domingo, 1 de abril de 2012

Hurdobax


Maanan karo seexasho kalkuu Judd ila joogin. Waxaan aalaa sariirtaya, anoo dhinaceeda kale ka dareensan baaxadda balaaran ee maran. Waxaan calaacashay la dul gaaraa go’a qabaw si aan u dul mariyo meeshay ahayd in kulkiisu yaalo. Waxaan barkintiisa la gaaraa oo kula nabaa wajigay, oon isaga ka ursadaa foodariga.

Saacaddiisa toosisadaa yeerta subax kasta, iyadoo iga keenaysa taah iyo sariirta iska soo jiidid si aan ugu wareegsado dhinaca kale oo u damiyo. Laakiin maan u damin karo si abad ah. Ilaa iyo intay la yeerayso subax kasta, inuu soo naqonayo inay la macne tahay, baan u maleeyaa. Xataa kalkii xiliga hore ama dib u dhigga saacadda la gaaro, waxaan u dhaafaa sideeda. Waxay ku sacodtaa koronto, marka haddaynan korontadu tagin, way iska sii yeeri doontaa subax kasta.

Maalin uun dibuu iigu soo naqon doonaa. Wuu qosli doonaa oo dhahi doonaa, “Wali waad haysadtaa toosisadaas gabawday?” Waxaynuna wadajir kula tuuri doonnaa bacda qashinka. Waxaynu wada sameeyn doonnaa galmo.

Kadibaan seexan kari doonaa.

Sleepless

I can’t sleep when Judd isn’t here. I lie in our bed, feeling the broad empty space beside me. I reach over to pass my palm over the cool sheet where his warmth should be. I reach for his pillow and press it to my face and smell him on the pillowcase.

His alarm clock goes off each morning, making me sigh and drag myself out of bed to go around and turn it off. But I can’t turn it off for good. As long as it goes off every morning, I think, it will mean he is coming back. Even when the time change happens, I just leave it the way it is. It’s electrical so unless the power goes off it will just keep going off every morning.

Someday he will come back to me. He will laugh and say, “You still have that old alarm clock?” And we will throw it in the trash together. We will make love.

Then I will be able to sleep.

Qore:  Tom Forrest
Dal: Maraykan (Birmingham, Alabama)
Sheeko: gaaban
Tarjamay: Samantar Maxamad Siciid
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...