel. Haddaadanse nabad rabin oo fidmo iyo dagaal kaliya doonaysid, marka uma baahnid inaad colkaaga Buuhoodle ka celisid, jaajuusta iyo fardahaagana la naqodtid.
Midda kale, ogaw inaan daacad u ahay dadka oo dhan. Hase yeeshee ina Igaare iyo dadkiisaa fidmo ka abuuraya wadankan. Kamana fikirayaan aayeha ka dhalan doona gadaashiisa. Waxaa jirtay nabad intaanan fidmadii hore la soo kacin. Intaa gudaheeda waligaa duulaan iima soo dirin, anina kuuma soo dirin, ismana aynu dhacin. Inankaygana Cismaan waxaad siisay baqal.
Janeraal Cordeaux, qaado taladayda, hana maqlin hadalada ina Igaare. Haddaynu bilawno dagaal, waxba isaga kaaga tari maayo dirar, waayo fule waaye. Markii duulaanka loogu yeeray wuxuu indhaha iskaga shubay dawooyin, sidaasna waxaa ugu wacan cabsiduu naga qabay, wuxuuna ku sigtay inuu indhabeelo. Kamadanbeeyskii, baqdinuu la aaday Makka iyo Madiina. Sidaad ogtahay, nin geesi ahi dirar kama warwareegi lehayn. Iminkana, waxaan kuu sheegayaa inuu yahay oday boos iyo gabawa, wuxuuna kuu yahay dhibaadto. Haddaynu mar kale dagaal bilawno, waxaa la dili doonaa rag badan oo ka mida raggaaga darajooyinka waawayn leh, dad iyo duunyona waa kaa rogmayaan. Anigase mood iyo nool midna iga lumi maayo, maxaa yeelay duunyadaydii gacantaaday ku jirtaa, xoolahaan haystaana aad ayay u yar yahiin. Waxaan kuu raacshaa taas, haddaynu haadtan dagaalano, aqaladayda oo dhan waan gubayaa, xoolahaygana sahay baan ka dhiganayaa, waxaadna arki doontaa kaliya fardooley koore saaran oo dagaal u heegana; xoolahaan haystaana, sida geela, lo’da iyo idaha, waxaan ku dhaartaa inaan saacad qura ku qasho, dabadeedna waxaan cuno ka dhigan doonaa xoolaha dadka kale.
Maan lehi dhul, beer iyo bustaanba; Ilaahayna waxaan ka baryaa inuu dhulka rogo, erayadanna wayga run. Haddaad adna sidaas rabto, maqal erayada ina Igaare. Haddaadse dhaxdayada nabad ka rabto, ha maqalin hadalka namiimiyeha.
Midda kale, col Isaaqaa dhawaan dilay 17 nin oo Warsangaliya, halo geel ahna ka dhacay. Mar danbe, Isaaqu wuxuu ka dhacay xoolo Warsangaliga, qayb ka mid ahna xoolahaasaa ahaa kuwayga, haddaan magacaabo waa 170 sac. Haddana, Isaaqu wuxuu dilay 12 nin oo Warsangaliya. Waa kaa warkii Warsangaliga, oo hadda Darwiish dhaba.
Aniga iyo Warsangaliga, waanu isugu dhaaranay inay Daraawiish dhaba yahiin; anaguna waa garabtaagan nahay. Haddaadna doonaysid wadanka nabaddiisa, ii daay inaan heshiisiiyo Isaaqa iyo Warsangaliga; haddaadse nabad doonayn, hadalka ina Igaarena maqashid, ha inoo ahaadto sidaas.
Waxaanna ku ogeeysiinayaa in Daraawiishtu tahay sidii caano cad (qalbi daahiran), waxaanna ku ogeeysiinayaa in ina Igaare beenaale yahay, damiirkiisuna xun yahay, nabaddunaan jacelayn. Wuxuu doonayaa inuu wadanka baaba’iyo. Aniguse nabad baan rabaa inkastaad maqlayso hadalka ninkaas.
Iminkana, waxaan kuu sheegayaa, adigunaad ogtahay, haddaynu mar kale dagaalano, waxaa kaa lumi doona rag kuwii hore ka badan. Waa inaad ogsoon tahay tan. Rag baanu nahay ee naago maanu nahin. Ilaahayaa na ilaasha, guushana na siin doona.

Waxay ka timid kii miskiinka ahaa ee yaraa ee madluunka ahaa, laakiin ku xirnaa naxariista, guusha iyo gargaarka Ilaahay.
Sayid Maxamad Cabdulle Xasan



Waraaqda jawaabta ah oo Ingiriisku soo diray, waa tan:


Ku: Shiikh Maxamad Cabdulle Xasan:

Salaan kadib. Waxaan ku ogeeysiinayaa inaan helay waraaqdaadii uu siday Xirsi Libaan. «Tan u horeeysa, waxaan jacelahay inaan ku ogeeysiiyo in dawladda Ingiriiska wali doonayso adkeeynta nabadda dhaxtaal qabaa’ilkay u taliso iyo Darwiishta». «Tan labaad oo ku saabsan ciidamada dawladdu u dirtay Buuhoodle iyo Cayn, waa inaad ogtahay in sababtu tahay rabshad ay geeystayn niman burcada iyo kuwo Warsangaliya, ee ma aho inaan maskaxdayadu ka saarnay nabadgalyadii». «Tan sadexaad, waxaan ku xusuusinayaa, adigunaad ogtahay, in Warsangaligu yahay raaciyad Ingiriisa; xumaantay geeystaana waxaa ka abaalmarinaya dawladda Ingiriiska oo kaliya. Dhawaan, waxay weerarayn tolalkaanu u talino ee u dhaw Badwayn iyo Cayn. Sidaas daraadeeda, ciidamadaanu dhulkaas u dirnay kama soo celin karno, waase inaan ku soo korarinaa si ay dadka uga ilaaliyaan weeraradan, oo nabadda u adkeeyaan».
Waxaa i soo gaartay in dhanbaalsidehaagii ay xumeeyayn Jaamac Siyaad (Dhulbahante), taana dawladdaa ku ciqaabi doonta. Laakiin, waxaan jacelahay inaan ku xusuusiyo ragga ku kacay waxaa inay yahiin kuwaad dabka iyo geela siisay markay kuu yimaadayn. Sidaa daraadeeda, adiga afay kugula hadlaan, dawladdana af kale oo ka duwan.

Sidaa iyo salaam
H. E. S. Coedeaux


W. laga soo qaaday: Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (1895 – 1921) ee Aw Jaamac Cumar Ciise
W. soo saaray: Akademiyaha Dhaqanka ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare; Muqdisho – 1976.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...